Codka Suudi TV

Codka Suudi TV Politics , human rights and reseach

21/12/2024

Xukuumadda Somaliland oo sharci darro ku tilmaamtay doorashadii Maayirka Gabiley.

Guddoomiyihii h**e ee hay'adda Barakacayaasha Cabdikariin Xinif
21/12/2024

Guddoomiyihii h**e ee hay'adda Barakacayaasha Cabdikariin Xinif

Golaha Wasiirrada oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ...
19/12/2024

Golaha Wasiirrada oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa galabta 2:00-dii duhurnimo ka furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Waxa xusid mudan in Shirka Golaha Wasiirradda loo bedelay gelinka dambe (2:00 pm ilaa 5:00pm), taasi oo ay macnaheedu tahay in Wasiiradu ay gelinka h**e ummadda u shaqeeyaan, gelinka dambena ay ka soo qayb galaan Shirka. Aayado Qur’aan ah ka dib, Madaxweynuhu wuxuu dib-u-milicsi ku sameeyey arrimihii lagu balamay fadhigii 1aad iyo waxa kafulay. Intaa kadib,

Madaxweynuhu wuxuu Wasiirrada ka dalbaday in ay mid mid uga war bixiyaan qaabka ay ula wareegeen Wasaaradaha. Dhammaan Wasiiradu waxay sheegeen in muddadii loo qabtay ay kula wareegeen Wasaaradaha, marka laga reebo Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Jamhuuriyadda Somaliland, (oo h**e loo odhan jiray Hay'adda, Qoxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha).

Ugu horayn, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, oo golaha la wadaagay xaaladda dhaqaale ee dalka iyo dardargelinta dakhli ururinta Qaranka, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa isna Golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee shaqaaqooyinkii magaalada Ceerigaabo dhexdeeda ka dhacay. Wasiirku waxa uu sheegay in guud ahanba uu dalku yahay amaan, laakiinse loo baahan yahay taxadir iyo feejignaan.

Sidoo kale waxa isna Amniga Gudaha ka war bixiyey Wasiirka Amniga Gudaha oo sheegay in guud ahaanba dalku uu nabad yahay, laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay in Difaaca Dalka Jamhuuriyadda Somaliland yahay waajib Qaran.
Dhinaca kale, Garyaqaanka Guud ee Qaranka ayaa Golaha Wasiirrada u faah-faahiyey Xeer Lr.71/2015 oo khuseeya Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeer Nidaamka kala xadaynta Xukuumadda iyo Hay'adaha Madaxa-banaan, taasoo ay Goluhu ka yeesheen dood dheer.

Intaa ka dib, waxa Golaha si kooban ula hadlay Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlay Hawlaha Hortabinta leh 100 maalmood ee u h**eeya Muddo Xileedka Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

Ugu Danbayntii Madaxweynuhu waxa uu Golaha la wadaagay in isaga iyo ku xigeenkiisaba loo dhaariyey in ay difaacaan dalka, dadka iyo diintaba. Madaxweynuhu wuxuu Golaha u sheegay in Xukuumadiisu ay mudnaanta 1aad siinayso wada hadal, nabad iyo walaalnimo ay ku wada noolaadaan dhammaan bulshada Somaliland; balse in ay Xukuumaddiisa ka go'an tahay Difaaca Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, goor kasta iyo goob kasta.

Dhismaha Madaxtooyo Cusub.
19/12/2024

Dhismaha Madaxtooyo Cusub.

19/12/2024

"Dhulbahantoow sow nabadi maydun diidin Dagaal aynu isku shuf beelno ayaa Idiin balan qaadaya........." Boqor Buurmadow ,

19/12/2024

"Aniga Cidba ima Raadiso..." Maayir Mooge

Axmed Dool

War Cusub : Waxaa la saadaalinayaa in dalka Mareykanka uu aqoonsn doono Somaliland bilooyinka soo socda . Iyadoo ay soco...
18/12/2024

War Cusub : Waxaa la saadaalinayaa in dalka Mareykanka uu aqoonsn doono Somaliland bilooyinka soo socda . Iyadoo ay socoto dadaalo ay wadaan xildhibaano Congresska ka tirsan.

Booliska Waddanka Thiland ayaa xabsiga dhigay Bisadaan oo xaday Kalluun waxaana duubtay xilliga ay Kalluunka xadaysay CC...
18/12/2024

Booliska Waddanka Thiland ayaa xabsiga dhigay Bisadaan oo xaday Kalluun waxaana duubtay xilliga ay Kalluunka xadaysay CCTV.

DEG-DEG: Guriga ay lahaayeen qowska Ugaaska guud ee beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi ayaa m...
18/12/2024

DEG-DEG: Guriga ay lahaayeen qowska Ugaaska guud ee beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi ayaa magaalada Jigjiga saaka lagu weeraray, waxaana xabsiga loo taxaabay gabdho ay walaalo yihiin oo qaarkood dhaawacyo la gaadhsiiyey, carruur iyo dad kale oo waayeel ah oo guriga joogay.

Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi ayaa ka maqnaa guriga waqtiga la weeraray.

Waraysi uu Ugaas Cabdirashiid siiyey Karamara TV oo wuxuu ku faahfaayey dulmiga iyo dhibaatada ku dhacday isaga iyo qoyskiisa.

Xigasho KaramaraTV.

Wasiir Saajin .
17/12/2024

Wasiir Saajin .

16/12/2024

DEG DEG “ Muuse Biixi Aakhira Un Ayaanu Ku Kala -hadhiyna …” Wasiir Buuni

Munaasibada Xil-Wareejinta Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Dastuurka iyo Wasiirkii h**e ee Wasaaraddaasi.
16/12/2024

Munaasibada Xil-Wareejinta Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Dastuurka iyo Wasiirkii h**e ee Wasaaraddaasi.

Ex Gudoomiye Cabdikariin Xinif oo u jawaabay Garyaqaan Guuleed Dafac“Hay'adda qaxoontigu kuma aas-aasna Xeer LR 103/2023...
15/12/2024

Ex Gudoomiye Cabdikariin Xinif oo u jawaabay Garyaqaan Guuleed Dafac

“Hay'adda qaxoontigu kuma aas-aasna Xeer LR 103/2023.
Xeerkaas waxa la yidhaahdaa (Xeerka qaxoontiga iyo magangalyo doonka Jamhuuriyada Somaliland xeer LR 103/2023.

Waana xeer sheegaya sida loola dhaqmayo dadka Qaxoontiga iyo magamgelyo doonka ah ee Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u oggolaatay inay waddanka ugu noolaan karaan si nabadgelyo ah.

Hay'adda waxaa lagu aasaasay xeer Madaxweyne Januaray sannadkii 2018.

Magaranayo garyaqaanku xeerka uu arkay ee lagu aasaasay Hay'adda,
Haddaanu ka dhex fahmin in xeerka meelo door ah oo gudihiisa ah lagu xusay magaca Hay'adda.

Garyaqaanku ha ina fahamsiiyo qodobkaa waxa uu uga jeedo.
Ma jiro xeer hab jiritaanka iyo maamulka hay'adda loo sameeyey oo aan ahayn kaa madaxweynaha ee aan kor ku soo sheegay.”

Wasiirka Gadiidka iyo Jidadka.
14/12/2024

Wasiirka Gadiidka iyo Jidadka.

Mukhtar Haji Muhumed Farah wasiir ku xigeenka beeraha
14/12/2024

Mukhtar Haji Muhumed Farah wasiir ku xigeenka beeraha

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa faray muddo saddex cisho gudahood ah inay xilalka ku wareejiyan wasiirad...
14/12/2024

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa faray muddo saddex cisho gudahood ah inay xilalka ku wareejiyan wasiirada Xukuumadii h**e kuna wareejinayan masuuliyinta cusub ee loo magacaabay.

Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga calamiga abdirahman dahir adan bakaal .Habar cafaan/jibraacin
14/12/2024

Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga calamiga abdirahman dahir adan bakaal .
Habar cafaan/jibraacin

Wasiirka Dib-udejinta.
14/12/2024

Wasiirka Dib-udejinta.

Adresse

Geneva

Telefon

+252634538981

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Codka Suudi TV erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Teilen

Kategorie