Abdirahin Mohamed Dahir

  • Home
  • Abdirahin Mohamed Dahir

Abdirahin Mohamed Dahir halkaan waa pageka saxda ah ee Abdirahin Mohamed Dahir waxaa kala socodoontaa dhacdooyinka maalin laha ah ee ku soo biir

08/06/2024

Gudoomiyaha gobalka banadir ahna duqa magaalada muqdisho yuusuf Hussein jimcale madaale.

08/06/2024

Gudoomiye yabooh.

Gudoomiyaha gobalka banadir ahna duqa magaalada muqdisho mundane yuusuf Hussein jimcale madaale ayaa ka qeybgalay kulan ...
08/06/2024

Gudoomiyaha gobalka banadir ahna duqa magaalada muqdisho mundane yuusuf Hussein jimcale madaale ayaa ka qeybgalay kulan balaaran oo maamulka gobalka banadir ku taageeraayay ugana mahadceliyay madaxweenaha jfs mundane hassan sheikh mohamud in Somalia ay xubin ka noqoto golaha amaanka qaramada midoobay, taas oo ah guul weyn oo usoo hoyatay jamhuuriyada federalka Somalia.

Kulankaan waxaa goob joog ka ahaa gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada maamulka gobalka banadir Maxamed Axmed diiriye(yabooh), gudoomiyaasha degmooyinka, agaasimayaal, howl-wadeenada maamulka gobalka banadir iyo dowlada hoose ee xamar.

Gudoomiyaha oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay madaxda qaranka guulaha isadaba jooga ah oo ay ka gaareen siyaasada arimaha dibada iyo gudaha, kuwaas oo horseed u ah in Somalia ay markale cagaheeda si buuxda ugu istaagto.

08/06/2024

Madaxweynaha jfs mundane hassan sheikh mohamud ayaa kaqeyb galay shirka urur gobaleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Africa.

07/06/2024

Faa'idooyinka socodka uu u leyahay jirka.

07/06/2024

Taliye sulub.

07/06/2024

Waziir fartaag.

07/06/2024

Agaasime bashiir macalin cali.

Shaxda galabta xulka Somalia.
07/06/2024

Shaxda galabta xulka Somalia.

Gudoomiyaha golaha shacabka Bjfs mundane aadan mohamed nour (madoobe)  ayaa shir gudoomiyay kulanka banbaxa gudiga joogt...
07/06/2024

Gudoomiyaha golaha shacabka Bjfs mundane aadan mohamed nour (madoobe) ayaa shir gudoomiyay kulanka banbaxa gudiga joogtada oo ku qabsoomay magaalada kismayo ee xarunta maamul gobaleedka jubbaland.

Ugu horyn gudoomiye aadan madoobe oo kulanka furay ayaa xubnaha gudiga joogtada ah kula dardaarmay in maalmaha kulanka uu u socdo ay si mira dhal ah uga doodaaan ajendayaasha kala fadhiga shanaad ee golaha shacabka.

Xubnaha gudiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa ka dooday sida loo wajahayo kulamada gudiga joogtada ah ee maalmahaan ka socon doono kismayo, waxaana kulamadaas looga doodi doonaa jadwalka kala fadhiga shanaad ee golaha shacabka.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweenaha jfs uqaabilsan arimaha caafimaadka iyo nafaqada xildhibaan abdirashiid Maxamed nuur ji...
06/06/2024

Ergeyga gaarka ah ee madaxweenaha jfs uqaabilsan arimaha caafimaadka iyo nafaqada xildhibaan abdirashiid Maxamed nuur jilibey, ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada muqdisho wakiilka hay'ada UNICEF ee Somalia wafaa Elfadel Saeed iyo mas'uuliyiin kale oo uqaabilsan qeybta caafimaadka iyo nafaqada.

Kulanka ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa horumarinta adeega caafimaadka dalka, u qareemida caafimaadka muwaadiniinta Somaliyed, isaga oo ergeyga xusay, in ka go'antahay dowlada Somalia tayeynta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.

06/06/2024

Mini Ministory of foreign affairs of Somalia Ambassador Ahmed moalim fiqi.

06/06/2024

Waziirka arimaha dibada mundane Axmed macalin fiqi ayaa ka waramay guusha ay Somalia gaarytay caawa.

Kala fadhiga 78-aad ee qaramada midoobay ayaa somaliya loogu doortay xubinimo aan joogto ahayn ee golaha amaanka ee qara...
06/06/2024

Kala fadhiga 78-aad ee qaramada midoobay ayaa somaliya loogu doortay xubinimo aan joogto ahayn ee golaha amaanka ee qaramada midoobay.

Waa markii 2-aad mudo 52 sano ah soomaaliya ay kursigaan hesho waxaana arintaan ay daliil u tahay soo kabashada ay soomaaliya ka sameysay arimaha diblumaasiyada, amaanka iyo siyaasada.

Somalia ayaa ahayd musharaxa kaliya ee ka socday bariga Africa, waxaana si buuxda u taageeray midowga Africa kahor doorashada.

Somalia ayaa soo ceshatay mansabka iyo sameynta ay ku lahayd fagaarayaasha caalamka.

Madaasha golaha amaanka waa halka lagu jaangooyo arimaha muhiimka ee caalamka sida Amniga, xasiloonida iyo siyaasada.

Somalia ayaa qeyb ku yeelan doonta go'aanada waaweyn ee adduunka sameynta ku yeelanaaya iyo jiheynta siyaasada iyo amaanka caalamka.

Waxaa hada ka socota xarunta qaramada midoobe dooraahada shan xubnood oo aan joogto ahayn kuwaas oo kubiiraya golaha ama...
06/06/2024

Waxaa hada ka socota xarunta qaramada midoobe dooraahada shan xubnood oo aan joogto ahayn kuwaas oo kubiiraya golaha amaanka.

Xubnahaan waxaa kamid ah soomaaliya oo markii labaad mudo 52 sano ah kadib golaha kubiireysa.

Somalia waa musharaxa kaliya ee bariga Africa.

Golaha wasiirada xfs oo maanta yeeshay kulankood todobaadlaha ahaa ayaa meel mariyay dib u eegista xeer nidaamiyaha aqoo...
06/06/2024

Golaha wasiirada xfs oo maanta yeeshay kulankood todobaadlaha ahaa ayaa meel mariyay dib u eegista xeer nidaamiyaha aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha iyo heshiis is afgarad ee laxiriira iskaashiga siyaasada oo ay wada gareen Somalia iyo Norway.

Shirka oo uu gudoominayey kusimaha ra iisul wasaaraha ahna ra iisul wasaara ku xigeenka xfs mundane salah Ahmed jamac, ayaa warbixin kusaabsan Amniga dalka looga dhageystay wasaaradaha Amniga gudaha iyo gaashaandhiga, iyaga oo soo bandhigay warbixin laxiriira halka uu maraayo howl galada lagu ciribtiraayo khawaarijta iyo xasilinta Amniga dalka.

Sidoo kale golaha ayaa warbixin laxiriira safaro shaqo oo ay ku tageen dalka dibadiisa ka dhageystay wasaaradaha caafimaadka iyo daryeelka bulshada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada, maaliyada, gaadiidka iyo duulista hawada iyo wasaarada beeraha iyo waraabka kuwaas oo soo bandhigay guulihii ay xaqiijiyeen safaradooda.

Ra iisul wasaaraha xfs mundane Hamza abdi barre ayaa la kulmay dhigiisa kuuriyada koofureed, HAN DUCK-SOO, oo ay kawada ...
06/06/2024

Ra iisul wasaaraha xfs mundane Hamza abdi barre ayaa la kulmay dhigiisa kuuriyada koofureed, HAN DUCK-SOO, oo ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku qotama danaha ay wadaagaan Somalia iyo kuuriyada koofureed.

Labada Ra iisul wasaara ayaa isla soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay in La abuuro iskaashi ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa'ideysi, iyada oo diirada lasaaraayo dhinacyada farsamada gacanta, xirfadaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyada.

Ra iisul wasaaraha kuuriyada koofureed ayaa dhankiisa ballan qaaday in dalkiisu uu gacan kasiin doono Somalia horumarinta adeegyada muhiimka ah ee dalka, si bulshada Somaliyed ay uga faa'ideystaan.

Somalia ayaa latagtay shir madaxeedka kuuriyada koofureed ee Africa qorshayaal cad oo qeyb ka qaadanaya hormarka iyo dib usoo kabashada dalkeena , kuwaas oo ay gacan ka geysan doonto dowlada kuuriyada koofureed.

06/06/2024

Madaxweenaha maamulka galmudug Ahmed abdi karie qoorqoor.

06/06/2024

Ra iisul wasaara ku xigeenka xfs mundane salah Ahmed jamac.

Wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada xfs ahna kusimaha waziirka nuuro mustaf mukhtaar ayaa gudoomisay shirka Amniga im...
05/06/2024

Wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada xfs ahna kusimaha waziirka nuuro mustaf mukhtaar ayaa gudoomisay shirka Amniga imtixaanaadka ee wasaarada waxbarashada soomaaliya, kaas oo lagu qabtay xarunta taliska ciidanka boliiska.

Shirka waxaa goob joog ahaa taliyaha ciidanka booliska Somaliyed s/gusto sulub Axmed firin, madaxda hogaanada iyo fadhiyada madaxa banaan ee booliska.

05/06/2024

Afhayeenka wasaarada gaashaandhiga.

05/06/2024

Waziir maareeye.

05/06/2024

Afhayeenka booliska Somaliyed.

05/06/2024

Gudoomiyaha gobalka banadir ahna duqa magaalada muqdisho mundane yuusuf Hussein jimcale madaale ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cusub ee xarunta degmada wadajir.

Waziirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xfs mundane da'uud Aweys jamac ayaa maanta magaalada muqdisho ka daahfuray s...
04/06/2024

Waziirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xfs mundane da'uud Aweys jamac ayaa maanta magaalada muqdisho ka daahfuray shir weynaha saameynta faafinta warark been abuurka ah iyo kicinta colaaadaha ay ku leeyihiin nabada iyo xasiloonida.

Shirkaan oo socon doona mudo labo maalmoood ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Somalia, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin katirsan dowlada, saxafiyiin khubaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka jubbaland Axmed Maxamed islaam oo uu wehliyo waziirka howlaha guud ee dowlada federalka m...
04/06/2024

Madaxweynaha dowlad gobaleedka jubbaland Axmed Maxamed islaam oo uu wehliyo waziirka howlaha guud ee dowlada federalka mundane cabdisalaan cabdi cali ayaa magaalada kismayo ka dhagax dhigay labo wado oo laami ah.

Labadan wado oo kamid ah mashruuca dhismaha wadooyinka magaalada kismayo wajigiisa labaad oo ka kooban 9.2km ayaa wax badan ka badali doona isku socodka iyo bilicda magaalada kismayo.

Wasiiru dowlaha dekedaha iyo gaadiidka badda xfs xildhibaan Maxamed cabdulqadir ducaale ayaa kulan soo dhaweyn ah u same...
04/06/2024

Wasiiru dowlaha dekedaha iyo gaadiidka badda xfs xildhibaan Maxamed cabdulqadir ducaale ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay cuqaal, nabadoono iyo siyaasiyiin kasoo jeedo gobalka bari oo soo gaaray magaalada muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa waziiro iyo xildhibaano katirsan labada aqal ee BJFS iyo waxgarad, iyadoo kulanka si guud laysaga wareystay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan xaaladaha amni iyo mida dhaqan dhaqaale ee gobalka bari.

04/06/2024

Toos maxkamada racfaanka gobalka banadir.

04/06/2024

Waziir maareeye .....

04/06/2024

Waziir da'uud Aweys.

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirahin Mohamed Dahir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share