Daldoontv

Daldoontv Waxaanu Nahay Warbaahin Dhex Dhexaad Ah Oo Ka Howl Gasha Meel Kasta Oo Somaali Joogto

DEG DEG: War-murtiyeed laga soo saaray shirka Beelaha Warsangeli ee gobolka Sanaag.
01/02/2025

DEG DEG: War-murtiyeed laga soo saaray shirka Beelaha Warsangeli ee gobolka Sanaag.

Soomaaliya ayaa 54 sanno ka dib ku fadhiisatay kursiga aan joogtada ahay ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.Wakiilad...
01/02/2025

Soomaaliya ayaa 54 sanno ka dib ku fadhiisatay kursiga aan joogtada ahay ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Wakiilada Soomaalida oo xilkan haynaya labada sanno ee soo socota ayaa cadeeyay in ay ka go’antahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

01/01/2025

"Waxa wada Ismaaciil Cumar Geele Waxa wada Xasan Sh Maxamud Ilaahow Haa iyo Maya Mar Hanaga wada yeedhsiin. Oday Sanyare oo U jawaabay Faysal Cali Waraabe...

01/01/2025

Laascaanood Waaxda Shacabka oo Dowladda Hoose Ee Laascaanood gaadhsiisey 300 Geed oo qayb ka ah Ololaha Cagaarinta Caasimadda.

01/01/2025

Degmada Widhwidh Cashuurta diyaar baan la nahay maamulka yagana waan garab taaganahay

*Waa maxay asalka debaaldega sanadka cusub?*:Waagii Ruum-kii h**e, qiyaastii sanadka 46 BC, boqor Julius Caesar wuxuu ka...
01/01/2025

*Waa maxay asalka debaaldega sanadka cusub?*:
Waagii Ruum-kii h**e, qiyaastii sanadka 46 BC, boqor Julius Caesar wuxuu ka dhigay Janaayo kowdeeda bilawga jadwalka cusub. Bishan waxa loo magacaabay Janus, ilaahii Rumaaniyiinta ee bilawga iyo dhammaadka.
Rumaaniyiintu waxay rumaysnaayeen in ilaahan "labada weji leh" uu dib u eegi karo sanadkii h**e, horana u arki karo kan soo socda. Kadib markuu sanadku dhamaado allabaryo ayay u samayn yireen ilaahooda Janus, waxayna u ballanqaadi jireen inay camal wanaagsan samayn doonaan sanadka soo socda. Dhaqankani wuxuu soo jiray qarniyo badan oo la soo cusboonaysiinayay.
Ka dib, dhowr kooxood oo Masiixiyiin ah ayaa habeenka sanadka cusub u qaatay fursad ay ku milicsadaan/kaga fekeraan xumaantoodii sanadkii tegay, waxayna sii go'aansan jireen in ay beddelaan dhaqankooda sanadka cusub.

Waayahan danbe, tani waxay noqotay dhaqan cilmaani ah oo ay dadka qaar naftooda u dejiyaan in ay wax ka beddelaan caadooyinka ama horumar ay ku sameeyaan noolashooda. (Si kastaba ha ahaatee, sahan dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in kaliya 8%(boqolkiiba siddeed) dadka go'aamadaas sameeya ay sheegaan in ay go'aankooda si wadi doonaan ilaa dhamaadka sanadka). Sidaa darteed go'aamada sanadka cusub waxay ku saleysan yihiin jaahilnimo, gaalnimo iyo cilmaaniyad.

Qofka Muslimka ah waxaas oo dhan wuu ka xoroobay: shirkiga wuu ka xoroobay, gaalada in uu ku daydo wuu ka xoroobay. Qofka Muslimka ah waxa uu rajaynayaa in uu naftiisa wanaajiyo daqiiqad kasta oo noolashiisa ka mid ah, waxaana uu go’aansadaa in uu maalin kasta dhaqankiisa xun ku beddelo cibaado iyo adeecid.

01/01/2025

"Nafis ayaad ku Nafistay Inaad Tidhaahdo Garaad Jaamac iyo Garaad Kulmiye ayaan wax ka sheegay, Hadaad wax tarayso Waa laguu Fadhiyaa" Caaqil Sanyare oo ka Hadlay Arimo Badan...

Xafiiska Nabadgaliyada DDS oo digniino culus diraywaxa uu Xafiiska nabadgaliyada DDS u dirayaa Digniin. Amni: shacabka d...
01/01/2025

Xafiiska Nabadgaliyada DDS oo digniino culus diray

waxa uu Xafiiska nabadgaliyada DDS u dirayaa
Digniin. Amni: shacabka deegaanka.

Sida lawada ogyahay waxa jirtay damac uu leeyahay ururuka argaxisada shabaab oo ah in ay soo galaan dalka , haddaba markii uu u suuro gali waayay in iyaga oo hubaysan kuna suntan calaamadda shabaab ay ka dhaxdhaqdhaqaaqan, dalka .

Waxa ay baddaleen qorshihii waxa, ayna qaateen, in ay soogalaan deegaanka iyaga oo huwan shaati qabiil, kuna abaabulaan dhallin yarta magac qabiil, gaar ahaan gobolada dhaca xuduudaha.

Sidaas darteed waxa ay hay,adaha amniga dalka iyo deegaan ka billaabayaan fashilinta damaca argaxisada shabaab.

Haddaba waxaa bulshada deegaanka, ee sharafta leh, qaybaheeda kala duwan gaar ahaan dhallinta, waxgaradka, aqoon yahanka, culimada iyo dumarkaba looga digayaa inaysan ku dagmin abaabulada ay xubanaha argagixsada shabaab wadaan iyaga oo ku gabanaya magaca qabiilaka, lana shaqeeyaan hay,adaha amniga ee dalka iyo kuwa deegaankaba.

Mahadsanidiin.

DEGDEG Madaxweynaha Deeganka Somalid Mustafe cagjar Ayaa Ka hadalay Colaada Deeganka Dacwaley waxaana uu yidhi Waxaa jir...
12/31/2024

DEGDEG Madaxweynaha Deeganka Somalid Mustafe cagjar Ayaa Ka hadalay Colaada Deeganka Dacwaley waxaana uu yidhi

Waxaa jira ururo ilaa iyo hada la dagaalamaya qalfoofkii Siyaad barre, iyadoo aan ognahay inuu Siyaad barre dhintey xili h**e oo talada uu ka tagay ugu yaraan 34 sano kahor."

"Ciidanka Deegaanku ciidan qabiil maaha, waa ciidan kasoo wada jeeda dhamaan 11-ka gobol, ciidanka Dacawalay ku dhintey waxay kasoo jeedaan dhamaan gobolada deegaanka, tiro ahaan marka ay soo baxan waa la yaabi doonaa."

Sideed U aragta ?

12/31/2024

Laascaanood :Waaxda Sayidka oo 390 Geed Gudoontay.

Dowlada Hoose ee degmada Laascaanood oo maanta ku Wareejisey Waaxda Sayidka (8 Xaafadood) ee Bariga Magaalada Laascaanoo...
12/31/2024

Dowlada Hoose ee degmada Laascaanood oo maanta ku Wareejisey Waaxda Sayidka (8 Xaafadood) ee Bariga Magaalada Laascaanood 390 oo Geed oo loogu talagalay in Waaxdaa Lagu Beero si Xafadahaasi ay u noqdaan kuwo Cagaaran.

Maayara ku xigeenka Caasimada Axmed Kowte ayaa ku wareejiyey geedahan gudoomiyaha Waaxda Sayidka , Waxaana uu farey in dhamaan xubnaha guddiga Waaxdan oo ka kooban 39 qof in qof walba laga rabo inuu beero 10 geed iyo inay gaadhsiiyaan guri walba oo xaafadahaasi ku yaalla isla markaana dabagal ku sameeyaan dhirtaasi beeristeeda waraabinteeda iwm.

Dhinaca kale , Dowlada Hoose ee Caasimada ayaa Qorsheysey in Shanta Waaxood ee Caasimada lagu beero 15000 oo geed Sanadan cusub si Caasimadu u noqoto mid cagaaran qorshaha beeristeeda ay diyaarisey.

Guddiga Waaxda Sayidka ayaa ka mid ah Guddiyada ugu fir fircoon ee magaalada Laascaanood ka shaqeeya iyaga oo qabtey shaqooyin badan oo xaafadaasi khuseeya .

12/31/2024

Toos Tartanka Kubadda Cagta gobollada Puntland -G.Nugaal Vs G.Bari

Allaha u naxariistee waxaa  magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ku geeriyootay, Fanaanaddii Qaranka Soomaaliyeed ...
12/31/2024

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ku geeriyootay, Fanaanaddii Qaranka Soomaaliyeed Luul Jaylaani

Luul Jaylaani waxa ay ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ku ahaa qaadista heesaha banaadiriga, iyo jilliinka riwaayadaha ka tarjuma nolosha iyo dhaqanka bulshada banaadiriga ah.

Fanaanadda Allaha u naxariisto. Qoyskeeda, Qaraabadeeda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

Universal tv

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee...
12/30/2024

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, ayaa ku dhawaaqay in dalku galay marxalad abaar oo adag, loona baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, kadib markii uu baaqday xilli roobaadkii Dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November.

Sida ay muujinayaan warbixinnadii u danbeeyay, in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ah, 3.2 million oo dadkaas nugul ka mid ah ayaa wajahaya xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen.

Hay’adda SODMA oo ka jawaabeysa saameynta abaartaan oo ah mid xaddigeedu weyn yahay ayaa Saddexdii bilood ee la soo dhaafay gargaar gaarsiisay 2.1 milyan oo qof, kuwaas oo wali u baahan ka-war-qab iyo gacan-qabad bani’aadannimo, iyadoo 1.45 bilyan oo dollar loo baahan yahay si wax looga qabto abaarta oo saameysay in ka badan 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hay’adaha Dowladda, dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo deeq-bixiyayaasha, in wadajir loogu istaago u qareemidda gargaarka iyo sidii looga hortagi lahaa in abaartu ka gudubto xaddiga ay hadda joogto, halka uu u mahad-celiyay dowladaha iyo deeq-bixiyayaasha taageerada muujiyay.

SODMA

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Hawada laga saarayo Ciwaanada qof kasta oo ka qayb qaata Hurinta C...
12/30/2024

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Hawada laga saarayo Ciwaanada qof kasta oo ka qayb qaata Hurinta Colaadah Sokeeye ee Gayiga Soomaaliyeed ka Curtay.

Dowlada -Puntland ayaa ku dhawaaqday In Canshuurtii soo galista laga dhaaftay gaadiidka ka Kala Duwan ee ka Imaanaya Dow...
12/30/2024

Dowlada -Puntland ayaa ku dhawaaqday In Canshuurtii soo galista laga dhaaftay gaadiidka ka Kala Duwan ee ka Imaanaya Dowlad deegaanka, si loogu fududeeyo badeecadaha ay ka keenayaa Itoobiya iyo kuwa ay ka qaadayaan dekadaha Bosaso iyo Garacad.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Abdirisak Dirie (Jowle) ayaa Arintaani Goor dhawayd ku shaaciyay Shir jaraa'id oo uu Qabtay.

"Soomaali waxa ay naarta ugu xiiso qabto ayaan garan la' ahay, ehlu Naar badan ayaa todobaadyadan dhintay, mid kasta oo ...
12/30/2024

"Soomaali waxa ay naarta ugu xiiso qabto ayaan garan la' ahay, ehlu Naar badan ayaa todobaadyadan dhintay, mid kasta oo qabiil ku dhinta naarta ayuu tegeyaa.." - Raysal Wasaare Xamse Aar.

Address

Ridgeleigh Hts
Mississauga, ON
L5M6R9

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daldoontv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share