Tifaftir Media

Tifaftir Media Tifaftir Media - Warbaahin Madaxbannaan, Dhexdhexaad ah, Mas'uulna ah. Tebinta Togan!

02/03/2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badar Cadilcaadi, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Ergayga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Steven Witkoff, iyagoo ka wada hadlay horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiska xabbad-joojinta ee Qasa iyo dadaallada lagu xaqiijinayo in saddexda marxaladood ee heshiiska si buuxda loo fuliyo.

Intii lagu guda jiray wadahadalka, Cadilcaadi wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in heshiiska la xoojiyo oo la xaqiijiyo sii jiritaankiisa, isla markaana la fududeeyo in gargaar bini’aadannimo iyo deeqaha kaalmada ah si ballaaran oo degdeg ah loo gaarsiiyo Qasa, si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee shacabka, maadaama xaaladda bani’aadannimo ay si xun uga sii darayso.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar wuxuu hoosta ka xariiqay doorka muhiimka ah ee Maraykanku ku leeyahay xaqiijinta hirgelinta heshiiska xabbad-joojinta, iyo in la helo xal k**a dambays ah oo lagu soo afjarayo colaadda u dhexeysa Falastiin iyo Israa’iil, taasoo waafaqsan qaraarrada sharciga caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale xusay in nabad waarta ee gobolka la hiigsanayo ay fursad u tahay in la xaqiijiyo xasillooni iyo nabadgelyo, lana soo afjaro colaadda mudada dheer ka taagneyd gobolka, iyadoo si buuxda loola shaqeynayo maamulka madaxweyne Donald Trump.

Arrintan ayaa imaaneysa labo maalmood kadib markii uu dhacay wadahadal dhexmaray madaxweynaha Masar, Cabdilfataax Al-Siisi, iyo dhiggiisa Mareykanka, kaasoo labada dhinac ay uga wadahadleen xalka lagu soo afjarayo colaadda muddada dheer ka jirtay gobolka, iyagoo diiradda saaray sidii loo gaari lahaa heshiis nabadeed oo waara.

Tifaftir Media

Wax ka ogow xaaladda Falastiinta Afrika Rukumo ama subscribe garee barteenna YouTube ka Tifaftir Media
01/27/2025

Wax ka ogow xaaladda Falastiinta Afrika

Rukumo ama subscribe garee barteenna YouTube ka

Tifaftir Media

Meydad hor leh oo laga soo saaray Qasa Waxaa maanta oo Khamiis ah kooxaha gurmadku soo saareen meydadka 9 qof oo lagu di...
01/23/2025

Meydad hor leh oo laga soo saaray Qasa

Waxaa maanta oo Khamiis ah kooxaha gurmadku soo saareen meydadka 9 qof oo lagu dilay tuulada Bani Suheyla oo ku taal bariga Khan Younis, koonfurta marinka Qasa.

Wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa ayaa tebisay in "Meydadka sagaalka shahiid, ay tirada guud ee meydadka la soo saaray tan iyo markii xabbad-joojintu ka billaabatay marinka Qasa Axaddii h**e ay ka dhigayso 170."

Arbacadii, ilo caafimaad oo Falastiini ah ayaa sheegay in 53 meyd oo dad ah laga soo saaray burburka deegaano ku yaal marinka Qasa.

Tifaftir Media

Sacuudiga oo Balaayiin Doollar ku Maalgashanaya Maraykanka Dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa sheegay in boqortooyadiisu ay do...
01/23/2025

Sacuudiga oo Balaayiin Doollar ku Maalgashanaya Maraykanka

Dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa sheegay in boqortooyadiisu ay doonayso inay $600 bilyan (Lix boqol oo Bilyan oo Doollar) ku maalgeliso Mareykanka afarta sano ee soo socota. Hadalkan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu h**ey u sheegay booqashadiisa ugu horreysa ee dibadda, in uu ku tagayo boqortooyada Sacuudiga.

Safarkii Trump ee 2017 uu ku tagay Sacuudiga ayaa jebiyay dhaqankii madaxweynayaasha Mareykanka ee ku aaddan in booqashadooda ugu horreysa dibadda ay ku wajahaan Boqortooyada Ingiriiska. Safarkaas waxa uu muujiyay xiriirka dhow ee maamulkiisa la lahaa madaxda dalalka gacanka ee hodonka ku ah saliidda, iyadoo shirkaddiisa hantida ma-guurtada ah ee magaciisa wadata ay sidoo kale ka raadineysay heshiisyo gobolkan.

Hadalka Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan, oo ay ku soo warisay wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga (SPA), ayaa ka dhashay wicitaan uu la yeeshay Trump.

“Dhaxal-sugaha ayaa xaqiijiyay ujeedka boqortooyada ee ah in la ballaariyo maalgashiga iyo ganacsiga ay la leedahay Mareykanka afarta sano ee soo socota, iyadoo qiimaha uu ku kacayo $600 bilyan, (Lix boqol oo Bilyan oo Doollar)” ayay warbixintu tibaaxday.

Tifaftir Media

01/22/2025

LAFAGUR: Guuldarrada Gumaysiga Israa’iil iyo Saamaynta Mustaqbalka Maamulkaasi

Tifaftir Media

01/22/2025

NAMIIBIYA: Dhibbanayaasha la Hilmaamay | Documentary |

Tifaftir Media

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay heshiiska xabbad-joojin ee laga gaaray colaadda Qasa Bayaan Afka Carabiga ku qoran...
01/16/2025

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay heshiiska xabbad-joojin ee laga gaaray colaadda Qasa

Bayaan Afka Carabiga ku qoran oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayuu ku sheegay in uu u mahadcelinayo dowladaha doorka ku lahaa soo gaarista heerkan.

"Waxaan soo dhaweynayaa ku dhawaaqista heshiiska xabbad joojinta ee ka dhaqan galay marinka Qasa. Waxaan ka mahadcelinayaa dadaallada ay horseedka ka yihiin dowladaha walaalaha ah ee Qadar iyo Masar, iyo sidoo kale Maraykanka, si loo gaaro heshiiskan" ayuu bayaankiisa ku yiri madaxweynaha.

Waxa uu sheegay muhiimadda ay leedahay in gargaar la siiyo dadka tabaalaysan: "Iyadoo heshiiskan la gaaray, waxaan adkeynayaa muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu xaqiijinayo joogtaynta heshiiska, iyo in la dardargeliyo keenista gargaar bini’aadannimo oo degdeg ah oo loo fidiyo dadka reer Qasa."

Tifaftir Media

Dabka Los Angeles oo khatar kale laga digayoDuufaanta Santa Ana ayaa la filayaa inay ku soo laabato magaalada Los Angele...
01/13/2025

Dabka Los Angeles oo khatar kale laga digayo

Duufaanta Santa Ana ayaa la filayaa inay ku soo laabato magaalada Los Angeles, taasoo khatar gelinaysa dadaallada lagu xakameynayo laba holac oo ka socda kaymaha, kuwaas oo burburiyay degaamo, isla markaana sababay dhimashada ugu yaraan 20 qof. Dabkan ayaa gubay dhul u dhigma masaaxo ahaan magaalada caasimadda ah ee Washington DC.

Hay’adda cimilada qaranka ee Mareykanka ayaa shaacisay in duufaanta Santa Ana, oo ku socota xawaare u dhaxeeya 80 ilaa 112 kiilomitir saacaddii, ay dib u soo cusboonaan doonto, iyadoo la filayo inay sii socoto ilaa Arbacada.

Hay'adda ayaa soo saartay digniin culus oo ku saabsan "xaalad khatar ah," taasoo ah digniinta ugu sareysa ee laga soo saaro xaaladaha degdegga ah.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in dab-damiska ay guul ka gaareen xak**aynta fiditaanka holacyada, laakiin waxaa u taalla sidii ay ula tacaali lahaayeen duufaanta la filayo inay ku dhufato maalmaha soo socda.

Christine Crowley, agaasimaha waaxda dab-damiska ee Los Angeles, ayaa sheegtay: "Ma jirto meel aamin ah."

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale shaaciyay in gobolka ay ku soo kordhiyeen shaqaale dab-damis oo ku sugan meelaha halista ah, oo ay ka mid yihiin agagaarka holacyada Palisades iyo Eaton, kuwaas oo ah labada holac ugu waaweyn ee ka jira Los Angeles.

In ka badan 8500 oo shaqaale dab-damis ah ayaa loo weeciyay si ay u damiyaan holacyadan.

Tifaftir Media

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu shalay khadka taleefoonka kula hadlay Raysal Wasaaraha Israa’iil Ben...
01/13/2025

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu shalay khadka taleefoonka kula hadlay Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, si ay uga wadahadlaan wadaxaajoodyo ka socda magaalada Dooxa, oo ku saabsan heshiis xabbad-joojin iyo sii-deynta maxaabiista ay hayaan Falastiiniyiinta.

Madaxweyne Biden ayaa xusay in maamulkiisu uu sii wadayo dadaallada lagu doonayo in maxaabiista lagu soo celiyo, dagaalka lagu soo afjaro, isla markaana gargaar degdeg ah loogu fidiyo dadka ku sugan Gaza.

Wadaxaajoodyada ka socda Dooxa ayaa ujeeddadoodu tahay in lagu soo afjaro xiisadda sii xumaaneysa ee gobolka, iyadoo xoogga la saarayo nabadda iyo badbaadinta nolosha shacabka rayidka ah ee labada dhinac, sida ay u arkaan falanqeeyeyaasha.

Tifaftir Media

Garyaqaankii difaacayay siyaasi dhowr jeer la tartamay Yuweri Musaveni oo xabsi loo taxaabay Maxk**ad ku taalla mandiqad...
01/07/2025

Garyaqaankii difaacayay siyaasi dhowr jeer la tartamay Yuweri Musaveni oo xabsi loo taxaabay

Maxk**ad ku taalla mandiqadda Makindye ayaa garyaqaanka Dr. Kizza Besigye, Eron Kiiza, ku ridday xukun sagaal bilood oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi ah in uusan tixgelin maxk**adda.

Xukunka ayaa dabasocday markii subaxnimadii Talaadadii maanta Eron Kiiza xabsiga loo taxaabay isagoo maxk**adda ku sugnaa si uu u difaaco muwakilkiisa Dr. Kizza Besigye iyo Obeid Lutale.

Garyaqaan Kiiza ayaa maxk**adda dib loogu soo celiyey galabnimadii maanta, halkaas oo xukunka lagula riday. Maxk**adda Ciidamada ayaa ku eedeysay Kiiza inuu la dagaallamay waardiyaha maxk**adda, isagoo aan dhageysan digniinta.

Kiiza looma ogolaanin inuu isdifaaco, looma akhrinin eedaha loo haystay, mana helin waqti uu isku dayo in uu isaga yareeyo xukunka lagu riday.

Xukunka ayaa dhaliyey dood weyn oo ka dhextaagan bulshada iyo sharci-yaqaannada, iyadoo ay jiraan baaqyo loo jeedinayo in la xaqiijiyo xuquuqda shakhsiyaadka ku lugta leh dacwadaha maxk**adaha ciidamada.

Tifaftir Media

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dhacdada New Orleans ayaa sheegaya in booliska magaalada ay shaaciyeen in labo askari oo booli...
01/01/2025

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dhacdada New Orleans ayaa sheegaya in booliska magaalada ay shaaciyeen in labo askari oo boolis ah ay ku dhaawacmeen israsaaseyn dhexmartay iyaga iyo qofkii fuliyay weerarka gaariga lagu jiirsiiyay dadweynaha.

Booliska New Orleans ayaa sidoo kale sheegay in darawalka gaariga uu si ula kac ah u doonayay inuu jiirsiiyo tiro aad u badan ee dad ah. Baaritaanada la xiriira dhacdadan ayaa wali socda, iyadoo boolisku ay sheegeen inay doonayaan inay ogaadaan sababaha ka dambeeya falkaasi.

Intaas waxaa sii dheer, Booliska New Orleans ayaa xaqiijiyay in baaritaanka dhacdada uu si rasmi ah gacanta ugu jiro Xafiiska Baarista Federaalka (FBI).

Hay'adda FBI ayaa ku baaqday in dadweynaha ay ka fogaadaan goobta uu shilku ka dhacay si baaritaanka loogu sii wado si nabadgelyo ah, loona helo faahfaahinta dhacdadan.

Waxii warar dheeraad ah ee ku soo kordha arrintan, waan idinla socodsiin doonaa.

Ka mid noqo saaxiibada Tifaftir Media

Degdeg |  Booliska magaalada New Orleans oo Sheegay in Dhacdada Gaariga Dadka Jiiray ay Ahayd Mid Ulakac ahWararka ka so...
01/01/2025

Degdeg | Booliska magaalada New Orleans oo Sheegay in Dhacdada Gaariga Dadka Jiiray ay Ahayd Mid Ulakac ah

Wararka ka soo baxay magaalada New Orleans ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in booliska ay xaqiijiyeen in shilkii gaari xamuul oo lagu dhuftay dad isu soo baxay uu ahaa mid si qasad ah loo fuliyay.

Sida laga soo xigtay shabakadda ABC iyo booliska New Orleans, dhacdadan oo ka dhacday goor dhow, ayaa loo arkaa inay ahayd weerar toos ah. Boolisku waxay sheegeen inay baaritaan buuxa ku wadaan arrintan si loo ogaado sababaha ka dambeeyay falkaas.

Taliska booliska New Orleans ayaa sheegay in falkaasi uu sababay dhimashada ugu yaraan 10 ruux iyo dhaawacyada 30 kale, iyadoo dadaallada baaritaanka iyo qabashada darawalka gaariga ay sii soconayaan.

Tifaftir Media

Ugu yaraan10 Qofood ayaa Geeriyooday halka tobaneeyo kale ay dhaawacmeen markii dad shacab ah gaari lagu jiirsiiyay maga...
01/01/2025

Ugu yaraan10 Qofood ayaa Geeriyooday halka tobaneeyo kale ay dhaawacmeen markii dad shacab ah gaari lagu jiirsiiyay magaalada New Orleans ee dalka Maraykanka

Sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta booliska Luisiana, shilkan oo dhacay goor dhow, ayaa waxaa socda baaritaanno la xiriira sababaha ka dambeeyay.

Taliska booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in tirada dhimashada iyo dhaawacyada ay kordhi karto milay kasta, waxaana ay ku dhawaaqeen in ay wadaan dadaallo lagu soo qabanayo darawalka gaariga oo baxsaday.

Tifaftir Media

Degdeg | Qaraxyo ayaa gilgilay caasimadda Yugreyn ee KeyfWariyeyaal iyo goobjoogayaal ku sugan caasimadda Yugreyn ayaa l...
01/01/2025

Degdeg | Qaraxyo ayaa gilgilay caasimadda Yugreyn ee Keyf

Wariyeyaal iyo goobjoogayaal ku sugan caasimadda Yugreyn ayaa laga soo xigtay in qaraxyo ay ruxeen, iyadoo kadibna uuro iyo olol ay hawada isqabsadeen, taasi oo ahayd natiijada weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo uu Ruushka fuliyay.

Wararka horudhaca ah ayaa muujinaya in weerarku uu bartilmaameedsaday aagag dadweyne, taasoo sababtay xaalad cabsi badan iyo burbur baaxad leh oo gaaray degaamada la weeraray. Dowladda Yugreyn ayaan weli ka hadlin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, iyadoo xaaladda ay weli tahay mid aan la saadaalin karin.

Waxaa la filayaa in xukuumadda Keyf ay bixiso warbixin faahfaahsan oo ku saabsan weerarkan iyo tallaabooyinka amniga ee la qaadayo, si loo xakameeyo xaaladda calowsan.

Tifaftir Media

Xuutiyiinta Oo Soo Riday Diyaarad uu leeyahay Mareykanka Bayaan ay soo saartay kooxda Ansar Allah oo sidoo kalena loo ya...
01/01/2025

Xuutiyiinta Oo Soo Riday Diyaarad uu leeyahay Mareykanka

Bayaan ay soo saartay kooxda Ansar Allah oo sidoo kalena loo yaqaanno Xuutiyiinta ayaa lagu shaaciyay inay soo rideen diyaarad nooca Mareykanka ee MQ-9, iyadoo la adeegsanayo gantaal dhulka laga riday. Afhayeenka militariga kooxda ayaa sheegay in diyaaraddu ku burburtay hawada magaalada Ma'rib, sida lagu sheegay bayaanka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in tani tahay diyaaraddii labaad ee ay soo ridaan 72-kii saac ee ugu dambeysay, iyo tii 14-aad tan iyo markii at billaabeen dadaallada lagu taageerayo Gaza. Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo Ansar Allah ay sii wadaan falalka militari ee lagu taageerayo qadiyada Falastiin.

Afhayeenka militariga Ansar Allah ayaa ku adkeystay inay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan shacabka reer Falastiin, illaa duullaanka lagu hayo Gaza la joojinayo, go'doominta saaran magaaladaasna laga qaadayo.

Tifaftir Media

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka ganacsade Biresaw Minale, maalqabeen ka soo jeeday qowmiyadda Amxaarada ee da...
01/01/2025

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka ganacsade Biresaw Minale, maalqabeen ka soo jeeday qowmiyadda Amxaarada ee dalka Itoobiya, kaas oo Isniintii dorraad lagu khaarajiyay Addis Ababa.

Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa soo tebinaya warar kala duwan oo ku saabsan sida uu u dhintay ganacsaduhu. Warbaahinta Meseret ayaa boggeeda baraha bulshada ku sheegtay in ganacsadaha lagu dilay gaarigiisa isagoo ku yeerinaya hoonka si albaabka gurigiisa looga furo.

Hoygiisu wuxuu ku yaallaa xaafadda Lemi Kura, gaar ahaan deegaanka loo yaqaan “Athletes Village.”

Waxaa sidoo kale jira ilo kale oo sheegay in ganacsadaha lagu dilay gudaha gurigiisa.

Falkaan ayaa dhacay abaare 7:30 fiidnimo waqtiga maxalliga ah. Iaydoo la soo weriyay in meesha uu falka ka dhacay ay korontadu ka maqneyd waqtiga dilka – taas oo laga yaabo inay tilmaamayso in dilka la sii qorsheeyay.

Booliska caasimadda Addis Ababa ayaan wax faallo ah ka bixin dhacdadan. Warbixintii ugu dambeysay ee booliska Addis Ababa ku daabacay baraha bulshada waxay ku saabsaneyd dabbaaldegga sanadka cusub ee Miilaadiga.

Biresaw Minale, oo ka soo jeeday magaalada Bichena ee gobolka Amxaarada, wuxuu leeyahay warshadda Shamiintada ama Sibirka ee Shebel Berenta iyo shirkadda AccessCom Plc – sida laga soo xigtay warbaahinta Meseret.

Dhinaca kale, waxaa dhawaanahana la soo weriyey dilal la mid ah kan ganacsadaha oo todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacay meelo ka baxsan caasimadda Addis Ababa.

Heerka dambiyada abaabulan ee wadanka Itoobiya ayaa sii kordhayay lixdii sano ee la soo dhaafay, markaas oo ah markii Abiy Axmed uu noqday raysal wasaaraha.

Tifaftir Media

Shirkadda Jarmalka ee soo saarta astaanta caanka ah ee Mercedes-Benz ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay musallaftayGo'...
12/30/2024

Shirkadda Jarmalka ee soo saarta astaanta caanka ah ee Mercedes-Benz ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay musallaftay

Go'aankan ayaan lagu kala sooci karin in uu yahay mid salka ku haya saameynta hoos u dhaca ee baahida badeecadaha iyo xasaradda daba-dheeraatay ee ku habsatay wershadaha baabuurta ee Yurub.

Gerhardi, oo ah shirkad Jarmal ah oo soo saarta qalabka baabuurta, kuna caan ahayd inay ka badbaadday duullaankii Napoleon, dhibaatadii dhaqaale ee weynayd, iyo laba dagaal oo caalami ah, ayaa dhawaanahan la daalaa-dhaceysay qalalaase ka dhashay hoos u dhaca suuqyada baabuurta ee Yurub, taasoo keentay in jabkaan soo gaaro wax-soo-saarkeeda.

Tifaftir Media

12/29/2024

Golaha Milateriga ee Ras Al-Cayn, oo hoos yimaada Ciidamada Dimoqraadiga ee Suuriya, ayaa ku dhawaaqay inay fuliyeen hawlgallo lagu bartilmaameedsaday xarumo iyo goobo ay ku sugnaayeen kooxaha gacansaarka la leh Turkiga oo ku yaalla hareeraha magaalada Ras Al-Cayn ee waqooyiga Suuriya.

War-saxaafadeed uu soo saaray Golaha Milateriga ee Ras Al-Cayn ayaa lagu sheegay in weerarka uu yahay jawaabcelin ku aaddan weerarrada waxa uu ugu yeeray 'ciidamada gumeysiga Turkiga,' isagoo intaas ku daray in hawlgalladaas ay ahaayeen kuwa sax ah oo si taxaddar leh loo qorsheeyay, laguna beegsaday saldhigyada Turkiga ee dhowr tuulo oo ku hareeraysan magaalada Ras Al-Cayn.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in subaxnimadii Axadda, cutub ka tirsan golaha uu ku jarmaaday xarumo iyo goobo ku yaalla tuulada Al-Rayhaniya oo ka tirsan magaalada Ras Al-Cayn, halkaas oo ay dagaal kula galeen kooxihii ku sugnaa goobahaas, ayna ku dileen 5 ka mid ah.

Golaha Milateriga ee Ras Al-Cayn ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadooda aysan wax khasaare ah soo gaarin intii lagu guda jiray hawlgalladaas lagu qaaday tuulooyinkaas.

Tifaftir Media

Address

Hunteridge Hill NE
Calgary, AB
T2K4X4

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tifaftir Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Tifaftir Media:

Videos

Share