12/28/2025
WAR DEGDEG AH – BOORAMA / AWDAL
Dhalinyarada magaalada Boorama ayaa loogu baaqay in aysan dhag iyo jalaq u siin hadallada ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Dr. Cabdirashiid, kuwaas oo lagu tilmaamay handadaad iyo cagajuglayn ka dhan ah shacabka.
Baaqan ayaa si gaar ah u adkaynaya in dhalinyaradu si miyir leh uga hor istaagaan in Boorama lagu taageero wax ay ku tilmaameen maamul aan sharciyad haysan, kaas oo lagu eedeeyay tacaddiyo iyo xasuuq h**e loogu geystay shacabka.
Qoraalka baaqa ayaa sidoo kale xusay in shacabka Boorama iyo guud ahaan Awdal aysan maanta kaligood ahayn, isla markaana ay garab taagan yihiin culimada Muslimiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee dhan.
Ujeeddada baaqan ayaa lagu sheegay mid ku salaysan wacyigelin, midnimo bulsho, iyo ka hortagga wax kasta oo halis gelin kara nabadda iyo karaamada shacabka Awdal