Abdullahi Hassan Abdullahi

Abdullahi Hassan Abdullahi Abdullahi Hassan Abdullahi waa falanqeeye siyaasadeed oo ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe.
(4)

06/13/2024

Markii ugu horreysay ee warbaahinta ka hadashay suurtagalnimada inuu Sacuudiga joojiyo heshiiskan cusboonaysiintiisa, waxay ahayd arrin xiiso leh. Ujeedadu waxay ahayd in Sacuudiga uu lacago kala duwan ugu iibiyo shidaalkiisa, sida lacagta Shiinaha RMB, Euros, Yen, iyo Yuan, halkii uu ku iibin lahaa doolarka Maraykanka. Intaa waxaa dheer, waxaa jiray suurtagalnimada in la isticmaalo lacagaha dhijitaalka ah sida Bitcoin.Si kastaba ha ahaatee, marka la eego xiriirka xooggan ee labada dal iyo sida uu Sacuudiga weli u doonayo inuu ballaariyo iskaashigiisa Mareykanka, gaar ahaan iyadoo dhawaan la filayo in labada dal ay saxiixaan heshiis cusub oo dhanka difaaca ah, waxaa jirta fursad weyn oo Sacuudiga uu dib ugu cusboonaysiin karo heshiiskiisa si shidaalkiisa kaliya doollar lagu iibiyo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira caqabado mustaqbalka soo bixi kara, sida suurtagalnimada in Shiinaha uu mustaqbalka diido inuu doollar wax ku iibsado. Inkastoo ay tani tahay caqabad macquul ah, ma aha arrin lagu degdegi karo inay dhacdo, waxaana adag in Shiinaha uu xilli dhow ka maarmo doolarka Mareykanka.

03/01/2024

Shirkada Diyaaradaha ee Dawladda Itoobiya ayaa kudhawaaqday in ay diyaaradahooda Qaarada Aasiya, ay joojiyeen isticmaalka Hawada Soomaaliya, iyagoo sheegay in aysan ammaan aheyn Hawadu Soomaaliya, maamulka Hawadana uu damaanad qaadi waayay badqabka, sidaas oo kalena falkii sababi gaaray isku dhaca labo duulimaad oo ay midood lahaayeen ayay sheegen in aysan Soomaaliya waxba ka qaban.

Mareeyaha guud ee Ethiopian Airlines Mesfin Tase ayaa warkan u sheegay BBC-da qeybta ENGLISH-ka, wuxuu sheegay in ay u wareegeen Hawada dalka Jabuuti oo ay bilaabeen isticmaalkooda.

DFS ayaa inkirtay dhacdada labo diyaaradood oo isku dhici gaaray oo ay qireen dalalkii lahaa diyaaradaha, taas oo dawladnimada Soomaaliya dhaawac ku ah.

In Itoobiya ku dhawaawdo in Hawada Soomaaliya amaan aheyn, haddana duulimaadyadeedu tagaan gudaha magaalooyinka Soomaaliya, ayaa ah arrin jawaab uga baahan dawladda Soomaaliya, oo u muuqata in ay xeerinayso wax aan la aqoonin.

03/01/2024

UPDATE: Wararkii u horreyay ayaa ka soo baxaya weerar qaraxyo ah oo kooxaha iska caabinta Qasa ay ku dumiyeen dhisme saldhig u ahaa ciidanka Israa’iil, iyadoo ugu yaraan 15 askari oo Israa’iil ah weerarka lagu dilay tiro intaa ka badana lagu dhaawacay.

Warbaahinta Israa’iil ayaa dhinaceeda ku warramaya in diyaaradaha qumaatiga u kaca ay si joogto ah dhaawacyo u gaynayaan isbitaallada saacadihii u dambeeyay.

02/17/2024

"Saaka wixii ka dhacay Addis Ababa, wasaaradda Arrimaha gudaha DFS ayaa go'aamo ka soo saartay"sidaas waxaa sheegay Hadal-hayeen u hadlay goor-dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha gudaha, sida ay go'aamo arrimo dibadeed u soo saarayso ma uusan sharaxin, Hadal-hayeenku & go'aanada laftirkooda.

02/17/2024

MW XASSANOW: Masii ahaan kartid wasiir Arrimo dibadeed oo diyaarad saaran iyo Madaxweyne wax kasta ah!

Soomaaliya maanta waxay baahi u qabtaa wasiir arimo dibadeed oo fahamsan xaalada dalka, qadiyadaha Qaran ee u baahan ilaalinta, leh aqoon taariikheed,waayo-aragnimo diblamaasiyadeed, ogaal u leh danaha isdiidan ee gobolka iyo kuwa caalamka, kafeejigan dhagaraha cadowga.

Siyaasada dalkeenu maanta waxay u nugushahay damac shisheeye iyo damanaan sokeeye, khataraha ugu weyn ee dal iyo dad ahaan ee wajahaynaa waa kuwa khasbaya in xilka wasiirka A.dibada aan loo eegin qoondo qabiil, lagu salayn saaxiibtinimo, lagu eegin daacad ma u noqon karaa aragtida maalin jooga ah ee kooxda magacaabistiisa leh, balse laga eego hufnaantiisa qofeed, xadiga daacadnimo ee uu hayo dalka iyo shaqada.

Waxaan madaxda dalka usoojeedinayaa, inay xilka wasiirka A.dibada deg-deg u buuxiyaan, kana daayaan iskuxirka qabiilka iyo danaha maalmaha kooban ee siyaasada aan deganayn ee dalkeena, hadii aan taas lasamayn oo madaxdeenu damaca kooban ka korin, dalkeenu waxaa uu baylah u noqonayaa dayacaad aan beri loo hayn doonin cudurdaar.

02/17/2024

Hassan Sheikh Mohamud waa nin aan xishood lahayn laakiin isku day kasta oo isaga lagu bahdilo waa in qof kasta oo Soomaali ah uu sharaf dhac ku sameeyo.

Wakhtiga lagu ururin lahaa calanka iyo haddii Hassan Sheikh Mohamud diido. Wuxuu u baahan yahay in meesha laga saaro. Waqtigii Galla Oromo la xasuusan lahaa xaruntooda nololeed.

02/17/2024

DEG DEG: Soomaaliya ayaa ku eedeysay Itoobiya "isku day daandaansi ah" oo ay ku doonayso inay ku "hor istaagto" wafdiga Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ka qaybgalka Shir Madaxeedka Midowga Afrika. “Tallaabadan waxa ay jebisay dhammaan hab-maamuuska diblomaasiyadeed iyo kan caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo lagu daabacay warbaahinta dowladda. Bayaanka laguma cadeyn waxa dhacay Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Itoobiya iyo Midowga Afrika oo ku aadan sida ay wax u dhaceen.

02/16/2024
02/16/2024

BREAKING: Hogaamiyihii mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa jimcihii ku dhintay xabsiga Arctic halkaas oo uu ku jiray 19 sano, sida ay bayaan ku sheegeen ciidanka asluubta federaalka ee Ruushka - AFP

02/16/2024

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Waxaa uu ka qayb-galayaa shirka Qaramada Afrika. Garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka Maaliyadda DF Itoobiya.

02/16/2024

: Lataliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa faah faahin ka bixiyay ciidamada la sheegay in ay ka howlgali doonaan Soomaaliya marka ay ciidamada AU ATMIS_Somalia ka baxaan dalka dhamaadka sanadkan.

Hussein Macallin waxa uu sheegay in wali ay socdaan wada-hadallada ku saabsan ciidamada cusub.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay horay ugu heshiiyeen in dalka laga bilaabo Jan.

Waajibaadka ciidamada cusub ayaa noqon doona ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah ee gudaha Soomaaliya, iyo goobaha ay ciidamada amniga Soomaaliya u isticmaali lahaayeen xarumaha saadka iyo sidoo kale meelaha ay ku sugan yihiin hay’adaha caalamiga ah iyo safaaradaha shisheeye, ayuu yiri Hussein Macallin.

Ciidamada cusub ayaan qeyb ka noqon doonin howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayuu hadalkiisa ku daray.

Hussein Macallin ayaa sheegay in ciidamadan cusub lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 3000 ilaa 8000 oo askari, waxayna si dhow ula shaqayn doonaan tiro le'eg oo ciidamo Soomaaliyeed ah si ay si tartiib tartiib ah ciidamada Soomaaliya ugala wareegaan 12 bilood gudahood. Joogitaanka 12-ka bilood ee ciidamada cusub ee dalka waa "la dheerayn karo," ayuu yiri Xuseen Macallin.

02/14/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha D. goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenada, xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku salaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelandoonaa Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhagaysandoona talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka.

02/14/2024

Gelitaanka rasmiga ah ee Somalia ay ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika EAC waxa ay dhalisay dareeno kala duwan oo ka jira gobolka, iyada oo dariska dhow ee Kenya la arkayay in ay ka taxadaraan furista xuduudaheeda

02/13/2024

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen laba madaxweyne h**e Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayey ku sheegeen in uu “mira dhali waayey” dedaal ay ku dhexdhexaadinayeen Madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud iyo Siciid cabdullaahi Deni.

“Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo uu soo dhigay boggiisa Facebook.

Nuqul kale oo isla qoraalkan ah ayaa lagu daabacay bogga Facebook ee Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa jiray dhexdhexaadin ay ka odayeynayeen labadan madaxweyne ee h**e oo ku aadanaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dawladda fedaraalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland.

02/13/2024

Ugu yaraan 20 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn cusub oo ka dhacday nawaaxiga magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, maalin ka dib markii toogasho lagu dilay xerada tababarka Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho oo lagu dilay 4 askari oo Imaaraati ah iyo mid ka mid ah saraakiisha Baxreyn fiidnimadii Sabtida.

02/12/2024

Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud markii la doortay 5/15/2022 wuxu kala diray:

✅Guddigii dastuur ka
✅Guddigii doorashada
✅Guddigii dhaqaalaha
✅Guddigii Adeega Garsoorka iyo
✅Guddigii la dagaalanka musuqmaasuqa.

Haddaba, xilligii Hassan Sheikh Mohamud uu mucaarad ka ahaa marka uu ka hadlayo dastuurka, iyo doorka ay ku leeyihiin iyo dadwaynaha aad bay uga duwan yihiin sida uu hadda u dhaqmayo.

Sidaas daraadeed HSM markee sax ahaa:

🔹Ma marku mucaaradka ahaa mise
🔹Maanta sida uu ula dhaqmayo iyo kii oo uu jeebka ku sito.
🔹Weliba uu uu ku amrayo waa 2/14/2024 qodobada dastuurka aan rabo la iisoo ansixiya.

Dhibaatada haysata waa:
✅Gudoonka Adan Madoobe oo horay xilka Gudoonka BF laga eryey December 2011
✅Marku u jilic sanaaday faragelinta shisheeyaha
✅2022 markii mar kale la soo doortayna faranjigu waa u dabaal-degeen.

Waxa intaas dheer Villa Somalia waxay BF bartay:
🔹Laaluush si ayn ugu hor imaan qorsha-yaasha halista ah oo weliba dano shisheeye loogu adeegayo iyo
🔹In aan la horgayn heshiis-yada u danaynaya shisheeyaha sida:

✅Heshiiskii iyo Somalia
✅Heshiiska iyo November 2023
✅Heshiiskii - iyo Somalia
✅Heshiiskii Ethiopia iyo Somalia November 2023.

Ujeedada dastuurka wax looga bedelaya oo PM loogu bedelaya waxa wata shisheeyaha iska leh shirkadaha khayraadka Somalia.

Somalia waxa lagu wadaa sidii oo:
✅Oo khayraad keeda shisheeyuhu u leeyahay
✅Halka shacabka Congo ka baahan yahay.

Waxa hadda sidaas loogu boobsiinaya waxay tahay:

✅2017-2022 xilligii Mohamed Abdullahi Farmaajo waxa la yareeyey faragelintii shisheeyaha.
✅Taas baana laga cararaya.

Wadeeco Allah, Somalia madaxdeeda waxa ku badan kuwo shisheeye keensaday oo danahooda fulinaya.

02/12/2024

Ilo xog ogaal ah ayaa ii xaqiijiyay in Madaxweynaha Somaliland uu ku wajahan yahay magaalada Jigjiga si uu wadahadalo ugala yeesho ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo ku saabsan is-afgaradkoodii muranka dhaliyay, iyadoo uu Ra'iisul Wasaaruhu booqanayo magaalada Godey ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo uu ka furayo garoon diyaaradeed oo dhawaan la dhisay.

Hirgelinta heshiiskan ayaa waxaa soo food saartay caqabado ka dib cadaadis caalami ah oo ay Itoobiya saartay iyo dalabaadkii aqoonsiga Somaliland.

In ka badan 30 sano oo aqoonsi raadin ah, Somaliland waxay ku adkaysanaysaa in ay ka go'day Soomaaliya, taas oo heshiiska Itoobiya u aragta mid khatar ku ah qaranimadeeda.

02/12/2024

Midabkii Hassan Sheikh Mohamud kii shalay, maaha kan maanta iyaa, kii h**e daawadda aragtidiisii dastuur bedelka uu ka qabay.

Kii shalay iyaa, maaha kan maanta!
Kala baro Badd iyo webi!

02/11/2024

Agaasimihii h**e ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya, Fahad Yaasiin, ayaa ka hadlay sida uu u arko weerarkii habeen h**e lagu dilay Saraakiil Imaaraad ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Nabadgelyo xumo mise hoggaan xumo? Saldhigga ciidamada Jeneraal Gordon ayaa ah saldhigga ugu ammaanka iyo ilaalinta badan ee Soomaaliya.

Waxaa ku sugan hoggaanka sare ee taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed & macalimiin ka tirsan ciidamada shisheeye, iyadoo qorshaha la qorsheynayo in lagu qaado ciidamada milateriga ah ee ku sugan xeradaas waa wax aan horay loo arag.

Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan dadkii ay ku naf waayeen weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisanimo, waxaana caafimaad degdeg ah u rajeynayaa inta ku dhaawacantay. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la gudboon inuu wax ka barto falkan foosha xun, isla markaana uu dib u eego wax kasta & dhammaan hab-socodka amniga.

Markaad ka dhigto Hogaamiye ku xigeenkii h**e ee Al-Shabaab sida abaal-marin ahaan, marka aad ciidan dhan & wasaarado dhan ka dhigtaan in ay hoos yimaadaan shaqsiyaad horay ugu xirnaa Al-Shabaab.

Marka aad siiso hay’ado xasaasi ah oo awood u siinaya Al-Shabaab maxaad filaysay in ay arrintan ka soo bixi doonaan? Tani waxay ceeb ku tahay sharafteena qaranka iyo kalsooni kasta oo lagu qabo amniga qaranka.

Haddii aanu madaxweynuhu si degdeg ah wax uga bedelin istiraatijiyaddiisa amniga qaranka, waxa kaliya oo aan filan karnaa caqabado amni oo ka fool xun weerarkan.

Waxa dhacay khalkhal amni, haddii aanu madaxweynuhu sixin siyaasadiisa, haddii ay taasi noqonayso dayac iyo xil ka qaadis.

02/11/2024

Masar ayaa ku hanjabtay inay joojinayso heshiiska Camp David haddii Israa’iil ay ku soo duusho magaalada xadka Gaza ee Rafah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Masar.

02/11/2024

BREAKING: Dowladda Imaaraadka ayaa xaqiijisay in sarkaal afaraad uu saaka u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaastii shalay ka dhacday xarunta tababarka ciidamada ee magaalada Muqdisho.

Afarta sarkaal ee Imaaraadka ayaa lagu kala magacaabaa Colonel Mohamed Al Mansouri, Warrant Officer 1 Mohamed Al Shamsi, Warrant Officer 1 Khalifa Al Balushi, iyo Corporal Suleiman Al Shehhi.

Meydadkooda ayaa gaaray Abu Dhabi Axadii. Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale sheegay in sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Bahrain lagu dilay weerarka.

02/11/2024

: Meydadka 3 askari oo Imaaraati ah iyo 1 ah ayaa loo qaaday Imaaraadka 🇦🇪 kadib markii lagu dilay xerada tababarka ciidamada ee General Gordon ee magaalada Muqdisho, Sabtidii.

Saraakiisha Ciidamada Cirka ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Cirka ee dalkaasi, Korneyl Mubaarak Al-Mansuuri oo ahaa Madaxii Tababarka.

02/11/2024

Saddex askari oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Imaaraatka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidanka difaaca ayaa lagu dilay weerar ka dhacay xero ciidan oo ku taal magaalada , sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Imaaraadka Carabta Axadii.

Weerarkan ayaa ka dhacay xerada ciidamada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wasaaradda.

Saraakiisha Imaaraatka Carabta ayaa la sheegay in ay tababarayeen askar ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah heshiiska Imaaraadka iyo Soomaaliya, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Laba kale ayaa ku dhaawacantay intii uu socday weerarka, ayay raacisay.

02/11/2024

Imran Khan's PTI ayaa hogaaminaya iyadoo ay jirto hubaal la'aan doorashada Pakistan, wuxuuna ku baaqay mudaaharaad nabadeed oo ku saabsan natiijooyinka dib u dhaca.

Waqti muhiim u ah Pakistan, Imran Khan's PTI, inkasta oo lagu xukumay xabsiga, wuxuu diyaar u yahay inuu soo dhiso dowlad, oo ay taageerayaan mowjado musharixiin ah oo madax-bannaan.

Iyadoo ay jirto xaalad siyaasadeed oo aad u kala qaybsan, ayaa Khan iyo ninka la tartamaya ee Sharif labaduba waxay sheegteen guul, taasoo sii xoojisay hubanti la'aanta ummadda.

Iyadoo dalka uu la daalaa dhacayo dhaqaalo xumo iyo arrimo amni, baaqa PTI ee dibad bax nabadeed oo looga soo horjeedo natiijada doorashada oo dib u dhac ku yimid ayaa hoosta ka xariiqday baahida loo qabo daahfurnaanta.

Iyadoo la sugayo tirinta ugu dambeysa, kaaliyaha dhanka sharciga Khan ayaa ka digaya mudaaharaadyada dalka oo dhan, taasoo ka tarjumaysa baahida dadweynaha ee xallinta degdega ah.

Doorashada, oo lagu asteeyay eedeymo ku saabsan musuqmaasuqa codadka iyo mamnuucidda astaanta doorashada ee PTI, kaliya ma tijaabin hannaanka dimoqraadiyadda Pakistan ee sidoo kale waxay u adkeysaneysaa inay wajahdo caqabado siyaasadeed iyo dhaqaale oo madax ah.

ImranKhanPTI [Isha: Reuters]

02/11/2024

Mareykanka oo cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee ka dhanka ahaa tababarayaasha ciidamada UAE ee Soomaaliya.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf waayay weerarkii foosha xumaa ee argagixisanimo ee shalay lala beegsaday tababarayaasha ciidamada Imaaraatka Carabta iyo askarta Soomaaliyeed ee sida geesinimada leh uga shaqeeya horumarinta xasiloonida dalka.

Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan fulaynimada ah, waxaanan ku adkeysaneynaa in aan taageerno dadaallada Soomaaliyeed ee lagu dhisayo nabadda.

02/11/2024

Madaxweynaha Fashilmay ee Soomaaliya ayaa Imaaraatka u ilmeynaya, haddana wuu dayacay Askartiisa Soomaaliyeed. Calooshood u shaqeystayaal iyo cisbitalka ayuu ula cararay si uu u arko calooshood u shaqeystayaal Imaaraatka Carabta ah oo maanta la dilay. Waa mid si cad u muujinaya hoggaankiisa daciifka ah, oo muujinaya cidda majaraha u haysa.

02/11/2024

Wasaaradda Difaaca ee UAE ayaa xaqiijisay in saddex ka mid ah saraakiisheeda iyo mid ka mid ah ciidamada Difaaca Bahrain lagu dilay weerarkii Sabtidii ka dhacay saldhigga ciidanka Jeneraal Gordan ee Muqdisho, sida uu sheegay AlainBRK. Goor sii h**eysay, Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuuna tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas. Qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in askari ka soo goostay Al Shabaab, balse markii dambe loo qoray ciidanka uu rasaas ku furay saraakiishaasi. Alshabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

02/10/2024

: Madaxweynaha Soomaaliya Oo Xaqiijiyay Dilkii Saraakiil Imaaraatka Carabta Loogu Geystay Muqdisho, Isagoona Tacsi U Diray Imaaraatka Carabta Geerida Tababarayaasha Ka Dib Toogasho Ka Dhacday Xero Ciidan Oo Ku Taala Caasimada. Hassan Sheikh Mohamud ayaa sheegay in saraakiisha Imaaraadka ay u yimaadeen Muqdisho sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska ciidamada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa cambaareeyay weerarka lagu dilay saraakiisha Imaaraadka Carabta. Waxa aan ilaa hadda ognahay: Faahfaahinta wali waa mugdi, laakiin marka loo eego xogta hordhaca ah, waxaa jira dhimasho badan oo soo gaartay tababarayaal Soomaali iyo Imaaraati ah ka dib toogasho ka dhacday "Xerada Imaaraadka." Ugu yaraan shan qof ayaa la dilay oo ay ku jiraan tababarayaal Imaaraati ah (Hay'adaha kale ee warbaahinta ayaa tirada dhimashada sii kordhinaya). Warar is khilaafaya ayaa kasoo baxaya ninka toogashada geystay. Mid ka mid ah xisaabaadka ayaa soo jeediyay inuu xubin ka ahaa unug ilaalin gaar ah oo loo tababaray xerada. Xisaab labaad ayaa sheegaya in uu ka mid ahaa askartii cusbayd ee xerada ka samaynaysay dhoolatus rasaas ah. Toogashada ayaa ka dhacday gudaha ama agagaarka masjidka xeradaasi. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

02/10/2024

: Fariin qoraaleed lasoo dhigay bogga FB-ga gaarka ah ee Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dawladda Imaaraatka uga tacsiyeeyey weerarka saraakiishooda lagu laayay ee ka dhacay Muqdisho, isagoo aan gabi ahaanba soo qaadin saraakiisha Soomaaliyeed ee weerarka bahalnimo iyana lagu dilay.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa balan-qaaday in talaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo soo abaabushay falkaan guracan, xili ay sheegatay kooxda Argagixiso, iyadoo hadalka MW u dhigan yahay cid kale abaabushay.

02/10/2024

Address

Ottawa
Ottawa, ON

Telephone

+447932398442

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdullahi Hassan Abdullahi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdullahi Hassan Abdullahi:

Videos

Share

Nearby media companies