22/03/2024
Jaaniska galabta!
Qof kasta oo innaga mid ahi wuxuu doonayaa in uu helo wax kasta oo uu rabo, waxa aad rabtana waxa aad ku heli kartaa in Rabbi ku siiyo, in Rabbi ku siiyana waxa kaa xiga inaad waydiisato, aan kula wadaago afar jaanis ama arrimood oo kulmay oo baryadaada lagu aqbalayo isla jeerkaasna waxa aad doonayso aad ku helayso.
1.
Waa Ramadaan, waynu soommanahay oo Ilaahay ayaynu u af xidhanahay, qofka Soomanna waxa uu sheegay Nebigu Scw inuu leeyahay duco la aqbalo oo aan la soo celin.
2.
Waa Jimce, Maalinta Jimce saacad ayaa ku jirta, qofka muslimka ah ee saacaddaas la kulmaa wax kasta oo uu Ilaahay waydiisto ayuu helayaa sida Nebi Muxammad Scw ka sugan, waana saacadda u danbaysa maalinta Jimce. Waa saacaddan hadda aynu joogno ilaa maqrib laga eedaamayo.
3.
Dheh Subxaanallaah 10jeer, Alxamdulilaah 10jeer, Allaahu akbar 10jeer kaddibna Ilaahay waxa aad doonto waydiiso waad helaysaa. Sidaas ayaa ka sugan Nebi Muxammad Scw xadiiska Umu Sulaym.
4.
Salliga Nebiga Scw waxyaabaha laga helo waxa ka mid ah in haddii ducada laga horraysiiyo in ducadaas la aqbalayo, ninkii Nebiga Scw agtiisa ku ducaystay waa kii Nebigu Scw faray inuu Ilaahay mahadiyo, Nebigana Scw ku salliyo kaddibna waxa uu rabo Ilaahay waydiisto wuu helayaaye.
Warka oo kooban waa fursadโe wax kasta oo aad gacanta ku hayso iska dhig oo afartaas isku darso galabta oo Jimce ah, haddana Ramadaan ah, saacaddii u danbaysay ah, ducaduna idam Alle waa maqbuula, ka horraysii ducadaada mahadnaqa Rabbi, 10jeer Subxaanallaah, 10jeer Alxamdulilaah, 10jeer Allaahu akbar, sidoo kalana Salliga Nebiga Scw ka horraysii, wax kasta oo aad niyadda ku haysana Rabbi waydiiso waad heli doontaaye.
Ducayso, waalidkaa u ducee, ehel iyo asxaabba carrabka mari, dalka iyo dadkaba ha illaawin, Islaamka oo dhanna in Rabbi guuleeyo ku ducee. Anigana ducada igu dar.
WQ: Xamse Cumar Kujoog