Al-baqiyat

Al-baqiyat Halkani waa bogga rasmiga ah ee Albaaqiyat Podcast. Waxa aad ka dhagaysan kartaa barta Youtubeka, iyo dhammaan podcastiyada.

Talo wadaag 💌
30/12/2024

Talo wadaag 💌

TALO WADAAG 💡
16/12/2024

TALO WADAAG 💡

Xasuusin 🎗“لا حول ولا قوة إلا بالله”Markaad tiraahdo “لا حول ولا قوة إلا بالله,” waxaad ka qiraysaa inaad ka baxday itaa...
13/12/2024

Xasuusin 🎗

“لا حول ولا قوة إلا بالله”
Markaad tiraahdo “لا حول ولا قوة إلا بالله,” waxaad ka qiraysaa inaad ka baxday itaalkaaga oo aad u wareegtay xooggii Alle, waxaad ka baxday tabar yaridaada oo aad u wareegtay awoodda weyn ee Ilaahay, waxaadna ka tagtay faqiirnimadaada oo aad u wareegtay hodantinnimada kaydka Alle , waayo kaliya Isaga ayaa awood u leh inuu xaalad walba ku beddelo hal kelmad oo ah “Kun” (Noqo! wayna noqon).

Macnaha “لا حول ولا قوة إلا بالله” waa in addoonku u gudbo xaalad ilaa xaalad kale isagoo ku tiirsan kaliya xoogga Alle. Waa eray weyn oo ka mid ah khasnadaha Jannada! Haddii arrin ku adkaato, aduunyaduna cidhiidhi kugu noqoto, oo dhammaan waddooyinku kugu xidhmaan , ha ka daalin inaad tidhaahdo :

“لا حول ولا قوة إلا بالله”
waxaad arki doontaa waxyaabo layaab leh oo mucjiso ah, idamka Ilaahay.

Talo Wadaag 🎗️
28/11/2024

Talo Wadaag 🎗️

Shaacinta Markazka Al-Baaqiyat (Hargeysa, Somaliland)قال الله تعالى:وَنَزَّلْنَا عَلَيْكَ ٱلْكِتَٰبَ تِبْيَٰنًۭا لِّكُلّ...
25/11/2024

Shaacinta Markazka Al-Baaqiyat (Hargeysa, Somaliland)

قال الله تعالى:
وَنَزَّلْنَا عَلَيْكَ ٱلْكِتَٰبَ تِبْيَٰنًۭا لِّكُلِّ شَىْءٍۢ وَهُدًۭى وَرَحْمَةًۭ وَبُشْرَىٰ لِلْمُسْلِمِينَ
(سورة النحل: 89)

Ilaahay ayaa bini-aadamka abuuray, wuxuuna u soo dajiyay Qur’aanka si ay uga dhex helaan wax kasta oo ku hagi lahaa jidka toosan ee guusha adduunyo iyo tan aakhiro. Waa sababta waalid kasta uga dadaalo barashada iyo xifdiga Qur’aanka ee caruurtiisa, si ay nolosha ugu helaan iftiin iyo hanuun joogto ah.

Si hadafkaas loo gaadho, waa in goobta waxbarashadu leedahay:
• Manhaj tayaysan oo ilmaha jeclaysiinaya barashada Qur’aanka.
• Macallin aqoon leh oo fahamsan ardayga sidii uu jacaylka Qur’aanka ugu beeri lahaa .
• Waalid firfircoon oo qiimaha Qur’aanka garanaya, carruurtana ku dhiirrigelinaya.

Aniga oo ka duulayaa khibrada aan uleeyahay quraan barista, Alhamdulillah, waxaan dadaal dheer kadib dhawaan magaalada Hargeysa ka furi doonaa Markazka Al-Baaqiyat . Xaruntan waxay si gaar u adeegsan doontaa habab casri ah si loo fududeeyo xifdiga Qur’aanka waxayna gaar utahay bas haweenka iyo caruurta , iyadoo loo abuuri doono jawi ay Qur’aanka jeclysiinaya oo ku dhiiri galinaya in quraanku unoqdo manhaj nololeed .
Hadaba si aad noola ogaato manhajka , wakhtiyada , iyo xiliga la furayo waxaad nagala soo qayb gaasha kulanka hordhaca ah ee shaacinta markaska kasoo ka dhacaya dhanka aalada zoomka hadii Alle idhaa :
📅 29/11/2024
📍 Zoom Meeting
🔗 https://chat.whatsapp.com/Lfh2bftB7Gx9TKa0RZMHk5

Hooyooyinka iyo aabbayaasha , hablaha fursada uwaayay in ay qur’anka bartaan ama shaqeeya ee baahida u qaba inay xifdiyaan qur’nka , dhamaantiin si aad faahfaahin dheeraad ah u heshaan, waanu idin sugaynaa inshaAllah !

Allah Mahad Leh.

Amal Cabdilaahi Badde.

🎗️ " Arkaanta Salaadda : أركان الصلاة "
22/11/2024

🎗️ " Arkaanta Salaadda : أركان الصلاة "

🔺️Taasna waxa sabab u ah in lagu eegayo oo lagu imtixaanayo toosnaanshaha aad toosnaatay inay dhab kaa tahay waana sida ...
17/11/2024

🔺️Taasna waxa sabab u ah in lagu eegayo oo lagu imtixaanayo toosnaanshaha aad toosnaatay inay dhab kaa tahay waana sida uu Alle ku sheegay bilowga Suuradda Al-Cankabuut:

الٓمٓ (١) أَحَسِبَ ٱلنَّاسُ أَن يُتۡرَكُوٓاْ أَن يَقُولُوٓاْ ءَامَنَّا وَهُمۡ لَا يُفۡتَنُونَ (٢) وَلَقَدۡ فَتَنَّا ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۖ فَلَيَعۡلَمَنَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ صَدَقُواْ وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱلۡكَٰذِبِينَ (٣) أَمۡ حَسِبَ ٱلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن يَسۡبِقُونَاۚ سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ )

🔻Ka dibna Alle wuxuu jawaabtii su’aasha inagu siiyay dhammaadka suuraddaas isagoo leh:

وَٱلَّذِينَ جَٰهَدُواْ فِينَا لَنَهۡدِيَنَّهُمۡ سُبُلَنَاۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَمَعَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ (٦٩)

✴️Sidaa daradeed arrintani waa mid inooga baahan ogaal badan, dulqaad, iyo kalsooni aan Rabbigeen ku qabno in Ilaahay wax walba awoodo gacantiisana ay kujirto hanuunkeenu.

TALO WADAAG 📍
15/11/2024

TALO WADAAG 📍

TALO WADAAG 💌
07/11/2024

TALO WADAAG 💌

TALO WADAAG 📍
04/11/2024

TALO WADAAG 📍

✅Fahanka diintu qofka muslimka ah waxay ka badbaadisaa aafooyin badan oo ku dhici lahaa, waxa aan manta idinla wadaagaya...
02/11/2024

✅Fahanka diintu qofka muslimka ah waxay ka badbaadisaa aafooyin badan oo ku dhici lahaa, waxa aan manta idinla wadaagayaa dhawr kitaab/buug oo xul ah oo isla markaas aan isleeyahay qofka bilawga ku ah barashada diinta aad bay u anfacyaan, ee ka faa’idaysi wanaagsan.

✴️Buugga 1aad: wuxuu noqon doonaa kitaabka Alle , oo aan si qoto dheer u fahamno iyo "Kitaabka Zubdat at-Tafsiir" oo ah buug fudud oo bilow fiican u ah qofka doonaya inuu barto cilmiga tasiirka.

✴️ Buugga 2aad: waa "Riyaad As-Saaliheen" oo ururinaya xadiisyada Nebi Muxamed ﷺ oo ku saabsan arrimaha aqoonta iyo nolosha, kuwaas oo si nidaamsan ugu kala qaybsan cutubyo kala duwan.

✴️Buugga 3aad: waa "Ad-Daa' Wa-Dawaa'" oo ka hadlaya arrimaha nafta bini’aadamka, sida loo hagaajiyo, sababaha dembiga, saamaynta uu ku yeelan karo qofka iyo bulshada, iyo waxa ka dhalan kara , ugu dambeyn daawada dembigaas iyo sida looga dawoobo.

✴️Buugga 4aad: waa "Al-Fawaa’id" oo ah ururinta xikmadaha guud, aayadaha kala duwan ee Qur’aanka, iyo qaar ka mid ah xadiisyada Nebiga ﷺ.

✴️Buugga 5aad: waa "Cudud As-Saabiriin wa Dhakhiirat Ash-Shaakiriin," waa buug ka hadlayaa fadliga samirka iyo mahadnaqa, kuwaas oo aan qof muslimka ahi aanu ka maarmin noloshiisa, waxaana ka buuxaa xikmado kala duwan.

✴️Buugga 6aad: Intaas waxaa dheer buugga "Qisas Al-Anbiyaa" iyo seerada Nabiga ﷺ ee ku jirta buugga "Ar-Raheeq Al-Makhtoom."

✨Waxaan rejaynayaa inaad ka faa’ideysataan.✨

DUCOOYIN 📿
01/11/2024

DUCOOYIN 📿

✨ CASHARADA NOLOSHA ✨Waxaan rabaa inaan idinla wadaago waxyaabo aan ka bartay waayo-aragnimada nolosha inta aan ku guda ...
24/10/2024

✨ CASHARADA NOLOSHA ✨

Waxaan rabaa inaan idinla wadaago waxyaabo aan ka bartay waayo-aragnimada nolosha inta aan ku guda jiray horumarinta naftayda.

Waxaa jiraan qodobo sababa in dadku aysan nolosha ku guuleysan oo dib-u-dhac weyn ku yimaado tayada qofka noloshiisa.

Halkan waxaa ku xusan qodobadaas:

📍 Midka koowaad: Diidmada isbedelka. Dadka diida isbedelka waxay ku doodaan: "Anigu sidaas ayaan ku dhashay, sifooyinkayguna waa sidaas, oo Ilaahay sidaas buu i sameeyay." Runtii, hadalkaas asal ma leh. Isbedelku waa u suurtagal qof walba, waxaana la yidhaahdaa marka qofku isbedelo ayuu guusha bilaabaa. Alle wuxuu yidhi: “Ilaahay ma beddelo xaaladda qoom ilaa ay ka beddelaan waxa naftooda ku jira." (Surah Ar-Ra'd, 13:11).

📍 Midka labaad: Boodboodka badan . Tani waxay dadka ka dhigtaa inaysan dhameynin waxyaabaha ay bilaabaan, oo ay ka boodaan mashruuc ilaa mashruuc kale ama hawl ilaa hawl kale. Waxay caadaystaan dib-u-dhigista iyo caajiska, kadibna hal hawl si dhamaystiran uma dhameeyaan. Waxay had iyo jeer raadiyaan raaxada iyo nasashada iyaga oo aan si joogto ah ugu shaqayn hawshooda. Fadlan ha noqonin mid caajis badan ama mid aad u raacsan dareemadiisa.

📍 Qodobka saddexaad: Qorshe-xumo ama qorshe-la’aan.** Marka qofku doonayo inuu bilaabo wax cusub, waa inuu si fiican u qorsheeyaa oo fahmaa noloshiisa, hab-nololeedkiisa, kartidiisa iyo daciifnimadiisa, doorka uu ku leeyahay nolosha, iyo waxa uu doonayo inuu gaadho. Waa inuu sidoo kale ogaadaa agabyada uu u baahan yahay. Markaas ka dib waa inuu qorshe samaystaa oo faham guud yeeshaa. Qorshe xumadu waxay dib-u-dhigtaa horumarka, waxayna sababi kartaa dib-u-dhac weyn.

📍 Qodobka afraad: Dayacaada iyo ku baraarugsanaan la’aanta in caadooyin xun ay noloshaada burburin karaan.

U fiirso waxa aad maanta qabato ee ku jira dhaqamadaada iyo caadooyinkaaga. Waxaa laga yaabaa in qaar ka mid ah caadooyinkaas ay noloshaada si taban u saameeyaan. Iskuday inaad ku bedesho caadooyin wanaagsan. Caadada ugu yar ee taban ee waqti lumisa waa balwada isticmaalka badan ee telefoonka. Ka fiirso caadooyin kale oo taban oo kaa hor istaagi kara guulahaaga.

📍 Qodobka shanaad: Inaad noqoto qof aad ugu tiirsan dareemadiisa iyo rabitaankiisa

Kuma lihi inaad noqoto qof dhagax ah oo aan dareen lahayn, balse xad-dhaafka dhagaysiga dareemadaada wuxuu noqon karaa wax taban.

Tusaale ahaan, inaad tiraahdo: "Maanta ma haysto niyaddii aan ku shaqayn lahaa," ama "Maanta waxaan dareemayaa inaan sameeyo waxaas iyo waxaas." Farriimahaas aad maskaxdaada u dirto ee ku kallifaya inaad ka hormariso dareenkaaga wax walba waxay kaa hor istaagi karaan horumarka iyo guusha. Haddii aad daalan tahay, "naso," laakiin ha noqoto nasasho kooban oo aan isu rogin caajis. Haddii aad murugaysan tahay, waa "caadi inaad murugootid, ooydo, ama xanuunsato," laakiin ha ogolaanin in murugadaas ay kugu dheeraato. Maxaa yeelay qofna kuu soo kicin maayo, qofna shaqadaada kuu qaban maayo.

Kaliya waxaad noqotaa mid adkaysi leh oo dareen ahaan xoog badan. Sidoo kale, ku adkaw riyadaada iyo himilooyinkaaga.

Amal Abdilaaahi Badde

XUDUUD SAMAYSIGA 💡
21/10/2024

XUDUUD SAMAYSIGA 💡

(ka faaidaysiga khayraadka Allah inagu manaystay )Allah wuxuu qur’aanka ku idhi:‎*(وَابْتَغِ فِيمَا آتَاكَ اللَّهُ الدَّ...
19/10/2024

(ka faaidaysiga khayraadka Allah inagu manaystay )

Allah wuxuu qur’aanka ku idhi:

‎*(وَابْتَغِ فِيمَا آتَاكَ اللَّهُ الدَّارَ الْآخِرَةَ وَلَا تَنسَ نَصِيبَكَ مِنَ الدُّنْيَا وَأَحْسِن كَمَا أَحْسَنَ اللَّهُ إِلَيْكَ)*

Aayaddan waxaa ku jira arimo qiimo wayn uleh qofka muslimka ah hadii uu fahmo kuna dabaqo noloshiisa , kuwasoo inagu dhiirrigelinaya in aan si wanaagsan uga faa’iidaysanno khayraadka Alle ina siiyey si aan u gaadhno abaalmarinta Aakhiro, iyo in aanan hilmaamin qaybta aynu nolosha aduunyadan ku leenahay.
Waxa sidoo kale laynagu boorinayaa in aan ka shaqeyno wanaaga iyo in aan ku dadaalno sidii aan Alle uraali galin lahayn .

Khayraadkaaga faraha badan ee Allah kusiyaay waxaa laga yaabaa inay noqon karto , lacag, wakhti , cilmi iyo aqoon , caafimaad , awlaad , xaas/ sawj wanaagsan iwm .

wax kasta oo Alle ku siiyey uga faaidayso inaad aad ku raadsato raalli ahaanshiyaha rabbiga ,. Dhamaan nimcooyinka aaf maanta Kula naaloonayso barri waa lagaa xisaabin doona ee diyaar aan u noqono maalinkaa akhiro .

Amal Abdillahi Badde

JUMCA MUBARAK 🎗️
18/10/2024

JUMCA MUBARAK 🎗️

TALO WADAAG 📩
15/10/2024

TALO WADAAG 📩

Address

Sharjah

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Al-baqiyat posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Al-baqiyat:

Videos

Share

Category