Dawladda Hoose Ee Degmada Afbarwaaqo

Dawladda Hoose Ee Degmada Afbarwaaqo Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dawladda Hoose Ee Degmada Afbarwaaqo, Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Degmada Afbarwaaqo Oo Kulan La Qaatay qaar ka mid ah Bulshada Gobolka Banadir.Muqdisho, November 3, 2023. G...
04/11/2023

Guddoomiyaha Degmada Afbarwaaqo Oo Kulan La Qaatay qaar ka mid ah Bulshada Gobolka Banadir.

Muqdisho, November 3, 2023. Guddoomiyaha Degmada Afbarwaaqo Ahmed Hussein Siciid ( Foojaa ) Oo Howlo Shaqo U Jooga Caasimadda Muqdisho ayaa xalay Oo Jumco ahayd Kulan la Qaatay qaar ka mid ah Dhalinyarada Rer Afbarwaaqo Ee ku nool Gobolka Banaadir, Suldaan Hassan Macalin Siciid iyo Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Galmudug Abdullahi Kulmiye Oo Ayaguna Howlo Shaqo U Jooga G-Banadir.
Sido kale Kulanka Waxaa Qayb ka ahaa dhakhaatiir iyo Ganacsato waa wayn oo Rer Afbarwaaqo ah.

Ujeedada kulankaan ayaa ahaa isxogwareysi iyo isbarasho iyadoo kulan weynahaan la iska wareestay Sida loo hormarin lahaa Degmada Afbarwaaqo iyo Deegaanada Hoos Yimaada.

Dhalinyaradii iyo madaxdii Kale Ee kasoo qeebgashay Shirka ayaa bogaadiyey shaqada adag uu Haayo Gudomiye Ahmed.

ugu dambeyntii Gudomiyaha ayaa u mahadceliyay Bulshada Qaybaheeda kala duwan Ee Rer Muqdisho, Waxaana Lagu balamey shirweyne kale oo looga hadlayo sida ay iskaga kaashan lahaayeen horumarinta Degmadda, Bulshada Afbarwaaqo iyo Bulshada Banaadir.

Mahadsanidiin ๐Ÿ™

Gudomiyaha Degmadda Afbarwaaqo Ahmed Hussein Siciid (Ahmed foojaa) Oo maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Gudoomiyaha ha...
31/10/2023

Gudomiyaha Degmadda Afbarwaaqo Ahmed Hussein Siciid (Ahmed foojaa) Oo maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Gudoomiyaha hay,adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed Marwo Safiyo Xasan Maxamed oo Xafiiskeeda Muqdisho ku qaabishay,
Wuxuuna kulankaas daaranaa sidii loo caawin lahaa dadka ay abaaraha iyo colaaduhu barakiciyeen ee ku nool Degmada Afbarwaaqo iyo Deegaanada ku xeeran oo saameyn weyn kala kulmay isbedelka Cimilada.

Waxuu la wadaagay Gudoomiyaha waxbixin la xiriirta xaaladda qoysaska barakacayaasha ah ee ku nool Afbarwaaqo iyo aageeda si loogu sameeyo dib u dejin , una helaan gurmad deg deg ah.

Ugu Dambayntii Gudoomiye ahmed foojaa ayaa uga mahadcelinayay Gudoomiyaha hay,adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka sida ay ugu soo dhaweysay Xafiiskeeda iyo balan qaadkeeda la xiriira wada shaqaynta Maamulka Afbarwaaqo iyo Caawinta dadka barakacayaasha ah ee ku nool Degmada Afbarwaaqo.

Afbarwaaqo, Talaado--31/10/2023Duulimaadkii ugu horeeyay oo sida rakaab ayaa maanta kasoo degay Garoonka Degmada Afbarwa...
31/10/2023

Afbarwaaqo, Talaado--31/10/2023

Duulimaadkii ugu horeeyay oo sida rakaab ayaa maanta kasoo degay Garoonka Degmada Afbarwaaqo.

Maamulka iyo shaqaalaha Afbarwaaqo Airport, Bulshada Reer afbarwaaqo iyo dhamaan umada Soomaaliyeed ee danayneysa horumarka Afbarwaaqo waxaa farxad u ah in maanta garoonka diyaaradaha Afbarwaaqo Airport ay kasoo degtay diyaaradii ugu horeysay oo rakaab sida.

5--Sep--2023 ayaa diyaaraddii ugu horreysay oo tijaabo ka soo dagtay Airport-kaan.

Maamulka Garoonka iyo bulshada degmada Afbarwaaqo waxay soo dhaweynayaan shirkad kasta oo danaynaysa inay ka soo dagto Garoonka degmada Afbarwaaqo, waxayna u balanqaadayaan in si dhaw ula shaqayn doonaan.

Mahadsanidiin.

Allaha unaxariisto Qorane Cagey Cali DhariWaxuu ku dhintay dagaalkii saakay ka dhacay Degmada Dhuusamareeb waxaana Gadaa...
13/05/2022

Allaha unaxariisto Qorane Cagey Cali Dhari

Waxuu ku dhintay dagaalkii saakay ka dhacay Degmada Dhuusamareeb waxaana Gadaal.ka toogtay ciidamo la socday kuwaas oo iskugu jiray jufooyinka mareexaan iyo Cayr
Qorane intaan la dilil waxuu soo furtay Qoriga Loo yaqaan BKM kaas oo uu ka soo furtay ciidamada dagaalka kula jiray waxaana halkaas ka biloowday muran ah qoriga iska keen meeshan dhul sacad maahane
Intaas ka Dib qorane waa ka biya diiday asago dagaalkii kooxda sufo uu kula jiray sii watay nasiib xumo gadaal baay ka toogteen kooxdii ciidamada isku sheegayay

Nasiib daro ka waayn maa jirto in Askartii dagaalka ku wada jirtay ee halka cadaw wada lahaa aay gadaal iska toogtaan waxaana halkaas ku lumaysa kalsoonida ciidamada

Qorane waxuu ku dhashay Gobolka mudug Degmada AF_Barwaaqo waxuuna mudo dheer dagaal ugu jiray xoraaynta Galmudug iyo dowlad loo dhanyahau lkn nasiib xumo maantay baay dileen kooxo la gashanaa shaarka dowlada

Waxaa hada xaruunta Afiyoni Gaaray xildhibaanada Barlamaanka 11 waxaana Halkaas ka bilaaban rabta saacadaha soo Socda do...
27/04/2022

Waxaa hada xaruunta Afiyoni Gaaray xildhibaanada Barlamaanka 11 waxaana Halkaas ka bilaaban rabta saacadaha soo
Socda doorashada Gudoonka Barlamaanka

Wadooyinka soo Gala xaruunta Xalane waxaa si
Buuxda Gacanta ugu haya ciidamada koofiya Casta pm.Rooble iyo Ciidanka Nabad ilaalinta AMISON

Golol media

Abdikariin khaliif Dhalac ayaa iskaga Haray Tartanka kursiga Hop.095
12/03/2022

Abdikariin khaliif Dhalac ayaa iskaga Haray Tartanka kursiga Hop.095

Shaacinta Guddiga Xulista Kuraasta HOP #138, HOP #040 iyo HOP #007 iyo qabashada doorashada.
12/02/2022

Shaacinta Guddiga Xulista Kuraasta HOP #138, HOP #040 iyo HOP #007 iyo qabashada doorashada.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta kulan la qaatay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Mido...
04/02/2022

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta kulan la qaatay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya Kiki Gbeho.

Golol media

Hambalyo, bahda golol media waxay halkaan hambalyo uga dirayaan   ahmed shire(shire yare) iyo marwadiisa cimraan shire o...
24/01/2022

Hambalyo, bahda golol media waxay halkaan hambalyo uga dirayaan ahmed shire(shire yare) iyo marwadiisa cimraan shire oo aqal galkoodu ka dhacay magaalada galkacyo ee gobalka mudug.
Waxaab idin leenahay wada noolaado nabad ku waara.

Gacal iyo sokeeyaba guurkiinu ku farax, awlaad saalix ahna rabbi ha idin kala siiyo jaalayaal.โฃ๐Ÿ™

Musharraxa guddoomiyaha degmada afbarwaaqo ahmed hussein said(Ahmed Foojaa) oo ah aqoonyahan waaya aragnimo badan ka hay...
23/01/2022

Musharraxa guddoomiyaha degmada afbarwaaqo ahmed hussein said(Ahmed Foojaa) oo ah aqoonyahan waaya aragnimo badan ka haysta dhanka maamulka iyo dawladnimada ayaa isku soo taagay xilka guddoomiyaha degmada afbarwaaqo.

Afbarwaaqo oo dalbanaysa isbadal ayuu yahay musharrixii ugu horreeyey ee isku soo taaga jagadaan.

Golol media

97 dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo sanado ah ku xirnaa xabsiyo ku taala dalka Libya ayaa saaka Arbaco ah dowladda Sooma...
12/01/2022

97 dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo sanado ah ku xirnaa xabsiyo ku taala dalka Libya ayaa saaka Arbaco ah dowladda Soomaaliya dib ugu soo celisay dalkooda.

Masโ€™uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin wasiiro xukuumadda ka tirsan ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay.

Dhalinyaradan ayaa ka soo baxsaday meelihii ay ku heysteen magafeyaasha iyagoo isku dhiibay Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya, iyadoo dadaalada soo guri noqoshada ay ka wada shaqeeyeen Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Raโ€™isul Wasaaraha danjire Maryan Yaasiin oo kaashanaysa heyโ€™adda Socdaalka Adduunka ee IOM.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Maanta  soo gaaray magaalada M...
28/12/2021

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Maanta soo gaaray magaalada Muqdishu ee caasimadda Dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cabdulle International Masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada XFS, Maamulka Gobolka Banaadir, xubnaha labada aqal ee BFS, masuuliyiin iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug.

War-murtiyeedka Laga Soo saaray Shirkii Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Mudug Ee Maanta ka dhacay Gaalkacyo. Odayaasha ...
28/12/2021

War-murtiyeedka Laga Soo saaray Shirkii Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Mudug Ee Maanta ka dhacay Gaalkacyo. Odayaasha dhaqanka ayaa Shirkooda Diiradda ku Saaray Xaaladda Cakiran Ee Somaliya.

Waxa ayna Sidokale Fariin loogu direy Madaxweyne Qoor.qoor.

๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘‚
28/12/2021

๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘‚

27/12/2021

Farmaajo wuxuu naga dalbaday inaa gacanta ku soo qabano waana soo qabanaynaa

Taliye Geylac waa is keenay๐Ÿ’ช

War Dag Dag: Sawirada Ciidamada Badbaado Qaran oo shir jaraaโ€™id goordhow qabtay ayaa sheegay inay markale diyaar u yihii...
27/12/2021

War Dag Dag: Sawirada Ciidamada Badbaado Qaran oo shir jaraaโ€™id goordhow qabtay ayaa sheegay inay markale diyaar u yihiin inay Farmaajo la diriraan. Waxey sheeegeen inay ku jiraan difaac qodasho sida uu sheegay taliyihii Badbaado Qaran oo sawirada ka muuqda

25/12/2021

Wasiir Falagle oo Gaalkacyo
Sh*tay โค

  ah Dagaal Xoogan Ayaa hada ka  biloowday deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, Waxaana halkaasi ku Dagaalamaya Be...
24/12/2021

ah Dagaal Xoogan Ayaa hada ka biloowday deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, Waxaana halkaasi ku Dagaalamaya Beelihiii horay ugu Dagaalamay oo Mamahaan is hor fadhiyey kana soo kala jeeda Caadaado iyo Dhuusamareeb.

Ilaa iyo hada si sax ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan, balse labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka culus iyo kan fudud intaba Dagaalka saaka ayaa daba socda shaqaaqo Todobaad ka hor lagu dilay Qof shacab ah gudaha deegaanka waxaana intaas kadib bilayday is aruusi ka dhan ah labada beellood.

23/12/2021

Rabi iyo raga bey lee yihiin insh allh way ka bixi doonaan

23/12/2021

Biyo la'aan baahsan ba ka jira Gobolka Mudug.
Ganacsatada iyo Qurba-joogta alle wax siiyay Waxaa laga codsanayaa inay usoo gurmadaan Walalahaan Biyo Laโ€™aanta La Rafaadsan.

Dag dag beesha reer Ciyow ee Cayr ayaa Dalbatay in 24 saac gudahood ciidamada looga Saaro Schoolka Ibnu khuseyma oo Fari...
22/12/2021

Dag dag beesha reer Ciyow ee Cayr ayaa Dalbatay in 24 saac gudahood ciidamada looga Saaro Schoolka Ibnu khuseyma oo Fariisimo ay ku leyihiin Ciidamo katitsan kuutada 15 aad ee Taliska qeybta 21 aad.

Wax garadkaan ayaa sheegay in hadii dhagaha laga fureysto hadalkoodo ay masuuliyada wixii dhaca ay qadeyso dowlada.

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dawladda Hoose Ee Degmada Afbarwaaqo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share