06/06/2024
I Maalinta Jimcaha ee nagu soo aadan 07 jun 2024 / 1/12/1445.(Dul- hijjah ama carafa waxaad u taqaanaba. waxaa inoo bilaabaneysa Bisha Dul -Hijjah waxay kamid tahay bilaha sida gaar ka ah ee xurmada u leh.
Ilaahey wuxuu ku dhaartay Tobankaan maalmood,
Wuxuuna yiri :
(والفجر وليال عشر)
Nabigeena Muxamed صلى الله عليه وسلم wuxuu yiri ma jiro maalmo uu ilaahey ka jecel yahay acmaal la sameeyo tobanka maalmood ee ugu h**eysa bisha Dul-Hijjah.
Faaidooyinka 10-ka Maalin ee ugu h**eyso bisha Dul-Hijjah.
1) Maalinta 1aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalintii loo dambi dhaafay Nabi Aadam CS, Qofkii sooma dambiyadiisa oo dhan waa loo dhaafa.
2) Maalinta 2aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la aqbalay ducada Nabi yoonis CS isla markaasna laha soo bixiyey calooshsha malaayga, qofkii sooma waxay ula mid tahay sida isagoo hal sano caabudaayey ilaahey oo aan ilBiriqsi ku caasin.
3) maalinta 3aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la aqbalay ducadii Nabi zakariya CS, qofkii sooma ducadiisa waa la aqbalayaa.
4) maalinta 4aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la dhalay Nabi ciise CS, qofkii sooma ilaahey wuxuu ka dheeraanayaa Quusitaan iyo Faqri.
5)Maalintii 5aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la dhalay Nabi Muuse CS, qofkii sooma ilaahey wuxuu ka badbaadiyaa cadaabta Qabriga
6) Maalinta 6aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii uu Alle Nabigiisa u furay albaabada kheyrka , Qofkii sooma wuxuu Alle ku fiiriyaa il naxariis leh.
7)Maalinta 7aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la xirayo Albaabada Naarta, lamana furo ilaa ay ka dhamaato Tobanka maalin ee bisha Dul-Hijjah, Qofkii sooma ilaahey wuxuu ka xiraa 30 Al baab oo dhibaato ah, wuxuuna u furaa 30 Al baab oo Fudeed ah.
8) Maalinta 8aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalinta loogu magac daray (Tarwiya) Qofkii sooma wuxuu Alle siinaayaa ajir uusan ogeyn ilaahey mooyee.
9) Maalinta 9aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalinta la istaagaayo Banka carafa,Qofkii sooma ilaahey wuxuu u dhaafaa dambiyada sanadkii h**e iyo sanadka soo sacdo, waana maalinta ay soo dagtay aayada Qu'aanka ee ( الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا)
10) Maalinta 10aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalinta ciidul adxaa, qofkii Alle qurbaan ugu dhawaadana
wuxuu u dhaafaa dambiyadiisa.
Lawadaag wll aad qeryka ka jeceshahy
Walal qoraalka lawadag umada Musliminta Ah ❤❤❤❤ dhamaantiina waan idin jaclahay Allaha caafimaad nagu gaarsiiyo Aamiin aamiin 🤲🤲🤲 sanadkaan sanadkiisa cumri dheer caafimaad leh Allaha nagugaarsiiyo Aamiin Aamiin 🤲🤲🤲🤲❤❤❤