Ururka 95aad Waajid

Ururka 95aad Waajid Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ururka 95aad Waajid, Radio Station, Chittagong Division.

Permanently closed.
16/10/2024

Shirkii uga socday Muqdisho hoggaanka dalka iyo qaar ka mid ah madaxda Dowlad-goboleedyada, Labadii Todabaad ee la soo dhaafay, in uu ku soo dhammaaday fashil iyo natiijo la'aan waa mid niyad jab Iyo kala qaybin u horseedaysa shacabka Soomaaliyeed, jahwareer iyo hubinti la’aan siyaasadeedna ka abuuraysa dalka.

Dowlad-gobeeldayada laga hortaagan yahay in ay qabsadaan doorashada iyadoo la dhaafay wakhtigoodii dastuuriga ahaa, laalidda dastuurka heshiiska lagu yahay, iyo damaca Madaxweynaha ee sii joogista xukunka sifo aan waafaqsanayn sharciga waxa ay caqabad ku noqonayaan dowladnimada, wadajirka iyo midnimada Soomaaliya.

Markale waxaan adkeynaynaa baaqyadii aan horey ugu soo jeedinay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulkiisa ee ku saabsanaa in uu ku soo laabto xeyndaabka sharciga iyo dowladnimada, gutona waajibaadka qaran ee kaga aaddan hirgelinta hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, lagagana gudbo marxaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay maanta la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed.

Natiijo la’aanta Madasha Qaranka oo Madaxdii Dowlad-goboleedyada sii kala qaybisay waxa ay ifafaalo aan wanaagsanayn ka bixinaysaa mustaqbalka siyaasadeed iyo dowladnimo ee dalkeenna, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Xildhibaannada heer Federaal in ay u istaagaan samata-bixinta dalka iyo badbaadinta dowladnimadeenna.

Ugu danbeyntii, hirgelinta doorashooyinka qaranka, yagleelidda Guddiyada ka shaqeynaya iyo dhammeystirka dib u eegista dastuurka waa masuuliyad wadareed u wada taalla shacabka, dowladda iyo hormuudka siyaasadda Soomaaliyeed, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, sidaas awgeed cid gaar ah laga aqbali maayo in ay ku jaan-gooyso danaheeda gaarka ah.

06/09/2024

Qosolka ilaa 15 ilbiriqsi ayaa ka dhigo maalmahaaga in aad farxad iyo reyn reyn dareentid, sidaasi darteed joogtey dhoolacadeynta si noloshaada aad u hesho farxad

25/07/2024

ﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺﷺ

16/01/2024
16/01/2024

Waxaan ka xumahay falalka ay Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranku ku xirtay qaar ka mid ah xarumaha Shirkadda Hormuud Telecom.

Waa arrin ugub ku ah Dowladnimada Soomaaliya in ay hay'ad dowli ahi weerar toos ah iyo mid warbaahineed ku qaaddo Shirkad Soomaaliyeed, magaca Dowladdana lagu dhibaateeyo shirkad canshuur-bixiye ah, oo Hay'adda Nabadsugidda iyo dowladdaba waajib qaran ka saaran yahay ilaalinta amnigeeda.

Waxaan xogogaal u ahay kaalinta hoggaamineed ee Shirkadda Hormuud ka qaadatay horumarinta dhaqaalaha Dalka, samatabixinta ummadda, iyo dib-u-dhiska Dalka iyo dowladnimada Soomaaliya, oo aan si dhow uga soo wada shaqeynay muddadii aan ka mid ahaa hoggaanka Dalka.

Hormuud waa shirkad iyo hanti Soomaaliyeed, oo lafdhabar u ah dhaqaalaha Dalka, ayna waajib nagu tahay in aan wada ilaashanno. Dhibaatada soo gaarta Hormuud waxay wax u dhimaysaa dhaqaalaha dalka. Waxaan sidaas daraadeed ku baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo furo xarumaha Shirkadda, Hay’adaha Dowladda iyo Shirkadduna u wada shaqeeyaan si waafaqsan shuruucda Dalka, oo ay ku dheehan tahay xilkasnimo, hufnaan, daacadnimo, iyo biseyl dowladnimo.

Marka Aad  dhimato Waxaa La Wariyay in Ruuxdaada  ay Ku sii baaqi ahaan doonto Meydkaaga dhinaciisa , Sida Barkintada ho...
16/01/2024

Marka Aad dhimato Waxaa La Wariyay in Ruuxdaada ay Ku sii baaqi ahaan doonto Meydkaaga dhinaciisa , Sida Barkintada hoosteeda iyo Sariirta hareeraheeda Waa goormee .? Waa Marka Lagu dhaqayo iyo Marka La Karfanayo Labadaba.

Marka Lagu duugo Ruuxdaada Waxeey Dib Ugu Soo Laabaneysaa Jirkaaga Ka dib Marka Qabriga Lagu soo dhex jiifiyo😭😭😭😭.

Marka Lagaa Soo Laabto Ka dib Waad Soo Tooseeysaa Sida Qof Hurdo Ka Soo Kacay Camal Waxaa La Sheegaa in Aad Sadax Mar Oo isku Xig Xigto Aad isku dayidoontid inaad soo fadhiisato Qabriga dhexdiisa.

Ka dib Waxaad Arkeysa Mugdiga Ka jiro godka qabriga dhexdiisa , Lkn Mar Walba Oo Aad damacdo inaad madaxa Kor U soo qaado Darbiga Qabiga ayaad Madax Ku dir dirsaneysa

Marka Aad Aragto Xaaladaada in aysan Caadi aheeyn ayaad Rumeysan doontaa inaad ka mid tahay Ehlu-meytka Asxaabul Qabuurka Meesha Ku Cusub Caawa.

Wax yar Ka dib Waxaa Kuu imaan doona Labadii Malag Ee kala ah Munkar iyo Nakiir Kuwaa Oo Loo Wakiishay Kaliya In ay Qabriga dadka Ku su"aalaan Sadax Su"aalood.

Waxa ay Ku Weeydiin doonaan Ma aha Baasaboorkaa dhalashadada Ama Lacag iyo Maal , Ee Kaliya Waxa ay Ku Weeydiin doonaan Xagga Rabbigaa Diintaada Rasuulkaaga csw.

Labo Mid ayaad Noqon Mid ka Jawaaba Oo liibaana Ama Mid Ku dhaca Oo khasaara 😢

Ka dib Waxaa Laguu Wadayaa Goob lagu magacaabo Xayaatu-barzaq Waxeey leedahay goobtaa labo albaab Mid Waxa Uu Ku sii jeedaa janada
Mid ka Kale isagane Waxaa Uu Ku Sii jeedaa Xaga jahanamo Halkaas ayaad Ku sugi doontaa Xisaabta iyo isa Soo bixinta Qiyaamaha.

Markaa ka dib Labo Meel mid ayaad Aadi Ama janno Ama Naar Allah Naga badbaadiyee

Sido kale Maalmaha Qaar Waxaa ku soo booqan doona qaar Ka Mid ah qaraabadada iyo Asxaabtaada

Waxaa la Wariyaa in Uu Malag Kuu imaan doona Kuguna Wargelin doona in Qof Ehelkaaga ah Ku soo Salaamay Waxaa Uu kugu Oranayaa, Waxaa Kuu imaaday Wiikaaga ama Hooyada Ama Gabadhaada Ama Xaaskaaga.

Ruuxdaada Weey Ka Soo baxeysaa godka Qabriga Waxeey soo Koreysaa buurka Sare Ee Carada Qabriga , Waxeey rabtaa in ay dhageeysato Waxa Uu dhihi doona qofka imaaday Ee Soo Booqdaha ah.

F: G: Waxaan jecleystay inaan Nafteeyda iyo Naftaada geerida Xasuusiyo si Aan Uga towbad keeno Dambiyada aan galeyno Wll mcn

-Dhamaanteen Allah Noo dambi dhaafo
- Khaatumada Allah Noo hagaajiyo Aamiin dheh

Hadaba Waan Ku soo gaarsiiyay Dacwadan Adigane Allah dartiis U faafi Nabiga Waxa Uu yiri " بلغوا عني ولو ءاية "

10/01/2024
07/01/2024
07/01/2024
Inaa lilaahi wainaa ileyhi raajicuun Allah u naxariiste waxaan halkan TACSI tiiranyo leh uga direyaa dhamaan Ehelka iyo ...
06/01/2024

Inaa lilaahi wainaa ileyhi raajicuun Allah u naxariiste waxaan halkan TACSI tiiranyo leh uga direyaa dhamaan Ehelka iyo qaraabada samir iyo iimaan Allah inaga wada siiyo Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin

06/01/2024
TACSI TIIRAANYO LEH.‎( إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ) ‎إن لله ما أخذ ، وله ما أعطى ، وكل شيء عنده بأجل مسم...
03/09/2023

TACSI TIIRAANYO LEH.

‎( إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ)
‎إن لله ما أخذ ، وله ما أعطى ، وكل شيء عنده بأجل مسمى

Waxaan Xanuunka La Qeybsaneynaa Dhamaan Eheladii Iyo Qaraabadii Uu Kabaxay Allaha U Naxariistee walalkey Abdulahi Ali Maadey Oo ku Geeriyooday degmada waajid ee gobolka bakool.
Allah u naxriiso Abdulaahi waxaa uu ahaa nin degan afgaaban salaad badan.

Waxaana Allah Uga Baryeynaa In Uu Janadiisa Fardowsa Ka waraabiyo, Anagane Sabar Iyo Iimaan Uu Naga Siiyo Aamiin yaa allh.

Taliyaha cusub Qeybta 60aad Hassan Baydhabo ayaa lagu soo dhoweeyey Magaalada Baydhabo Taliye soo dhowoow
07/06/2023

Taliyaha cusub Qeybta 60aad Hassan Baydhabo ayaa lagu soo dhoweeyey Magaalada Baydhabo Taliye soo dhowoow

04/11/2022
04/11/2022
31/10/2022
31/10/2022
31/10/2022
31/10/2022

Address

Chittagong Division

Telephone

+252618688761

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka 95aad Waajid posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ururka 95aad Waajid:

Videos

Share

Category

Nearby media companies


Other Radio Stations in Chittagong Division

Show All