Gooro baqaqsa news

  • Home
  • Gooro baqaqsa news

Gooro baqaqsa news This page is not meant to insult people or to say bad things.

03/02/2024

Xuska 31 ee maalinta DDS wuxuu ahaa fikir aad umuhiimsan oo ay kawada midaysanyihiin bulshada deegaanka oo dhan. Wadajir iyo midnimo ayaa wax laguqabankaraa.

W/Q Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Liibaan Mudane Dakir Aden

kal-fadhiga 6aad ee Gollaha 6aad  ee Xildhibaanada DDS ayaa saaka ka Furmay hoolka Cusub ee Xildhibaanada DDS.**********...
01/02/2024

kal-fadhiga 6aad ee Gollaha 6aad ee Xildhibaanada DDS ayaa saaka ka Furmay hoolka Cusub ee Xildhibaanada DDS.

***********************************

kal-fadhigan Gollaha Xildhibaanada waxaa furtay Marwo ayaan Cabdi Afhayeenka Gollaha Xildhibaanada DDS, waxaana lagu bilaabay Dhagaysiga iyo Ansixinta Warbixinta wax-qabadka Xukuumada lixdii bilood ee la soo dhaafay ee sanad-miisaaniyeedka 2016-ka T.I oo uu soo jeediyey Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxamed Cumar.

Arin dad baddan argagax galisey ayaa maanta ka dhacdey qabalaha jimbac kaas oo tirsan magaaladda madaxda gobalka af-dhee...
28/01/2024

Arin dad baddan argagax galisey ayaa maanta ka dhacdey qabalaha jimbac kaas oo tirsan magaaladda madaxda gobalka af-dheer ee hargeelle.
Odey kamid ah dadka xoola-dhaqatada ah ee ku dhaqan qabalahaas ayaa Saaka subaxii xooliihisa u soo u soo arooriyey Ceel ay bulshaddaas ka cabto. balse waxaa ku dhacdey arin mucjiso ah? Odey ga wuxuu watay Adhi tiradiisu gaadheyso ilaa 50.
Markii xoolihii cabeen biyihii, odeygii watay iyo xoolihiiba, Hal mar ayay wada dhaceen/suuxeen. Kedib bulshaddii qabalahaas daganeyd baa ku soo birmatey.
Ayaggiina way wada suuxeen. Qof kasta oo meeshaas tagay biyaha dushooda ah waa garaabito maanta. Dadkaas gargaar ha lala gaadho. Qabalaha health centre kii ku yaaley keligiis baa la rafaadsane!. Xoolihii 40 kamid ah way dhamaadeen. Halka 8 qof oo kale oo goobtii gaadheyna xaaladooda aad dayrinayo.

Sharafta Xisbigeena Barwaaqo waa Midnimada Qowmiga ah.Barwaaqadeenu waxay fiiro gaar ah u leedahay Midnimada, Midnimada ...
21/01/2024

Sharafta Xisbigeena Barwaaqo waa Midnimada Qowmiga ah.

Barwaaqadeenu waxay fiiro gaar ah u leedahay Midnimada, Midnimada Qowmiga ah waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa xaqiijinta yoolalka Barwaaqadeena, Mid ka mid ah yoolalka Barwaaqadeenu waa Midnimada Qowmiga ah.

Xisbigeena Barwaaqo waxa uu aaminsan yahay in dal xoog leh oo leh midnimo gudaha ah iyo talo qaran lagu dhisi karo in lagu adkaysto midnimada qowmiyadeed.

Maxaan uga jeednaa midnimada qowmiyadeed?

Marka aynu lee nahay midnimada qowmiyadeed way ina Hormarinaysaa, waxaynu ula jeednaa dhisidda Bulsho Dhaqaale iyo Siyaasad ku midaysan oo aan lahayn takoor iyo kala qaybsanaan.

Waxaana loola jeedaa Bulsho dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed oo qawmiyadaha u aqbala sinaan, cadaalad iyo walaaltinimo oo is ixtiraama, taas oo la hubo ka qaybgalka qoomiyadaha.

Midnimada qoomiyadeed waa tilmaanta aynu ku midaynayno yoolkeena iyo himilooyinkeena Guud ee dalkeena.

Midnimada qowmiyadeed waxay shacabka dalkeena u abuuraysaa sinaan iyo caddaalad; cadaaladu waxay keentaa ixtiraamka xuquuqda qoomiyadaha iyo dimoqraadiyada.

Wadadeena Barwaaqada waxay ku guulaysan doontaa ixtiraamka xuquuqda qoomiyadaha iyo dimuqraadiyadda.

Aragtida Xisbigeena Barwaaqo ee ku aadan Nidaamka Dalka waa Nidaam Federaal oo loo siman yahay.

Xisbigeena Barwaaqo waa u Addeegaha Shacabka.

Waxaynu ku hormaraynaa Wadajir.
Waxaynu ku Barwaaqoobaynaa Midnimo.

.

"Aragtida Xisbigeena Barwaaqo ee Midnimada Qowmiga ah".Ujeedada guud ee Xisbigeena Barwaaqo waa in la abuuro Bulsho ku m...
21/01/2024

"Aragtida Xisbigeena Barwaaqo ee Midnimada Qowmiga ah".

Ujeedada guud ee Xisbigeena Barwaaqo waa in la abuuro Bulsho ku midaysan siyaasad iyo dhaqaale.

Midnimada Qowmiga ah waxa loola jeedaa Bulsho midaysan oo aan cidna la takoorin qaybna ay ka yihiin qowmiyadaha, dhaqanka, luuqada, diimaha, taariikhda iyo haybaha kale ee bulshada.

Xisbigeena Barwaaqo wuxuu rumeysan yahay astaamaha muujin kara midnimada qowmiga ah inay yihiin taabo-gelinta nidaam loo wada dhan yahay, adeegsiga luuqadaha kala duwan iyo ka qaybgalinta masiirka dalka.

Xisbigeena Barwaaqo waxa lagu sifayn karaa inuu yahay Xisbi u taagan midnimo qowmi ah iyo nidaam loo wada dhan yahay.

Midnimada qowmiga ahi ee ku salaysan kala duwanaanshaha waxay ka turjumaysaa in la qiro lana ixtiraamo haybaha kala duwan sidoo kalena la garawsado lana daryeelo xidhiidhka iyo taariikhda qowmiyadaha iyo shucuubta dalka.

Waa aragti ka turjumaysa xaalada nololeed iyo danaha shacabka dalku wadaago waana aragti rumeysan muhiimada ay leedahay midnimada iyo iskaashiga qowmiyadaha dalku.

Midnimada qowmiga ahi waa aragti muujinaysa xidhiidhka dhaw ee ka dhexeeya haybaha kala duwan ee dalka, Aragtidani waxay rumeysan tahay nolosha bulshadu inay isku xidhan tahay sidaa darteedna muhiim ay tahay in wadajir looga shaqeeyo hadafka la wadaago loona shaqeeyo iskaashi iyo istaageerid.

Midnimada qowmiga ahi waa aragti rumeysan in aan la qarin xad-gudubyadii taariikheed ee h**e u dhacay lana saxo si loo xoojiyo walaalnimada.

Halkii xooga la saari lahaa arimaha lagu kala duwan yahay iyo arimaha khilaafka horseeda, taa lidkeed midnimada qowmiga ahi waxay doorbidaa in xooga la saaro arimaha abuuraya isku soo dhawaanta iyo isku xidhnaanta; in taariikhdii h**e cashar laga barto xooggana la saaro xiliga la joogo iyo mustaqbalka lana adkeeyo walaalnimada iyo midnimada qoomiyadaha.

Midnimada qowmigu waxay inoo sahlaysaa in haybaha shacabka dalka oo kala duwan hadana lagu midoobo hadafka iyo danaha la wadaago.

In caddaalad la abuuro, sha

Shil Diyaaradeed ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Degmada Ceel-barde ee Gobolka Bakool. Diyaarada oo la sheegy ina...
18/01/2024

Shil Diyaaradeed ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Degmada Ceel-barde ee Gobolka Bakool.

Diyaarada oo la sheegy inay sidday gargaar ay ka qaaday Muqdisho ayaa kabaxay Dhabaha waxaana ay Dhexgashay Guri ka agdhow Garoonka Diyaaradaha Ceelbarde.

Warar hor dhac ah oo aan ka helnay dadka deegaanka ah ayaa xaqiijinaya in uu geeriyooday duuliyihii diyaaradda islamarkaana uu ku dhaawacmay caawiyihii duuliyaha.

Kalasoco gooro baqaqsa news faah-faahin ah ee kasoo kordha Insha Allaah.

Golaha fulinta Deegaanka ayaa dhagaystay isla markaana falanqeeyey siyaasadda cusub ee warshadaha iyo waxsoosaarka ee la...
18/01/2024

Golaha fulinta Deegaanka ayaa dhagaystay isla markaana falanqeeyey siyaasadda cusub ee warshadaha iyo waxsoosaarka ee la rabo in lagaga maarmo waxyaabaha dibadda laga soo dhoofiyo.

Kulankani oo ay shir-guddoominayeen Wasiirka Xafiiska Madaxwaynaha DDS ahna ku simaha Madaxwaynaha Xuseen Xaashi Qaasim (Ph.D) & Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Warshadaha JDFI Mudane Xasan Macallin Muxumed ayaa si qoto dheer leh looga wada hadlay muhiimada iyo hirgalinta siyaasadan cusub iyo doorka DDS.

Madasha ayaa su'aalo kala duwan oo ku qotoma suuragalnimada sidii siyaasaddani Deegaanka uga dhaqangali lahayd iyo caqabadaha ku gadaaman loogu soo jeediyay hoggaaminta ka socday Wasaaradda Warshadaha ee Federalka & khabiirrada ku wehelinayay.

Waxaana gunaanadkii la isla gartay in warshaduhu saldhig u noqon karaan kobaca dhaqaalaha ee Deegaanka iyo dalkaba.

.

17/01/2024
Waxaa maalintii labaad   noosocdo qiimeenta shaqalaha    8/5/2016  EE tiimka  1aad ee dusiga sare   oo kakoobana 10 xafi...
17/01/2024

Waxaa maalintii labaad noosocdo qiimeenta shaqalaha 8/5/2016 EE tiimka 1aad ee dusiga sare oo kakoobana 10 xafiis taas oo sihabsamileh ugasocoto dugsiga sare

Waaxda Waxabarshada dadban ayaa kooxa ukala diraysa 6 gobal oo ay ka soo samynayaan daraasaad kooban oo la xidhiidha caq...
17/01/2024

Waaxda Waxabarshada dadban ayaa kooxa ukala diraysa 6 gobal oo ay ka soo samynayaan daraasaad kooban oo la xidhiidha caqabadaha ku gadaaman Waxbarashada Dadka-waawayn iyo mida Reer-guuraaga (ABE) geedi-socodka baris-barasho, wuxuuna darasaadka ka qabsoomay doonoo Lixda Maamul magaalo iyo 6 degmo oo ka tirsan degmooyinka deegaanka.

Yuusuf Carab C/laahi
Agaasinka Waxbarashada Dadka Waaweyn iyo Mida Dadban.

Waxaa la sixiixey heshiiska hirgalinta Biyo galinta Magaalada Baarey ee Gobolka Afdheer Waxaa hoolka shirarka ee xafiisk...
17/01/2024

Waxaa la sixiixey heshiiska hirgalinta Biyo galinta Magaalada Baarey ee Gobolka Afdheer

Waxaa hoolka shirarka ee xafiiska Biyaha DDS ka qabsoomey munaasabada sixiixida heshiiska hirgalinta Mashruuca Biyo galinta Magaalada Baarey ee Gobolka Afdheer.

Heshiiskan ayaa waxaa sixiixey madaxa Xafiiska Biyaha DDS Mudane Xasan Maxamed Xuseen iyo madaxa shirkada dhismaha ee Makib Mudane Maxamed Maxamuud ( Dhiire) iyadoo ay goob joog ka ahaayeen gudiga maamulka xafiiska Biyaha DDS ( management committee).

Mashruucan maanta heshiiskiisa la galey ayey ku baxeysaa miisaaniyad lacageed oo dhan 269 million iyadoo ay jirto qeybo kale oo kala ah qodaalka 3 Ceel ah oo ay ku baxeyso 13 million iyo soo iibinta electromechanical ka oo ay ku baxeyso 30 million iyadoo wadarta guud ee mashruuca ku bixi doonta ay noqon doonto 312 million .

Mashruucan ayaa waxaa ka faaideysan doona tiro shacab oo dhan 41,649 qof waxaana lagu soo afmeeri doonaa 15 bilood .

Xafiiska waxbarashada Degmada Gure Dhamole ee Gobalka Liibaan*****************************************************Asc wa...
17/01/2024

Xafiiska waxbarashada Degmada Gure Dhamole ee Gobalka Liibaan
*****************************************************
Asc waxaan La kulanay bulshada Ku nool Qabalaha Ceel Gaari Qeybahooda kala duwan ee kala ah maamulka Qabalaha, odoyaasha colima'udiinka Hooyooyinka dhamaan bulshada
Ujeedooyinka kulan ayaa ahaa
1--dar dar gelinta waxbarashada dhanka bulshada kaga Aadan Qeybtooda
2--ka qeyb galka Bulshada
3--isku xidhka Dugsiga iyo bulshada
4--xoojinta shaqeynta Gudiga PTSA iyo Gudiyada kale ee bulshada ee dhanka waxbarashada
5 sidoo kale in barayaasha shaqadooda xoojiyaan

Ugu Danbayn Qodobadaasi sare ku xusan ayaa loo Falanqeeyay si Heer sare Bulshaduna Qaadatay shaqooyinka dhankooda kaga Aadan inay sii laba jabaarayaan Qodobadana si Heer sare ay dhankooda u Soo Dhoweeyen
Waxaana si Nabad Gelyo Nöögu Soo Gaba Gåbôôbäy kulan kããsi

Maxay dowladda Soomaaliya u ballan qaadday odayaasha kasoo jeeda gobolka Awdal? https://bbc.in/3O7crZH
16/01/2024

Maxay dowladda Soomaaliya u ballan qaadday odayaasha kasoo jeeda gobolka Awdal? https://bbc.in/3O7crZH

Waxaa maanta furmay madasha qiimaynta warbixinta waxqabadka 6-da bilood ee Xisbiga Barwaaqo oo socon doona muddo 3 maalm...
16/01/2024

Waxaa maanta furmay madasha qiimaynta warbixinta waxqabadka 6-da bilood ee Xisbiga Barwaaqo oo socon doona muddo 3 maalmood ah.

Waxaana Madasha goob joog ka ahaa masuuliyiinta Xafiisyada Xisbiga ee laamaha deegaanada iyo madaxwayne ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo Mudane Aadan Faarax.

Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Mudane Aadan Faarax oo hadal soo dhawayn ah ka jeediyey Madasha, ayaa sheegay in Xisbigeennu ku hawlan yahay sidii loo dhisi lahaa hanaan dawladeed oo la aqbali karo, anagoo abuurayna hoggaan midaysan oo ku dhisan hab-dhaqan iyo waxqabad, isla markaana la xaqiijiyo ka-qaybgal, faa’iido iyo midnimo u leh ku qanacsanaanta shacabka.

Madasha qiimaynta waxa lagu xusay in si qoto dheer loo qiimayn doono fogaantii aanu ka soo baxnay in Xisbi ahaan horumar caalami ah gaadhno 6-dii bilood ee u danbeeyay.

Si gaar ah waxa uu sheegay in heerka fulinta qodobadii aanu u balan qaadnay shacabkeena maalintii doorashada ka dib, natiijadii ka soo baxday shantii qodob ee horumarinta qaranka, iyo masaafadii aynu u soo marnay in aynu dhisno sheeko-qaran oo dhanka shacabka ah lagu eegi doonaa si gaar ah.

Waxa kale oo uu xusay in marka si wada jir ah loo qiimeeyo waxqabadka Xisbiga ay wax weyn ka tari doonto in la ogaado heerka aynu joogno, isla markaana mustaqbalka la gaadhsiiyo guulo hawluhu meel sare ka gaadhaan, isla markaana la abuuro karti, koormeer iyo taageero taabo gal ah dhanka nidaamka.

Waxaa la filayaa in warbixinta 6-da bilood ee ay qabteen waaxaha, natiijada shaqo iyo waayo aragnimada Xisbiga ee Deegaanada kala duwan lagu soo bandhigi doono qaab warbixin ah oo ku saabsan madasha qiimaynta.

.

Waxaa manta oo tarikhdu tahay  7/5/2016  qiimentii shaqalaha dowlada degmad gura baqaqsa groupka 2aad ee howlka  dugsiga...
16/01/2024

Waxaa manta oo tarikhdu tahay 7/5/2016 qiimentii shaqalaha dowlada degmad gura baqaqsa groupka 2aad ee howlka dugsiga sare

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gooro baqaqsa news posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share