23/06/2024
WARARKA MAANT6ka 23ka Juun 2024 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? U diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu sameeyo ? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inay shaqeeyaan golaha wasiiradda/xukuummadda Soomaaliya? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u ogolaaday inuu boobo asaga iyo xaasaskiisa hantida dadweynaha? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u faagay qabuuraha? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” waxbaradii Shiinaha u siiyey gabadhiisa iyo wiilal uu adeer u yahay? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inay labada aqal si waafaqsan u shaqeeyaan? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaalo siiso Dowladda Soomaaliya? Ha Wiqleyso!
Muqdisho 23ka Juun 2024 Golaha Qaramada Midoobay ayaa yeelan doona kulan xog-wareysi iyo wadatashi ah oo ku saabsan Soomaaliya.
Muqdisho 23ka Juun 2024 James Swan, oo ah ku simaha Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyo Mohammed El-Amine Souef, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo madaxa ATMIS ayaa warbixin siin doona golaha Ammaanka.
Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa inay ka doodaan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha howlgalka cusub, xilli Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ay ka cago jiidayaan maalgalinta howlgalkan.
jimcaha ayay ahayd markii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ay taageereen codsiga Soomaaliya ee ku saabsan in la dhiso howlgal cusub oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika, ka dib marka uu dhamaado howgalka ATMIS.
Guddiga ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika ayaa sheegay, in howlgalka cusub ee Midowga Afrika uu diiradda saari doono taageeridda dowladda federaalka ah si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab iyo ka qayb qaadashada hawlgallada ka hortagga kooxaha argagixisanimada.
Muqdisho 23ka Juun 2024Guddoomiyihii h**e ee baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa dunuub adag ku eedeeyey Xildhibaan Cabdullahi Kulane Jiis, isagoo sheegay inuu dilay Guddoomiye Cabdiraxmaan Injineer Yariisow, Jeneraal Galaal, Ikraan Tahliil iyo Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.
Wuxuu sheegay in shalay uu afkiisu soo qabtay Injineer Yariisow isagoo iska dhigay nin jaceyl walaalnimo u qabay, balse wuxuu sheegay in isagu uu wax ka soo qorsheeyey dilkiisa.
“Dhamaan dadka aan soo tiriyey waxaa dilkooda qorsheeyey dad qalatadii uu Kulane u adeegi jiray ee Farmaajo u weynaa, waxaan xaqiijinayaa in dadka aan soo tiriyey ay laayeen ragaas, waxaan maanta ku tilmaami lahaa dad qalato,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre.Guddoomiyihii h**e ee baarlamaanka HirShabeelle ayaa dowladda federaalka ka codsaday in Cabdullahi Kulane iyo raggii kale ee dilalka geystay xasaanadda laga qaado oo la maxkamadeeyo, isagoo sheegay inay ku cadyihiin dilalka dadkii uu soo tiriyey iyo kuwo kale oo la waayey.
Cabdullahi Kulane ayaa xalay ka hadalay qabuuraha ay Iskuul Buluusiya ka rareyso dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa u uku dhacay qamaam, isla markaana ay dhacayaan cid kasta oo dhul leh.
Sheekh Cismaan Barre ayaa u jawaabay “War ina Kulanow qabuuraha aad ka hadleyso dadkii aad leysay ayaa ku duugan, qaar gacantaada ayaad ku dishay, qaarna adigaa sababay inay dhintaan, dhiig ayaad faraha kula jirtaa markaas ayaad qabuuro ka hadleysaa,” ayuu yiri.
Sidoo kale guddoomiye h**e Sheekh Cismaan ayaa sheegay inay banaantahay in qabuurahaas Meesha laga saaro, maadaama dhulka ay u soo baahatay dowladda oo markii h**e laheyd, Ahaana dhul danguud ah.
“Anigu culimada ayaan ka mid ahay, dhulkaas in la baneeyo waxaa fatwootay culimada, mana banana in meydka lagu duugo dhul aadan milkiyadiisa laheyn ama aan la waqfin, marka abaabulka ka dhaafa dadkaan dowladoodu waa ixtiraameysaaye, umadda Soomaaliyeed haka digtoonaato nimankaan,” ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre.
Muqdisho 23ka Juun 2024 War-murtiyeed ka soo baxay Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in hawlgalka oo ay hugaamin doonaan Midowga Afrika uu noqon doono mid diiradda lagu saarayo, sidii Soomaaliya looga kaalmeyn lahaa baabi’inta ururka argagixisada ah ee al Shabaab.
Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay in hawlgalkaan cusub uu si gooni ah u noqon doona “mid amni ku soo dabaala Soomaaliya, muhiimadiisuna tahay in lagu ilaaliyo dadka rayidka ah.”
Sidoo kale waxa uu sheegay golahaan in hawlgalku diiradda saari doono kaalmeynta amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.
“Waqtiga iyo sharciyada hawlgalka ATMIS ka dib waa in uu ka turjumaa waaqaca amni iyo kan siyaasadeed ee Soomaaliya, lana siiyaa waqti macquul ah oo xaqiiqada ku qotoma,” ayaa lagu yiri warka.
Maxay uga dhigan tahay Soomaaliya?
Dawladda Soomaaliya ayaa horay u qorsheysay in ay dalka isaga baxaan ciidamada ATMIS, oo markii horaba hawlgalkooda loo sameeyay sidii hawlgalkii ka h**eeyay ee Amisom uga bixi lahaa Soomaaliya, kadib markii dawladdu sheegtay in ay isku filnaasho ka gaartay dhanka la wareegista amniga iyo ciidamada.
Axmed Kaboole, oo ah khabiir ka faalooda amniga Soomaaliya ayaa qaba in Soomaaliya haatan ay wax badan iska badaleen marka la eego fursadaha ay u heli karto qalabeynta ciidamadeeda, maadaama dhawaan laga qaaday cunaqabteyntii hubka ee tobanaanka sano saarneed. Sidoo kale dhismaha ciidanka Soomaaliya ayuu sheegay in ay wax badan iska badaleen tan iyo markii uu bilowday hawlgalkii Amisom ee dhawr sano ka hor noqday ATMIS.
Balse waxa uu sheegay in aysan wali ciidamada Soomaaliya gaarin isku filnaasho buuxa oo ay ku haysan karaan guud ahaan dalka oo dhan, ama meelaha muhiimka u ah amniga qaranka.
“Wali waxaad moodaa in ay jirto baahidii iyo caawinaadii ay dawladda Soomaaliya u baahneed, inta ay ka qabsaneyso xuduudaha dalka oo dhan, dhismaha siyaasadda gudaha hanoqoto iyo la dagaalanka al-Shabaab,” ayuu yiri Kaboole.
Waxa uu sidoo kale xusay in khatarta ururka al Shabaab ay tahay mid wali taagan, sidaas daraadeedna ay tahay lagama maarmaan in la helo caawimaad dibadda ah.
Tan iyo markii hawlgalka ATMIS bilaabay in uu isaga baxo bilo ka hor Soomaaliya, ayaa waxa uu ku wareejiyay ciidamada Soomaaliya saldhigyo ku yaalla qaar ka mid ah gobolada dalka. Saldhigyadaas qaar ayaa waxaa weeraro ku qaaday al Shabaab, qaarkoodna waxa ay noqdeen kuwa aan cidina joogin.
Dawladda Soomaaliya oo aan isku daynay in aan wax ka waydiino mawqifkeeda ku aadan hawlgalkan cusub ee ay hormuudka ka tahay Midowga Afrika iyo waxa ay ka damacsan yihiin mustaqbalka ayaynan noo suuragalin inaan helno.
Midowga Afrika ayaa waxaa uu ka dalbaday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in ay kaalin ka qaataan sidii dhaqaale loogu helaa hawlgkaan si uu u noqdo mid taabo gal ah. Warka ayaa waxaa lagu sheegay in si loo geeyo Soomaaliya hawlgalkaan loo baahan doono, dhaqaale, qiimeyn, iyo xasilooni. Waxay sheegeen in codsigaan loo gudbindoono xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Golaha ayaa dhanka kale sii adkeeyay in ATMIS ay si habsami iyo taxadar leh uga bixi doonto Soomaaliya, iyada oo hawlgalka cusubi uu markiiba badali doono.
Dhanka kale waxay aad u adkeeyeen in Midowga Afrika uu doonayo in ay marwalba garab istaag u muujiyo Soomaaliya, kuna caawiyaan doonistooda nabad waarta, amni xasilooni iyo barwaaqo. Taas oo ay sheegeen in ay faa’iido ugu jirto geeska Afrika iyo qaaradda guud ahaanba.
Isha: BBC
Muqdisho 23ka Juun 2024 iran ayaa lagu eedeeyay inay gadaal ka riixayso isku dayga socda ee wada-shaqeyn ay ku yeelanayaan kooxda ay taageerto ee Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Sirdoonka Maraykanka ayaa dhowaan sheegay in ay ogaadeen in Xuutiyiinta Yemen ay ka wada hadleen sidii hub loo siin lahaa kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo qariyay magacooda in la xuso ayaa hadda wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Iiran ay qeyb ka tahay qorshaha Xuutiyiintu hub ku siin karaan kooxda Al-Shabaab.
Warbixin ayaa lagu sheegay in Iiran ay doonayso inay xoojiso saamaynteeda gacanta Cadan, si weerraro ka dhan Maraykanka looga geysto halkaas.
Maraykanka waxa uu sheegay in qorshaha Iiran ay ku doonayso in Xuutiyiintu ay al-Shabaab siiyaan ilo cusub oo hub ah, ay keeni karto in Al-Shabaab ay gacanta u galaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si ay ugu weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka.
Hadda, kooxda Soomaalida waxay heli karaan oo keliya gantaallo, hoobiyeyaal iyo miinooyin, oo ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto dawladda Soomaaliya – hub yar balse dilaa ah. Xuutiyiinta, marka la barbardhigo, waxay haystaan hubka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, oo ay ku jiraan kuwa biyaha hoostooda mara.
Mareykanka ayaa uga digayay dalalka gobolka iskaashigan suurtagalka ah toddobaadyadii la soo dhaafay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka. Dalalka Afrika ayaa sidoo kale billaabay in ay si firfircoon ula soo xiriiraan Mareykanka, si ay u gudbiyaan walaacooda, oo ay u helaan macluumaad dheeraad ah.
“Tani waa wada hadallo joogto ah oo aan la yeelanayno dalalka labada dhinac ee Badda Cas,” ayuu yiri qof xog-ogaal ah. “Oo waxaa loo eegayaa si dhab ah.”
Heshiiska suurtagalka ah wuxuu dhaqaale cusub u yaboohi karaa Xuutiyiinta.
“Inaad awood u yeelato inaad iibiso hubka qaar waxay ku siineysaa dakhli aad loogu baahan yahay,” ayuu yiri sarkaalka sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden.
Dhanka al-Shabaab, waxay siin kartaa fursad ay ku hesho ilo cusub oo hub ah – oo ay ku jiraan suurta-galnimada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) – kuwaas oo aad uga casrisan hubkooda hadda, waxayna siin kartaa kooxda awood ay ku weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka.
Muqdisho 23ka Juun 2024 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo horleh u dirtay gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgeli doono gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Ciidamadan oo ah milatari ayaa laba diyaaradood lagu geeyay degmada Ceelwaaq, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiisha gobolka joogta iyo mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.
Ujeedka ciidamadan ayaa ah inay ciidamada howlgalka ATMIS kala wareegaan fariisamaha ay ku leeyihiin magaaladaas oo la filayo inay ka baxaan.
Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee la wareegitaanka amniga Ceelwaaq ayaa haatan ka socota halkaasi waxaana goobta ku sugan madax ka socota Jubbaland iyo dowladda dhexe.
Ceelwaaq ayaa waxaa muddo dheer ku sugnaa ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo haatan baxaya, wuxuuna qorshahan qayb ka yahay bixista ATMIS.
Horay ciidamada shisheeye ayaa uga baxay xerooyin dhowr ah, waxaana ugu dambeysay oo ay maalin kahor banneeyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle.
Sida uu qorshuhu yahay dhammaadka sanadkan ayaa lagu wadaa inay dalka isaga baxayaan ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga dalka, waxaana beddeli doono ciidamo cusub, sida ay ku heshiiyeen dowladda federaalka iyo Ururka Midowga Afrika.
Howlgalka cusub oo ay hugaamin doonaan Midowga Afrika ayaa noqon doono mid diiradda lagu saarayo, sidii Soomaaliya looga kaalmeyn lahaa baabi’inta ururka Al-Shabaab.
Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalkaan uu si gooni ah u noqon doona “mid amni ku soo dabaala Soomaaliya, muhiimadiisuna tahay in lagu ilaaliyo dadka rayidka ah.”
Muqdisho 23ka Juun 2024 Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dila argagax leh uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, kaas oo loo gaystay Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Allaha u naxariistee Macallinka iyo Xaaskiisa oo ku sugnaa gurigooda ayaa lagu dilay deegaan lagu magacaabo Bulacle oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaad hubeysan ay toogasho ku dileen labada marxuum, iyaga oo ku dilay gogoshooda, waxayna kadib ka baxsadeen goobta.
Dilkan foosha xun ayaa lala xiriiriyay aano qabiil oo ka taagan deegaano dhaca bariga magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ay isku geysanayaan beelaha wada daga halkaas.
Dhacdadan ayaa sidoo kale argagax ku reebtay dadka deegaanka, waxaana si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada, iyada oo dadweynuhu ay tilmaameen inay tahay wax laga xumaado.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray halka ay mashaqadu ka dhacday, waxaana haatan ay howlgallo lagu baadi goobayo maleeshiyaadka dhibaatada geystay ka bilaabeen agagaarka Dhuusamareeb.
Falkan argagaxa leh ayaa kusoo beegmay, ayada oo haatan Dhuusamareeb ay taallo gogol nabadeed oo ay dhigtay Galmudug, taas oo lagu heshiisinayo beelo dhowaan ku dagaalamay waqooyiga gobolka Galgaduud, kuwaas oo ay iska dilay in ka badan 50 qof.
Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa ku badan colaadaha beelaha, waxaana horay dhacdo tan lamid ah ay uga dhacday isla gobolka Galgaduud, kadib markii lagu dilay Macallin Dugsi Qur’aan iyo Dhaqtar walaalo ahaa, inkastoo lasoo soo qabtay raggii ka dambeeyay dilkaasi oo la maxkamadeeyay, kadibna ay dil toogasho ku fulisay Galmudug.