21/01/2020
Waxaa Qoray Cabdinaasir Axmed Sh Bashiir (Saxansoxo)
Waxaa la-iigu soodiray in aan saxaafada ku daabaco: Qalbab wakaas.
Date: Fri, 25 Jun 2010 17:07:
Leerka baxaya ma Garbaa?
Sidii inagoo saaran dayax gacmeed hawada mushaaxaya ayaan maanka ka sawiraneynay kaaha leerka ka baxaya magaalada Garbo, ma ahan in aan riyoonayay hase yeeshee waxaan fadhiyey xaflad si weyn looga soo qeybgalay oo ahayd shir sanadeed Mashruuca hormarinta Garbo iyo xil wareejin.
Cabdrirashiid Sh. Maxamed oo ahaa xariirayaha xaflada oo shalay lagu qabtey hotelka Bismillah ee Johannesburg ayaa noo hingaadinayay halka ay tahay Garbo, magaaladii Shaaha Colobta leh, caasimadii ganacsiga ee gayiga Soomaali Galbeed/Ogadenia, iyo haraadigii magaaladii caanka ahayd ee Malayko.
Xaflada ayaa isugu jirtey shir sanadeedka mashruuca hormarinta Garbo iyo xil wareejin mas’uuliyiinta mashruuca oo ah halka ay kasoo maaxatay waxbarashada illaa heerka dugsiga sare ah ee magaaladaasi ka jirta maanta iyo waliba illeyska aqooneed ee usoo kaahaya oo ah Jaamacad uu mashruuca maahmaahanayo.
Mashruuca Hormarinta Garbo waxaa la asaasay sanadii 2002 dii, sanad kadib wuxuu dhamaytirey dhismaha dugsiga sare ee Garbo oo sanad kasta ay ka qalin jabiyaan in ka badan boqol arday.
Sanad kasta waxa uu qabtaa mashruuca shir sanadeed loogaga wadahadlo waxyaabaha qabsoomey, kuwa horyaala, iyo waxa la hiigsanayo, ugu h**eyntii waxaa laga asaasay dalka Koonfur Afrika, hase yeeshee dad meelo kala duwan oo aduunka ah kala jooga ayaa xubno ka ah.
Shirkii Khamiistii Johannesburg ka dhacay waxaa xilka ku kala wareegey Maxamed Maxamuud Budul oo xilka soo hayay illaa sanadii 2006 dii, waxaana uu ku wareegey xilka Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Xassan. Gudoomiyaha xilka ka dagayay ayaa lagu sagootiyey shahaado sharaf uu mashruucu gudoonsiiyey.
Ugaas Maxamed Baarqab Ugaas Kooshin oo magaca mashruuca iyo midka reer Garbo ku hadlayay ayaa shahaadada ku sharfey in uu gudoonsiiyo gudoomiyihii h**e ee mashruuca Ugaas Maxamed Cabdi Diiriye (Qooqaane) oo matalayay beesha Absame.
Gudoomiyaha cusub Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegey in xilka loo dhiibey uu yahay xil culus oo uu ka jeclaa in isaga oo aanan xil heyn sidii horaba uga shaqeeyo mashruuca, balse maadaamaa loo doortey uu illaahay ka rajaynayo in uu la garabgalo.
Marti sharaftii meesha ka hadashay waxaa ka mid ahaa Suldaan Dugsiye Cumar Xaashi oo dadka gobolkaasi degen ku booriyey in ay ku deydaan talaabada reer Garbo, waxaa taasi ku waafaqay Sheekh Dhaqane Maxamed, halka Makhtal Xassan uu sheegey in ay haboontahay in dhamaan dadka mashruuca ka tirsan si guud shahaado sharaf loo siiyo maadaamaa waxa ay qabteen uu yahay wax lama illaawaan ah.
Ganacsade Cabdirishiid Cabdullaahi Ibraahim ayaa isagu yiri “dhamaanteed waa inaan reer Garbo noqonaa, kana wada shaqaynaa hormarinta deegaankaasi iyo mid kasta oo kale”, Sh. Cabdijibaar Cali Aadan oo isagu ahaa dad dhawaan soo arkay hormarka Garbo iyo sida uu mashruuca uga dhaqangalay ayaa sheegey in Garbo ay maanta tusaale u tahay deegaanada kale oo dhan, balse Sh. Axmed Maxamed Badal (Karatay) ayaa ka digey in jaamacada Garbo ee la maahmaahanayo in loo waayo ardo dhigata isagoo yiri “dalkii waa laga soo qaxayaa, qofkasta inta uu dalka kasoo boxo ayuu reerkiisana lasoo baxayaa, haddii aanan dalka lagu noqon oo aanan la dagin, waxaa la weyn doonaa dad dhigta jaamacada Malayko”.
Ugaas Qooqaani mar uu hadlay waxa uu sheegey in qof kasta oo bini’aadam ah u baahanyahay xushmad iyo tixgalin iyo in la yiraahdo “mahadsanid”, “reer Garbo waad mahadsantihiin ayaan idin leenahay” ayuu yiri.
Cabdirashiid, xariirayaha oo sii watay faaladiisa Garbo ayaa sheegey in magaaladani ay ka dhalatay magaalada h**ey loo oran jirey Malayko oo in ka badan 5 jeer guurguurtey dhibaatooyin duqeymo ay ka mid ahaayeen dartood, Garbo waxa ay ku taalaa inta u dhaxaysa duudka Dahare iyo Dooxada Kaneecaale dhexdooda, Banka Sibi, Bawo iyo Illaha baarka leh, Kaliga Bohol iyo Banka Faafan.
Waxay magaalada caan ku ahayd markeedii h**e ahaanshaha xarunta ganacsiga ee deegaankaasi, iyadoo tusaale loosoo qaatay in labbo nin oo Qabri Dahare ka tagay midna uu lacag watto midna uu qori watto ay safar u aadeen Malayko (Garbo) si ay ugu soo kala gataan qoriga, markii ay meesha tageen isla qorigii soo kala iibsaday, taasoo muujineysa illaa heerka dadka deegaanka ay magaalada ugu aqoonsanaayeen in meel aan iyada ahayd uusan beeca ka guntamin.
Garbo waxay leedahay dugsi hoose, dhexe iyo Sare, waxaana ku mahadsan mashruuca hormarinta Garbo oo haatan maahmaahana Malayko University in ay halkaasi ka hergaliyaan, haddii ay taasi dhacdana waxaa Garbo ka haraya magacii barisamaadkii u baxaya ee ahaa “Garbo Leer ma leh”, waxaana badalaya “Garbo Leerkeedu Kaah Weynaa” maadaamaa leerka aqoonta uusan jirin illey ka weyn.