08/05/2024
*Waayaha Nolosha*
*8 Waxyaabood Oo Gabadhu Samayso Marka Ay Si Dhab Ah Kuu Jeceshahay Oo Kaliya*
1. Waxay kugu dhiirigalisaa inaad riyooyinkaaga gaarto: Waxay rabtaa inaad guuleysato oo farxad hesho, sidaa darteed mar kasta waxay kugu dhiirigelinaysaa inaad hadafyadaada raacdo.
2. Way kula joogtaa xilliyada adag: Xilliyada niyad-jabka ah, waxay kula joogtaa oo kugu dhiirigalisaa, iyadoo kaa caawinaysa inaad qiimahaaga aragto oo aad dib u istaagto.
3. Kuguma qaadanayso wax fudud: Waxay ku tusaysaa jacaylkeeda dhabta ah iyadoo qadarinaysa wax kasta oo aad u qabato, mana iloobayso inay ku mahadceliso, xitaa waxyaabaha yaryar.
4. Way kuu naxariisataa: Iyada oo aan loo eegin inta jeer ee aad khaldanto, waxay sii wadaa inay kuu muujiso naxariis iyo faham.
5. Xusuusta maalmaha muhiimka ah: Waxay xusuusnaataa maalmaha muhiimka ah sida dhalashadaada iyo sanadguurada, iyadoo mar kasta ku dadaaleysa inay ka dhigto maalmo xusuus mudan.
6. Kula qeybsataa xiisahaaga: Waxay xiiseyneysaa waxyaabaha aad jeceshahay oo dhan, xitaa haddii ay iyadu aanay si gaar ah u jeclayn waxay kuu muujisaa qadarin si aad isugu soo dhawaataan
7. Waxay ku aqbashaa sida aad tahay: Ma isku daydo inay beddesho cidda aad tahay, balse waxay ku aqbashaa adiga oo dhan, iyadoo ixtiraameysa shakhsiyaddaada, adigoo kaliya ayaa muhiim u ah
8. Difaac adag: Haddii qof ku dhaleeceeyo ama ku weeraro, waxay kuu noqotaa difaac adag, iyadoo mar kasta dadka wax kaa sheegaya si adag ugu jawaabta xita adigoo ogayn ayay ku difaacdaa
𝘿𝙧 𝙒𝙖𝙖𝙝𝙞𝙣 𝙎𝙖𝙗𝙧𝙞𝙮𝙚
Qodobkee Aad Kusoo Jiitay?