Aaran Media Inc

  • Home
  • Aaran Media Inc

Aaran Media Inc Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Aaran Media Inc, Media/News Company, .
(9)

25/01/2023
10/09/2022

Axmed Madoobe oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka madaxweyne Xasan Sheekh uu la yeelanayo shanta madaxweyne dowlad goboleed.

02/09/2022

''46 howgal oo dhan ah Al-shabaab ayaa dowladda Madaxweyne Xasan sheekh qaaday 100 maalmood ee la soo dhaafay''.Xuseen Macalin lataliyaha amniga qaranka Madaxwaynaha Soomaaliya

01/09/2022

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo maanta ka dhacay xarunta Golaha.

29/08/2022

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa maanta keenay qalabka diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmooyinka Puntland.

Gudoomiyaha oo ay weheliyaan xubnaha sare ee Guddiga ayaa warbaahinta uga warbixiyay qalabka casriga ah ee diiwaangelinta, Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah isu dultaagay nooca qalabka, sugnaanshihiisa xogta, Tayadiisa iyo awoodiisa.

28/08/2022

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa Maanta Saddex Maalin kadib dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay magaaladaas.

24/08/2022

RW Hamze Abdi ''Habeen iyo Maalin in aan shaqeyno ayaa la rabaa, ''.

23/08/2022

Ra’iisul wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Muqdisho ka daah furay Kulan wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

23/08/2022

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed oo la hadlay Saraakiil & Askar katirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay in ay kordhiyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

21/08/2022

Baarlamaanka Jubbaland oo muddo kordhin u sameeyay xilheynta Madaxweyne Axmed Madoobe

RW Xamse Cabdi Barre oo caawa Shir isugu yeeray Golaha Wasiirrada Xukuumadda Shirkan degdegga ah ee caawa oo ahaa kii ug...
16/08/2022

RW Xamse Cabdi Barre oo caawa Shir isugu yeeray Golaha Wasiirrada Xukuumadda

Shirkan degdegga ah ee caawa oo ahaa kii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub, ayaa waxa lagu go’aamiyay dhawr qodob oo kala ah:

- Dib u hawlgelinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka

- Waxaa la magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.

- Waxaan dhammaan guddiyadan iyo hey’adda la siiyay waajibaad iyo awaamiir cad iyo in guud ahaan hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyaan.

- Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray qof walba oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadkan degdegga ah.

- Waxaa sidoo kale loogu baaqay hey’adaha caalamiga inay si dhow ula shaqeeyaan xafiisyada dowladda ee ku hawlan arrimahan degdegga ah.

- Ugu dambeyn waxaa Golaha Wasiirradu boggaadiyay hawlgallada ciidamada qalabka sida, dadka deegaanka iyo masuuliyiinta kala duwan ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.

Guddiga Heer Qaran ee uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XJFS waxay ka kooban yihiin:

1. Ra’iisul Wasaar Ku-Xigeenka
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta
3. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
4. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
5. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
6. Wasiirka Maaliyadda
7. Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada
8. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
9. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
10. Wasiirka Amniga Gudaha
11. Wasiirka Gaashaandhigga
12. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
13. Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha
14. Culimada Soomaaliyeed
15. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha
16. Ururada bulshada Rayidka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Uganda, kaddib martiqaad ...
08/08/2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Uganda, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Yoweri Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho saddex maalmood ah ay uga bilaabanayso dalkaas ayaa waxa ay ka wada hadli doonaan Madaxweyne Yoweri Museveni xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca ammaanka.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb gali doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca waxsoosaarka, si loo sii horumariyo, loona xalliyo wixii caqabado ah oo ku xeeran.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggooda dalka Uganda la yeelan doona kulammo ku saabsan adkaynta xiriirka labada dal iyo xasilloonida Gobolka, iyagoo soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dib u xoojinta xiriirka dalkeenna iyo dalalka Gobolka.

29/07/2022

Madaxweyne Xasan Shiikh “ Abaarta iyo daruufteeda waxay gaartay halkii ugu darneyd.. carruurba dhimanaysa, aan dib isugu laabano oo wadajir aan uga qeybqaadano waxtarka dadka dhibaateysan.”

15/07/2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka Gobolka ku maray...
15/07/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka Gobolka ku maraya socdaal ku saleysan xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalkaas iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda ayaa saaka u amba-baxay Jamhuuriyadda aan dariska nahay ee Kenya ka dib casuumaad uu ka helay Madaxwayne Uhuru Kenyata.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuro Kenyata la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo ay ka wada xaajoonayaan xal u helidda caqabadaha isbeddelka cimilada, abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, adkeynaysana xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nayroobi waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.

06/07/2022

Xasan Sheekh oo si cajiib ah loogu soo dhoweeyey qasriga madaxtooyada Turkey

02/07/2022

Daawo Gaari xamuul ah oo Garowe u socday oo ka dhacay buurta dawga Degmada Sheekh

Ciidanka hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland ayaa ku guuleystey soo bixinta iyo kala furista Miino ay argagixis...
05/06/2022

Ciidanka hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland ayaa ku guuleystey soo bixinta iyo kala furista Miino ay argagixisadu ku aaseen goob kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo, taas oo ay ugu talo galeen inay ku dhibaateeyaan bulshada Soomaaliyeed.

"Waxaan u mahadcelineynaa shacabka sida hagar la'aanta ah ula shaqeynaya hay'adaha amniga sida joogtada ahna ula soo wadaagaya waxyaabaha lidiga ku ah amniga si ay uga hortagaan ugana badbaadiyaan dadka iyo dalkaba." Ayaa lagu yiri war kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland.

23/05/2022

Farmaajo: “5 Kun oo Askari oo tababar aan u geynay Eretareeya waxa aan dalka u keeni weynay Xaaladda aan ku jirnay & Doorashada”.

21/05/2022

Waqtiga Madaxwaynihi h**e Farmaajo xilka wareejinayo oo la shaaciyay shaaciyay

21/05/2022

Madaxweynaha Jubbaland “Maanta laga bilaabo waa la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka Gedo”

11/05/2022

“Waxa aan ku kalsoonahay in xildhibaanada ay aqbaleen codsigeyga. Waxaan rabaa Annaga oo gacmaha is-heysanno in aan mugdiga ka saarno dalkeenna, ummadeenana aan ku hoggaamino iftiinka horumarka iyo nabad waarta.
Ballanteennu waa : “Dan Qaran & Dowlad Caadil Ah”
Hadal jeedinti ugu saamaynta badneed ee Musharax Madaxweyne Abdulkadir Osoble Ali

.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Dowl...
07/02/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ay wada qaateen kulan gaar ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka, gurmadka abaaraha iyo la dagaallanka argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay Meertada 35-aad...
05/02/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay Meertada 35-aad ee Shir Madexeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa. Shirka waxaa ka qayb galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika, Madax ka socota ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo korjoogto kale.

Shirka oo ilaa berri sii socon doona, waxa Madaxweynaha iyo Wafdigiisu ay ku soo bandhigi doonaan halkaas, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay wajahayso Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maan...
04/02/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya oo uu kaga qayb galayo meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane  Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isu...
31/01/2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Mudane Maxamed Bin Rashid Ala-Maktoum oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kula...
04/01/2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka.

Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay in ay ka go’n tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageeradooda dowlad-dhiska Soomaaliya.

27/12/2021

Ra’iisul Wasaaraha ayaa amar ku siiyay Ciidamada Qalabka inay si toos ugu amar qaataan Xukuumadda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaa farayaa Ciidamada Qalabka sida inay si toos ah ugu amar qaataan Xukuumadda, cid kasta oo ka hor timaada amarkaan waxaan si degdeg ah ula tiigsan doonaa sharciga”

Urur-goboleedka IGAD ayaa Muqdisho ka furtay xarunta u adkeysiga aafooyinka iyo ilaalinta deegaanka. Xaruntu waxay taage...
23/12/2021

Urur-goboleedka IGAD ayaa Muqdisho ka furtay xarunta u adkeysiga aafooyinka iyo ilaalinta deegaanka. Xaruntu waxay taageeri doontaa hirgelinta qorshaynta khataraha cimilada ee dalalka gobolka ee ku bahoobay IGAD.

Wefdi ka socda urur-goboleedka IGAD oo uu hogaaminayay Xoghayaha fulinta ee IGAD Dr. Workeneh Gebeyehu ayaan arrintaasi u tegey Xamar lana kulmay Raysal Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka in ay isugu yim...
21/12/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka in ay isugu yimaadaan shir 27-ka bishan December, 2021 ka dhici doona magaalada Muqdisho,kaas oo looga arrinsanayo dardar gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHIGGIISA DALKA RUWAANDAMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya M...
18/12/2021

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHIGGIISA DALKA RUWAANDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay Dhiggiisa dalka Ruwaanda Mudane Paul Kagame oo ay ka wada qayb galeen Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay Madaxweyneyaashu isku raaceen Xoojinta Iskaashiga iyo horumarinta wax wadaqabsi ka tarjumaya danaha iyo yoolasha labada Qaran ee Soomaaliya iyo Ruwaanda.

DHAMMAAD.

18/12/2021

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka kadib markii ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo iyagoo ku milmay siyaasadda isla-markaana ay baal mareen xeer anshaxa doorashada

SHIRWEYNAHA ISKAASHIGA TURKIGA IYO AFRIKA OO MAALINTII KOOWAAD OO HEER WASIIRRO AH KA FURMAY MAGAALADA ISTANBUULIstanbuu...
17/12/2021

SHIRWEYNAHA ISKAASHIGA TURKIGA IYO AFRIKA OO MAALINTII KOOWAAD OO HEER WASIIRRO AH KA FURMAY MAGAALADA ISTANBUUL

Istanbuul, Diseembar 17, 2021; Meertada Saddexaad ee Shirweynaha Madasha Iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, isaga oo shirku maanta ku furmay jewi heer wasiirro ah ee Turkiga iyo dalalka Afrika.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha, Arrinaha Dibadda Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Beeraha iyo Waraabka Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abokor Xaaji, iyada oo lagu lafo-guray iskaashiga iyo xiriirka Turkiga iyo Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, warshadaha, ganacsiga, wax soosaarka beeraha, horumarinta arrimaha Bulshada iyo amniga.

Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madasha la wadaagay mawqifka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka iyo iskaashiga Turkiga iyo Afrika, iyaga oo soo bandhigay fursadaha maalgashiga, beeraha, ganacsiga, waxbarashada iyo warshadaha ee ka jira dalkeenna, iyo qorshaha lagu horumarin karo xiriirka miro-dhalka ah ee ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay udub dhexaad u tahay buundada isku xirta xiriirka waxtarka leh ee ka dhexeeya Turkiga iyo Wadammadda Afrika, waxaana fursadeheeda soojiidashada maalgashadeyaasha kor u qaadaya bardhaca juquraafiyadeed ee ay ku taallo, soo kabashada dhaqaale iyo amni ee dalkeenna, iyo khayraadka dihin ee ceegaaga badaha iyo berriga Soomaaliya.

DHAMMAAD

12/12/2021

Baaq uu jeediyey Dr. Ibrahim Faarax Bursaliid.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Muadne Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasa...
11/12/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Muadne Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobollada Woqooyi, iyadoo xal laga gaaray madmadowgii jiray, waxaana iskuna afgartay in horay sii wado howsha doorashada.

Shir lagu hawl-gelinayey Guddiga Hoggaaminaya Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amnigeeda Qaran oo Muqdisho ka furm...
08/12/2021

Shir lagu hawl-gelinayey Guddiga Hoggaaminaya Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amnigeeda Qaran oo Muqdisho ka furmay.

Muqdisho, December 08, 2021 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo ay wehelinayeen Wasiirrada Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Amniga Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka iyo Booliiska, ayaa furay shir lagu hawl-gelinayey Guddiga Hoggaaminaya Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amniga Dalka (STP SSC).

Shirkan lagu hawl-gelinayey Guddiga, oo ay ka soo qayb galeen xubno ka kala socday hay’adaha qaabbilsan amniga dalka ee Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xafiisyada Sarsare ee Dalka, ayaa labada maalmood ee uu socdo waxaa looga hadli doonaa sidii Soomaaliya ay si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga uga la wareegi lahayd mas’uuliyadda sugidda Amniga Dalka, iyada oo sidoo kale Shirkan lagu lafa-gurayo qiimaynta waayo aragnimadii laga bartay iyo horumarradii laga gaarey qaybihii h**e Qorshihii Amniga Soomaaliya (STP), lagu na dhisayo qorshe midaysan oo Soomaaliya dhakhso ugu jihaynaya tubta dhammays-tirka la wareegidda Amnigeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo khudbad ka jeediyey furitaanka Manaasabadda ayaa Guddiga kula dardaarmay mas’uuliyaddooda Qaran, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay shaqada Guddiga laga sugayo iyo qorsheyaasha horyaalla.

“Hawl-gelinta Guddigani waxa ay caddayn u tahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la wareegidda amnigeeda qaran. Guddigani waa goobta looga doodaayo, laga na jihaynayo qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda Amnigeenna qaran. Waxaa la idiinka fadhiyaa inaad qiimayn ku samaysaan waxyaabaha ka hirgalay qaybihii h**e ee qorshaha, caqabaha iyo waayo-aragnimada laga bartay, sidoo kale na aad soo gudbisaan tubta dhammaystirka qaybaha danbe ee qorshahan.”

Intii ay munaasabaddu socotay mas’uuliyiintii kale ee kalmedaha ka jeediyey Shirka ayaa sidoo kale hoosta ka wada xarriiqay muhiimadda ay leedahay fulinta qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda qaran, iyada oo aan marna la aqbalayn qorsheyaal kale oo aan ku dhisnayn rabitaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka Puntland oo shaaciyay in xal laga gaaray Khilaafkii PSF1 -Waxaa dhaqan gashay xilka qaadistii Madaxwe...
07/12/2021

Odayaasha dhaqanka Puntland oo shaaciyay in xal laga gaaray Khilaafkii PSF

1 -Waxaa dhaqan gashay xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ee uu xilka kaga qaaday Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Cabdulaahi Dyaano looguna Magacaabay Aamiin Cabdilaahi Xaaji Kheyr

2-Guryaha Hubka iyo Gaadiidka waxaa Mulkiyadiisa iska leh Maxamuud Cismaan Cabdulaahi Diyaano

3-Xuquuqdii ka maqnayd ciidanka PSF mudo 13 bilood ah waa in ay bixsaa dowladu.

4-Waa in ay dowladu bixiso kharashka Ilaalada gaarka ah ee Agaasimihii h**e ee Ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Cabdilahai Diyaano madaama uu dalka u soo halgamay

06/12/2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray isla markaana daag-furay howlgelinta Hay’adda Maareynta macluumaadka Kheyraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland.

Bosaso: Agaasimaha Ciidanka PSF Gen. Amiin Xaaji Kheyr ayaa Taliska Cusub ee Ciidanka PSF kusoo dhaweeyay G/Sare Cabdira...
06/12/2021

Bosaso: Agaasimaha Ciidanka PSF Gen. Amiin Xaaji Kheyr ayaa Taliska Cusub ee Ciidanka PSF kusoo dhaweeyay G/Sare Cabdiraxmaan Ilig oo ah Agaasime ku-xigeenka iyo Taliya Guud ee Ciidanka PSF iyo G/Dhexe Cabdirisaaq Cali Duulane (Garaadka).

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda xarigga ka jaray Xarunta Hay’adda Maareynta ma...
06/12/2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda xarigga ka jaray Xarunta Hay’adda Maareynta macluumaadka Kheyraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland.

Address


Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Aaran Media Inc posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Opening Hours
  • Alerts
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share