02/11/2019
WARARKA MAANTA 1da Nofeembar 2019 Sir Culus!
Su’aallaha Maanta: Yaa raba in la dilo Madaxweynihii h**e Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed Iyo Madaxweynihii H**e Mudane Xassan Shiikh Maxamuud? Maxaa ka jira in ay xukuummadda fashilantay rabto si fiican in loo dhaco canshuurta shacabka Muqdisho? Maxuu argagixiye Maal-Galiye Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir u rabaa in xilka laga qaado khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” oo ku fashilmay muddo 3 sanno inay wax dhaqaallo ah si toos ah u siin weysay bulshadda caalamka oo iska-daba-wareejinayso? Maxaa suxufiyiina Muqdisho sharci-darro loogu xirxiranayaa? Yaa ka dhigay dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” mise Khaa’inul waddan Raysal Wasaase Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Maxayse weli u wadashaaqayn karin labada aqal ee dalka ? Yaa laaluushka badsada Guddoomiye Mursal ama Guddoomiye Cabdi Xaashi? Ma Madaxweynaha ayaa dastuurka ka sareeya marka uu madaxweyne xilka ku wareejiyey amray inuusan Garoonka Muqdisho ka dhoofi karin? Ma jirtaa inuu Madaxweyne Farmaajo iscasili doono fashilka baahsan ee ku yimid xukuummadda khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Yaa shacabka Soomaaliyeed runta ka qarin kara? Ha wiqleyso!
https://www.youtube.com/watch?v=WAqsVj8_MCo&t=632s
1da Nofeembar 2019
Muqdisho 1da Nofeembar 2019 Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Serbiye oo shir jaraa’id uu kula hadlayay shacabka xalay ku qabtay Dhuusamareeb ayaa eedeymo badan u jeediyay Ahlu-Sunna Waljamaaca.
Wasiir Sebriye waxuu soo bandhigay nuxurka iyo u jeedka ilaa afar warqadood oo bilihii u dambeeyay ka soo kala baxay Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka.
Ugu h**ey waxa uu sheegay wasiir Sebriye in dhismaha maamulka Galmudug oo maraya wajigii ugu dambeeyay ay caqabad ku noqotay Ahlu-Sunna Waljamaaca oo wada gor-gortan ay doonayaan xildhibaano badan.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka oo xil iska saareysa sidii maamul loogu dhisi lahaa Galmudug ay Ahlu-Sunna ku xujeysay in la siiyo kala bar xildhibaanada uu yeela doono, hadaan taas loo sameyna aysan Dhuusamareeb doorash ka dhaceyn.
Waxa uu sheegay inay Ahlu-Sunna ku war galiyeen in taasi aysan suurta gal aheyn awoodna aysan dowladdu u laheyn in loo balan qaado saamigaas oo soo xulidda xildhibaanada ay tahay waajib dastuuri ah oo ay leeyihiin odayaasha dhaqanka, balse ay kala codsa doonaan wixii macquul ah.
Wasiir Cabdi Sebriye ayaa sheegay in Ahlu-Sunna ay ku kalsoonaa weysay warqad uu soo saaray 20-kii June ee sanadkaan oo ay dowladdu ugu ogolaatay 35 xildhibaan, iyadoo la gaarin fulin balankaasna ay qaaday talaabooyin carqaladeynaya.
Warqad isla maalintaas ka soo baxday xaafiiska Sheikh Shaakir ayuu sheegay inay muujinaysay jaha wareer heysta Ahlu-Sunna oo aan kala aqoon Galmudug iyo AHSJ, shakhsi ahaana uu u arkayay fudeyd iyo kalsooni daro, isla markaana aysan jirin baahi ku qasbeysay Ahlu-Sunna in ay soo saarto warqadaas.
Wasiir Sebriye ayaa soo bandhigay warqad kale oo ay Ahlu-Sunna u dirtay beesha caalamka, sida QM, USA, IGAD, UK, Turkiga iyo wadamo kale, taas oo uu sheegay inay uga dacwoonayeen dowladda federaalka.
Qodobo ku jiray waraqadaas oo sida uu sheegay ka yaabiyay xad gudubna ku ah dowladnimada sida uu sheegay ayaa waxaa ka mid ahaa:
In weerar la doonayey in lagu khaarajiyo Sheikh Shaakir uu ka dhacay xaafiiskiisa.
In ciidamada ay tababareen Turkiga, kuwa ay tababartay dowladda Mareykanka ee Danab iyo ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM loo adeegsanayo dadka reer Galmudug.
In xasarad ay dowladdu ka abuurtay Galmudug ay caqabad weyn ku noqotay dagaaalka ay ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca kula jiraan argagixisada qarkana ay u saaranyihiin inay soo baneeyaan furimaha dagaalka.
Mar uu ka hadlayay guddiyada iska garab magacaaban ayuu sheegay wasiirku in Ahlu-Sunna ay xujo ka dhigtay in iyadoo aan matalin madaxda kale ee Galmudug ay soo magacaabato kala bar xubnaha guddiga.
Ugu dambeyntii waxa uu sheegay wasiirku in dhismaha maamulka Galmudug uu waajibka koowaad ka saaranyahay wasaaradda arrimaha gudaha, isla markaana aan loo sii xayirnaa doonin shakhsiyaad ama Urur gaar ah.
Ahlu-Sunna ayuu ku eedeeyay in aysan daacad ka aheyn dhismaha maamul cusub oo ay yeelato Galmudug, isla markaana looga durbaan tumayo meelo kale, isagoo ugu maahmaahay “Nin aan kuu furi doonin yuusan kuu rarin”
Kenya 1da Nofeembar 2019 Dowladda Kenya ayaa weji cusub u yeeshay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, una rogtay dagaal ay kula jirto maamulka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Kamau Macharia ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Citizen ku sheegay in Kenya “aysan wax dhibaato ah kala dhaxeyn shacabka Soomaaliya, balse ay dhib isku qabaan maamulka Villa Somalia.”
Waxa uu sheegay in maamulka madaxweyne Farmaajo “uu ku guul-darreystay inuu qiimeeyo hadafyada ka dhaxeeya labada dal”, waxaana siyaasadda madaxweyne Farmaajo wax ku wajahayo uu ku qeexay “mid aan cudur daar lahayn”.
“Murankan badda waxaa soo agaasimay hoggaanka Soomaaliya oo ku guul-darreystay inuu qiimeeyo wax aka dhaxeeya labada dal. Kenya maal-gashi badan ayay ku sameysatay Soomaaliya. Dadka Soomaaliya nagama soo horjeedaan,” ayuu yiri Kamau.
Sida uu sheegay Kamau, Kenya waxay door-bideysay wada-hadal, hase yeeshee Soomaaliya ayaa sanadii 2014 go’aansatay inay kiiska geyso maxkamadda caalamiga ah ee cadaalaadda ee ICJ.
Kamau ayaa sheegay in Kenya ay sii wadi doonto inay u ololeyso wada-hadal ay la gasho Muqdisho. Waxa uu sheegay in “is-faham waaga” uusan saameyn doonin wada-jirka nabadeed ee shacabka Soomaaliya iyo Kenya.
“Waxaan weydiisanayaa maamulka Farmaajo inuu joojiyo madax adeegga” ayuu yiri Kamau oo sheegay in socdaal uu dhowaan Muqdisho ku tagay xoghayaha maamulka arrimaha dibedda Kenya Ababu Namwamba uu astaan u yahay sida ay Kenya uga go’an tahay inay la shaqeyso Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in waqti dheer ay qaadan doonto in kiiskan go’aan laga gaaro balse marka ay dhacdo ay Kenya taxliilin doonto kadibna go’aankeeda shqacin doonto.
Abidjan 1da Nofeembar 2019 Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Madaxda Bangiga Hormarinta Afrika kala hadlay, sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Deyn Cafinta Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Dowlaadda Federaalka ee Soomaalia Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo kusugan Magaalada Abidjan ee Dalka Ivory Coast ayaa kulan u kula yeeshay gudoomiye ku xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika waxay kaga wada hadleen sidii Bangigu dhinacyo badan uga taageeri lahaa Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadan karaan dadaalada Deyn Cafinta Soomaaliya.
Socdaalka Wasiir Beyle ayaa ujeedadiisu taha, sidii uu Madaxda Bangiga Hormarinta Afrika ula wadaagi lahaa Hormarka Maamulka Maaliyada Soomaaliya laga saameyey iyo kor u qaadista Dakhliga gudaha Dalka.
Khaalid Shariif oo ah Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika ayaa soo dhaweeyey sida ay Soomaaliya uga go’antahay inay ka waqti kooban kaga gudubto dhibaatooyinkii dhaqaale ay lasoo kulantay muddadii Burburka, waxa uu xusay sida ay dhankoodu ugu heelanyihiin inay Soomaliya ka gacan, sidii Deynta looga cafin lahaa.
Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhawaan Magaalada Washington kaga qeybagalay shirkii sanadlaha ahaa ee Hay’adda lacagta Aduunka iyo Bangiga Aduunka, halkaas oo uu wasiirku kulamo kula yeeshay madaxda labada Hay’adood uu kala hadlay sidii Soo/
Turkiga 1da Nofeembar 2019 Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa si rasmiya u xaqiijisay warbixin sheegaysay doorka uu Imaaraadku ku leeyahay abaabulka afgembi ka dhan ah Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas.
Dowladda Imaaraadka ayaa wada qorshe ka dhana madaxweynaha Falastiin oo uu rabo in uu xilka dalkaasi kaga tuuro Maxamuud Cabaas, isla markaan uu ku doonayo in uu xilkaasi ku badalo shaqsi uu wato.
Imaaraadka ayaa raba in uu Madaxweynaha Falastiin ku badalo ninka lagu magacaabo Maxamed Daxlan oo h**e uga tirsanaa ururka talada dalkaasi haya, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibeda ee Turkigu, Mevlut Cavusoglu.
Maxamuud Cabaas, Madaxweynaha Falastiin ahna hogaamiyaha ururka Al-Fatah ee talada dalkaasi haya ayaa waxa uu Maxamed Daxlan h**e uga saaray ururkaasi, kadib markii uu ku eedeyay arrimo musuq-maasuq.
Maxamed Daxlan ayaa inta badan waxa lala xidhiidhiya sida uu sheegay Turkigu in uu xiriir qarsoodi ah la leeyahay dowladda yuhuuda ah ee Israa’iil, isla markaana uu wakiil qarsoon u yahay.
Wasiirka arrimaha dibeda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay ogtahay arrimahaasi ay wado dowladda Imaaraadku, xili uu shalay wareysi gaar ah siinayey telefishanka Al-Jazeera.
Mevlut ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dalka Imaaraadka uu ku suganyahay Argagixiso lagu magacaabo Maxamed Daxlan, kaasi oo Falastiina uga soo baxsaday la shaqeynta Israa’iil.
“Halkaasi (Imaaraadka) waxa ku sugan nin argagixiso ah oo la yidhaahdo Maxamed Daxlan, wuxuuna uga soo baxsaday (Falastiin) wakiilnimada uu u yahay Israa’iil”. ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkigu.
Maxamed Daxlan ayaa aad waxa loogu eedeya inta badan in uu gacan weyn ku lahaa, isla markaana uu dowladda Imaaraadka uga qeyb qaatay inqilaabkii madaxweynihii Mursi iyo afgembigii dhicisoobay ee Turkiga.
Addis Ababa 1da Nofeembar 2019 Dawladda Itoobiya ayaa dhammaystirtay isbedel lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya, sidaas waxa sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas Nebiat Getachew oo saxaafadda kula hadlay Addis Ababa.
Mr. Getachew, wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya oo la dejiyay 24 sannadood ka hor, imika lagu sameeyay isbedel uu sheegay inuu la jaanqaadayo dunida iyo gobalka Geeska Afrika.
Waxa uu sheegay in qorshaha siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ee hadda, la dejiyay ay toddobadii bilood ee u dambeeyay diyaarinayeen khubaro isugu jira diblomaasiyiin iyo macalimiin Jaamacadeed, kuwaas oo hadda dhammaystiray.
“Siyasadda cusub ee arrimaha dibadda, waxa si rasmi ah loo daah furayaa maalmahan soo socda, waxaana loo diyaariyay iyadoo la tixgeliyay kobaca bulshada Itoobiya oo markii siyaasadaas h**e 24 sannadood ka hor la diyaariyay tiradoodu ahayd 60 milyan oo ruux, haddana ah 100 milyan oo ruux, sidoo kalena waxa lagu saleeyay gobalka, qaaraadda iyo adduunyada.” Ayuu yiri Getachew.
Afhayeenka oo ka hadlaya saamaynta siyaasadan cusub ee Itoobiya ee Geeska Afrika, wuxuu sheegay in isbedelo badan oo imika soo kordhay ay sababeen isbedelkan cusub, waxaanu yidhi, “Dhalashadii Koonfurta Suudaan, dhammaynta xaaladii colaadna aan ahayn, nabadna ahayn ee Itoobiya iyo Ereteriya, isbedelka xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimo kale oo badan ayaa sababay in isbedel lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya.”
Muqdisho 1da Nofeembar 2019 Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in mushaarka ciidamada lagu kordhiyay, islamarkaana markii ugu horreeysay la gaarsiiyay 200 oo dollar bishii, askarta aan saraakiisha ahayn
Arrinkaan ayaa lagu sheegay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020 oo ay maanta ansixiyeen golaha wasiirrada xukuummmadda.
Ilaa 30 milyan oo dollar oo ku korortay miisaaniyadda ayaa dhammaan loo leexiyay dhanka ciidamada, iyada oo Ra’iisul Wasaare Khayre uu ka horyimid kordhinta miisaaniyadda madaxtooyada, xafiiskiisa iyo hay’adaha kale ee dowladda.
Mushaarka ciidamada oo horay u ahaa 100 doollar ayaa lagu kordhiyay 70 doollar iyadoo oo intaas ay dheeraad ka tahay 30 doollar oo raashin qallalan ah iyo 30 kale oo raashin ah, taas oo xaqa askariga ka dhigeyso 230 doollar
Golaha wasiirrada ayaa maanta ansixiyay miisaaniyaddii ugu badayn abid ay Soomaaliya yeelato oo gaareyso 459.5 Milyan oo dollar.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa iminka qaata 100 dollar bishii, kuwa aan saraakiisha ahayn, ayada oo mararka qaar ay dhacdo cabasho la xiriirta mushahar la’aan, inkasta oo taas bilihii dhowaa ay yaraatay.
Turkey 1da Nofeembar 2019 Waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ka dhacay kulan ay yeesheen guddiga Wadajirka Dhaqaalaha ee dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo looga hadlay iskaashiga dhaqaalaha iyo waliba wixii ka qabsoomay qoddobadii ka soo baxay kulankii kan ka h**eeyay Wafdiga dowladda Soomaaliya ee shirka ka qeybgalay waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta jaamaal Maxamed Xassan iyadoo dhinaca Turkigana uu kulanka ku matalayay wafdi uu horkacayay Wasiirka Difaaca.
Kulanka ayaa intii uu socday sidoo kale waxaa lagu bandhigay horumarradii dhaqaale ee la gaaray iyo xariirrada dhaqaale, ganacsi, farsamo, dhaqan ee ka dhexeeya labada dowladood, waxaana la isla qiray in ay muhiim tahay in lasii adkeeyo iskaashiga
Waxaa kulanka dhinac socda kulamo gaargaar ah oo ay Wasiirrada Dowladda Federaalka iyo xubnaha kale ee guddiga la yeesheen mas'uuliyiinta dhiggooda ah ee dalka Turkiga.
Guddiga wadajirka ah ee dhaqaalaha Turkiga iyo Soomaaliya oo lagu aasaasay qodobka 7aad ee heshiiskii ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dowladood saxiixeen 22, 02, 2016, ayaa kulankii ugu horreeyay waxa ay January 11-12, 2018 ku yeesheen isla magaalada Ankara.
Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa waxaa marka laga soo tago Wasiir Jamaal sidoo kale ka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka. Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda. Wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda Wasiiru Dowlaha arrimaha dibad gudoomiyaha Bankiga dhexe Gudoomiyaha Somalia Airline