Shuuke Media

Shuuke Media wararka iyo wacaalihi ugu danbeyey caalamka iyo somalida

Xuutiyiinta ayaa lagu warramaya inay hub 10 milyan oo dollar lagu qiimeeyay kala wareegi doonaan Ruushka , iyadoo heshii...
07/10/2024

Xuutiyiinta ayaa lagu warramaya inay hub 10 milyan oo dollar lagu qiimeeyay kala wareegi doonaan Ruushka , iyadoo heshiiskan uu qaatay ganacsatada Ruushka ee Viktor Anatolyevich Bout , oo kumagac dheer ganacsadaha geerida, sida laga soo xigtay wargeyska Wall Street Journal. Lama soo bandhigan nooca hub ee la gaarsiinayo Xuutiyiinta.

Fiiro gaar ah;

Haddii aadan h**ey u maqal ganacsatada dhimashada ee Viktor Anatolyevich Bout, waxaa laga sii daayay xabsi ku yaalla Mareykanka sannadkii 2022, markaa oo ay dawladda Ruushka ku beddelatay haweenay Mareykan ah oo ciyaarta kubadda kolayga ee Brittney Griner, oo Ruushka uu u xiray eedeymo la xiriira inay daroogo tahriibinaysay.

Bout oo ah sarkaal h**e ee ciidamadii cirka xiligiii soofiyeedka ayaa aad ugu caan baxay ka nacsiga hubka ilaa laga sameeyay filin loogu magac daray aabbaha dagaalka (lord of war).

Howlgal sannadkii 2008 ay fuliyeen sirdoonka Mareykanka ,iyagoo iska dhigaya inay ka tirsan yihiin koox fallaago Colombia ah ee FARC loosoo gaabiyo kuwaasoo Maraykanku argagixiso u aqoonsanyahay ayaa ninkan lagu soo qabtay, kaddib markii kooxda sirdoonka Mareykanka oo howlgalkan ka fulisay dalka Thailand ay iska dhigeen inay hub gadanayaan oo kale,waxayna xiriir la sameeyeen qaar ka mid ah kuwii ay isla shaqaynayeen Victor Bout markii dambena asaga laftiisa ayey heleen.

Run ahaantii waxaan nukliyeer ahayn , Bout wuxuu kugu keeni karaa tuuladaada, sababtoo ah wuxuu ku guuleystay howlgallo iibin hub casri ah oo ay ku jiraan lidka diyaaradaha , gantaallo iyo nidaamyo raadaar. Hadda waxay ila noqotay inuu ka iibinayo Xuutiyiinta lidka diyaaradaha , raadarro la socon kara dhaqdhaqaaqa hawada ama nidaamyada elektarooniga ah ee awoodda inay hagayaasha qarin karaan iyagoo diyaaradaha dagaalka shucaac kaga furaya bartilmaameedyada.

Iimaan jama

Ogaysiis!!Dugsiga sare ee Burtinle asaga oo ka duulaya dhiirigalintaArdayada waxaa uu afar sano oo scholarship ah u bala...
30/07/2024

Ogaysiis!!

Dugsiga sare ee Burtinle asaga oo ka duulaya dhiirigalinta
Ardayada waxaa uu afar sano oo scholarship ah u balan qaaday 3 Arday ee ugu saraysa Degmada burtinle.

#π˜½π™π™π™π™„π™‰π™‡π™€π™Žπ™€π˜Ύπ™Šπ™‰π˜Ώπ˜Όπ™π™”π™Žπ˜Ύπ™ƒπ™Šπ™Šπ™‡ #π™’π™ƒπ™€π™π™€π™€π™“π˜Ύπ™€π™‡π™€π™‰π˜Ύπ™€π˜Ύπ™Šπ™ˆπ™€π™Žπ™π™„π™π™Žπ™

Rabi ha unaxaristo waxaa Saakay Tii rabi u timid Abdiqani Ahmed Dihaal (dulqarnayn) oo oo ahaa shaqsi caan ah oo unada k...
19/07/2024

Rabi ha unaxaristo waxaa Saakay Tii rabi u timid Abdiqani Ahmed Dihaal (dulqarnayn) oo oo ahaa shaqsi caan ah oo unada ku dhiira gslin jiray in ay wax qabaadaan & wadaniyada..

Dulqarneyn 'Wuxuu Ahaa mufakir aragtid dheer oo fahsmsan dhagarta amxaarada wuxuuna ahaa nin maskax balaadhan oo feker quman leh , hadalkiisa intaan ka xasuusto wuxuu kaga hadli jiray xaqiiqada waaqica somaliya taal .

Rabi ha unaxariisto walal keen dulqarneyn

Sawiro:- Gudoomiyaha Degmada Mudane Axmed Cabdirisaaq Cali ayaa maanta xafiiska kiisa ku soo dhaweeyey Mas'uuliyiin kaso...
27/05/2024

Sawiro:- Gudoomiyaha Degmada Mudane Axmed Cabdirisaaq Cali ayaa maanta xafiiska kiisa ku soo dhaweeyey Mas'uuliyiin kasocotay Hay'adda Global Health Alliance oo fadhigeedu yahay Gobalka Minnesota ee Dalka Mareykanka.

Suldan Media

17/05/2024

Wey afduubteen,kadibna wey bireeyeen wiil yar oo sadax iyo toban jir ah kana soo jeeda Beesha leelkase,Laakiin Cadaado ayaa ku......

Sii faafi muuqaalka

Boosaaso: 3 qof ayaa ku dhintay shan kalena waa ku dhaawacantay shil ka dhashay laba baabuur oo isku dhacay dalcadda Dur...
09/05/2024

Boosaaso: 3 qof ayaa ku dhintay shan kalena waa ku dhaawacantay shil ka dhashay laba baabuur oo isku dhacay dalcadda Dureera.

Soomaaliya Kaalinta labaad ka gashay Xaga Dhalmada Caalamka sida lagu sheegay Warbixin lagu baahiyay World Istatistics.
03/05/2024

Soomaaliya Kaalinta labaad ka gashay Xaga Dhalmada Caalamka sida lagu sheegay Warbixin lagu baahiyay World Istatistics.

Mareykanka ayaa ka codsaday dhammaan dalalka oo ay ku jirto Imaaraadka Carabta - inay joojiyaan taageerada ay u fidinaya...
30/04/2024

Mareykanka ayaa ka codsaday dhammaan dalalka oo ay ku jirto Imaaraadka Carabta - inay joojiyaan taageerada ay u fidinayaan dhinacyada isku haya Suudaan.

In ka badan siddeed milyan oo qof ayaa ku barokacay muddada sannadka ah dagaalka u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo kuwa taageerada degdegga ah ee RSF.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Axmed Nuur Tooxoow waxa uu shalay u tacsiyeynayey abtigiis iyo adeerkiis oo ku dhintay Qaraxi...
29/04/2024

Wiilkaan oo lagu magacaabo Axmed Nuur Tooxoow waxa uu shalay u tacsiyeynayey abtigiis iyo adeerkiis oo ku dhintay Qaraxii shalay lala beegsaday shaqaalo ka tirsan shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud.

Sida la xaqiijiyay Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa Axmed toogtay xilli uu dib uga soo laabtay aaska murxuumiintii shalay Qaraxa ku geeriyooday oo ay adeeradiis qayb ka ahaayeen.

Axmed Nuur Tooxoow oo shalay u tacsiyeynayey Adeeradiis oo ku dhintay qaraxii Hormuud ayaa galabta la toogtay isagoo ka soo laabtay aaskooda.

Halka lagu toogtay Alle ha u naxriistee Axmed Nuur oo ay dhacdadani ka dhacday waa deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho.

Cali Aadan Muumin.

29/04/2024

VEDIO: Qaarkamida Waxgaradka iyo nabadoonada Beesha rer khalaf ee Cumar Maxamuud oo kasoo horjeestay go'aankii Isimada Cumar Maxamuud ay ku sheegeen in ay xasaanada ugala laabteen Islaanka guud ee Beesha, Islaan Bashiir islaan cabdulle.

Share Garee

Gudoomiyaha Degmada BuurtinleAxmed c/risaaq ayaa Caawa Magacabay Madaxa Hanti dhawrka Degmada Buurtinle. ..Xildhibaan Ca...
27/04/2024

Gudoomiyaha Degmada Buurtinle
Axmed c/risaaq ayaa Caawa Magacabay Madaxa Hanti dhawrka Degmada Buurtinle. ..

Xildhibaan Cali Daahir C/nuur Huseen Ayaa loo magacabay Madaxa hanti dhawrka degmada Buurtinle.

27/04/2024

Gaalkacyo: Aabaha dhalay Wiil 8-Sano Xabsiga ku jira iyo odayaal kale oo sheegay in khalad lagu haysto wiilkooda

Fallow Page.

Gaalkacyo: Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta Galmudug ayaa maanta dil qisaas ah ku fulisay labo askari oo ka tirs...
26/04/2024

Gaalkacyo: Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta Galmudug ayaa maanta dil qisaas ah ku fulisay labo askari oo ka tirsanaa xoogga dalka.

dable Cabdikaafi Cali Cabdulle ayaa horay u dilay Cadnaan Cali Salaad, sidoo kale Iidle Cumar Idiris oo Gorgor ka tirsanaa ayaa asna h**e u dilay Bilan Xaashi Salaad.

Alle ha u wada naxariisto ayaga iyo marxuumiintii h**e gacantooda ugu baxey

Gudoomiyaha Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Degmada Xildhiban Salahudiin Abdi shuuke ayaa soo xidhey Cup usocdey secondary ja...
24/04/2024

Gudoomiyaha Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Degmada Xildhiban Salahudiin Abdi shuuke ayaa soo xidhey Cup usocdey secondary jalam .

Waxaa ku Weheliyey Xildhibanada laga soo doorto deegaanka jalam , Gudoomiyaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha deegaanka jalam said hassan calin iyo marti sharaf kale.

MUDUG: Oday Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Daahir ayaa maanta reerkii lahaa u celiyay Geel dhan 8 neef oo ah taranta ama...
23/04/2024

MUDUG: Oday Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Daahir ayaa maanta reerkii lahaa u celiyay Geel dhan 8 neef oo ah taranta ama Faraca qaalin geel ah oo uu dhacay 30 sano ka hor,

Odayga geela celiyay oo ka soo jeedda Koonfurta gobalka Mudug ayaa cafis ka dalbaday reerkii uu geella ka dhacay sanadkii 1994 oo ah reer Galdogob

Garowe:- islaan bashiir islaan Cabdulle oo ku maqnaa cimrada ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Garowe.Soo dhaweyn...
23/04/2024

Garowe:- islaan bashiir islaan Cabdulle oo ku maqnaa cimrada ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Garowe.

Soo dhaweynta islaanka waxaa ka qayb galay wasiirka xanaanada xoolaha DPL, Xiddhibaan Yaasiin Taakilo, Agaasimaha Guud Wasaaradda Warfaafinta, iyo qeybaha kale duwan ee bulshada.

Garowe : Ugu yaraan Hal qof ayaa ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacmay is-rasaaseyn dhexmatay rag hubeysa oo la sheege...
23/04/2024

Garowe : Ugu yaraan Hal qof ayaa ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacmay is-rasaaseyn dhexmatay rag hubeysa oo la sheegey in ay isku haystaan dhul, aga-gaarka shirkadda Korontada NECSOM ee bariga caasimadda Garoowe - Goobjoogayaal.

22/04/2024

Burtinle: Gudoomiye ku xigeenka degmada Burtinle Cabdidaahir Jaamac Canjalaf oo Shir jaraaid ku qabtay degmada Burtinle ayaa Shacabka degmada Burtinle ee soo doortay ugu cadeyey in gudoomiyiha degamda uu sharcidaro caadeystey sidoo kale wado kala qeybinta dadka.
Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ayaa wasaarada arimaha gudaha ugu baaqey iney qabtaan kalafadhigii golaha deegaanka oo aan ilaa iyo hada la qaban.

Sidee u aragtaa ?

Address

Chililabombwe

Telephone

+252907668554

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shuuke Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Shuuke Media:

Videos

Share