Xarunta Liiga dhalinyarada gobolka faafaan xisbiga Barwaaqo ee somaalida

Xarunta Liiga dhalinyarada gobolka faafaan xisbiga Barwaaqo ee somaalida Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xarunta Liiga dhalinyarada gobolka faafaan xisbiga Barwaaqo ee somaalida, Magazine, Dubai.

16/01/2023
Shaley waa Ukraine minaamin Only views and photo 📸 But we don't care community's security
16/01/2023

Shaley waa Ukraine minaamin
Only views and photo 📸
But we don't care community's security

Wararkii U dambeeyey ee Caalamka & Falanqeyntooda Noogu Kaalay.

16/01/2023

BE WHAT YOU ARE AND DO WHAT YOU THINK IS RIGHT ✅
CIDNA HAKA HAYBASAN WAAYO WAA MAKHLUUQ.

15/01/2023

BADBAADINTA IYO BADQAKA SHACABKA DDS WAA RUKUNKA LA IDIIN AAS AASAY.
______________________*******___________________

Hafaryada shacabka ee hirgaley waxaa kamida Hanti Qaran baa tihiin juuqna ha u dhanina dhiiga shacabkiina ee qulqulaya minaamin!!

Hanti qaran garanmeyne intii gobalka faafan ee aan idiinka sooqorney qabaleeyada dhiigu qulqulayo u fasaxa iney shacabkooda u gurmadaan sidani dhaqan somaliyeed iyo mid Muslim maahan 😎😎😎

13/01/2023
Wali waxaa halkeedii ka sii socota soo-saarista cudud ciidan oo tayo iyo tiro ahaanba ka dhisan. Kumannaan ciidan ah oo ...
05/12/2021

Wali waxaa halkeedii ka sii socota soo-saarista cudud ciidan oo tayo iyo tiro ahaanba ka dhisan.

Kumannaan ciidan ah oo ka mid noqonaya Xoogga Ciidanka Gaarka Ah Ee DDS ayaa saaka ka qalin-jabiyay dugsiga tababarrada gaashaanle Khadar ee degmada Birqod. Ciidammadani ayaa noqonaya dufcaddii 12aad.

Dufcaddani ayaa noqonaysa tii saddexaad ee qalin-jabisa muddo kooban oo saddex sano ah. Waxaana lagu qalabeeyay gaadiid iyo hub aan horey loogu qalabayn jirin xoogga ciidanka Deegaanka.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar, hoggaanka Xafiiska Nabadgelyada DDS, mudane Mubashir Dibbad Raage, taliyaha guud ee Xoogga Ciidanka Gaarka Ah Ee DDS, jenneraal Maxammed Axmed Maxammuud iyo marti-sharaf kale ayaa ka qeyb-gashay munaasabadda xidhitaanka tababarkani.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in ahmiyadda xoogga ciidanku u leeyihiin dowladda iyo shacabka aan la soo koobi karin; "Dawladnimada aannu sheegaynno ee Deegaanka waxaa gun-dhig u ah idinka".

"Ciidammadu maanta waa kuwo sharaf iyo sumcad ballaadhan ku dhex leh shacabkooda oo ay jecel yihiin; isbaddel hadduu Deegaanka ka jiro waxa uu ka muuqdo waa Xooga Ciidanka Gaarka Ah Ee DDS.

"Ciidanku ma ahan kuwo saddexdii sanaba mar la soo xasuusto, waa lagama-maarmaan in xeradani ay joogtayso tababaridda iyo soo-saarista cudud ciidan oo dhinac walba ka dhisan".

"Waxaa hadda kahor jiri jirtay in macallimiinta wax tababara ay ahaayeen kuwo aan Deegaanka u dhalan, balse maanta waa wax lagu faano in macallimiintu ay yihiin wiilal Soomaaiyeed oo aqoon durugsan u leh xirfadaha macalinnimo", mudane Mubashir dibbad Raage.

Tiraba dhowr jeer ayay ciidammo kala duwan oo ku hubaysan tabbabaro heerkoodu uu sarreeyo ay ka soo baxeen xeradani tababarrada ee gaashaanle Khadar; ciidamadaasi oo ay u badnaayeen Xoogga Ciidanka Gaarka Ah Ee DDS oo ay xukuumaddu ugu talo'gashay in shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan cadowga.

Hambalyo Hambalyo waxaan halkan Hambalyo iyo Duco hawada u marinayaa mudane C/xakim Sh. Xasan Ali.Markii talo badan iyo ...
23/10/2021

Hambalyo Hambalyo waxaan halkan Hambalyo iyo Duco hawada u marinayaa mudane C/xakim Sh. Xasan Ali.
Markii talo badan iyo fiiro dheer kadid, ayaa waxaa la isla qaatey in markale loo magacaabey in uu noqdo gudoomiyaha gobolka Faafan.
Waxaan leeyahey mudane Allah haku asturo xilkas culus ee laguu idmadey in shaa Allah.

Xisbiga PP mudadii koobneyd ee 3, sano iyo badhka aheyduu xilka siku meelgadhka ugu hahey shacabka DDS.Wuxuu nooqabtey o...
14/10/2021

Xisbiga PP mudadii koobneyd ee 3, sano iyo badhka aheyduu xilka siku meelgadhka ugu hahey shacabka DDS.
Wuxuu nooqabtey oo cidii caqliga caafimad qabta leh waxey qiri in 27, kii sano ee aynu jeelka ku jirnay 3,sano iyo badhka ee tijaabada ahey damiirkeenuna inoo ahaa sidii geed dib u soo fiilay ama magoolay.
Sidaas darteed bulsho waxaan nasiib u helnay markale 5,sano iyo horumarkii xisbigu quluubteena ku hantey ee ay horey u socono lexejeclana aan wadaniyadeed aan u ilaashano waqabadka xisbiga PP 5,sano ee cusub lana xisaabtano anagoo si togan u wada fikirayna dhalinyaro.

W/Q Abdifatah Mohamed koronto

21/09/2021

HAWEENKU WAA HORMUUDKA
HODANTINIMADA DEEGAANKEENA.

Waxaan maanta furay xaflada biloowga mashruuca biyo-gelinta magaalada Jigjiga oo ay ku baxayso miisaaniyad dhan 750 maly...
26/06/2021

Waxaan maanta furay xaflada biloowga mashruuca biyo-gelinta magaalada Jigjiga oo ay ku baxayso miisaaniyad dhan 750 malyan oo Birr, laguna dhamayn doono muddo 12 bilood ah. Mashruucani wuxuu heer daboolka dadka biyaha hela ee casimada gaadhsiin doona 51% halka hadda uu ka yahay 25%.

***
Attended the commencement event of Jigiga Water Supply project. The project will cost Birr 750 million and upon completion (after 12 months), will improve the coverage of people with acces to water in Jigjiga city from the current 25% to 51%.

WQ

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee shaca...
25/06/2021

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee shacabka magaalo-ganacsiyeedka Tog-wajaale. fadhigan ayuuna Madaxweynuhu kaga dhagaystay baahiyaha shacabka.

Tabashooyinka dhanka horumarka aas-aasiga ah ee ay qabaan bulshadu ayey la wadaageen madaxweynaha, waxaana ka mid ahaa: biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo is-gaadhsiinta oo dhammaantood loo ballaadhiyo.

Odeyaasha magaalada ayaa sida oo kale bogaadiyey isbeddelka muuqda ee ay xukuumaddu ka qabatay Deegaanka muddada kooban ee ay talada Deegaanka hayso, iyaga oona tusaalooyin dhawr ah u soo qaatay isbeddelka dhinaca laamiyada ee Jig-jiga oo wax-weyn ka baddalay bilicda iyo horumarka magaalada.

Madaxweynaha Deegaanka oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in baahiyaha ay soo jeediyeen bulshadu ku wooda u waa-weyn ay xukuumaddu qorshaysay in sannadkan soo-socda wax laga qabto. "waxay heli doontaa biyo-gelin dhammaystiran iyo cusbitaal, guryo-wadareedyana xukuumaddu way ka waddaa magaalada oo dhismahooda ayaa socda, adeegyada kalena hal mar lama wada dhammaystiri karo, maadaama Deegaanku uu ballaadhan yahay, laakiin dawladdu inta awooddeeda ah way dadaali doontaa", ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Kulankan waxaa fadhiyey qeybo ka mid ah suldaammada, odeyaasha, waxgaradka, dhallinyarada iyo hooyooyinka magaalada. kulankan ayeyna madaxweynaha ku weheliyaan Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha, Mudane C/raxman Ciid Daahir iyo Mudane Mubashir Dubbad Raage, Wasiirka Xafiiska Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

WDS

Ballaadhintii wajiga 1aad ee dekedda Berbera oo la soo gabo'gabeeyey. Ballaadhinta dekeddan ayaa kaalin weyn ka qaadan d...
24/06/2021

Ballaadhintii wajiga 1aad ee dekedda Berbera oo la soo gabo'gabeeyey.

Ballaadhinta dekeddan ayaa kaalin weyn ka qaadan doonta xidhiidhka taariikhiga ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, gaar ahaanna walaalaha Soomaaliyeed ee deggan Deegaanka Soomaalida iyo Somaliland.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar oo munaasibadda xadhig-jarka dekadda ka hadlay ayaa sheegay in xidhiidhka u dhexeeya shacabka Deegaanka Soomaalida iyo Somaliland uu yahay mid sal adag leh, shacabka Somaliland waxa ay heleen, annugana waannu helnay, aniga oo ku hadlaya afka shacabka Deegaanka Soomaalida.

"Waxa aannu wadnaa waddooyin waa-weyn oo kor u qaadi doona isku-xidhka ganacsiga Itoobiya iyo dekedda Berbera, taasi oo faa'iido dhaqaale oo weyn u noqon doonto shacabka reer Somaliland", Waxaa sidaasi yidhi Mudane Axmed Shide, Wasiirka Maaliyadda JDFI.

Wajiga 1aad ee ballaadhinta Dekedda Berbera ayaa la soo billaabay sannadkii 2017-ka T.C (tirsiga caalamka), wuxuuna socday muddo 5 sano ku dhow, wajiga 2aad ee mashruuca ayaana isla maantaba la sii billaabi doonaa.

Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in dekedda Berbera ay noqon doonto sida kuwa caalamka oo kale, islamarkaasina ay adeeg siin doonto bulshada Deegaanka Soomaalida iyo guud ahaanba Itoobiya.

Marka laga tago isku-mid-ahaanshaha dhinacyada diinta, jinsiyadda, luuqadda iyo ehelnimada ee ka dhexeeya walaaha Soomaaliyeed ee Deegaanka Soomaalida Iyo Somaliland, haddana dhinaca xidhiidhka hanacsiga ayaa isagu ah mid soo jireen u ah labada shacab, kaasi oo la filayo in ballaadhinta dekeddanina ay sii xoojin doonto xidhiidhkaasi.

Source SRTV

26/05/2021

Dhalinyarada dalkeenu laga bilaabo soo dhaweyntii iyo qaabilaadi isbadalka qorshe kasta oo kamid ah qorshaha lagu hawlgalayo si loosii daadaheeyo isbadalkan, dhalinyaradu waxay kamid yihiin jileyaasha ugu muhiimsan. Siiba in xilfaha loo qaado xukunkii dhiigyacabta ahaa ee TPLF, Isla markaasna Iyagoo kaduulaya dagaalkii ay nagusoo qaadeen, dhalinyaradu waxay si geesinima ah u garab istaageen xooga difaaca dalkeena siiba iyagoo ka caawinaya dhinac kastaba gaar ahaan dhaqaale ahaan, muruq iyo maskax ahaanba.

Madaxweynaha DĎS mudane mustafe muxumed cumar ayaa sheegay in xukuumada deegaanka soomaalida ay mudnaan gaara siisay hor...
25/05/2021

Madaxweynaha DĎS mudane mustafe muxumed cumar ayaa sheegay in xukuumada deegaanka soomaalida ay mudnaan gaara siisay horumarinta waxsoosaarka beeraha.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa daah-furay boqolkan cagafta ah ee uu soo iibiyey Xafiiska Beeraha Deegaanku, taasi oo fureyaashoodana lagu wareejiyey Hay'adda Adeegga Lacagaha Yar-yar ee DDS oo nidaam deyn-ahaaneed ugu sii wareejin doonta iskaashatooyinka la soo xulo.

Ha'yadda Adeegga Lacagaha Yar-yar ee Deegaanka ayaa furaha ku sii wareejin doonta iskaashatada buuxisa shuruudaha loo baahan yahay, iyada oo laga shubayo lacagta lagu soo iibiyey 50% .

Iskaashatooyinka beeraleyda ah ee Degmooyinka Deegaanka ayaa loo qeybin doonaa cagafyadan, kuwaasi oo laga soo xuli doono iskaashatooyinka hormuudka ku ah dhinaca beeraha, islamarkaasina buuxin Kara shuruudaha looga baahan yahay.

Boqolkan cagaf ayaa hordhac u ah kun cagaf oo ay soo iibin doonto xukuumadda Deegaanku, kuwaasi oo la doonayo in lagu sii xoojiyo wax-soo-saarka dalagga beeraha.

24/05/2021

Summadaha hoggaamiye
Lagu hayb yaqaannaa
Waa hayal samaantiyo
Kibir laga hayaamiyo
Huwashada xaqiiqdiyo
Habka dhaqan adoonnimo
Hogashada Ilaah garad

Hanku kaaga dhaartoo
Himilida dan guud iyo
Dadka horumarkiisiyo
Hilin toosan raaciyo
Ifku waa habeennee
Halhays fiican reeb uun Halgankiisu uu yahay.

(Abwaan Xasan Daahir Weedhsame)

HAMBALYO HAMBALYO GODEY GACALO."""""""""""""""""""""💦💧🚰🚰 """"""""""""""Waxaa si waafiya xadhiga laga jaray maruucii wayn...
23/05/2021

HAMBALYO HAMBALYO GODEY GACALO.
"""""""""""""""""""""💦💧🚰🚰 """"""""""""""

Waxaa si waafiya xadhiga laga jaray maruucii wayna ee biyo galinta magalada Godey.

Mushruucan waxaa ku baxday aduun lacageed oo dhan 478, Milyuun oo birr.

Runtii magalada godey shacabkiisu nasiib umay helin in ay helaan biyo nadiifa oo bulsho ku badhaadho mudadii 27,sano ah.

Waxaan leeyahey godey maanta wakaas biyuhuna Bash bash laynayaan.

Waxaan leeyahey ku xamdiya illahey oo ilaashada hantidaas xukumada xisbiga ee somaalida ee uu hormuudka u yahey mudane madexweyn iyo hogaamintiisan ku carbisan kuna baratanka iyo dhago nuglaanta kajawaabida baahida shacabka uga jawaabi layahaan una gaar siin lahaayeen adeeg bixinta.

Sidaas darteed BULSHOOY idinkuna codkiina u hura in shaa Allah Balanteenu waa xisbiga BARWAAQO ee somaalida.
👉☑🗳🗳☑.

Share iyo like

WAXQABAD MUGWEYN OO MUUQDA KU DOORO XISBIGA BARWAAQO EE SOMAALIDA.___________***_______________  Waxaan xadhiga ka jarna...
21/05/2021

WAXQABAD MUGWEYN OO MUUQDA KU DOORO XISBIGA BARWAAQO EE SOMAALIDA.
___________***_______________



Waxaan xadhiga ka jarnay Isbitaalka Qabribayax oo ay ku baxday 30 milyan oo Birr oo u adeegi doona shacab dhan ilaa 200,000 oo ku hareeraysan Degmada, culeeyskana ka yareeyn doona Isbitaalada Jigjiga.

Waxaa kale oo dhismihiisu bilaamay Akadeemiyada Isboortiga ee Qabribayax oo ay ku baxayso miisaaniyad dhan 86 milyan oo Birr.

Wixii wanaagsan faafi muwaadin

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa xadhigga ka jaray mashruuca biyo-gelinta Go...
20/05/2021

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa xadhigga ka jaray mashruuca biyo-gelinta Gorey.

Mashruucan oo ay ku baxday lacag dhan 129 Milyan oo Birr ayuu Xafiiska Khayraadka Biyaha DDS ku wareejiyey fulintiisa Wakaaladda Dhismaha Hawlaha Biyaha DDS oo hirgelintiisa billowday sannadkii 2011-ka.

Xafladda xadhig-ka-jarka mashruucani oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiinta sare ee xukuumadda, odayaasha, suldaammada, wax-garadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada aagagga laga hirgaliyey biyo-gelintani ayaa lagu qabtay xarunta Gorey.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar oo munaasibaddan ka hadlay ayaa sheegay in ballan-qaadyadii xukuumadda la fuliyey badankood, marka laga yimaado kuwo aan la illaawin/illoobin oo dhexda ku soo jira.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu muddadii ay joogtay ay qabatay wax-qabad muuqda oo ay ka marag-kaceen bulshada Deegaanku; haddii ay doorashada kaddib soo laabtaanna—waa xukuumadda Madaxweyne Mustafe ee—ay sii labo jibaari doonaan fullinta mashaariico waxtar weyn u leh nolosha bulshada.

Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS, Mudane C/raxmaan Axmed Xasan ayaa geestiisa sheegay in mashruucani uu ka mid yahay xayn mashaariic ah oo xadhigga laga jari doono dhawaanahan.

"Mashruucani xadhig-ka-jar oo keli ah kagama hadhi doonno ee waxaan xaqiijin doonnaa qaabka uu u bixin lahaa adeeg hufan oo waara."—Ayuu yidhi Wasiirku.

Suldaammada iyo wax-garadka aagga mashruuca laga hirgeliyey ayaa aad u bogaadiyey biyo-gelintani, iyagoona xusay rafaadkii iyo dhibaatooyinkii ay bulshadu kala kulmi jireen goobaha fog-fog ee ay u doonan jireen biyaha, maanta-se ay heleen biyo-gelin aysan waligood filannin.

Ilo-biyoodka mashruucu waa labo ceel oo laga qodey Faafan siiba Dhagaxle, kuwaasi oo midkiiba uu soo saaro qiyaas ahaan il-bidhiqsigiiba 13 Litir, guud ahaanna waraabinaya shacabka tuulooyin masaafo ahaan isku jira 35 KM oo dherer ah.

Keydadka biyaha oo kala ah 3 keyd biyood oo labo ka mid ah muggoodu dhan yahay 500 m³ iyo mid 50 m³ ayaa loo sameeyey mashruuca. waxaana jira 30 goob-biyood oo ay bulshadu ka cabbaan iyo 19 goobood oo dar ah oo ay xooluhu ka cabbaan.

Mashruuca Gorey oo la billaabay sannadkii 2011-ka ayaa waxaa ka faa'iideysan doona 47,686 qof oo ku nool 13 tuulo oo kala ah: Sheekh Ibrahim Dhoof, Gorey, Reer-Dhoorre, Reer-Cilmi, Magaalo-Xaliimo, Anane, Ceele-yaaye, Najax, Dul-Axbaab, Janno-Gaaban, Haadaanta, Malka-cas iyo Gamba-Case oo ka kala tirsan degmooyinka Gursum iyo Gol-janno.

Masharuucan oo dabooli doona baahida biyo-la'aaneed ee hadda ka hor ka jirtay aagga Gorey-Booraale ayey sidoo kale ka cabbi doonaan xoolo ka badan 88,800 oo neef sida masuuliyiinta xafiiska biyuhu ay sheegeen.

Waxaa billaabatay daraasaadyo iyo cilmi-baadhisyo kala duwan oo muddaba uu waday xafiiska biyuhu, kuwaasi oo lagu xaqiijinayey daraasaadka saxda ah ee heer daboolka miyiga iyo magaalada iyo qaabkii xalal waara loogu heli lahaa biyo la'aanta baahsan ee ka jirta goobo badan oo Deegaanka Soomaalida ka mid ah.

Mashruuca biyo-gelinta Gorey-Booraalena waxaa uu ka mid yahay mashaariicihii waa-weynaa ee uu xafiiska biyuhu ku bixiyey malaayiinta lacageed, wakhti iyo dadaal bandanna lagu bixiyey si adeeg-biyood oo nadiif ah ay u helaan shacabka tuulooyinka Gursum iyo Gol-janno.

Xigsaho SRTV.

👉MAXEY JECLAYEEN DHALINYARADII SOOMALIYEED 70 KII SANO EE UGU DAMBEEYEY❓"""""""""""""""""""""""" ▶️ """"""""""""""""""""...
17/05/2021

👉MAXEY JECLAYEEN DHALINYARADII SOOMALIYEED 70 KII SANO EE UGU DAMBEEYEY❓
"""""""""""""""""""""""" ▶️ """""""""""""""""""""""

➡️sanadkii 1950--1960 waxey jeclayeen calanka

➡️sanadkii1960--1970 waxey jeclayeen qabiilka

➡️sanadkii 1970--1980 waxey jeclayeen musica

➡️sanadkii 1980--1990 waxey jeclayeen dagaalka

➡️sanadkii 1990--2000 waxey jeclayeen salafinimada

➡️sanadkii 2000--2010 waxey jeclayeen dhoofka

➡️sanadkii 2010--2019 waxey Jecel yihiin lacagta.

➡️ Tobanka dambe ee soo socda Rabi waxaan ka baryaa in uu inaga dhigo dhamaantenba dhalinyaro leh lexejeclo wadaniyadeed oo dib u soo nooleeya qiyamkii soomalinimo.

➡️Iyagoo ka FAA'IDAYSANAYA taknoolajiyadan ay haystaan dibna u tixraacaan ragii aan haysan fursadahan maanta, hadana ahaa kacaan jeclaa dadkooda iyo dalkena khayraadkiisa ka xoreeyay gumeysi kasta, In shaa Allah Aamiin Aamiin 🤲🤲.

✔Waxaan halkan idinkula wadaagey xog aan soo ururiyey siday ahayeen somalidu 70kii sano ee ugu danbeyay.

☝️Sii faafi haday kugu weyn tahey muwaadin.



Wxn kasoo Ergisatey oo
Qorey ✍ _Mohamed_Koronto.

Boqollaal ka mid ah taageerayaasha haweenka ah ee Xisbiga Barwaaqo ayaa saaka isugu soo baxay waddooyinka magaalada Jig-...
16/05/2021

Boqollaal ka mid ah taageerayaasha haweenka ah ee Xisbiga Barwaaqo ayaa saaka isugu soo baxay waddooyinka magaalada Jig-jiga.

Taageerayaasha oo isugu yimid dugsiga Wiil-Waal ayaa socod ku maray waddada weyn ee dhexmarta badhtamaha magaalada Jig-jiga.

Komishinneerka Komishinka Shaqo-abuurka DDS Marwo Hibo Axmed oo taageerayaasha kula hadashay irridda xarunta Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida ayaa sheegtay in Xisbiga Barwaaqo uu kor u qaaday xuquuqda siyaasadeed ee haweenka.

Sidoo kalena, qaar ka mid ah taageerayaasha iyo xubnaha Xisbiga Barwaaqo ayaa sidoo kale sheegay in Xisbiga Barwaaqo uu yahay xisbi hirgelin kara geedigga horumarka iyo barwaaqada uu waddanku hiigsanaayo.

Source SRTV

XISBI MUCAARID AAN QAANGADHIN.🤣🤣_______****____________.In ay xisbiyada mucaaradku jeclaystaan in aysan doorashadu ka dh...
15/05/2021

XISBI MUCAARID AAN QAANGADHIN.🤣🤣
_______****____________.

In ay xisbiyada mucaaradku jeclaystaan in aysan doorashadu ka dhicin deegankena layaab maleh oo waxay muujinaysaa darrada ay isku qabaan.

Lkn waxaa layaab leh in ay information aan sax ahayn bulshada ku wareeriyan si ay khalkhal ugu ridaan.

Dhanka kale, xisbiyadan ku mashqulsan nasab cayga, ereyada xanafta leh , reer hebel kicinta iyo siyaasada madhalayska ah, ala yaa u sheega in shacabkeenu warkaas ka qorrayn.

Iga Gaadhsiiya inta ay qaangaadhan masraxa la yimaadan mabaadi shacabka ka gadmaya.

👉 War ha cabsan col majooge hooy ha cabsan.

👇👇👇👇👇😭🗳🗳🗳

MUWAADIN MAWQIFKEENA DHANKA ARIMAHA BULSHADA EE UU XAMBAARSANYAHEY  XISBIGEENAN BARWAAQO MUXUU YAHEY BAAD ISLEEDAHEY ❓Ha...
14/05/2021

MUWAADIN MAWQIFKEENA DHANKA ARIMAHA BULSHADA EE UU XAMBAARSANYAHEY XISBIGEENAN BARWAAQO MUXUU YAHEY BAAD ISLEEDAHEY ❓

Hadaba:- xisbiga barwaaqo ee somaalida (SPP).

✔ Waa aalad inoo sahlaysa wadan loo dhanyahay oo lagawada qaybqaadanayo.

✔ Waa aalad lagu gaadhayo labada yool ee mataanaha ah ee Horumarka & ka faaidaysi cadaalada ah.

1, Nidaam waxbarasho oo tayo & ku haboonansho leh si fududna loo gaadhsiiyo bulshada.

2, Nidaam caafimaad oo kusalaysan kahortag & daaweyn.

3, In laga gudbo nidaamka adeeg-sugida loona gudbo nidaam la gu xaqqijinayo xuquuqda damaanada bulshada.

4. In la abuuro jiil dhalinyaro oo lahaansho wadniyadeed leh.

5. Kaqaybgalka & ka faaidaysiga arimaha bulshada ee haweenka.

6. In ciyaaraha laga saaro kutiirsanaanta dawlada oo laga dhigo mid bulshadu leedahay.

7. Horumarinta Dhaqanka & hidaha waa in loo isticmaalaa midnimo qaran & barwaaqo.

SPP:- Waa xisbi maanta & Bariba,
ka doorbidaya kacaanka isbadal.

XISBIGA BARWAAQO EE SOMAALIDA BULSHADII DDS ISKUWADA   _________ ✔🗳✔___________ ."Waxaan qirsan nahay in Dhammaan Xubnah...
28/04/2021

XISBIGA BARWAAQO EE SOMAALIDA BULSHADII DDS ISKUWADA
_________ ✔🗳✔___________

.

"Waxaan qirsan nahay in Dhammaan
Xubnaha Musharaxiinta ee u, xisbiga
barwaaqo, uu bulshada kaso xushay
ay yihiin masuuliyiin & Aqoonyahano
wadda Macquul ah.

Isla markaana Bulshadda Dhexdeeda ay kuleeyihiin
Saamayn wanaagsan, Maamuus iyo
ixtiraam gobonimo.

Waana xubno ku wadda hubaysan Aqoon,khibrad,Karti,
iyo bisayl siyaasadeed.

Guud ahaan Musharaxiinta utaagan
Golayaasha kala duwan, waxaa ugu
Ducaynayaa, guul iyo barwaaqo Iney
Guul iyo barwaaqo kugaadhaan,
Gudashada xilka iyo waajibaadka
masuuliyadeed loo igmaday,

Maanta waxaa allaah Lagu mahadiya
kol hadday dhaartii uun idiin hadhsan
Tahay, muran la,aana aad xam-baari
ee doontaan Masiirka Ummada, DDS

FG:- Dhamaan Musharaxiintan loo soo xulay Shacabka degmooyinkas waa in ay ku hobabiyaan dhamaantod.

✔🗳 Kudooro,:-
karti-
oo Kamuuqata geediga siyaasaddooda
Aqoon, waayo-aragnimo
iyo hawlkarnimo, masuuliyad,shaqo,

Xildhibaano Inla idin doorto oo cod La idin siiyo dhamaantiin
waad uqalantaa aqoonyahano wada xul ah Runtii dhamaan gobolka Faafen Nasiib u heleen.

.

Mudane Mohamed aden dahir,.⁉️Waa musharax xildhibaan utaagan mataalada Kuraasta heer deegaan ugana sharaxan Xisbiga barw...
27/04/2021

Mudane Mohamed aden dahir,.⁉️

Waa musharax xildhibaan utaagan
mataalada Kuraasta heer deegaan
ugana sharaxan Xisbiga barwaaqo
Deg/ baabili, ee Gobolka Faafan

Musharax Mohamed adden daahir
Waa aqoonyahan in baddan ku soo
Dhex jiray saxada siyaasada, waana
xubin Saamayn balaadhan Kudhex
leh Bulshada uu matalo,

Xulashada Musharaxa xildhibaanimo
ee mudane Mohamed aden daahir

Run ahaantii xisbiga barwaaqo wuu
Asiibtay, waxaana hubaala, degmada
uu Kasharaxan yahay iney gacanta
ugashay, Xisbiga barwaaqo, Markii
uu soo xulay xubnihii ugu haboona,

dhamaan musharaxiinta xisbiga spp
usoo xulay Bulshada waa dad wadda
Macquula isla Markaana lagu aamini
karo matalaada Masiirka Bulshadda

Musharax Mohamed aden daahir
Waxaan karajaynayaa inuu samata
Bixin doono Bulshada uu, utaagan
yahay mataalada masiirkeedda ee
Degmada Baabili ee Gobolka faafan

Mudane waad uqalantaa Xildhibaan
Codka Bulshada aad matali doonid
iyo codkayga labadaba adiga iskaleh

Insha allah, hadafkaaga alle hakuu
Hirgaliyo, guushana adigaa iskaleh.

25/04/2021

Mudane Abdihakiin sheikh hassan

Waa musharax xildhibaan utaagan
mataalada Kuraasta heer deegaan
ugana sharaxan Xisbiga barwaaqo
Deg/Q/bayax, ee Gobolka Faafan

Musharax Abdihakiin sheikh hassan
Waa aqoonyahan in baddan ku soo
Dhex jiray saxada siyaasada, waana
xubin Saamayn balaadhan Kudhex
leh Bulshada uu matalo,

Xulashada Musharaxa xildhibaanimo
ee mudane Abdihakiin sheikh hassan

Run ahaantii xisbiga barwaaqo wuu
Asiibtay, waxaana hubaala, degmada
uu Kasharaxan yahay iney gacanta
ugashay, Xisbiga barwaaqo, Markii
uu soo xulay xubnihii ugu haboona,

dhamaan musharaxiinta xisbiga spp
usoo xulay Bulshada waa dad wadda
Macquula isla Markaana lagu aamini
karo matalaada Masiirka Bulshadda

Musharax Abdihakiin sheikh hassan
Waxaan karajaynayaa inuu samata
Bixin doono Bulshada uu, utaagan
yahay mataalada masiirkeedda ee
Degmada qabri bayax ee G-faafan

Mudane waad uqalantaa Xildhibaan
Codka Bulshada aad matali doonid
iyo codkayga labadaba adiga iskaleh

Insha allah, hadafkaaga alle hakuu
Hirgaliyo, guushana adigaa iskaleh

W/Q/ jimale bulle,✍🏾

Faafan media TV

Musharixiinta ugu macquulsan saxada Siyaasadeed ee Xisbigeena barwaaqo ahna Musharax utaagan Matalaadda kuraasta heer De...
23/04/2021

Musharixiinta ugu macquulsan saxada
Siyaasadeed ee Xisbigeena barwaaqo
ahna Musharax utaagan Matalaadda
kuraasta heer Deegaan ee Degmada
baabili uga sharaxan xisbiga barwaqo,

Xildhibaan u Tartamaya Xildhibaan
Heer Deegaan Ee Xisbiga Barwaaqo,
Ee Degmada Baabili Ee Gob.faafan.

Waxaan bogaadinayaa musharax
Mudane:- Maxamed Adan Daahir,
oo Maanta oo ay Taariikhdu aheyd
15/08/2013.T.I, April 23/2021 oo
Aheyd Maalin barakaysan oo Jimce,
bisha rammadaana Lagu guddo jiro

Wuxuu uu Kaarka Codbixinta ee uu
Codkiisa Muwaadinnimo uu Ku
Dhiiban Lahaa Doorashada Fooda
inugu Soo hayso, kaqaatay Goobta
Doorashada, Degmada uu mataali
Doono masiirkeedda muwaadinimo
ee uu ka Sharxan Yahay,

Maanta iyo Goobta Degmada Baabili,

Gaar ahaan waxaa uu si rasmi ugga
qaatay Goob doorashada Magaalada
Baabili oo Lagu xasuusta Magaalada
Barwaaqada iyo Soomaalinimadu

Masuul horumarineed Guul-Wacan

Komishinka Doorashooyinka Dalka ayaa shaaciyey in la kordhiyey wakhtigii loogu talo'galay diwaan-gelinta cod-bixiyeyaash...
23/04/2021

Komishinka Doorashooyinka Dalka ayaa shaaciyey in la kordhiyey wakhtigii loogu talo'galay diwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha.

War-saxaafadeed uu komishinku maalintii maanta ahayd uu soo saaray ayuu ku sheegay in guud ahaan lagu daray muddo labo (2) toddobaad ah wakhtigii loogu talo'galay diwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo ay ahayd in lagu soo gaba-gabeeyo maanta.

Komishinka ayaa war-saxaafadeedka ku sheegay in dalka qeybihiisa kala duwan ay ka socotay diwaan-gelintu, balse marka loo eego deegaannada qaar ay muuqatay dib u dhac ku yimid furidda xarumaha diwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha.

Komishinka ayaa tusaale u soo qaatay deegaannada Soomaalida iyo Canfarta in uu dib u dhac ku yimid furitaanka xarumaha diwaan-gelinta codbixiyeyaasha, balse ay hadda si habsami' leh uga socoto diwaan-gelinta codbixiyeyaashu.

Sidaasi darteed, komishinka ayaa sheegay in la isla qaatay, iyadoo taasi la tix-gelinayo in deegaannada Soomaalida iyo Canfarta lagu kordhiyo muddo saddex toddobaad ah, taasoo ka dhigan in xilliga diwaan-gelinta codbixiyeyaashu uu ku ekaan doono lixda (6) bisha Ginboot 2013-ka T.I.

Guud ahaanna, Guddiga ayaa sheegay in ay jiraan goobo aysan wali si rasmi ah uga billaaban diwaan-gelinta cod-bixiyeyaashu, balse ay dadaal ugu jiraan sidii looga billaabi lahaa.

Source SRTV

Address

Dubai

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Friday 08:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 12:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xarunta Liiga dhalinyarada gobolka faafaan xisbiga Barwaaqo ee somaalida posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xarunta Liiga dhalinyarada gobolka faafaan xisbiga Barwaaqo ee somaalida:

Videos

Share

Category


Other Magazines in Dubai

Show All