Waaruf TV

Waaruf TV Hoyga Wararka Sugaan
(7)

Kooxda dhaqanka Galbeedka Gobolka Sitti gaar ahaan magaalada Casbuli oo ka qayb galay munaasabadda xeerka Ciisaha.Waaruf...
01/27/2025

Kooxda dhaqanka Galbeedka Gobolka Sitti gaar ahaan magaalada Casbuli oo ka qayb galay munaasabadda xeerka Ciisaha.
Waaruf TV

01/27/2025

Mid ka mid ah ciyaaraha dhaqameedka lagu soo bandhigay garoonka kubadda cagta ee Diridhabe.
Waaruf TV

01/27/2025

Muuqaal:- Tamashlaayintii Dalbadagii Xeerka Ciisaha.
Waaruf TV

01/26/2025

Xeerka Ciisaha oo taalo loga dhagax dhigay Magaalada Diridhabe.

Xarunta cusub ee lagu kaydinayo xeerka Ciisaha waxaa lagu tilmaamay mid dhiirrigelin u noqon doonta midnimada iyo horumarinta aqoonta bulshada, gaar ahaan jiilka soo koraya oo fursad u heli doona in ay si qoto dheer u bartaan dhaqankooda. Waxay sidoo kale noqon doontaa goob muhiim ah oo soo jiidata cilmi-baarayaal iyo booqdayaal daneynaya taariikhda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed guud ahaan.

Taaladan oo laga dhagax dhigay nawaaxiga goobta lagu tukaado salaada ciida ayaa laga dhigisi doona xarun wayn oo lagu kaydiyo taariikhda iyo raadadka xeerka Ciisaha.
Ugaas Mustafe Maxammed Ibraahim,.duuqa Magaalada Diridhabe iyo hogaaminta DDS oo ug horeeyo madaxweynaha DDS mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay dhisamaha taalada xeerka Ciisaha.

Sideed u aragta adigu?

Bahda Warbaahinta ayaa booqasho iyo Salan sharafeed ug tagtay Aabaha beesha  Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays...
01/26/2025

Bahda Warbaahinta ayaa booqasho iyo Salan sharafeed ug tagtay Aabaha beesha Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays, ka dib shaqooyinka maamuska lahaa xeerka oo ay bahda Warbaahintu si weyn uga soo muuqatay.
Waaruf TV

01/26/2025

Xubno ka socday Dawladda Hoose ee magaalada Cali Sabixi ee dalka Jabuuti, oo shalay ka qayb galay munaasabaddii xeerka Ciisaha, ayaa saaka booqasho sharafeed iyo barasho ugu tegay Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays.
Waaruf TV

Xubno ka socday Dawladda Hoose ee magaalada Cali Sabixi ee dalka Jabuuti, oo shalay ka qayb galay munaasabaddii xeerka C...
01/26/2025

Xubno ka socday Dawladda Hoose ee magaalada Cali Sabixi ee dalka Jabuuti, oo shalay ka qayb galay munaasabaddii xeerka Ciisaha, ayaa saaka booqasho sharafeed iyo barasho ugu tegay Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays.

Waaruf TV

01/26/2025
Sawiro:- Garoonka kubadda cagta ee Diridhabe.
01/26/2025

Sawiro:- Garoonka kubadda cagta ee Diridhabe.

Sidaad ka warqabtan beel weyntu waxaay ayaa soo martay wakhtiyo adag oo ay la kulantay caqabado sida colaado, barakac, i...
01/26/2025

Sidaad ka warqabtan beel weyntu waxaay ayaa soo martay wakhtiyo adag oo ay la kulantay caqabado sida colaado, barakac, iyo abaaro saameyn ku yeeshay bulshada. Hase yeeshee, xaaladihii adkaa waa laga soo gudbay, waxaana hadda beesha lagu tilmaami karaa inay ku jirto marxaladdii ugu wanaagsaneyd ee nuus qarnigii la soo dhaafay, soo marta beesha iyadoo la gaadhay xasillooni, nabad, iyo midnimo.

Sanadka Nayruuska ayaa ku bilowday si nabda ah iyadoo bulshada ay isugu timid munaasabadaha wadajirka ah, oo ay ku muujiyeen farxad iyo isku duubni. Waana astaan cad oo ka turjumaysa horumarka beesha iyo awoodda ay u leedahay inay ka gudubto caqabadaha.

Alle ka sakow, mahad gaar ah waxaa leh Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays, oo ah hoggaamiyaha beesha. Ugaaska ayaa door muuqda ka qaatay xoojinta nabadda iyo midnimada, isagoo bulshada u horseeday wadajirka iyo horumarka. Waxaan alle uga baryaynaa inuu caafimaadka iyo cimri barakeyo. Aabaha beesha.

Marka mid la wada yahay ee meel mid ah loo wada socdo ayaa la gaadha guulo iyo barwaaqo.

Wadajirka maanta ka jira beesha waa guul weyn oo ka dhigan bilow cusub oo lagu dhisayo mustaqbal ka ifaya nabad iyo horumar.

Alle ayaa mahad leh, hala si xoojiyo midnimada iyo wada jirka.
Waaruf TV

01/26/2025

Subax Wanaagsan

01/25/2025

Muuqaalka Guud oo garoonka maanta.
Kumannaan shacab ahaa ay soo buux dhafiyay garoonka.
Waaruf TV

01/25/2025

Ugaaska Beesha Ciise Mustafe Maxamed "Waxaan dooneynaa hadda ka dib xeerka Bulshada Ciise in lagu dhigo Iskuulada iyo Jaamacadaha si uu u noqdo mid wada gaara Umadda Soomaaliyeed".
Waaruf TV

01/25/2025

Munaasabadda lagu maamuusayo diiwaangelinta xeerka Ciisaha ee hay’adda Unesco ayaa maanta lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee magaalada Diridhabe.
Waaruf TV

Warshada birta ee Toome oo ay ku bixi doonto 1.2 Bilyan oo Birr ayaa billowgeeda laga  dhagax-dhigay magaalada Shiniile....
01/25/2025

Warshada birta ee Toome oo ay ku bixi doonto 1.2 Bilyan oo Birr ayaa billowgeeda laga dhagax-dhigay magaalada Shiniile.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa dhagax-dhigay billowga dhismaha warshadani waxa uuna sheegay in uu yahay maal-gashi ballaadhan oo wax weyn kabadali doona dhismayaasha aynu dhisanayno ka deegaan ahaan tayadooda iyo qiimahooda labadaba.

Madaxweynaha ayaana boggaadiyay mulkiilaha dhisaya warshadan, waxa uuna xusay in ka xukuumad ahaan la garab istaagi doonaan taakulo walba oo loo baahanyahay. "Sidii hadda kahorba dhulkan loo siiyay ayaan taageero walba ula garab joogaynaa", ayuu yidhi Madaxwaynuhu.
Waaruf TV

Waxaa xadhiga laga jaray warshada Oxygen-ta ee Malayko oo gaar loo leeyahay, lagana hirgeliyay magaalada Shiniile.Madaxw...
01/25/2025

Waxaa xadhiga laga jaray warshada Oxygen-ta ee Malayko oo gaar loo leeyahay, lagana hirgeliyay magaalada Shiniile.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa xadhiga ka jaray warshadani oo ay ku baxday lacag dhan 137 Milyan oo Birr, maalintiina soo saari doonta 600 oo Slinder, uuna maal-geliyay Yaasiin Ciise oo kamid ah maalgashadayaasha Gobolka Sitti.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar oo ka hadlay munaasibadda xadhig jarka ayaa sheegay in gobolkani uu noqon doono xudunta warshadaha Deegaanka marka la fiiriyo tirrada warshadaha laga hirgaliyay.

Muddo yar gudaheed waa warshadii labaad ee xadhiga laga jaro magaalada Shiniile, halka isbaddelka kaddib laga hirgeliyay 14 warshadood gobolka Sitti, sida masuuliyiinta gobolku ay sheegeen.
Waaruf TV

  DEG:- Xeerka Ciisaha oo taalo loga dhagax dhigay Magaalada Diridhabe.Waaruf TV
01/25/2025

DEG:- Xeerka Ciisaha oo taalo loga dhagax dhigay Magaalada Diridhabe.
Waaruf TV

Hordhac Sawiro qaybo ka mid ah shacabkii ka qayb galay  munaasabadda xeerka Ciisaha ee garoonka kubadda cagta ee Diridha...
01/25/2025

Hordhac Sawiro qaybo ka mid ah shacabkii ka qayb galay munaasabadda xeerka Ciisaha ee garoonka kubadda cagta ee Diridhabe.
Waaruf TV

Address

Toronto, ON

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waaruf TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Waaruf TV:

Videos

Share