Daauus TV

Daauus TV Daauus TV for breaking news, videos, and the latest top stories in world news, business, politics and culture.

Abuu yaasirWaa ninka loo xiray dhoofinta xoolaha soomaalida, abuu yaasir ayaa u dhashay wadanka yeman waxaana uu heestaa...
01/06/2025

Abuu yaasir

Waa ninka loo xiray dhoofinta xoolaha soomaalida, abuu yaasir ayaa u dhashay wadanka yeman waxaana uu heestaa dhalashada wadanka sacuudiga waxuuna ku nool yahe dalka jabuuti.

Madaxweyne xasan sheekh ayaa ganacsadahan u xiray dhoofinta xoolaha soomaalida taas oo sabbatay in ganacsatadii dhoofin jirtay xoolaha ay banaanbaxyo ka bilaabeen guud ahaan dalka.

Ganacsatada somaliland ee dhoofisa xoolaha ayaa si adag uga hor imaaday go'aanka madaxweyne xasan sheekh uu hal shaqsi ugu xiray iib geeynta xoolahooda.

Arintaan ayaa ka dhalatay buuq & is qabsi aad u sareysa waxaana maanta qoraal soo saaray 97 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ayagoo si adag u diiday in shaqsi loo xiro dhoofinta xoolaha umadda.

01/01/2025

Xafiiska Reysal wasaaraha wax tabar & talo uu leeyahe ma jirto waa Awood la'aan" Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Maxaabiistii Ciidanka dowladda ee shalay lagu qabtay dagaalkii doolow oo lagu wareejiye odayaasha dhaqanka degmadda dool...
12/24/2024

Maxaabiistii Ciidanka dowladda ee shalay lagu qabtay dagaalkii doolow oo lagu wareejiye odayaasha dhaqanka degmadda doolow ee gobalka gedo.

DEG DEG: Dowladda itoobiya oo waxba k**a jiraan ku tilmaamay in ciidankeeda ay ka dagaal galeen doolow.
12/24/2024

DEG DEG: Dowladda itoobiya oo waxba k**a jiraan ku tilmaamay in ciidankeeda ay ka dagaal galeen doolow.

DEG DEG: Taliye Cibaar oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka dowladda federaalka ayaa ka mid noqday saraakiishii ku dhimat...
12/23/2024

DEG DEG: Taliye Cibaar oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka dowladda federaalka ayaa ka mid noqday saraakiishii ku dhimatay dagaalkii maanta ka dhacay doolow

DEG DEG: Cornel QOORGAAB Oo kamid Ahaa saraakiisha  Ciidanka Xooga Dalka Ayaa ku dhintay dagaalkii u dhaxeeye ciidanka j...
12/23/2024

DEG DEG: Cornel QOORGAAB Oo kamid Ahaa saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Ayaa ku dhintay dagaalkii u dhaxeeye ciidanka jubaland & itoobiya oo isku dhinac ah & ciidanka xoogga dalka.

DEG DEG: Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka ah oo gurmad u ahaa ciidanka NISA ee Dooloow laga saaray ayaa qarax M...
12/23/2024

DEG DEG: Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka ah oo gurmad u ahaa ciidanka NISA ee Dooloow laga saaray ayaa qarax Miino lagula eegtay inta u dhaxeeysa Dooloow iyo Baladxaawo.

Waxaa lasoo warinayaa Qasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dowladda Federaalka oo itoobiya u dirtay wafdi uu hooggaaminayo wasiiru dowlada arimaha dibadda cali balcad.Dowladda aya...
12/23/2024

Dowladda Federaalka oo itoobiya u dirtay wafdi uu hooggaaminayo wasiiru dowlada arimaha dibadda cali balcad.

Dowladda ayaa sheegtay in wafdigaan uu sii amba-qaadayo heshiiskii Ankara ee itoobiya & soomaaliya.

Dowladda soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka shaqeyn doonto wanaajinta xiriirka labadda dal, xili saraakiisha Nisa ee ku sugan doolow ay maanta sheegeen in ciidanka itoobiya ay dagaal kusoo qaadeen ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobalka gedo.

Kulbiyow & doolowCiidanka draawiishta Jubaland & ciidanka nisa oo dagaal xoogan ku dhax maraya degmadda doolow ee gobalk...
12/23/2024

Kulbiyow & doolow

Ciidanka draawiishta Jubaland & ciidanka nisa oo dagaal xoogan ku dhax maraya degmadda doolow ee gobalka gedo.

Dhinaca kale sidda ay wararku sheegayaan dagaalka waxaa qeyb ka ah ciidanka itoobiya ee ku sugnaa degmadda doolow.

Dhinaca kale kulbiyow ciidanka daraawiishta jubaland ayaa si buuxdda gacanta ugu dhigay, kulbiyow oo dhawaan ay gacanta u gashay DFS ayaa dib ugu soo laabtay gacanta jubaland kadib dagaal culus oo ka qarxay maanta.

Ciidamadii deegaanka & federaalka ee ku sugnaa kulbiyow ayaa iska dhiibay xeradda ciidanka kenya ee kulbiyow.

La soco wixii soo kordha.

12/21/2024

"Fahad yaasiin oo reerkiisa hal kursi soomaali ku leh waxuu aaminsanyahe kismaayo axmed madoobe reerkiisa waxba kuma lahan" Xil Abdiraxman

11bilood uu khilaaf xooggan u dhaxeeye soomaaliya & itlobiya ugu dambeyn dowladda soomaaliya ayaa ku qasbanaatay ogalaan...
12/20/2024

11bilood uu khilaaf xooggan u dhaxeeye soomaaliya & itlobiya ugu dambeyn dowladda soomaaliya ayaa ku qasbanaatay ogalaanshaha in ciidanka itoobiya ay kusoo biiraan howlgalka Cusub ee .

Itoobiya oo ku biireysa Howlgalka cusub ee   Mission,Howlgakaan waxaa qeyb ka ah wadamadda, burundi, Djabouti, kenya & u...
12/19/2024

Itoobiya oo ku biireysa Howlgalka cusub ee Mission,

Howlgakaan waxaa qeyb ka ah wadamadda, burundi, Djabouti, kenya & uganda.

Wasiiru dowlaha arimaha dibadda soomaaliya Cali balcad ayaa sheegay in itoobiya u furan tahay ka qeyb galka howlgakaan cusub oo bilaabanaya bilaawga sanadka 2025 kadib is fahamkii kumeel gaarka ahaa ee ka dhacay Ankara-Turkey.

Itoobiya ayaa horay u sheegtay in aysan aqbali doonin keenitaanka ciidanka masar gudaha soomaaliya & in laga reebo howlgalkaan cusub ee .

Sidda muuqata dowladda itoobiya ayaa guulo diplomaasiyadeed ka gaartay heshiiskii Anakra halka dhinaca soomaaliya aysan weli cadeen natiijadda ay kala soo laabteen Ankara.

Xaaladda suuqa ugu weyn guud ahaan dalka ee Bakaaro!Waxuu gabi ahaanba maanta u xiranyahay suuqa bakaaro dowladda Federa...
12/18/2024

Xaaladda suuqa ugu weyn guud ahaan dalka ee Bakaaro!

Waxuu gabi ahaanba maanta u xiranyahay suuqa bakaaro dowladda Federaalka taasi oo kusoo rogtay ganacsatadda canshuuro dheeri ah.

Sidda aan xogta ku helnay saddax-dii maalin ee lasoo dhaafay waxaa suuqa bakaaro lagu soo daadiye dhalinyaro aad u badan oo ka tirsan ciidanka dhar-cadka ee hey'adda NISA kuwaasi oo ganacsatdda ku qasbaya bixinta canshuuro dheeri ah ama ay xiraan goobaha ganacsi.

Sidda ay goob-joogayaal ku sugan suuqa inoo xaqii-jiyeen waxaa gabi ahaanba la xiray ganacsiyadii bagaasha cunada & dharka, halka ganacsiyadii kale ayagana ay dareemayaan culeys uga imaanaya wasaarada maaliyadda & hey'adaha Amniga dalka.

Dhinaca kale waxaa xiran inta badan suuq-bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada muqdisho.

Arinkaan oo kusoo laa-laabtay suuqyadda caasimadda muqdisho ayaa u muuqda mid aan waxba laga qaban weli.

Ciidamada itoobiya oo soo gaaray xad-beenaadka soomaaliya & itoobiya.Ciidankaan ayaa fadhiisin difaac ka sameestay deega...
12/17/2024

Ciidamada itoobiya oo soo gaaray xad-beenaadka soomaaliya & itoobiya.

Ciidankaan ayaa fadhiisin difaac ka sameestay deegaanada dhaca xaduud-beenaadka labada dal sidda yeed, Aato, Ceelbarde & qudhacjoomo.

Saraakiisha ciidankaan hor-kaceysa ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaan howlgal dagaal ka dhan ah ururka AS.

Bartamihii sanadkii 2022 ayee aheyd markii ururka AS ay dagaal xoogan ku qaadeen deeganadaan oo ay ku sugnaayeen ciidanka liyuu policeka ee dowlad deegaanka soomaalida.

Lama ogga waxa hadda dowladda itoobiya ay ka damacsan tahay hub & ciidan intaan la eg in ay keento xaduud-beenaadka labada dal.

waxaasa la qiyaasayaa howlgakaan inuu qeyb ka yahay is faham daradda & khilaafka xooggan ee ka dhax taagan muqdisho & addis ababa.

Dowladda Federaalka oo ciidamo cusub u direysa degmadda baardheere ee gobalka gedo.Sidda ilo xog-ogaal ah ay bixiyeen do...
12/16/2024

Dowladda Federaalka oo ciidamo cusub u direysa degmadda baardheere ee gobalka gedo.

Sidda ilo xog-ogaal ah ay bixiyeen dowladda federaalka ayaa go'aansatay in jubaland laga weeraro dhanka gobalka gedo ayada oo lasii mari doono jubadda dhaxe.

Kulamo muqdisho ku dhax maray dowladda & Col barre hiiraale ayaa kusoo dhamaaday is fahan ah in ciidan laga dajiyo garoonka baardheere kuwaas oo uu hor kici doono barre hiiraale.

Dhinaca kale waxaa lagu soo waramayaa in jubaland ay ciidamo ka qoratay degmadda baardheere kuwaasi oo ay galinkii dambe maanta u dirtay lacago & saanad ciidan si ay uga hor tagaan abaabulka dowladda federaalka ay ka wado degmadaasi.

Sidda xogahu sheegayaan dowladda ayaa lagu soo waramayaa in ay dagaal ku qaadi doonto gobalka jubadda dhaxe si ay u gaarto bu'aale oo ah caasimadda rasmiga ee jubaland. Waxaana xusid mudan in gobalkaasi oo idil uu ku jiro gacanta ururka AS.

Sidda muuqata dowladda federaalka ayaan weli ka quusan dagaalka ay kula jirto axmed madoobe kaasi oo dhawaan ciidanka xoogga dalka kusoo jabiye furumihii dagaalka ee raaskambooni.

Isha ku-haay TV

Qaraxyo Culus oo xalay ka dhacay xaafadda galmudug ee xariirisa wadada Muqdisho & Afgooye.Sidda ilo xog-ogaal ah aan ka ...
12/16/2024

Qaraxyo Culus oo xalay ka dhacay xaafadda galmudug ee xariirisa wadada Muqdisho & Afgooye.

Sidda ilo xog-ogaal ah aan ka helnay qaraxyadaan ayaa lagu sheegay ku dhawaad 7 qarax loona adeegsaday waxyaabaha qarxa oo la dhigay xaafado ay ku xirnaayeen kaamaradaha amniga oo ay dhawaan hey'adaha amniga waajib ka dhigeen xirashadooda.

Inta la xaqiijiye waxaa ku dhintay 4 ruux halka in ka badan 10 ruuxna ay ku dhawaacmeen qaraxyadaas.

Isha ku haay Daauus TV.

Soomaaliya & sacuudiga oo kala saxiixday Heshiis ay ku qaadanayaan shaqaalo haweyn soomaali ah oo ka shaqeenaya guryaha ...
12/15/2024

Soomaaliya & sacuudiga oo kala saxiixday Heshiis ay ku qaadanayaan shaqaalo haweyn soomaali ah oo ka shaqeenaya guryaha qoysaska sacuudiga .

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Riyaad ee Caasimadda Dalka Boqortooyada Sucuudiga kula saxiixday Heshiiskaan dhiggiisa Wasiirka Kheyraadka Aadanaha iyo Horumarinta Bulshada, Mudane, Eng. Axmed Bin Suleymaan Al-rajhi.

Sanadkii 2016 ayee aheyd markii horay gabdho soomaali ah loogu qaaday dalkaasi Boqortooyada sacuudiga si ay uga soo shaqeystaan.

Address

55-3099 Uplands Drive
Ottawa, ON
K1V9T6

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daauus TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Daauus TV:

Videos

Share

Category