Yamayska Tv

Yamayska Tv Hoyga Wararka, Wareysiyada & Warbixinadii ugu dambeeyay ee gudaha & dibadda.

Mareykanka oo Puntland ugu hambalyeeyay Doorashadda qof iyo codka ahayd ee lagusoo doortay Golayaasha deegaanka 3 degmo ...
28/07/2024

Mareykanka oo Puntland ugu hambalyeeyay Doorashadda qof iyo codka ahayd ee lagusoo doortay Golayaasha deegaanka 3 degmo oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Dawladda Mareykanka ayaa boggaadisay in shacabka Puntland ay helaan xaqooda codeynta, waxayna doorashooyinkaas ku dhacay hannaanka dimuqraadiyadeed ku sheegeen kuwa kudayasho mudan.

08/11/2023

Toos Ciyaarta Somalia Vs Zanzibar

05/11/2023

Qeybta 2aad Toos Ciyaarta : TANZANIA VS SOMALIA

05/11/2023

Toos: Ciyaarta Soomaliya Vs Tanzania

WAR - SAXAAFADEEDGaroowe: 01 November 2023: Geeddi socodka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland waa mustaqbalka ho...
02/11/2023

WAR - SAXAAFADEED

Garoowe: 01 November 2023: Geeddi socodka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland waa mustaqbalka horumarka dowladnimo, amni iyo mid bulsho, Dadka reer Puntlandna ku taamayeen muddo rubuc qarni ah.

Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay ka mira dhaliyeen rajadii dimuqraadiyadda Puntland iyada oo doorasho hal qof iyo hal cod ah lagu soo doortay Goleyaasha Deegaanka ee 33 Degmo. Dadka Reer Puntland ayaa sidoo kale hamuun u qaba, una diyaar garoobaya in ay codkooda ku doortaan Golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka xiliga ay Guddiga Doorashadu u asteeyeen qabsoomidda doorashada.

Waxaa Dalku yeeshay Xisbiyo Siyaasadeed oo Bulshada ku matala go'aanada masiiriga ah ee ka arriminta siyaasadda doorashooyinka, waxaa kale oo Puntland leedahay hay'ado dowli ah sida Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka (PEC) oo u xilsaaran qabsoomidda doorashada, Maxk**adda Dastuuriga ah iyo Goleyaasha Dowladda.

PEC waxaa ay diyaarisay dhammaan aasaasiyaadkii doorashooyinka iyada oo wadatashi kala sameysay xisbiyada iyo Golaha xukuumadda oo caawa ansixiyey wax ka badelka Xeerarka muhiimka u ah qabsoomidda doorashada, kuwaas dhaqso loogu gudbin doono Golaha wakiilada.

Haddaba, Dowladda Puntland iyada oo ixtiraamaysa kala ra’yi duwanaanta iyo doodaha ku saleysan hannaanka dimuqraadiga ah, waxaa ka go'an in ay dhageysato talooyinka u hiilinaya horumarka iyo ka mira dhalinta hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka loo madlan yahay ee hal qof iyo hal cod.

Waxaan ugu dambeyntii ugu baaqaynaa dadka Reer Puntland in ay illaashadaan midnimadooda, dowladnimadooda, una midoobaan qabsoomidda doorashooyinka si Puntland horseed ugu noqoto Soomaali nabad ah, dimuqraadi ah, kuna dhisan hannaanka Federaalka ah.

29/10/2023

Ruushka iyo arin layaab leh oo ka dhacday.

22/10/2023

Carabta yaa ugu geesinimo badan yaase ugu nijaasaysan.

Lawadaag Asxaabtaada.

21/10/2023

Dowlada Soomaliya oo ku dhawaaqday Xilliga Soomaliya laga wada cafin doono deynta

20/10/2023

Shacabka Muqdisho iyo garab istaaga Falastiin

20/10/2023

''DFS waxaan ugu baaqaynaa inay Mareykanka kasaaraan dalkeena'' Sh Maxamuud Suuleey.

19/10/2023

"Waxaa jirto Soomaali badan oo lacag ay siiyaan Gaalo si ay ..."

18/10/2023

Cabsida ay qabaan Israiil(YH) Maxay tahay ?

Lawadaag asxaabtaada.

Deg-Deg: Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa cambaareysay duqeynta ay israa'iiliyiintu ka fuliyeen Isbitaalka Al-Ahli e...
18/10/2023

Deg-Deg: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay duqeynta ay israa'iiliyiintu ka fuliyeen Isbitaalka Al-Ahli ee Qasa, kaas oo ku dhinteen dad rayid ah oo caruur u badan.

“Walaalaheena Carbeedow, waxaa na haysta dhibaato xagga kafan la’aanta ah, noo soo dira kafmo, jidhadhkayaga googo’ayan ...
17/10/2023

“Walaalaheena Carbeedow, waxaa na haysta dhibaato xagga kafan la’aanta ah, noo soo dira kafmo, jidhadhkayaga googo’ayan nala astur.”fariin katimid falastiin kuna socota Carabta iyo Islaamka.

17/10/2023

Muuqaal Kooban: Dadweyne badan oo kasoo qeyb galay aaskii maanta ee agaasimihii Somali Cable Tv AUN Cabdifataax Qeys.

17/10/2023

Toos Ciyaarta :Somalia Vs Sierra leone.

Madaxweynaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Aw-Cali (Firdhiye) ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Ciidanka Asluubt...
17/10/2023

Madaxweynaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Aw-Cali (Firdhiye) ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dawladda Federaalka Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaliyeed.

Allaha u naxariisto Cabdifitaax Macalin Nuur Qeys oo ahaa Agaasimihii TV-ga Somali Cable ayaa la sheegay inuu ka mid noq...
16/10/2023

Allaha u naxariisto Cabdifitaax Macalin Nuur Qeys oo ahaa Agaasimihii TV-ga Somali Cable ayaa la sheegay inuu ka mid noqday dadka ku geeriyooday qaraxii caawa ka dhacay Agagaarka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayadda Blue sky oo u dhow bar kaantarool oo ka mid ah goobaha laga illaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa waxaa geystay qof iskusoo xiray walxaha qarxa.

15/10/2023

Fanaanka weyn Big Moha oo ay caawa dad badan isugu soobexeen goob uu hees kuqaadayay.

Lawadaag asxaabtaada.

15/10/2023

Madaafiic ayaa lala dhacayaa hadane afkooda k**a daalo xuska alle ,سبحان الله والحمد لله 🤲.

Lawadaag asxaabtaada Muuqaalkaan.

15/10/2023

Marwalba iyo xaalad walba hailaawin inaa dhahdo الحمد لله.

Muqdisho, 15 Oktoobar 2023--Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ...
15/10/2023

Muqdisho, 15 Oktoobar 2023--Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, si uu dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid ahna loo baahan yahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii h**e.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shirka heerka farsamo ee Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Maareeyeyaasha Hey’adaha ee ku saabsan aqoon-is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ay laf-dhabar u yihiin agaasimeyaasha guud dhaqan gelinta geeddigaas dowladnimada casriga ah ee uu dalku u jiheystay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, ayaa hoosta ka xariiqay in dalka ay ka dhici doonaan isbeddello waaweyn oo ay ugu horreeyaan ciribtirka Khawaarijta, deyn cafinta, dhammeystirka dastuurka iyo bixitaanka ATMIS.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda qalanjebinta dufcad...
15/10/2023

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda qalanjebinta dufcada 11-aad ee Jaamacada Bariga Africa Boosaaso, oo tiradoodu ka badantahay 200 oo arday.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Maamulka Jaamacada Bariga Africa iyo Ardayda maanta qalinjebisay, wuxuuna muujiyey muhiimada ay dowladu siisay in lasoo saaro jiil waxbartay oo anfaca diintooda, dadkooda iyo dalkooda.

14/10/2023

"14 October lama dilin qof kastoo Soomaaliyeed ee waxaa ladilay bini'aadamka oo idil"Madaxweyne Xasan Sh.

14/10/2023

Toos: Qeybta labaad Ciyaarta Somalia Vs Niger

Garoowe: October 14, 2023: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta...
14/10/2023

Garoowe: October 14, 2023: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Hay'adda Foreensik-Sayniska Puntland.

Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay maamulka xarunta, taas oo ku saabsan waxqabadkoodii muddadii la soo dhaafay, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha u degsan, iyadoo Hay’addu ay ka shaqeyso baarista cilmiyeed ee dembiyada.

Ugu dambeyntii, Guddiga ayaa hay'adda uga mahadceliyey shaqada baaxadda leh ee ay u hayaan shacabka reer Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed.

14/10/2023

''Kuwii Salaada natujinaayay imaamyada intaas oo sano noo ahaa ayaa layiri towxiidka ayaa hada laidiin qabanaa''Gudoomiye Madaale

13/10/2023

Toos: Madaxweynaha Puntland oo u jawaabaya Mucaaradka.

13/10/2023

"Puntland Ciyaarta halaga daayo waxaa ii muuqata in lagu ciyaarayo.."

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Xam...
13/10/2023

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Xamse Cabdi Barre ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka hoggaamiyaha SSC Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada SSC Khaatuma ka dhageystay Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, Isagoo la wadaagay Madaxda heer Federaal aragtida, hiigsiga dadka deegaannadaas iyo caqabadaha nololeed ee ka dhasahy dagaalka.

Adresse

Kurfürstenstraße
Berlin
10787

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Yamayska Tv erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Yamayska Tv senden:

Videos

Teilen

Medienfirmen in der Nähe


Andere Medien- und Nachrichtenunternehmen in Berlin

Alles Anzeigen