Difaaca Puntland

  • Home
  • Difaaca Puntland

Difaaca Puntland Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Difaaca Puntland, Media/News Company, .
(1)

Beesha Cisman Maxamud ayaa Xildhibaan u dooratay COL. Cisman Maxamud Cumar Dheere oo ka mid ahaa Saraakiishi dib u dhist...
19/12/2023

Beesha Cisman Maxamud ayaa Xildhibaan u dooratay COL. Cisman Maxamud Cumar Dheere oo ka mid ahaa Saraakiishi dib u dhistay Ciidamada Puntland

09/09/2022

Heestii ciidanka ee kooxda Horseed Puntilan waxaan Baraamijkaa soo abaabuley Taliyah Xarunta 54 ee taliska guud ciidanka Daraawiishta Puntland MR " Kaashaale sare Axmad Abdulahi Samater Layli

xafiiska warbaahinta taliska ciidanka difaaca puntland

07/09/2022

Hadal jeedinta Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta xilka u kala wareejiyay Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Puntland S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac iyo Taliyihii h**e S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere.

07/09/2022

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac ayaa maanta xilka si rasmi ah ugala wareegey Taliyihii h**e ee Ciidanka Daraawiishta DPL S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere.

Garowe: Taliyihii h**e ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa Taliska guud ee xerad...
06/09/2022

Garowe: Taliyihii h**e ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa Taliska guud ee xerada 54aad ku soo dhaweeyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Daraawiishta
S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac

sidoo kale waxaa goob joog ahaa Taliye Xigeenada Ciidamada DIfaaca Pl, Abaanduulaha Cusub S/Guuto Xuseen Dheere iyo Abaanduulihii h**e S/Guuto Siciid Maxamed Salaad Goryacawl, Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, 7 Hogaan ee Ciidanka Daraawiishta, Waaxaha Madaxa Banaan iyo Xoghaynta Taliska guud ee Ciidanka Daraawiishta.

ujeedka kulanka ayaa ahaa isbarasho iyo soo dhaweeyn Taliyaha Cusub, iyadoo mid mid loo tusay xafiisyada Hogaamada Taliska guud ee Ciidanka Daraawiishta DPL.

Xafiiska warbaahinta Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Taariikhda kooban Dhismaha ciidamada Puntland.=================================Guddigii ugu h**eeyay ee dhismaha ciidama...
31/08/2022

Taariikhda kooban Dhismaha ciidamada Puntland.
=================================
Guddigii ugu h**eeyay ee dhismaha ciidamada Puntland (Police & Military) ayaa la magacaabay April 1999, kaasoo uu magacaabay Allaha u naxariistee Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo ahaa Madaxweynihii ugu h**eeyey ee Puntland, Guddigaas waxay ka koobnaayeen 5 sarkaal oo kala ahaa:

1. Gen Yaasiin Cumar Dheere
2. Marxuum Gen C/laahi Cali Mire Carays
3. Marxuum G/sare Maxamed Siciid Jaamuus
4. Gen Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere)
5. Marxuum G/sare Bashiir Beydan

Ciidankii ugu h**eeyey ee la qoro waxay ku bilawdeen 912 askari kuwaas oo laga ansixiyey Baarlamaankii Puntland kadibna waxaa la gaarsiiyey ilaa 3000 askari iyadoo tababar looga furay xerada 54-aad ee Garowe, kuwaas oo tababar ku jiray muddo dhan 5 bilood, kadibna waxaa loo qeybiyey 5 Urur oo kala ah:
1. Ururka Nugaal
2. Ururka Bari
3. Ururka Sool iyo Buuhoodle
4. Ururka Mudug
5. Ururka Sanaag

Markii la qorayey Ciidanka qeybta Saraakiisha waxaa lagu qaatay derajadii ay Dawladda Soomaaliya ugu dhacday oo ay ugu dembaysay November 1990, iyadoo sarkaal kasta lagu dhaarinayey inuu derajadaas lahaa kadib waa loo diiwaan geliyey derajadiisa.

20 sano kadib, Jully 2019 waxaa dib boorka looga jafay Ciidamada Punt-land, Madaxwaynaha Dawlada Puntland Dr. Saciid C/laahi Deni ayaa magaacabay Guddiga dib u habaynta ciidamda Puntland oo kala ah.

1. S/gaas Yasiin Cumar Dheere
Taliyaha guud ee Ciidamada Puntland.

2. Xasan Shire Abgaal
Wasiirka Maaliyada Puntland.

3. Abdisamad Maxamed Gallan
Wasiirka Amniga iyo DDR Puntland.

Taariikh kooban taliyaha guud ee Ciidamada Puntland

Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere wuxuu ka mid ahaa Saraakiishi midowga soofiyeeti wax kusoo baratay, isagoo bartay Cilmiga Siyaasada & Ciidamadda waxaana ka mid ah xilalkii uu soo qabtay:
= Hogaankii Kulliyadda Jaalle Siyaad (Dawladii Siyaad Barre.
=Madaxa Siyaasadda Abaanduulka Axmed Gurey
= Madaxa Hogaanka Siyaasadda qaybta 26aad ee Waqooyi Galbeed.
=Taliye Guuto Gaaska 8aad ee Laascano Qaybta 54aad ee Garoowe (Dawladii Siyaad Barre)
=Abaandulihii Cidamadii SSDF ( Maamulkii Soodare )
= Gudoomiyihii h**e ee Gobolka Bari ( Dawladii C/Laahi Yusuf)
= Taliye K/x Ciidankii Daraawiishta Puntland (Dawladii Cadde Muuse)
=Lataliyaha Madaxwaynaha Dhanka Amniga & Ciidamada ( Dawladihii Faroole & Gaas)
= Generalku wuxuu ka mid ahaa 5 tii sarkaal ee asaastay ciidamadda Puntland (Police & Milatary), isagoo hogaaminayay ciidankii qaaday dhamaan isbaarooyinkii sharci daradda ahaa ee Puntland 1998.

sawirka waa xili uu taliyuhu soo dhaweenayay ciidamo kasoo goostay maamulka Somaliland

Taliska Ciidamada Difaaca Puntland

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Difaaca Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share