Cadde Xasan Cali.

  • Home
  • Cadde Xasan Cali.

Cadde Xasan Cali. Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Cadde Xasan Cali., News & Media Website, .

26/12/2022

Munaasaba da doorashada ururka dhalin yarada dagmada cadaado oo xalay laqabtay

11/11/2022

Madaxweynaha soomaliya oo booqday xarunta lagutababaro ciidamada cirka soomaliyeed ee jooga dalka ilatariya maxweeynaha ayaa ukuurgalay xaladooda no leed qaarka mida ciidamada ayaa sheegay in diyaar uyihiin inay difaacaan dalkooda iyo shacabka soomaliyeed oo ay dhibatada ku haayaan al sha aab

News & media website

Kusimaha Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar, oo uu we...
23/10/2022

Kusimaha Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa Daahfuray Xafiisyo lagu soo kordhiyay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa iyo xafiiska guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka oo dib u dayactir lagu sameeyay.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xildhibaano,wakiilo ka socday Qaramada Midoobay oo ay ka mid yihiin kuxigeenka Hay'adda Socdaalka Adduunka IOM Ewa Naqi,madaxa Hay'adda UNFPA Niyi Guolape iyo sidoo kale Fartun Hassan Mohanoud oo ka socotay Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Haweenka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “SHACABKA SOOMAALIYEED WAA AY GAARI KARAAN GUULO WAAWEYN HADII AY GACMAHA IS-QABSADAAN.”Muqdisho...
22/10/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “SHACABKA SOOMAALIYEED WAA AY GAARI KARAAN GUULO WAAWEYN HADII AY GACMAHA IS-QABSADAAN.”

Muqdisho, Oktoobar 22, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo bulshada Puntland sida ay uga dhabeeyeen himiladan isku tashiga ah, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu istaageen horumarka iyo wax-wada qabsiga.

“Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isu bogaadiyo, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaro waxaa sal u ah nabadda iyo isku duubnida. Bulshada deegankan iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay u gaari karaan guulo waaweyn haddi ay gacmaha is-qabsadaan. Guusha lagu hirgeliyey mashruucan waxaa iska leh Soomaaliya oo dhan”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagay halganka isku tashiga ah ee ka socda guud ahaan dalka oo uu ugu horreeyo midka lagu cirib tirayo argagixisada Alshabaab oo isbaarada u dhigtay nolasha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in Soomaaliya xasilloon oo nabad iyo barwaaqo ah ay ku imaaneyso dalka oo laga xoreeyo khawaarijta Alshabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhiirri geliyey deegaannada dalka, dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ku tartamaan horumarka iyo wax-wada qabsiga, isagoo tilmaamay taageerada iyo mudnaanta dowladdu ay u siineyso mashaariicda isku tashiga ah.

DHAMMAAD

Wasiirka Gashaandhigga XFS  Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka  Gen.Odawaa ayaa gaar...
16/10/2022

Wasiirka Gashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Gen.Odawaa ayaa gaaray maagaalada Baydhabo ,si loo dar-dargeliyo howlgalada dib u xoraynta dalka gaar ahaan Deeganada Koonfurgalbeed ee ay hormuud u yihiin Ciidanka xoogga oo kaa shanaya kuwa deegaanka ee go’aansaday in Soomaaliya laga ciribtiro Aragagaxisada Arxanka daran ee Alshabab

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UGU HAMBALYEEYEY SHACABKA SOOMAALIYEED GUUSHA XULKA KUBADDA CAGTA EE 17-JIRRADAMuqdisho, Okto...
15/10/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UGU HAMBALYEEYEY SHACABKA SOOMAALIYEED GUUSHA XULKA KUBADDA CAGTA EE 17-JIRRADA

Muqdisho, Oktoobar 15, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey xulka da’ yarta Soomaaliyeed ee kubadda cagta guusha taariikhiga ay u soo hoyeen qarankooda ayaa tilmaamay dareenka farxadeed iyo qiimaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciyaaryahannada, macalimiinta iyo maamulka xulka da’yarta Soomaaliyeed ay tusaale wanaagsan u noqon karaan xirfadda iyo dadaalka ciyaarhannada Soomaaliyeed, taas oo aas-aas wanaagsan ay u ah Xul Soomaaliyeed oo la tartama dhigooda gobolka iyo qaaraddaba.

“Xulka Kubadda Cagta ee 17 jirrada ah ee qarankeenna, waxa ay muujiyeen in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in ay la tartamaan dhiggooda caalamka, aysanna niyad jabin karin kuwa ku gumaadaya fikirka xagjirnimada ah ee qaraxa iyo xasuuqa u adeegsanaya qaarkood, kuna beegsada walaalahooda kale ee la da’-da ah”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si dhow ula socday ciyaaraha xulka 17 jirrada ah ee ku matalayey qarankeenna Isreebreebka Afrika ee heer gobol ee Bariga iyo Bartamaha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo bahda ciyaaraha dalka ugu hambalyeey hanashada koobkan oo dhabbaha u xaaraya soo noqoshada wacdarihii heer gobol iyo heer qaaradeedba ee Xidagaha Soomaaliya.

DHAMMAAD

Wasiirka warfaafinta XFS Daauud Aweys Jaamac"Waxaan hambalyo u dirayaa Xulka Qaranka Kubadda Cagta ee Soomaaliya oo maan...
15/10/2022

Wasiirka warfaafinta XFS Daauud Aweys Jaamac

"Waxaan hambalyo u dirayaa Xulka Qaranka Kubadda Cagta ee Soomaaliya oo maanta ku guuleystay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Waa guul taariikhi ah oo Soomaali u soo hoyatey markii 1aad.

Waxaan sidoo kale hambalyo u dirayaa Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaalia, tababareyaasha iyo dhammaan hawlwadeennada kooxda oo kaalin muuqata ku lahaa guushan weyn ee maanta ay Soomaaliya gaartey".

Hambalyo Hambalyo Soomaaliya.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KULAN LA QAATAY DHIGGIISA DALKA UGANDAKampala, Oktoobar 10, 2022: Madaxweynaha Jamhu...
10/10/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KULAN LA QAATAY DHIGGIISA DALKA UGANDA

Kampala, Oktoobar 10, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa kala hadlay xasilloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Yoweri Museveni halganka wadajirka ah ee ay wadaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si ay isaga dulqaadaan argagixisada Alshabaab oo caadeysatay gumaadka dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku ah horumarka iyo xasilloonida dhammaan dalalka gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degeen maalintii shalay, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doorka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliyeed guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Museveni ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa oo ka qeyb-galay xuska 60-guurada xornimada dalkiisa, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay safka h**e kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka dalka Uganda.

Mahadsanidiin

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka guddi h...
10/10/2022

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka caddaaladda iyo garsoorka madaxa bannaan oo looga hadlay qaabkii caddaalad iyo garsoor loo gaarsiin lahaa goobaha laga xorreeyey argagixisada.

Kulanka ayaa warbixinno looga dheggaystay hay’adaha ka tirsan tiirka caddaaladda iyo garsoorka. Wasaaradda caddaaladda ayaa soo bandhigtay qorshaha adeeg garsoor oo deg-deg ah loo gaarsiin lahaa deegaanadii dhawaan laga xorreeyey argagixisada Al shabaab.

Sido kale xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa soo bandhigay hannaankii ay uga hawl gali lahaayeen deegaanada laga xorreeyey cadowga, Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqal Insaanka ayaa dhinaceeda soo gudbisay warbixin ku saabsan guddiga xuquuqal insaanka.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Mudane Saalax, ayaa guddi hoosaadka ku adkeeyey fulinta qorshaha Xukuumadda ee deegaannada cadowga laga saaray sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimmka u ah dadka deegaanka isla markaana looga hirgalin lahaa maamul iyo kala danbayn.

09/10/2022

Munaasabad xilka ku lawareegay xogxayaha cusub ee Golaha shacabka.
Cadde Xasan Cali.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD AYAA BOOQASHO UGU BILAABATAY DALKA UGANDAKampala, Oktoobar 8, 2022: Madaxweynaha Jamhuu...
09/10/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD AYAA BOOQASHO UGU BILAABATAY DALKA UGANDA

Kampala, Oktoobar 8, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay booqasho uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab waxa uu la yeelanayaa Madaxda dalkaas, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadooda, iyadoo Soomaaliya ay safka h**e kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degayaan maalmahan, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doworka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Mahadsanidiin

TOOSINTA HABRAACA MAGACAABISTA GUDDIGA GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA IYO GUDDIGA LA-DAGAALANKA MUSUQMAASUQA. Muqdishu, Oktoob...
09/10/2022

TOOSINTA HABRAACA MAGACAABISTA GUDDIGA GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA IYO GUDDIGA LA-DAGAALANKA MUSUQMAASUQA.

Muqdishu, Oktoobar 09, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markuu arkay Qoraalka Sumadiisu tahay XG/504/B-12/021 ee ka soo baxay Aqalka Sare laguna sheegay in Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa aan hawlgelintooda loo marin hannaan Dastuurka iyo xeerarka waafaqsan, ayaa Xeer Madaxweyne ku baabi'iyey Xeerarka Madaxweyne ee kala ah Lr 357 iyo Lr 358 si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha oo ka duulaya ahmiyadda ay labadan guddi u leeyihiin dowlad nimada Soomaaliyeed iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dhismahooda loo maro nidaam waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka dalka ayaa Xukuumadda faray in ay u soo dhisaan labadan guddi si waafaqsan qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee Dastuurka Kumeel-Gaarka ah iyo qodobka 7-aad ee sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo magaacaabista Guddiga Madaxa-Bannaan ee La dagaallanka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in la baabi'iyey dhammaan wixii go'aanno ahaa ee ay gaareen muddadii la howlgeliyey Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa.


Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, Oktoobar 09, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Mahasanidiin

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA XFSMuqdisho, Oktoobar 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyad...
06/10/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA XFS

Muqdisho, Oktoobar 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasilinta deegaannada laga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyadoo dowladdu ay gurmad degdeg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey argagixisada Alshabaab, waxa uuna faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirada in ay mudnaanta koowaad siiyaan ladagaallanka argagixisada caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed, Wasaaradaha oo dhana ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas ka dhan ka ah argagxisada iyo xoreynta deegaannada ay haystaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay uga garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabaddeenna, dowladnimadeenna iyo madaxbannaanida dalkeenna.

DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay er...
05/10/2022

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga gaarka ah ee arrimaha Geeska Africa u qaabilshan Dawladda Finland ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Finland, Mudane Suldaan Siciid Axmed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa wabixin ka dhageystay ergeyga kuna bogaadiyay dadaalka uu ka wado Geeska iyo dowrka Dowladda Finland ee garab istaagga dawladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada nabadaynta, dib u heshiisiinta iyo dhamaystirka dib u eegista dastuurka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ergeyga la wadaagay muhiimadda ay leedahay inay dowrkooda ka qaataan gurmadka abaaraha iyo taakulada dadka tabaalaysan.

Ergeyga ayaa dhankiisa ka mahad celiyay kulanka isagoo xusay in Dawladda Finland ay dhinaceeda dadaal ku bixin doonto qodobada la isla soo qaaday.

04/10/2022

Wasiirka ciyaaraha soomaliya ayaa habalyo udiray xulka qaranka 17 jirada oo maalmo ka hor ka baxay magaalada muqdisho ee caasimada dalka si ay oga qabgalaan koob ka sakaaf oo ah koob laga ciyaaro afrika islamarkaan guul usoo hooyeen qarankooda wasiirka ayaa sidookale bogaadiyay xulka qaranka 17 jirada halkaa ka kasiiwadaan didaal kooda
Hambalyo hambalyo hambalyo
Mahasanidiin

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xalay kulan casho iyo mahadcelin ah kula yeeshay magaalada N...
04/10/2022

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xalay kulan casho iyo mahadcelin ah kula yeeshay magaalada Nairobi xubno sare oo ka socda saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ka taageera horumarka iyo dhaqaalaha.

Kulanka ayaa looga hadlay dadaalada Dowladda Federaalka ee ku aadan dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka ayaa la wadaagay Saaxiibadda Soomaaliya sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya kordhinta dakhliga gudaha, horumarinta Maamulka Maaliyadda Guud iyo nidaamka hufan ee Dowlad Wanaagga.

03/10/2022

Rw soomaliya ayaa cabaareeyay khaxii manta ka dhacay magaalada baladweene ee gobalka hiiran ee maamulka hirshabeele Rw ayaa sidookale ee demokulul ujeediyay

03/10/2022

Qaraxyo ka dhacay magaalada Baladweyne Ee Gobalka Hiiraan.

Qaraxyadaan ayaa qasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac waxa ay ka soo gaaray dad shacab ah oo ay bartilmaameydsadeen Maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabaab Sida uu Warbaahibnta Qaranka u xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

News & media website

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KULAN LA QAATAY DANJIRAHA DOWLADDA INGIRIISKA EE SOOMAALIYA.Muqdisho, Oktoobar, 02,2022:...
02/10/2022

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KULAN LA QAATAY DANJIRAHA DOWLADDA INGIRIISKA EE SOOMAALIYA.

Muqdisho, Oktoobar, 02,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay danjiraha dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Danjiraha Dowladda Ingiriiska ayaa marka h**e Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyaysay geerida taliyihii Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Marxmuum General Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) iyo Nabadoon Cilmi Xagar Guure oo ku shahiiday dagaalka lagula jiro Kooxda khawaariijta ah ee Shabaab,

Danjiraha Kate Foster oo soo hadal qaadday taageerada dowladda Ingiriiska ee ku aadan baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Ingiriiska ay kaalin weyn ka qaadaneyso samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ka jira gobolada Dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay garab istaaga dowladda Ingiriiska ay mar walba u muujineyso shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda,waxaana sidoo kale waxyaabaha ay ka wada hadleen ka mid ah horumarinta Amniga, dhaqaalaha iyo taageerada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KA QAYB GALAY SALAADA JANAASADA TALIYIHII QEYBTA GUUD BOOLIISKA GOBOLKA BANAADIR...
01/10/2022

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KA QAYB GALAY SALAADA JANAASADA TALIYIHII QEYBTA GUUD BOOLIISKA GOBOLKA BANAADIR.

Muqdisho, Oktoobar 01, 2022; Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Masjidka Shuhadada uga qeyb galay salaada jannaasada Alle ha u naxariistee taliyihii Qaybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) oo ku shahiiday dagaalka lagula jiro kooxda khawaariijta ah ee Al-Shabaab.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo uu ka tirsanaa iyo qoyska uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida allaha ha u naxariistee Generaal Farxaan Qaroole waxa uuna Eebe ugu baryay in uu samir iyo iimaan Alle ka siiyo,isagana naxriistiisa jano ka waraabiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro kooxda argagaxisada ah ee Al shabaab uu sii socon doono ilaa iyo inta laga ciribtirayo kooxdan diinta,dalka iyo dadkaba duulaanka ku ah.

01/10/2022

Madaxweeyanaha soomaliya iyo masuuliyiinkale oo kaqabgalay aska taliyiihii geeriyooday

Allah ha u naxariisto Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir S/Guuto Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) ayaa ku shah...
30/09/2022

Allah ha u naxariisto Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir S/Guuto Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) ayaa ku shahiiday hawlgalka cadowga argagixisada ee diinta ku qaraabaneysa looga sifeynayo dalka

Ilaahay ha unaxariistee waxaa ku shahiiday howlgal lagula dagaalamayay khawaarijta saakay 11:30 am S/Guuto Shahiid Farxaan Maxamuud Aadan (Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ee CBS), Howlgalka ayaa Ciidama Amaanku uga sifeynayaleen Argagixisada xuduuda deegaan ee Gobolada Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha hoose.

Waxaan ilaahay u weydiinaynaa naxariistisii jano sareeyaha iyo shuhaadadii la geeriyootay, sidoo kalana inta ku dhaawacantay ilaahay ha u booga dhayo.

Mahasanidiin

WAR-MURTIYEEDKA WADA JIRKA AH EE BOOQAASHADA RASMIGA AH EE MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA EE JAMHUURIY...
30/09/2022

WAR-MURTIYEEDKA WADA JIRKA AH EE BOOQAASHADA RASMIGA AH EE MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA EE JAMHUURIYADDA FEDERAALKA DIMUQRAADIGA AH EE ITOOBIYA

30 September 2022, ADDIS ABABA, ETHIOPIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo labo maalmood ah Booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, kaddib martiqaad uu ka helay Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo laba geesood ah yeeshay.

Intii uu socday wadahadalka labada hoggaamiye waxaa ku wehlinayey masuuliyiin sare oo ka tirsan labada dal, iyagoo isla eegay arrimaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan in la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada, xoojinta dhaqaalaha iyo is-dhexgalka gobolka.

labada hoggaamiye ayaa isla qaatay:

1. In la kobciyo, lana xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab, kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midnimada labada dal.

2. Waxay ku celiyeen go'aankooda ah inay si wax ku ool ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah cadowga ay wadaaageen labada dal ee Argagixisadda iyo Xag-jirnimada, waxa ayna fareen hay’adaha amniga xoojinta iyo tayeynta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya.

3. Labada Hogaamiye waxay bogaadiyeen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Gobollada Soomaaliya, gaar ahaan duulaankii ugu dambeeyay ee ciidamada XDS ay ku qaadeen Al Shabaab.

4. Madaxdu waxay ugu baaqeen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in ay tixgaliyaan codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka in ka badan 30 sano, si loo xaqiijiyo in Ciidamada Soomaaliyeed ay dalkoodaa ka xoreeyaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

5. Waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la wada shaqeeyo, la yareeyo saameynta dibadda iyo faragelinta laga yaabo inay wiiqdo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo dadaalka wadajirka ah ee la dagaalanka argagixisada.

Si taas loo gaaro, waxay ku heshiiyeen in ay yeeshaan wada-tashiyo laba geesood ah oo joogto ah iyo in la iska kaashado golayaasha loo dhan yahay iyo kuwa goboleedba, korna loo qaado danaha guud ee ku salaysan is-xtiraamka labada dhinac iyo madaxbannaanida labada dal.

6. Waxaa la bogaadiyay Ciidamada Difaaca Itoobiya ee sida geesinimada leh ugu huray naftooda nabadda, xasiloonida iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

7. Madaxdu waxay xuseen in labada dal iyo guud ahaan dalalka gobolka ay soo foodsaareen abaaro soo noqnoqday iyo masiibooyin kale oo dabiici ah, kuwaas oo ay keeneen isbeddelka cimilada, khatarna ku ah nolosha dadka deegaanka.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay lama huraan tahay in arrimahan la iska kaashado, loona baahan yahay in la laba jibbaaro dadaallada looga gudbi karo caqabadahaas.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen saaxiibada caalamiga ah in ay sii wadaan taageerada bulshooyinka ay abaartu saameysey.

8. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la kordhiyo deeqaha waxbarasho iyo tababarada ee Itoobiya ay siiso shacabka, shaqaalaha, ciidamada ammaanka iyo hay'adaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9. Labada hoggaamiye waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay balaarininta iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, maalgashiga, Isgaarsiinta, amniga iyo siyaasadda.

10. Madaxdu waxa ay fareen xafiisyada dawladda in ay sameeyaan guddiyada isku dhafka ah ee Wasaaradaha, sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, si looga doodo loona dejiyo tilmaamaha iyo hababka fulinta ee arrimaha danaha labada dhinac.

DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Daah-furay Ololaha Qaran Ee Doorka Dhallinyarada ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta Dalka.Ra’iis...
29/09/2022

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Daah-furay Ololaha Qaran Ee Doorka Dhallinyarada ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku daah-furay ololaha Qaran ee Doorka Dhallinyarada ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta, munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo u xilsaaran jiheynta, abaabulka, iyo ka faa’iideysiga awoodda caabboon ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Qorshahan ayaa halku dheggiisu yahay “dhallinyaradu ha jebiyaan derbiga cabsida” maadaama ay yihiin awood dihan oo haddii si wanaagsan looga faa’iideysto horseedi karta horumar in laga gaaro dabargoynta cadowga.

29/09/2022

Shirka Golaha wasiirada qodabadii kasoo baxay
Adde Hassan Ali

29/09/2022

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre “Waxaan ka tacsiyaynayaa geeridda xaqa ah ee kutimid Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo maanta ku shihiiday dagaal ka dhacay jiidda h**e ee dagaalka ee deegaanka Ceel Qooxle ee gobolka Hiiraan.

Mujaahid Cilmi wuxuu kamid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday gumeysiga iyo dhibaatada ay dadka Soomaaliyeed ku hayso argagixisadu, Wuxuuna astaan iyo halbeeg u yahay jihaadka iyo dabargoynta ka dhanka ah kuwa dadkeenna nabadda iyo xasiloonida u diiday.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu Mujaahid Cilmi ka waraabiyo Jannadiisa midda ugu sareysa.”mahadsanidiin

News & media website

28/09/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO-DHAL AH LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA DALKA ITOOBIYA

Addis-ababa, Sebteembar 28, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa wadahadallo laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Golehiisa Xukuumadda.

Labada Hoggaamiye ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaan la siinayo horumarka iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika, lana sii amba-qaadayo iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya Labada shacab ee dariska ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay duruufaha xiriira ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal, gaar ahaan abaaraha iyo ammaanka, isagoo soo bandhigay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan Soomaali heshiis la ah dariskeeda, dhiirri gelinaysana iskaashiga iyo wax-wada qabsiga, si looga gudbo saboolnimada iyo xasillooni darrada.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa xaqiijiyay in Itoobiya ay diyaar u tahay xoojinta wada shaqeynta kala dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah diiradda u saaray kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida, isagoo adkeeyey muhiimadda dalkiisa ay u leedahay Soomaaliya deggan oo leh dowlad xooggan.

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Madaxweynaha ku weheliyo boqashadan ayaa la yeeshay dhiggooda dalka Itoobiya kulan wadareed lagu lafa-gurayey aayaha xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaan adkeynta amniga iyo danaha ka dhexeeya.

Mahadsanidiin

28/09/2022

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO WADA HADAL KHADKA TELEEFOOKNKA AH LA YEESHAY DHIGIISA DALKA TURKIGA.

Muqdish September 28,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo dhigiisa guddoomiyaha baarlamaanka Dalka Turkiga Mustafa Sentop oo yeeshay wada hadal khadka telfoonka ah ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo dar dargelinta xiriirka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Dalka Turkiga.

Labada mas'uul ayaa waxyaabaha isla soo hadal qaadeen inta wada hadalkoodu uu socday waxaa ka mid ah xiriirka labada dal, arrimaha gobolka iyo caalamka,waxaana ay ku balameen in la adkeeyo xiriirka labada wadan ee walaalaha ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (madoobe iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Turkiga Mustafa Sentop ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta shaqada guddiga saaxibtinimada baarlamaanada labada wadan.
Mahadsanidiin

News & media website

28/09/2022

Rw kuxegeenka soo maaliya ayaa daah furay shirka hormarinta arimaha bulshada

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cadde Xasan Cali. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share