Somali Swiss Tv

Somali Swiss Tv Somswisstv

Asc wr wb Ciid wanaagsan :- Anigoo ku hadlaya magaca gudiga qaban qaabada Salaada Ciida ee Magaalada   waxaan la wadaaga...
09/04/2024

Asc wr wb Ciid wanaagsan :- Anigoo ku hadlaya magaca gudiga qaban qaabada Salaada Ciida ee Magaalada waxaan la wadaagayaa dhamaan Muslimiinta ah gaar ahaan Soomaalida tilmaamahan soo socda.

1. Salaada waxaa lagu tukan doonaa Saalada weyn Gemeinschaftszentrum Chleehus
Mädergutstrasse 5
3018 Bern

2. waxaa la kala tukan doonaa 2 mar Salaada 1aad waxaa la tukan doonaa 07.00 subaxnimo Salaada labaad ne 08.30 subaxnimo

3. sidoo kale Dumarka waxaa loo diyaariyay meel ay ku tukadaan.

Hadii aadan gaari wadan waxaa soo qaadan kartaa Tram Nr 7 waxaadna kaga dagi kartaa boosteejada Bümpliz, Bachmätteli.

Nin 32 jir ah oo u dhashay Wadanka Iiraan ayaa xalay 15 qof ku dhex afduubtay Tareenka Gobolla Waadt ee Wadanka Switzerl...
09/02/2024

Nin 32 jir ah oo u dhashay Wadanka Iiraan ayaa xalay 15 qof ku dhex afduubtay Tareenka Gobolla Waadt ee Wadanka Switzerland.

Ninkan oo sida la sheegay ahaa magangalyo doon aya ku hubeysnaa Faas iyo Mindi.

Howlgal socday mudo 4 saacadood oo ay qaadeen Ciidanka amaanka ayaa waxa ay ku guuleysteen in ay dilaan afduubihii reer Iiraan isla markaan waxa ay soo bad baadiyeen dadkii uu afduubka u heystay.

28/01/2024

Muuqaal Dhameystiran:- Jaaliyadda Awdal Salal iyo Gabiley ee Switzerland oo ka soo horjeestay heshiiskii Badda

21/01/2024

1500 Darwal oo Taxi ku wadi jiray Zürich oo shaqo la aan noqday.

27/12/2023

Xaflad Lagu taageerayo Musharax Madaxweynaha Puntland Abshir Cumar Huruuse oo Switzerland lagu qabtay.

18/12/2023

Xaflada Taageerada Maamul Goboleedka Khaatumo Switzerland Geneva 2023

18/12/2023

Xaflada Khaatumo State ee Switzerland iyo Dareenka Fanaaniintii ka soo qeyb galay!

14/12/2023

Labada Aqal ee Baarlamaanka Switzerland oo Maanta doortay Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Chancelor-ka cusub ee Switzerland.

09/12/2023

Sharci cusub oo saameyn doono wadaayaasha Taxi-yada iyo uberka oo ka dhaqan galaya Gobolka Zürich!

09/12/2023

Qaxooti tiro badan oo ka gudbay xuduudka Estonia iyo Ruushka

04/07/2023

Xaflad lagu maamusayay 63guuradii ka soo wareegatay Maalinta Xoriyada ee 1-da Luulyo ayaa lagu qabtay Magaalada St Gallen ee Wadanka Switzerland.

04/07/2023

Koob Lagu Maamuusayay Munaasabada 1-da Luulyo ayaa lagu qabtay Zürich Switzerland.

01/05/2023

Yuusuf Kulmiye ayaa noqday soomaaligii ugu h**eeyay ee ka mid noqda golaha deegaanka magaalada Lausanna ee Wadanka Switzerland-

Wareysiga waxaa qaaday Cabdiqani Cali Dalmar

Hambalyo Abdi Salam Ali, oo Soomaali ah ayaa ku guuleystay Orodka Zürich Marathon.Abdi Salam oo kaalinta 1aad galay ayaa...
27/04/2023

Hambalyo Abdi Salam Ali, oo Soomaali ah ayaa ku guuleystay Orodka Zürich Marathon.

Abdi Salam oo kaalinta 1aad galay ayaa ku Orday 29 daqiiqo iyo 49 ilbiriqsi.

Bahda Somali Swiss Tv Abdi Salam waxa ay leeyihiin Hambalyo.

23/04/2023

DAAWO:- 8 Sharci oo Switzerland ay bixiso iyo dadka ay siiyo Hoos Ka daawo (Soomaalida Sharcigee La siiyaa ?)

Diyaarintii iyo Tebintii Cabdiqani Cali Dalmar

Maxk**ada sare ee Gobolka Bern ayaa go'aamisay in Switzerland laga masaafuriyo orodyahanka reer Ithoopiya Mekonen Tefera...
13/04/2023

Maxk**ada sare ee Gobolka Bern ayaa go'aamisay in Switzerland laga masaafuriyo orodyahanka reer Ithoopiya Mekonen Tefera.

Tefere oo 31 jir ah ayaa lagu celin doonaa dalkiisa Hooyo ee Ithoopiya markii lagu helay qiyaano.

Ciyaaryahankan oo Switzerland ku noolaa mudo 10 sano ah balse aan heysan wax sharci ah wuxuuna ku noolaa lacagta taageerada ah ee la siiyo dadka aan waxba heysan ee ceyrta.

Waxaa lagu helay in uu qarsaday lacago badan oo uu abaal marin ku helay.

Sanadkii 2020-ka ayaa Ciidanka Booliska waxa ay qabteen orodyahan Mekonen Tefera oo shandad ama boorso ku wato lacag dhan (50.000) oo u dhiganta 50.000 oo doolar.

Melonen waxa uu ku doodayaa in xukunka lagu riday uu qalad yahay isla markaana lacagtaasi uu doonayay in uu caruurtiisa Makhaayas ugu furto.

Xusuusin:- Hadii ay jirto lacago ku soo galo oo aan sifaha sharciga ah soo marin fadlan dowladda la socodsii ama waaxda canshuuraha hadii aad qarsato waxaa laga yaaba in maalin ay dhib ku keento ama Switzerland lagaa masaafuriyo.

Qore:- Dalmar

01/04/2023

Maxk**adda Federaalka ee Maamulka Switzerland oo fadhigeeda yahay magaalada St. Gallen ayaa amartay in dowladda Switzerland ay u fasaxantahay in ay bilowdo dib u celinta qaxootiga leh faraha wadanka Croatia.

Roobab iyo Dabeylo xoogan oo Galabta jimcaha ah  ku dhuftay Gobolka Bern ayaa sababay in 30 daqiiqo gudahood  ay rogmada...
01/04/2023

Roobab iyo Dabeylo xoogan oo Galabta jimcaha ah ku dhuftay Gobolka Bern ayaa sababay in 30 daqiiqo gudahood ay rogmadaan ama qalibmaan labo tareen oo ay dad saaranyihiin.

Midka h**e ayaa waxa uu ku rogmaday degmada Lüscherz halka kan kale uu isna ku rogmaday deegaanka Büren zum Hof.

Ciidanka Booliska Gobolka Bern ayaa xaqiijiyay mashaqadan ay dhacday iyo in labada tareen ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 15 qof .

Labada tareen mid ka mid ah waxaa iska leh shirkadda caanka ee RBS ee tareemadeedu ka shaqeyaan Gobolada Bern iyo Solothurn.

Qore :-Dalmar

25/03/2023

800 qof oo Muhaajiriin African ah oo ay Soomaali ku jirto ayaa laga soo badbaadiyay xeebaha Wadanka Talyaaniga.

11/02/2023

Dowladda Switzerland oo soo saartay Passpor iyo Kaarka aqoonsiga shaqsiga oo cusub.

HOOS KA DAAWO.

Qoys ayaa dacwad ka gudbiyay Booliska Bern gaar ahaan kuwa degmada schwarzenburg.Qoyskan ayaa ku doodayo in Booliska ay ...
28/12/2022

Qoys ayaa dacwad ka gudbiyay Booliska Bern gaar ahaan kuwa degmada schwarzenburg.

Qoyskan ayaa ku doodayo in Booliska ay gaarigooda ka dhigteed Parkinka loogu tala galay Qoysaska ee Dukaanka Iibka ee Coop-ka loo yaqaan.

Aabaha qoyskan oo 46 jir ah oo aad u careysan ayaa ku eedeeyay Booliska in ay ka buuxiyeen meeshii ay gaariga dhigan lahaayeen.

Janaayo 1, 2023, Wadanka Croatia waxay noqon doontaa dalka 27aad ee aagga Schengen. Laga bilaabo maalinta Isniinta 1.1.2...
26/12/2022

Janaayo 1, 2023, Wadanka Croatia waxay noqon doontaa dalka 27aad ee aagga Schengen.

Laga bilaabo maalinta Isniinta 1.1.2023 dhamaan waxaa la baabiyanayaa hubinta xuduudaha iyo kastamka xudduudaha u dhexeeya Croatia iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah Schengen ee dadka uga gudbaya xuduudaha hadii ay ku safrayaan bariga ama badd.

Balse baarista kuwa ku safraya diyaaraddaha waxa ay istaagi doontaa laga bilaabo Maarso 26, 2023, sababtoo ah waxyaabaha gaarka ah ee shaqada iyo jadwalka Ururka Gaadiidka Cirka ee Caalamiga ah (IATA).

Sidoo kale Croatia ayaa waxa ay ka guuri doontaa lacagteeda KUNA waxeyna isticmaalo doontaa Lacagta Yurub ee Euro.

Croatia ayaa tan iyo sanadkii 2013-ka waxa ay ka tirsaned Dowladaha Midowga Yurub, balse k**a mid eheen Aaga Xuduudaha furan ee Shengen-ka.

Wiil Soomaaliyeed oo daganaa Gobolka Bern ah ayaa ku dhintay gudaha qolkiisa ee xabsiga Magaalada Burgdorf.Ilaalada xabs...
15/12/2022

Wiil Soomaaliyeed oo daganaa Gobolka Bern ah ayaa ku dhintay gudaha qolkiisa ee xabsiga Magaalada Burgdorf.

Ilaalada xabsiga ayaa sheegay wiilkan Soomaaliyeed oo 29 jir ahaa in subaxnimadii talaada abaaro 7:00 subaxnimo ay meydkiisa ka heleen gudaha qolkiisa.

Baadhitaanno uu sameeyay xafiiska xeer ilaalinta guud ee gobolka Emmental-Oberaargau iyo Booliska Bern ayaan daaha ka qaadin wax caddaynaya oo muujinayo in uu gacan kale sababsaday ama in uu is isaga dilay.

Balse waxa ay sheegeen in ay jirtay dhibaato caafimaad oo laga yaabo in uu sababsaday.

Soomaali badan oo u badan dhalinyaro ayaa ku xiran xabsiyada kala duwan ee Switzerland.

26/11/2022

Simonetta Sommaruga iyo Ueli Maurer oo ah Labo Siyaasi oo ka tiransan Golaha sare ee Federaalka Switzerland ayaa ku dhawaaqay in ay xilka isla casileen.

20/11/2022

DAAWO MUUQAAL:- Wax kasta oo ugu baahantahay in aad ka ogaato furitaanka Koobka Aduunka ee maanta.

Dhacdooyin cajiib ah ayaan kula wadaagi doonaan.

Waxaa diyaariyay Telefashinka Somali Swiss

Adresse

Bern
3000

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Somali Swiss Tv erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Videos

Teilen

Kategorie



Sie können auch mögen