15/10/2023
FAA’IDOOYINKA BIYAHA
SIDII cadadeenu ahayd waxa aan isku dayi doonaa inan wax ka nidhaah biyaha iyo faa’iidoyinkooda oo ibna aadamka qiimo wayn ugu fadhiya
malinkii waxa loo baahan yahay inay Ragu cabaab xadi 3 litter oo biya oo udhiganta 13 koobo biyaa
Dumarkan waxa loo ga baahan yahay 2.5 litter oo udhiganta 9 koobo biyaaa malinkii
Biyuhu waxa ay ka hortagaan calool istaaga iyo calool xanuunka
Waxa aanay dheefshidka ka dhigaan mid cafimaad qaba oo shaqadiisa toos uguta
Biyuhu waxa ay dheeli tiraan dheecanada jidhka ku jira
Dheecanada ugu mihiimsan ee biyaha laga sameeya waxa ka qayb qataan wareega dhiga, dheefshiidka, sameenta candhuufta, xanbaarida booratiinka si jidhka loo gaadhsiyo
Waxa kale oo ay ka qayb qataan kantaroolka jidhka
Inay nadiifiyaan dhef shiidka iyo xubnaha jidhkoo dhan
Biyuhu waxa kale oo ay ubaxaan kaadi, dhidid iyo saxaro
Waxa kale oo ay dhisaan biyuhu muruqyada oo waa muhim inay unugyada murqahagu helaan biyo ku filan si ay udhismaan
Biyuhu waxa aay aad u caawiyaan shaqada kalyaha oo waxay jidhka kasaaran wasakhda ayagoo geeya kalyaha waxa aanay ka shaqaysiyaan
Qaybaha kala duwan ee kalyaha
In uu qofku biyo badan cabaa waxa ay ufiicantahay jidhkiisa oo waxa ay ka difaacaysaa kor qalalka oo akhirkii ku dhamaada inuu jidhku jeex jex yeesho ama uu laab laabmo
Dhibaatooyinka ka dhalankra biyo la’anta
1- tamar la’aan baahsan oo qofka ku timaada guud ahaan jidhkiisa
2-qofka oo ay lasoo daristo calool xidhan iyo calool xanuun
3- qofka waxa kale oo ku iman kara cudurada ku dhaca kalyaha iyo kaadi mareenka
4-qofka oon qadan biyo ku filan waxa uu noqdaa haragiisu qalayl dabadeena waa uu jajabaa kabacdi qofka oon da’a gaadhin buu duudub maa
5-waxa kale oo leedahay biyo yaraantu af’ur ama ur ka timaada caloosha .
GADHSII AKHYAARTAADA