28/04/2024
Suuqa shaqada Soomaaliya ; Waa hal ubadku ka baahanyahay oo u irmaan ajaaniibta bulshada bariga Afrika!
Soomaaliya ayaa u noqotay dalalka Kenya iyo Uganda il dhaqaale oo si deg deg ah kobac u sameynaya. Dadka Kenyanka ah ee ka shaqeeya gudaha Soomaaliya waxay sannadkii u diraan dalkooda $180 milyan, halka Uganda ay ka hesho Soomaaliya 21.9 milyan oo dollar sannadkiiba, taaso ah lacagta xawaaladaha ay ku diraan shaqaalaha dalkaa u dhashay ee ka shaqeeya gudaha Soomaaliya.
Nathan Mugisha, ku-xigeenka madaxa ergada Uganda ee Soomaaliya ayaa u sheegay wargeyska The EastAfrican oo warbixintan soo bandhigay, inay ka jirto suuq baaxad weyn oo shaqada ah gaar ahaan xirfadaha Soomaaliya , wuxuu caddeeyay inay hadda diiradda saarayaan sidii ay ugu dhiirrigelin lahaayeen xirfadlayaasha Uganda inay usoo deg degaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen suuqa shaqada ee Soomaaliya , iyadoo laga faa’iideysanayo inay hadda Soomaaliya xubin ka noqotay ururka Bulshada bariga Afrika , in ka badan 35,000 oo shaqaale Uganda u dhashay ayuu tilmaamay inay ku sugan yihiin Soomaaliya , isagoo sii hadlaya wuxuu yiri ; “ Muwaadiniinta Uganda waxay maalintii u diraan dalkooda $50,000-$60,000, iyagoo adeegsanaya xawaaladaha Soomaaliya ,laakiin taasi waxba ma aha marka la barbar dhigo waxa Kenyaanka u diraan dalkooda."
Fiiro gaar ah ;
Dalka suuqa shaqadiisa ay ka diraan ajaaniibta ee Soomaaliya , waa mid ka mid ah dalalka adduunka ee shaqalo la’aanka ugu sarreeyso ay ka jirto , dhallinyarada ayaana wajahaya in ka badan kala bar shaqo la’aan, sababto ah waa dal aan wax qorshe iyo siyaasaddo shaqeeya oo la xiriira shaqada iyo mid xaddidaya ajaaniibta aan lahayn, dhibaatada sidoo kale ma jiraan daraasado la xiriira suuqa shaqada oo ay dawladda soo bandhigto, taa oo gacan ka gaysan karta in dhallinyarada loo diyaariyo suuqa shaqada iyo xirfadaha loo baahanyahay ee xilligan ay ajaaniibtu malaayiinta dollar ka sameeyaan toddobaadkii. Kenya oo kaliya ayay warbixinta The EastAfrican ku sheegtay shaqaalaha ka jooga Soomaaliya inay toddobaadkii dalkooda u diraan in ka badan 3 milyan oo dollar.
Warbixinta ayaa sidoo kale bannaanka soo dhigaysa fashilka dawladda iyo bulshada ka haysata sidii loo heli lahaa hannaan u fududeynaya muwaadiniinta inay ka faa’iideystaan suuqa shaqada ee dalka, oo ay ugu horreyso in muwaadiniinta loo diyaariyo xirfadaha suuqa shaqada looga baahanyahay, hadda shaqooyinka ay qabtaan ajaaniibta ayaa isugu jira xirfadaha shaqada oo ay ugu horreeyaan xafiisyada, dhismayaasha, korontada, qalabeynta illaa shaqaalaha guryaha iyo makhaayadaha, mid ka mid ah waxyaabaha dhiirrigalinaya shaqooyinka yaryar inay qabtaan ajaaniibta, waxaa ka mid ah dhammaan shaqo doonka Soomaaliya inay diiradda saaran sidii ay uga shaqeyn lahaayeen xafiisyada dawladda iyo hay’adaha; ganacsiyada gaarka ah ayaa sidoo kale uga fogaanaya inay shaqo galiyaan muwaadiniinta inaysan lahayn xirfada iyo khibrada shaqada looga baahanyahay ee leh aqoonta iyo hab dhaqanka akhlaaqda ee shaqada.
Tallaabooyinka ay tahay in la qaado;
Kororka shaqo la’aanta ay wajahayaan muwaadiniinta Soomaaliya, xilli ay kordhayaan tirada shaqaalaha ajanabiga ah ee dalka ku sugan , si looga hortago waxaa dawladda la gudban si deg deg ah dalka inuu u aqoonsado ‘masiibo qaran’ heerka shaqo la’aanta, si sare loogu qaado loona soo bandhigo siyaasado, qorsheyn iyo daraasad la xiriirta suuqa shaqada caqabadaha iyo fursadaha ka jira , taa oo ka caawin karta dhallinyarada inay u deg degaan aqoontada fursadaha suuqa shaqada ka jira , mar kasta oo sare loo qaado qorsheynta iyo horumarinta adeegyada bulshada oo shaqada ay ka mid tahay , waa mar kasta oo dalku uu ka tallaabi karo fashilka ka haysta natiijo laga gaaro dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xagjirnimada, tahriibka iyo burburka dhaqaalaha. Wasaaradaha Dawladda ee shaqadooda ay tahay bixinta adeegyada waxay inta badan diiradda saaran siyaasadda iyo mashaariicda ay u helaan deeqa caalamiga ah taa oo tilmaam ka bixisa qaran dhexda uga jira fashil nidaam. Warbixinta soo bandhigtay kororka shaqaalaha ajanabiga ayaa sidoo kale biyo ku shubaysa natiijo iyo waxtar uu dalka ku soo kordhiyo ku biirista ururka bulshada bariga Afrika , mar kasta oo laga dib dhaco horumarinta shaqo galinta muwaadiniinta waa xilliga ay si aan xad lahayn suuqa shaqada ee Soomaaliya uu u noqonayo mid ay soo buuxiyaan waddamada ururka ku jira ee khibrada iyo shaqada uga sarreeya muwaadiniinta Soomaaliya.
Raad-san Media