ERAR TV

ERAR TV Somali Journalist |based in Nairobi|
(12)

Waa su'aal?
03/09/2024

Waa su'aal?

Aqoonyahan Afqabeen ahGeesi aan gabbasho aqoon Ugaas Abdirashid Ali Shuaa  Maanta lama joogo wakhtigii la rumaysan jiray...
03/09/2024

Aqoonyahan Afqabeen ah
Geesi aan gabbasho aqoon
Ugaas Abdirashid Ali Shuaa
Maanta lama joogo wakhtigii la rumaysan jiray indha suracaadka iyo A.I

Guud ahaan ba qoyska ree Xaaji Cali dad sharafle.

Ciidamada Badda ee Ethiopia oo baranaya shuruucda bada!!
03/09/2024

Ciidamada Badda ee Ethiopia oo baranaya shuruucda bada!!

Xildhibaan Axmed Khaliif oo ka tirsan Golaha wakiilada ee S/land ayaa yiri:“Madaxweynuhu hadduu sii dayn waayo Xildhibaa...
03/09/2024

Xildhibaan Axmed Khaliif oo ka tirsan Golaha wakiilada ee S/land ayaa yiri:

“Madaxweynuhu hadduu sii dayn waayo Xildhibaan Maxamed Abiib maamuus ka xayuubin ayaan ku sameynaynaa”

“SNM waqtigeedii wuu dhammaaday”

SNM-ta uu ka hadlaayo Xildhibaan Axmed Khaliif waa midda loo haysto Maxamed Abiib inuu wax ka sheegay.

Sidee kula yahay hadalkan?

Hogaanka Nabad galyada Degaanka wuxuu u dhigmaa Wasiirka Gaashaandhiga waxa uuna yidhi qoraalkan, ma mabda' ayay ka taha...
03/09/2024

Hogaanka Nabad galyada Degaanka wuxuu u dhigmaa Wasiirka Gaashaandhiga waxa uuna yidhi qoraalkan, ma mabda' ayay ka tahay mise waa la qasbay ?

Waan difaacaynaa Ethiopia Ayuu Yiri Hogaanka Xafiiska Nabad galiyada DDS.

Hogaanka Xafiiska Nabad galiyada Degaanka Somaalida Dayib ahmed ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia gaar ahaan kuwa Bariga ay nafta u hureen nabada gelyada deegaankeena si loo gaaro marxaladda hadda jirta ee Hormarka ah.

Wuxuu sheegay Dayib ahmed inay Difaacayaan Marwalba Nabad galiyada iyo jiritaanka Ethiopia naftana ay uhurayaan.

03/09/2024

Daawo: Xasan Sheekh oo Muqdisho ku casuumay Gudoomiyii Axmaarada iyo Ciidankii Abiye oo Sudan iska dhiibay

Waxaa qoraalkan lagu daabacay Ciwaanka Mohamed Abiib oo Mandheera ku xidhan.Waxaa saaka Gabi ahaanaba la xidhay suuqyada...
03/09/2024

Waxaa qoraalkan lagu daabacay Ciwaanka Mohamed Abiib oo Mandheera ku xidhan.

Waxaa saaka Gabi ahaanaba la xidhay suuqyada Boorama waxaana la diiday in shacabkii Boorama ay sidii caadiga ahayd ay suuqa u shaqatagaan ama kasoo adeegtaan.

Waxaana xidhay Sariimadii, Dhakhtaradii,Tukaamadii iyo goobkasta oo bulshada u shaqaynaysay Waxaa la hordhigay Ciidamo.

Bal maxay adiga kula tahay?

03/09/2024

Daawo: Maxaa ka jira Codadka sirta ah ee lagala baxay Mobile ka Xildhibaan Mohamed Abiib

Degaanka Somalida waxaa uu wajahayaa khataro farabadan, iyo sidoo kale fursado hadii uu helo hogaamin garata oo ka faa'i...
02/09/2024

Degaanka Somalida waxaa uu wajahayaa khataro farabadan, iyo sidoo kale fursado hadii uu helo hogaamin garata oo ka faa'iidaysta.

Hada khatar tee ayaad odhan lahayd halaga dig toonaado?

Aniga ma lihin khatar Oromo ka daran.

Siday horayba u sheegtay Dowladda Eritrea ethiopian Airlines ayaa joojisay duulimaadkeedii Asmara Diyaaradda Ethiopian A...
02/09/2024

Siday horayba u sheegtay Dowladda Eritrea ethiopian Airlines ayaa joojisay duulimaadkeedii Asmara

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Asmara ee dalka Eritrea laga bilaabo maalinta berri ah.

Eritrea ayaa horay ugu dhawaaqday in markii la gaadho bishan September ay joojisay dulimaadka Ethiopian Airlines.

Siyaasi Jaamac Shabeel oo kamid ah siyaasiyiinta ugu afka dheer S/lans ayaa yiri:“Ina abiib ama wuxuu noqon miskiin xun ...
02/09/2024

Siyaasi Jaamac Shabeel oo kamid ah siyaasiyiinta ugu afka dheer S/lans ayaa yiri:

“Ina abiib ama wuxuu noqon miskiin xun oo kolba meel lagu xiro ama nin tol leh ayuu noqon”

“Muuse ani wuu i yaqaanaa meeshaan joogana wuu ogyahaye ha ii yimaaddo, anu ma ihi miskiin samaroon ah”

Maxaa kaaga baxay hadalka siyaasi Jaamac Shabeel?

Bill Gates oo kamid ah Dadka ugu Taajirsan Dunida ayaa Booqasho ku tagay Oromia.Bill Gates ayaa quudiya Ethiopia arday a...
02/09/2024

Bill Gates oo kamid ah Dadka ugu Taajirsan Dunida ayaa Booqasho ku tagay Oromia.

Bill Gates ayaa quudiya Ethiopia arday agoon ah oo fara badan oo Oromo ah na wax bara

Dawlada Sudan ayaa xirtay xuduudka  Ay Ethiopia La wadaagto kadib markay jabhada amharada ee Fano ay qabsadeen magaaloyi...
02/09/2024

Dawlada Sudan ayaa xirtay xuduudka Ay Ethiopia La wadaagto kadib markay jabhada amharada ee Fano ay qabsadeen magaaloyin udhaw xuduudka.

Sida laga soo xigtay Warbaahinta Sudan Tribune Jabhada Fano ayaa qabsaday magaaloyinka udhaw xuduudka Sudan gaar ahaan Matema.

Jigjiga:Magaalada Jigjiga xaafadda 17aad gaadhi xamuul ah oo rar wada ayaa waxaa damcay inay la wareegaan oo ay dhacaan ...
02/09/2024

Jigjiga:
Magaalada Jigjiga xaafadda 17aad gaadhi xamuul ah oo rar wada ayaa waxaa damcay inay la wareegaan oo ay dhacaan Ciidamada Oromada ah ee loo yaqaano Jibriga, gaadhigii oo ka cararaya ayaa galay shil sababay dhaawac laba qof oo ree Jigjiga ah wiil iyo gabadh.

Intaa kadib shacabkii ayaa u diiday inay boobaan gaadhiga nimankii Oromo iyaguna waxay ooda kaga qaadeen xabbad nool nool shacabkaana guulaystay.

Deg-deg :  Soomaaliland ayaa xidhay       ,Kaasi oo  lagu xidhay  xarunta dambi baarista CID Hargeysa,  Xildhibaan Abiib...
02/09/2024

Deg-deg : Soomaaliland ayaa xidhay ,Kaasi oo lagu xidhay xarunta dambi baarista CID Hargeysa, Xildhibaan Abiib ayaa waxa uu maalmahan ka hadlayey Arragtida kooxdii Jabhadii SNM Taasi oo ay dhibsadeen masuuliyiin ka tirsan Soomaaland ee taabacsan aragtidii Jabhada SNM

Xiliga la xidhayay Xildhibaan Abiib waxaa uu ku sugnaa gagida diyaaradaha waxa uuna ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa Dubai.

Siday adiga kula tahay?

Falanqayn:Xulashooyinka Diblomaasiyadeed ee Masar ayaa laga yaabaa inay isu Badalaan Tallaabo Milatari Dhammaan xulashoo...
02/09/2024

Falanqayn:Xulashooyinka Diblomaasiyadeed ee Masar ayaa laga yaabaa inay isu Badalaan Tallaabo Milatari

Dhammaan xulashooyinka ayaa miiska u saaran Masar kuwaas oo lagula macaamilayo Itoobiya sido kale waxaa dhici karta in laga gudbo dhax-dhaxaadinta Dublamaasiyada iyado lo gudbi karo Talaabo milatari waxaana Sababi kara Diidmada Ethiopia ee Xal uhelida Muranka Biyo-xidheenka wabiga niil.

Fariinta Masar ay u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka tarjumeysa in laga gudbay istiraatijiyadii lagu xakameyn lahaa Itoobiya oo loo gudbay marxalad cadaadis la saarayo ka hor inta aysan masar u dhaqaaqin Xal milatari.

Fariintan ayaa ah mid si adag u qoran oo ujeedadeedu tahay in beesha caalamka lagu gaarsiiyo in la gaaray waqtigii laso afjari lahaa wada xaajoodyadii aan miro dhalka ahayn ee socday muddo 13 sano ah. Haddii kale, Qaahira waxay ku qasbanaan doontaa inay danaheeda u ilaaliso sida ay u aragto ee lagama maarmaan ka ah.

Khilaafka Ethiopia iyo masar ee ku adan Biyo-xidheenka wabiga niil ayaa meshii ugu saraysay maraya.

Waxaa sidaas Ku Doodaya Falnqeeye ahna wariye sare Khalid mahamoud oo la hadlayay TV Al Carabiya.

Adiga maxay kula tahay?

"Horay ayaa loo tijaabiyay, annaga cid dagaal nagu wajahda oo naga guullaysan karta majirto."; Abiye Ahmed, Raysal wasaa...
02/09/2024

"Horay ayaa loo tijaabiyay, annaga cid dagaal nagu wajahda oo naga guullaysan karta majirto."; Abiye Ahmed, Raysal wasaarehaa Itoobiya.

02/09/2024

Falanqayn: Soo laabashada Boqorbuur madow iyo wax yaabaha ka dambeeya iyo Suruudaha Heshiiska Muuse

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya in gudoomiyaha golaha shacabka Aaden Madoobe, uu qabtay mooshin ay soo jeediyeen m...
01/09/2024

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya in gudoomiyaha golaha shacabka Aaden Madoobe, uu qabtay mooshin ay soo jeediyeen mudanayaal baarlamaan oo riixayso madaxtooyada Soomaaliya, taas oo ay ku doonayso in 25 xildhibaan oo kasoo jeeda KG laga saaro golaha Shacabka.

Xildhibaanadan u tagay guddoonka ayaa u hanjabay, waxayna sheegeen in ay la xisaabtami doonaan, haddii uusan mooshinkan qaban, Madoobe ayaa dhankiisa sheegay in mooshinadu badan doonaan, haddii kan la qabto.

Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa dhanka Garsoorka iyo xeer ilaalinta cadaadis ku saaraysa in lasoo saaro warqad dalbasho xasaanad ka qaadis mudanayaal baarlamaan.

01/09/2024

OROMO YAA U SHEEGA .

01/09/2024

Falanqayn: Fahad Yaasiin oo Farmaajo xidhiidhka u jaray iyo wax yaabihii sababay.

Somalia Ethiopia ayaa ka diiday inay Masar wax la wadaagto, Jabuuti na Eritrea ayaa sidoo kale!! Dawlada Eritrea 🇪🇷 ayaa...
01/09/2024

Somalia Ethiopia ayaa ka diiday inay Masar wax la wadaagto, Jabuuti na Eritrea ayaa sidoo kale!!

Dawlada Eritrea 🇪🇷 ayaa Ganafka ku Dhufatay hadalkii kasoo jeedhay wadanka Djibouti 🇩🇯 ee ahaa inay Ethiopia 🇪🇹 dakad kasiin doonto Xuduudka laba wadan

Wasiirka Arimaha Dibada wadanka Eritrea mr Osman Salah Mohamed ayaa sheegay inay ooga digayaan dawlada Djibouti inay Amniga wadanka Eritrea khal khal galiso una ogolaan doonin in Ethiopia ay Cagaha soo galiso Bada Cas

Maxay adiga kula tahay?

Deg Deg Madaxweyne h**e Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa ka Dawladda Somalia uga digay inay Maamulka Hawada Somalia ku wa...
01/09/2024

Deg Deg Madaxweyne h**e Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa ka Dawladda Somalia uga digay inay Maamulka Hawada Somalia ku wareejiyaan Dal Shisheeye.

Aqriso qoraalka hoose:

“Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan uga digaynaa hirgelinta qorshaha la xiriira in dal shisheeye ay ku wareejiyaan maamulka hawada Soomaaliyeed, taas oo ah tallaabo dhaawacaysa qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliyeed.”

“Gacan ku haynta maamulka hawadu waa arrin taabanaya amniga Qaranka iyo madaxbannaanida dalkeenna, damaca haatan socoda ee Imaaraadka Carabta loogu wareejinayona waxa uu dib u celinayaa dadaallada naf hurka ahaa ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.”

“Soo celinta hawada dalkeenna waxaa lagu bixiyey dadaal ay hureen khubaro Soomaaliyeed, hanti iyo qorsheyaal diblumaasiyeed oo adag, waxaana nasiib darro ah in dano shakhsi ah oo aan laga fiirsan awgeed maanta loo burburiyo dhaxalkaas ay wadaagaan shacabka Soomaaliyeed.”

“Qalabka casriga ah ee yaalla garoommada iyo xarunta maamulka hawada Soomaaliyeed iyo khubarada waddaniga ah ee ku shaqaysa oo sannado koobaan dalkeenna ku gaarsiiyey heerka ugu sarreeya ee Class A ee dhanka hawada waxay caddayn u tahay in aysan jirin baahi loo qabi karo in shirkado iyo dalal shisheeye ay la wareegaan maamulka hawadeenna.”

Dowlad nimada Somalia maxaa hor taagan adiga aragtidaada ?
01/09/2024

Dowlad nimada Somalia maxaa hor taagan adiga aragtidaada ?

01/09/2024

Dagaalkii Ethiopia iyo Eritrea markii Ethiopia inagu qasabtay inaan u hiilinno wixii inaga gaadhay iyo

"Gobaygii Jawi Lumay"
Abwaann cabdulahi maxamed cabdi (bari bari)

Burburka Mabad iyo Nolol sideed u aragtaa?
01/09/2024

Burburka Mabad iyo Nolol sideed u aragtaa?

Boqor Buurmadaw oo muddo ka dib ku laabanaya Hargaysa.Guryo noqodka Buurmadaw ayaa timid markuu dagaal afka ahblabgalay ...
01/09/2024

Boqor Buurmadaw oo muddo ka dib ku laabanaya Hargaysa.

Guryo noqodka Buurmadaw ayaa timid markuu dagaal afka ahblabgalay cid kasta oo ay is hayeen muuse Biixi.

Ugu danbayn Madaxwaynaha Somaliland ayaa soo saaray warqad cafis madaxwayne loogu magacdaray.

Maxay adiga kula tahay?

Maamulka Somaliland ayaa Shirkadda Ethiopian Airline u qabatay muddo Saddex Isbuuc inay ku soo celiso magacii Hargaysa S...
01/09/2024

Maamulka Somaliland ayaa Shirkadda Ethiopian Airline u qabatay muddo Saddex Isbuuc inay ku soo celiso magacii Hargaysa Somaliland ahaa.

Siday kula tahay muwaadin ?

Faysal Cali Waraabe ayaa yiri:“Qoloda Laascaanood joogta ee tiri gala dagaalka, Inkaari idinku dhacday ayaan leeyahay da...
01/09/2024

Faysal Cali Waraabe ayaa yiri:

“Qoloda Laascaanood joogta ee tiri gala dagaalka, Inkaari idinku dhacday ayaan leeyahay dadkii bay kiciyeen”.

Sideed u aragtaa habaarka ninkaa wayn ?

DEG-DEG:Dalka Masar ayaa maanta warqad ku saabsan horumarka Ethiopia ka wado Biyo xidheenka wabiga niil udirtay Golaha A...
01/09/2024

DEG-DEG:
Dalka Masar ayaa maanta warqad ku saabsan horumarka Ethiopia ka wado Biyo xidheenka wabiga niil udirtay Golaha Amaanka ee QM

Qoraalka kaso baxay wasaarada Arimaha dibada ayaa lagu Yiri Masar waxay si dhow ula socotaa horumarka waxayna diyaar u tahay inay qaado dhammaan tallaabooyinka lagu dammaanad qaadayo Axdiga Qaramada Midoobay si ay u difaacdo jiritaankeeda iyo awoodda iyo danaha dadkeeda.

Masar waxay sheegtay inay xaq uleedahay inay difaacdo Xuquuqdeeda iyo danaheeda wabiga niil.

Xiisada Gobalka ayaa cirka isku sii shareertay kadib Khilaafka somaalia Ethiopia iyo masar.

Bal maxay adiga kula tahay?

Address

12
Brisbane, QLD
4112

Telephone

+251915559955

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ERAR TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to ERAR TV:

Videos

Share

Category


Other Media Agencies in Brisbane

Show All