Hiigsade media

  • Home
  • Hiigsade media

Hiigsade media fallow soo dheh kanaalka cod bahiye

29/08/2024

Falaqeyn xalka itobiya iyo somalia

27/06/2024

Xidigaha xamar oo bixiyey jawaab aan soo dahin

Ma badirba cid ubahan

Xidigaha xamar

26/06/2024

Fananita reer djabuti oo jawaab kulul siyey kuwa reer somaliland

Waxaa isku mar garoonka diyaradaha ee magalda muqdisho ka safrey madax waynaha iyo gudomiyaha barlamanka ayago kusii jee...
28/05/2024

Waxaa isku mar garoonka diyaradaha ee magalda muqdisho ka safrey madax waynaha iyo gudomiyaha barlamanka ayago kusii jeeda dalka kenya

24/03/2024

Madax wayne farmajo oo ka baqdey safar uu ku tagi lahaa mamulka ssc khatumo

WARMURTIYEED WADAJIR AH OO MADAXWEYNEYAASHII H**E EE DALKA AY KA SOO SAAREEN KULAMMO WADATASHI OO AY KU YEESHEEN GAROOWE...
23/03/2024

WARMURTIYEED WADAJIR AH OO MADAXWEYNEYAASHII H**E EE DALKA AY KA SOO SAAREEN KULAMMO WADATASHI OO AY KU YEESHEEN GAROOWE

Madaxweyneyaashii H**e ee dalka, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka ambaqaadaya doorka kaga aaddan xoojinta midnimada, wadajirka iyo dowladnimada Soomaaliyeed ayaa kulammo wadatashi ah kula qaatay magaalada Garoowe Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, muddadii u dhexaysey 21-ka Maarso – 23 Maarso 2024.

Labada Madaxweyne oo ka walaacsan saamaynta khilaafka arrimaha dastuurka, xaaladda amni ee dalka, khasaaraha ka dhashay weerarrada uu cadawgu ku beegsanayo ciidammadeenna iyo duruufaha halista ku ah jiritaanka iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, waxa ay soo saareen qodobbadan:

1. Madaxdu waxay bogaadinayaan dadaallada naf-hurnimada leh ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku wajahayaan argagixisada Alshabaab, iyaga oo shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dhammaan halyeeyada u shahiiday difaaca dalka.

2. Madaxweyneyaashu waxa ay adkeeyeen dadaalladii muddada soo socday ee lagu bixiyey dib u dhiska Ciidamada Xogga Dalka Soomaaliyeed, waxayna Dowladda Federaalka ugu baaqeen inay dib ugu soo laabato dhabbaha dhismaha ciidanka iyo dib u xoreynta, iyadoo loo dhammeystirayo ciidamada agabka, qorshaha iyo saanadda ay u baahan yihiin si ay u xoreeyaan dalka.

3. Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay la wadaageen Madaxweynaha Puntland natiijada iyo caqabadaha waanwaantii ay ku jireen ee ku saleysnayd khilaafka Dowladda Federaalka ah iyo Puntland ee arrimaha dastuurka.

4. Labada Madaxweyne waxa ay ka xun yihiin in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka cagajiiday ballantii ku saleysnayd isu soo dhaweynta labada dhinac, taas oo markii h**e uu ergo ahaan uga codsaday in ay tagaan Garoowe, kana shaqeeyaan xallinta khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowlada Federaalka ah.

5. Labada Madaxweyne waxa ay sii wadi doonaan dadaalladooda ku aaddan isu soo dhaweynta, wadajirka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed waxayna soo jeedinayaan qabsoomidda shir-wadatashi oo ku aaddan xaaladda adag iyo duruufaha khatarta ah ee ku xeeran midnimada iyo qarannimada dalka.

6. Madaxdu waxay isku afgarteen in la sameeyo guddi qabanqaabo shirwayne wadatashi oo ka shaqeeyaa farsamada iyo qabsoomidda shirka.

7. Labada Madaxweyne waxa ay ku celiyeen mowqifka adag ee ay ka taagan yihiin qorshaha aan sharciga ahayn ee lagu beddelayo dastuurka dalka, kaas oo halis gelinaya dowladnimada iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

8. Madaxdu waxay farriin u direen Guddoonka iyo Xubnaha Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo kula dardaarmaya inay ka fogaadaan wax kasta oo kala qeybinaya midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, ayna ka joogsadaan hannaanka aan waafaqsanayn sharciga ee lagu bedelayo dastuurka dalka.

9. Madaxdu waxay uga digayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inuu kusii socdo dhabbahan qardajeexa ah ee beddelidda dastuurka, waxayna usoo jeedinayaan inuu kusoo laabto jidka sharciga iyo wadar-ogolka, ilaaliyana dastuurka uu isagu u dhaartay.

Ugu danbeyntii, Labada Madaxweyne waxay u mahadcelinayaan Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Goleyaasha dowladdiisa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland soo dhaweynta diirran iyo martigelinta wanaagsan.

DHAMMAAD

Faysal ali waraabe ayaa barta X kuso qarey fallo uga hadlayo arimaha somaliaDawladii fashilantay ee Soomaaliya waa ay si...
23/03/2024

Faysal ali waraabe ayaa barta X kuso qarey fallo uga hadlayo arimaha somalia

Dawladii fashilantay ee Soomaaliya waa ay sii duminaysaa: Madaxwaynihii aan xilka hayn iyo musuq maasuqa ee XSH ayaa si xoog ah u dabada ka riixaya dastuurkiisa cusub ee lagu muransan yahay, kaas oo uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Ereteriya, halka beelaha Daarood ay ku shirayaan tuulada ugu weyn ee Garoowe si ay Xasan isaga horkeenaan.

Ku dhawad 35 maxabis ayey soo bandhigatey dowlada hindiya kuwas oo malmihii laso dhafey ayku qabten bada hindiya ka dib ...
23/03/2024

Ku dhawad 35 maxabis ayey soo bandhigatey dowlada hindiya kuwas oo malmihii laso dhafey ayku qabten bada hindiya ka dib marki iska hor imad uu ka dhex dhacey labada koxod oo ah ciidamada hindia iyo koox isku shegtey iney badooda ilalinayen dhalin yaradan somalida aya ku andaconaya in badoda ay difacayen halka kuwa hindiya shegen iney la dagalamayen burcad baded somalia

Mucaradkii shaley iyo kan manta maxaa farqiyo udhaxeya
23/03/2024

Mucaradkii shaley iyo kan manta maxaa farqiyo udhaxeya

23/03/2024

Madaxwayne xasan sheikh ayaa shegey in laga gubayo dastuurka qabyada ah loona gudbayo dastuur dhameystiran

Annagoo ah dowlad rasmi ah kuma shaqeyn karno dastuur kumeel gaar ah. Sida aynu uga baxnay nidmaakii kumeel gaarka ahaa ayeynu maantana uga gudbaynaa dastuurka qabyada ah, hawsha socoto cid loo joojinaayo ma leh dastuurkeyga cusub hala qaato ama tuulooyinkin iska jooga, hadalhayskii (somali heshiis ah dunida heshiis ah) ma run moodeen?!.

22/03/2024

Mas’uuliyiinta dalka Ruushka ayaa sheegay in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen toogasho ka dhacday hoolka riwaayadaha ee Moscow Rag hubeysan oo daalka ka dhacay ayaa weerar ku qaaday xilli ay socotay bandhig faneed ka socday hoolka magaalada Crocus ee dalka Ruushka.

Kooxo hubeysan ayaa gudaha u galay hool weyn oo ay ka socotay bandhig faneedka magaalada Moscow, waxaana ay rasaas ku fureen dad shacab ah, halkaasi oo ay ku dileen 40 ruux halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Ruushka ee TASS oo soo xiganeysa hay’adda sirdoonka federaalka ee FSB. Wararka ka imaanaya Ruushka ayaa sheegaya in weeraryahanadu ay sidoo kale adeegsadeen walxaha qarxa, iyagoo sababay dab xoogan oo Jimcihii ka kacay hoolka magaalada Crocus ee ku yaal cidhifka galbeed ee magaalada Moscow. Wasaaradda caafimaadka ee Ruushka ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka dhaawacmay la dhigay xarumaha caafimaadka.

22/03/2024

Qudbadii jimcaha ee madax wayne xasan sheikh maxamud oo kala hadlayo arimo quseya ansixinta dasturka iyo ammigaa

Madax waynihii h**e somalia maxamed cabdulahi farmaajo ayaa garey magalada garowe waxaana halkas kuso dgawyey madax wayn...
21/03/2024

Madax waynihii h**e somalia maxamed cabdulahi farmaajo ayaa garey magalada garowe waxaana halkas kuso dgawyey madax waynaha dowlada puntland siciid cabdulahi dani shacab iyo madax kale waxana la filaya in sacdaha soo socda ay u bilaman donan wada hadlo labada madax wayne arintan ayaa kuso adantey xili xalada somalia ay tahay jaha warer xogana uu jiro

Magalada bosaso ee xarun ganacsiyedka puntland ayaa manta xukun dil ah ku kala ridey laba dhalin yara oo lagu edeyey fal...
20/03/2024

Magalada bosaso ee xarun ganacsiyedka puntland ayaa manta xukun dil ah ku kala ridey laba dhalin yara oo lagu edeyey fal ka dhan ah qomo luudnimo dhan kale mid kamida ayaa lagu xukumey shansano oo xabsiya iyo ganax dhan shankun oo dollar

19/03/2024

Cabdisalaam Sahal Sahmiyihii khawaarijta ee Galkacyo oo Maanta Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolada Mudug La horkeenay.

19/03/2024

Garmaqalka Dilka Mugaaya Muunye Xaaji Muwaala oo ka dhashay muran Qasnad AK47.

Waxaa si habsami leh usocda dib u habeynta ciidamada ssc khatumo kuwas oo furimaha jooga ee dhanka oog aygo laga dhisayo...
16/03/2024

Waxaa si habsami leh usocda dib u habeynta ciidamada ssc khatumo kuwas oo furimaha jooga ee dhanka oog aygo laga dhisayo dhanka qalbka iyo sadka iyo mushar bixinta

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hiigsade media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share