Ururka Yool Bulsho

Ururka Yool Bulsho Ushaqayn shacab
Ugar gaarid dan yar

Ururka Yool Bulsho wuxuu furay isdiiwaangelinta xubinnimada. Hadii aad jeceshahay inaad Ka mid noqoto, fursaddan ha moog...
18/02/2025

Ururka Yool Bulsho wuxuu furay isdiiwaangelinta xubinnimada. Hadii aad jeceshahay inaad Ka mid noqoto, fursaddan ha moogaanin!

Ushaqeyn shacab & Ugargaarid Danyar

What's app: 252 614486865
Email: [email protected]

GUDDIGA FULINTA EE URURKA YOOL BULSHO OO YEESHAY KULAN KU SAABSAN DARDAR-GELINTA HAWLAHA BAAXADDA LEH EE HORYAALLA URURK...
17/02/2025

GUDDIGA FULINTA EE URURKA YOOL BULSHO OO YEESHAY KULAN KU SAABSAN DARDAR-GELINTA HAWLAHA BAAXADDA LEH EE HORYAALLA URURKA

Muqdisho, Febraayo 17, 2025; Guddoomiyaha Ururka Yool Bulsho, mudane Zakariye Mohamed Dal Dhise , oo ay wehliso Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka, Bushro Faraax Rooble, ayaa shir-guddoomiyay kulan ku saabsan dardar-gelinta hawlaha mudnaanta u leh ururka, iyada oo ay ka soo qaybgaleen Xubnaha Guddiga Fulinta ee Ururka.

Kulanka oo ku qabsoomay Hano Community Library , shalay oo ay taariikhdu ahayd Febraayo 16, 2025, waxaa si qoto-dheer looga dooday qodobbadan muhiimka ah ee hoos ku xusan:

Qorsheynta Istiraatiijiyadda Ururka – Waxaa la isku raacay jihada fog iyo midda dhow ee ururka, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinkiisa horumarineed.

Afurinta & Ciidsiinta Dadka Danta Yarta – Ururku wuxuu u diyaar garoobayaa bisha barakeysan ee Ramadan, isagoo qorsheynaya in uu caawiyo dadka danyarta ah xilliga afurka iyo farxadda ciidaha.

Ilaalinta Deegaanka – Waxaa la adkeeyay doorka ururka ee wacyigelinta iyo dadaallada lagu xoojinayo badbaadinta deegaanka.

Horumarinta Waxbarashada – Xubnaha ururka iyo bulshada waxaa loo diyaarinayaa siminaaro iyo tababaro lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha.

Xoojinta Is-dhexgalka Bulshada – Waxaa xoog la saaray wacyigelinta iyo dadaallada lagu dhisayo bulsho isku xiran oo ka qaybqaadata horumarka iyo samafalka.

Ururka Yool Bulsho, waxa uu had iyo jeerba u taagan yahay u adeegidda bulshada, isaga oo dhiirrigelinaya horumarka iyo wadajirka. Waxa uu ku baaqayaa in dhammaan xubnaha iyo taageereyaasha si hagar la’aan ah uga qeyb qaataan dadaallada horumarineed, si loo dhiso bulsho midaysan oo horumarsan.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdulhak Abdulkadir Ahmed,
Xafiiska Xoghayaha Guud, ahna Madaxa Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha ee Ururka Yool Bulsho.
Tel: +252 61 4486865
E-mail:[email protected]

Ururka Yool Bulsho(UYB) qeybtiisa tababarada waxa uu bilaabayaa Basic computer course.Course kaan waxaa ku baran doontaa...
27/07/2024

Ururka Yool Bulsho(UYB) qeybtiisa tababarada waxa uu bilaabayaa Basic computer course.
Course kaan waxaa ku baran doontaa
A: Windows
B: MS Word
C: MS Excel
D: MS PowerPoint
Xarunta: DAHA University
duration: 1 months.
Time: full time
Date: 10/ August /2024

wixii faah-faahin dheeri ah fadlan kala xiriir :
0614486865/0617338154
Join in Whatsapp link
https://chat.whatsapp.com/FHVZf2uU6AoEvhugQAOdkT

Gudoomiyaha guud ee ururka yool bulsho,Gudoomiye kuxigeenka ,iyo dhammaan xubnaha ururka yool bulsho, waxa ay hambalyo u...
15/06/2024

Gudoomiyaha guud ee ururka yool bulsho,Gudoomiye kuxigeenka ,iyo dhammaan xubnaha ururka yool bulsho, waxa ay hambalyo udirayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan ummadda muslimiinta ah meel waliba oo ay caalamka kajoogaan.

Waxa ay ugu hambalyeynayaan munaasabadda ciidul Adxa.

GUDOOMIYE DAL DHISE OO HAMBALYADA CIIDDUL FIDRIGA U DIRAY SHACABKA Gudoomiyaha Ururka yool bulsho Mudane Zakariye maxame...
09/04/2024

GUDOOMIYE DAL DHISE OO HAMBALYADA CIIDDUL FIDRIGA U DIRAY SHACABKA

Gudoomiyaha Ururka yool bulsho Mudane Zakariye maxamed Ibrahim Dal dhise ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan bilashada bisha Soonfur iyo munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Fidriga.

Gudoomiyaha ururka yool bulsho ayaa ku boorriyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciidda, taasoo qeyb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray.

“Maalmahan waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna suubban, waa maalmo ay muslimiintu dhammaan u dabbaal degaan farxadda Ciidda, kaddib bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo ku suntan cibaadada, is-cafinta, xoojinta walaalnimada, bixinta sadaqada, ka shaqeynta danta guud iyo maslaxadda ummadda.”

Gudoomiyaha ururka yool bulsho Mudane zakariye maxamed Ibrahim Dal dhise ayaa Alle ka baryay in uu naga aqbalo acmaashii suubbaneyd ee aan gudannay bishii barakeysnayd ee Ramadaan, Ciiddan ciiddeedana nagu gaarsiiyo dalkeenna oo nabad iyo barwaaqo ah, kuna sii tallaabsaday horumar iyo xasillooni.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Leyla Xaaji Muuse
Xafiiska xog hayaha Ururka yool bulsho

06/04/2024
Waxaan sameenay  barnaamij kheyri oo afurin ah oo loo sameeyey danyarta , bisha barakeysan ee Ramadaan owgeed.
06/04/2024

Waxaan sameenay barnaamij kheyri oo afurin ah oo loo sameeyey danyarta , bisha barakeysan ee Ramadaan owgeed.

Address

Sarajevo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka Yool Bulsho posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share