13/01/2025
WARARKA MAANTA 13ka Janaayo 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa lhiyaano qaran dadka iyo dalka ku haggay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa shacabka baraciyey Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye:? Yaa og inuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye: caafimaad qabo iyo inuu waalan yahay? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diidan inay Soomaaliya nabad noqoto Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammad Dastuuriga ah oo beddelay dastuurkii lagu soo doortay Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo oo barac iyo hoog ku sameeyey shacabka reer Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qabuuraha iyo hantida dadweynaha iibiyey Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qoysaskiisa u xiray inay baad iyo gunno saartaan ganacsiyo kala duwan? Yaa ilmihiisa u magacaabay jaggooyin aysan wax xaq iyo aqoon u lahayn Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inay labada aqal iyo dowladda wadashaqeeyaan Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa sidan u hadlaaya oo haddan sheegaaya fashilka dowladdiisa Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho 13ka Janaayo 2025 Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhaliil culus u jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku eedeeyey in uu ku kacay ficillo dhaawacaya sharafta iyo karaamada qaranimada Soomaaliya.
“Febraayo 17, 2024, Madaxweyne Xasan isagoo looga digayey ayuu ka degay Addis Ababa, halkaas oo lagu soo bahdilay. Shalayna ciidanka badda Itoobiya ayaa loo diyaariyey inuu salaan ka qaato waa bahdilaad kale oo aan marnaba la aqbali karin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Waxa uu intaa ku daray in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ku guuleystay inuu niyad-jabiyo madaxda kale ee gobolka, isagoo tusay sida uu sheegay xildhibaanku, in Madaxweyne Xasan Sheekh aanu ahayn hoggaamiye lagu kalsoonaan karo ama la saadaalin karo.
“Waxaan aragnaa Madaxweyne Xasan oo si ula kac ah u qaawinaya bowdooyinka qaranka Soomaaliyeed, midba maalin. Waa waajib naga saaran inaanan ku eegan ficilladan,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa shalay booqasho ku tagay dalka Ethiopia, halkaas oo uu heshiis ku saabsan xoojinta wada shaqaynta labada dal lasoo galay raysal wasaaraha Ethiopia.
Muqdisho 13ka Janaayo 2025 Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, ahna Madaxa AUSSOM, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa soo dhoweeyay war-murtiyeedkii wadajirka ahaa ee 11-kii Bishaan laga soo saaray Magaalada Addis Ababa, ka dib wada hadalo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa tilmaamay inay bogaadinayaan horumarka muhiimka ah ee laga gaaray xiriirka laba geesoodka ah ee Labada Dowladood.
Danjiraha ayaa shaaca ka qaaday in tani ay xaqiijineeyso in lasii wado kamira dhalinta qodobadii labada Dowladood ay ku heshiiyeen ee Shirkii ka dhacay Magaalada Ankara.
Mohamed El-Amine Waxa uu iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, horumarinta isdhexgalka dhaqaale, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah horumarinta nabadda gobolka, xasilloonida iyo barwaaqada la wadaago.
Danjjraha ayaa ugu dambeyn waxa uu xusay in howlgalka AUSSOM ay ka go'an tahay in ay taageerto dadaallada xasilinta Soomaaliya iyo iskaashiga gobolka, si waafaqsan rabitaanka dadka Soomaaliyeed iyo aragtida Midowga Afrika ee nabad iyo barwaaqo Afrika ah.
Muqdisho 13ka Janaayo 2025 Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii Itoobiya loogu dari lahaa qoondada ciidamo ee howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Wasiirku wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya h**ey u qeybisay tirada guud ee ciidamada iyo dalalka laga filayo inay ka yimaadaan. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu xusay inay weli ka shaqeynayaan sidii loo xallin lahaa qoondada ay Itoobiya ku yeelan karto.
"Caqabadaha Itoobiya ka hor istaagay inay qayb ka noqoto AUSSOM waxa ay salka ku hayeen heshiiska MOU. Hadda caqabaddaas waa la xalliyay, balse caqabadu waxay ka jirtaa tiradii loo qorsheeyay oo intooda badan h**ey loo qeybiyay, wax harsanna ma jiraan. Sidaas darteed, waxaan ku dadaaleynaa sidii arrintaas xal looga gaari lahaa," ayuu yiri Cali Balcad.
Wasiirku intaas ku daray in maalmaha soo socda wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ay u ambabixi doonaan Itoobiya si ay ugala xaajoodaan arrimaha farsamo ee howlgalka AUSSOM.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Itoobiya ay dhowaan soo magacaabi doonto safiirkeeda Soomaaliya, halka safiirka Soomaaliya ee Itoobiya uu si rasmi ah u bilaabi doono shaqadiisa.
Muqdisho 13ka Janaayo 2025 – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay safarkii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay dalka Itoobiya ayaa wax laga naxo ku tilmaamay in ciidamada Badda Itoobiya uu maanta salaan ka qaatay Xasan.
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Xasan Sheekh ka joog laga waayey labo jeer oo Itoobiya uu tegay, balse safarkaan iyo mid ka h**eeyaba ay horseedeen guul-darro weyn.
“Madaxweyne Xasan iyadoo ka joog la leeyahay ayuu Addis Ababa ka degey February 17, 2024, waa lagu soo bahdilay, shalayna ciidanka Badda Itoobiya ayaa loo diyaariyey in uu salaan ka qaato, waa bahdilaad kale,” ayuu yiri CC Shakuur.
Sidoo kale, Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Abiy isaga loo hoyday, dowladahii kalana wuxuu tusay in aan Madaxweynaha Soomaaliya la isku halleyn karin, lana saadaali karin.
Tan ugu daran wuxuu sheegay inay dhacday markii uu booqday ciidamada Badda Itoobiya, kuwaas oo loo tababaray badda Soomaaliya, maadaama Itoobiya aysan bad laheyn.
“Madaxweyne Xasan wuxuu ku tala galay in uu bowdooyinka qaranka Soomaaliyeed midba maalin qaawiyo, waajib ayaa naga saaran in aannan ku eegan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay sawir hadal-hayn badan dhaliyay oo si weyn ugu baahay baraha bulshada, kaasi oo ku wada jiraan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Sawirka ay qoslayaan labada masuul oo aad ugu faafay baraha bulshada ayaa imaanaya ku dhowaad hal sano oo cadowtinimo xooggan ay ka dhaxeysay labada dal, ka gadaal markii Itoobiya ay Somaliland la saxiixatay is-afgarad dhabaha u xaaraya damaceeda badda.
Sawirka ayaa muujinaya labada masuul oo gacmaha is-haysta, aadna u qoslaya, taas oo ka turjumeysa heer qanacsanaan iyo saaxiibtinimo ee labada dowladood kadib muddo uu mugdi ku gadaamna xiriirkooda diblumaasiyadeed, taas oo dad badan siyaabo kala duwan uga fal-celiyaan.
“Isqadarin loo siman yahay, wadan walbaana kan kale ixtiraamayo arrimihiisa u gaarka ah, wixii la wada qabsanayana wadada sharciga loo marayo waa midda la xaqiijiyey,” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Somaliland 3ka Janaayo 2025Somaliland ayaa sheegtay in waddo qorshe ay dib ugu soo ceshanayso maamulka hawada, arrintaas oo ah horumar xasaasi ah oo kordhin kara xiisadda kala dhaxaysa Soomaaliya.
Hawada saree e Soomaaliya, oo ay haatan maamusho dawladda Soomaaliya, ayaa h**e ugu hoos jirtay kormeer caalami ah ka hor inta aan la wareejin dhowr sano ka hor.
Fu’aad Axmed Nuux, Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Garoomada ee Somaliland, ayaa xaqiijiyay in dib u soo celinta maamulka hawadu ay mudnaanta koowaad u leedahay xukuumadda.
Go’aankan ayaa yimid iyadoo ay jirto muran daba dheeraaday oo kala dhexeeya Soomaaliya oo ku saabsan maamulka hawada, kaasi oo socday muddo sanado ah.
“Waxaa muran nagala dhexeeyaa Soomaaliya oo ku saabsan maamulka hawada, hadafkayaguna waa inaan dib u soo celino gacan ku haynta buuxda ee hawadeena,” ayuu yiri Wasiir Fu’aad.
“Waxaan qaadeynaa tallaabooyin sharci ah si aan dib ugu soo ceshano gacan ku haynta,” ayuu Fu’aad sharaxay. “Waxaan qorshaynaynaa inaan raadinno taageero sharci oo caalami ah si ay noogu caawiso howshan.”
Khilaafka hawada ayaa waxaa sii kordhiyay heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo Itoobiya u ogolaaday inay hesho marin badeed, beddelkeedana ay aqoonsi siiso madax-bannaanida Somaliland.
Soomaaliya, oo u aragta Somaliland inay qayb ka tahay dhulkeeda, ayaa si adag uga soo horjeesatay heshiiska, iyadoo ku eedaysay Itoobiya inay ku xad-gudubtay madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Khilaafku wuxuu h**e u sababay dhowr dhacdo oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin diidmadii Soomaaliya ee duullimaadyo badan oo ku socday Somaliland, gaar ahaan duullimaadyadii Ethiopian Airlines oo siday saraakiil sar-sare.
Maamulka Soomaaliya ayaa sidoo kale dib u celiyay diyaarad Ethiopian Airlines ah iyo diyaarad xamuul ah, oo labaduba oo isku dayay inay ka degaan Hargeysa, caasimadda Somaliland.
Khilaafka hawada ayaa sidoo kale sababay walaac dhinaca ammaanka ah. Horraantii 2024, mas’uuliyiinta duulista hawada caalamiga ah ayaa soo wariyay dhacdooyin sababi karay isku dhac diyaaradeed, sida kiis dhowaan dhacay oo u dhexeeyay diyaarad Qatar Airways ah iyo Ethiopian Airlines.
Tilmaamaha is-khilaafsan ee kontoroolka taraafikada hawada (ATC), gaar ahaan kuwa ka imanaya kontoroolayaasha aan la fasixin, ayaa sare u qaaday digniinta ku saabsan badqabka duullimaadyada ku safraya hawada Soomaaliya.
“Arrinta tilmaamaha is-khilaafsan ee ATC waxay noqonaysaa khatar amni oo halis ah,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Ururka Duulista Hawada Caalamiga ah (ICAO). “Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda si loo hubiyo badqabka duullimaadyada caalamiga ah.”
Soomaaliya ayaa ka jawaabtay khilaafka sii kordhaya iyadoo hirgelisay nidaamyo isgaarsiineed oo cusub si ay si hufan ugu maamusho taraafikada hawada.
Nidaam cusub oo telefoonka satellite-ka ah oo ay adeegsadaan kontoroolayaasha taraafikada hawada ee Soomaaliyeed ayaa ujeedkiisu yahay in wax laga qabto walaacyada ammaanka iyadoo la hagaajinayo isgaarsiinta diyaaradaha ku duulaya hawada lagu muransan yahay.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa dhaleeceysay dadaalladan, iyadoo ku eedaysay Soomaaliya inay nidaamkan u isticmaalayso si ay u sii wiiqdo maamulka Somaliland.
Somaliland ayaa sidoo kale ku eedaysay Soomaaliya inay si xun u maamushay in ka badan $60 milyan oo dollar oo loogu talagalay maareynta taraafikada hawada iyo horumarinta garoomada diyaaradaha.
Hay’adda Duulista Hawada ee Somaliland ayaa ku andacootay in Soomaaliya ay ku guuldarraysatay inay ixtiraamto heshiisyada la xiriira kaabayaasha garoomada diyaaradaha, taasoo horseedday carqaladeyn ku timaada taraafikada hawada iyo dib u dhac weyn oo ku yimid horumarinta waaxda duulista hawada ee Somaliland.
Marka laga soo tago dib u soo ceshiga gacan ku haynta hawada, xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay xoogga saarayso ballaarinta iyo casriyeynta garoomada diyaaradaha ee muhiimka ah ee dalka oo dhan.
Dib u habayn ayaa loo qorsheeyay garoomada diyaaradaha ee Burco iyo Boorama, halka garoonka casriga ah ee Berbera si buuxda loo hawlgelin doono si loo xoojiyo isku xirnaanta Somaliland, sida ay sheegtay xukuumadda.
Khaatumo State 13ka Janaayo 2025 Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo hadal ka jeediyay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Laascaanood ayaa hanjabaad culus u diray Somaliland oo uu weli kala dhexeeyo dagaal ku aadan gacanta ku heynta Sool iyo Sanaag.
Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday inay u diyaar garoobayaan dagaal horleh, si ay u qabsadaan deegaannada weli ka maqan gacantooda, isaga oo wacad ku maray inay adeegsan doonaan awood ciidan, si ay u qabsadaan deegaannadaasi.
Hoggaamiyaha SSC ayaa si gaar ah u carab baabay magaalada Ceerigaabo oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada Somaliland, isaga oo ku goodiyay inay ka saari doonaan.
Sidoo kale wuxuu farriin u diray bulshada SSC-Khaatumo oo uu ku booriyay inay u dyaar garoobaan dagaalkaan, isaga oo ugu baaqay inay qayb ka noqdaan halganka socda.
“Waxaa halkan uga sheegaya Reer SSC meel ay joogaanba in loo diyaar-garoobo sidii aynu ugu guuri lahayn Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag inta gacanteenna ka maqan si aynu u dhammaystirno halgankii aan u galnay dhulkeenna iyo masiirkeenna” ayuu yiri Firdhiye.
Dhinaca kale waxa uu ku eedeeyay ciidamada Somaliland in ay dhibaato ku hayaan bulshada dadka deegaanka, gaar ahaan dadka kasoo jeeda SSHadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan labada dhinac ay ku dagaalameen magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, inkastoo dib loo durjiyay SSC.C, ayna ka hortagi doonaan.
Muqdisho 13ka Janaayo 2025 Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka hadashay isbeddalka ku yimid xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib wada-hadalladii ka dhacay Addis Ababa ayaa soo saartay amar ku socda safiirka Soomaaliya ee Itoobiya.
Wasiiru dowladaha wasaaradda arrimaha dibadda, Cali Balcad oo boggaadiyay guulaha laga gaaray wada-hadalladii ugu dambeeyay ayaa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka dambeeya la farayo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa inuu xoogga saarayo arrimaha Itoobiya iyo Midowga Afrika.
Cali Balcad ayaa sheegay in markii h**e ay Soomaaliya ay diiradda saareysay oo kaliya Midowga Afrika balse ay kla shaqeyn doonaan xoojinta xiriirka labada dowladood.
“Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa oo xoogga saari jiray arrimaha Midowga Afrika awal waxa u xooggiisa saarayay AU-da oo wax badan k**a qabaneyn arrinta Itoobiya balse hadda kaddib waxa uu xoojinayaa arrimaha Itoobiya” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxay soo dirsan doonaan labadii Qunsul ee u kala joogay Muqdisho iyo Garowe, kuwaas oo hoos imaa doona safaaradda Muqdisho,”.
Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay sii socon doonaan dadaallada, gaar ahaan yoolka ah sidii la isugu dheeli-tiri lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya maadaama horay loo kala qaybiyay Dowladaha iyo sida ay ciidamadooda uga qaybgali karaan.
Itoobiya ayaa haatan dadaal xoogleh gelineyso, sidii ay ciidamadeeda uga mid noqon lahaayeen howlgalka cusub, waana sababta ugu wayn ee soo dadajisay heshiiska.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyay khilaaf diblumaasiyadeed oo dhex yaalay muddo sanad ah, waxaana labada Xasan Sheekh iyo Abiy ay ugu dambeyn soo afjareen xiisadda.