Gollaha Danta Somalida CSC

  • Home
  • Gollaha Danta Somalida CSC

Gollaha Danta Somalida CSC Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Gollaha Danta Somalida CSC, Media, .

15/09/2022
ህዳር 21፣ 2014 አስቸኳይ ጋዜጣዊ መግለጫ የሶማሌ ጉዳይ ኮንግረስ (ሶ.ጉ.ኮ) መግለጫየዛሬ 67 ዓመታት ህዳር 29፣ 1954 (እኤአ) የእንግሊዝ መንግስት የመጨረሻዎቹን የሶማሊ ክልል መሬ...
01/12/2021

ህዳር 21፣ 2014

አስቸኳይ ጋዜጣዊ መግለጫ

የሶማሌ ጉዳይ ኮንግረስ (ሶ.ጉ.ኮ) መግለጫ

የዛሬ 67 ዓመታት ህዳር 29፣ 1954 (እኤአ) የእንግሊዝ መንግስት የመጨረሻዎቹን የሶማሊ ክልል መሬቶች የሶማሊን ህዝብ ሳያማክር ህገ ወጥ በሆነ ምስጢራዊ ስምምነት ለኢትዮጵያ መንግስት ማስተላለፉ ይታወሳል። ይህ የታሪክ ክስተት የሶማሊ ህዝብ ለብዙ ዓመታት በቅኝ ተገዥነት ቀንበር ውስጥ እንዲወድቅ የተደረገበት አሳማሚ ቀን ሆኖ ይዘከራል፡፡
እኛ የሶማሊ ጉዳይ ኮንግረስ (ሶ.ጉ.ኮ)መስራች አባላት፣ በዛሬዋ ታርካዊ ዕለት ለሶማሊ ክልል ፖለቲካዊ፣ ማህበራዊ እና ኢኮኖሚያዊ ደህንነት የበኩሉን አስተዋጽኦ ለማድረግ ያለመ የሶማሊ ክልል ንቅናቄ መጀመሩን በታላቅ ደስታ እናበስራለን። የእኛ ተልዕኮ ሰፊ መሰረት ያለው የሶማሊ ቡድን በማደራጀት ህብረተሰባችን የነጻነት፣ የኮንፌዴሬሽን ወይም የራስን ዕድል በራስ የመወሰን መብት ስምምነት ላይ የሚደርስበትን የሽግግር ወቅት ማዘጋጀት ነው።

የሶማሊ ጉዳይ ኮንግረስ (ሶ.ጉ.ኮ)ምስረታ ድንገት የተፈጠረ ጉዳይ ሳይሆን ሂደቱ ለዓመት የዘለቀ፣ የበርካታ ድርጅቶች ማለትም የሶማሊ አመራር ለጋራ ጉዳይ (SLCC)፣ ሴቭ ሶማሊ ስቴት ግሎባል ኮንግረስ (SSSGC)፣ ሶማሊ ዓለም አቀፍ ኮንግረስ (SWC)፣ የሶማሊ ብሄራዊ ኮንግረስ (SNC) እንዲሁም የሌሎች ታዋቂ የሶማሊ ምሁራን ውይይትና ምክክር ውጤት ነው፡፡ በአፍሪካ ቀንድ የሚኖሩ ሶማሊዎች በምንም አይነት የፖለቲካ አቋም እና መልክዓ ምድራዊ አቀማመጦች ሳይገደቡ፣ ወደ አንድ የሶማሊ ግንባርን ለማምጣት የሚተጋው፣ የአፍሪካ ቀንድ የፖሊሲ ማዕከል (HAPC) አብዛኛውን የውይይትና የምክክር መድረክ በማዘጋጅት ትልቅ አስተዋጽኦ አበርክቷል፡፡
በአሁኑ ወቅት ኢትዮጵያ እንደሃገር አጠቃላይ ህልውናዋ አደጋ ላይ በወደቀበት አሳሳቢ ደረጃ ላይ ደርሳለች፡፡ ይህን ወቅታዊ ሁኔታ ያላገናዘበው አለማስተዋል የሚታይበት የክልሉ መንግስት፣ ህዝቡን ከሚመጣው አደጋና ከተጋረጠበት የድርቅ ችግር ከመታደግ ይልቅ፣ ሀብትና ንብረት በማሸሽ፣ “እኔ ከሞትኩ ሰርዶ አይብቀል” ከሚል ግብዝ ሃሳብ በመነሳት በሶማሊ ጎሳዎች መካከል ግጭቶች እንዲቀሰቀሱና ህዝቡ ደም እንዲቃባ ለማድረግ ሌት ከቀን እየሰራ ይገኛል፡፡

በክልሉ ህዝብ ዘንድ እንዲሁም በሀገር አቀፍና በዓለም አቀፍ ደረጃ ተዓማኒነቱን ያጣው የክልሉ አስተዳደር የራሱን ጥቅም ለማስጠበቅ ሲል ብቻ የሶማሊን ህዝብ ደህንነትና ጸጥታ ስጋት ላይ እንዲወድቅ እያደረገ ይገኛል። በመሆኑም በህዝባችን ላይ የተጋረጠውን አስከፊ አደጋ ለመቀልበስና የህዝባችንን የወደፊት እጣ ፈንታ በተደላደለ፣ አስተማማኝ ቁመና ላይ ለማኖር ዛሬ ነገ ሳንል ሁለንተናዊ ሁኔታውን በጥልቀትና በብስለት በመገምገም አስፈላጊውን ስራ መስራት ሀላፊነቱ በጫንቃችን ላይ ወድቋል፡፡

የጠ/ሚ አብይ አህመድ ወደስልጣን መምጣት ታላቅ ተስፋ አሳድሮ እንደነበር እሙን ነው፡፡ ኾኖም ግን ጠ/ሚኒስትሩ ይህን ታላቅ ዕድል፣ በሀገሪቱ የሚገኙ ሕዝቦች ወደ ዲሞክራሲ የሚያደርጉትን ትልምና ጉዞ ለማሳለጥ ከመጠቀም ይልቅ የግልና የተወሰነን ቡድን ህልምና ጥቅም ለማሳካት ሲባል ብቻ ፍጹም በተሳሳተ መንገድ አገሪቱ ወደ አዘቅት እንድትወርድ አልፎ ተርፎም የርስ በርስ ጦርነት እንዲቀሰቀስና መላውን የሀገሪቱ ህዝብ ህልቆ መሳፍርት ለሌለው መከራና ስቃይ በመዳረግ የተሰጠውን ታላቅ ዕድል መና አስቀርቶታል፡፡

እንደ አለመታደል ሆኖ ጠ/ሚ አብይ አህመድ የኦሮሞ፣ የሶማሊ፣ የአፋር፣ የትግራይ፣ የሲዳማ፣ የወላይታ፣የቅማንት፣ የቤኒሻንጉል-ጉሙዝ፣ ጋምቤላ፣ የሀረሪ፣የጉራጌ፣የስልጤ እና ሌሎች ህዝቦች ዋጋ የከፈሉበትን የራስን ዕድል በራስ የመወሰን መብትን ከማክበርና ከማስከበር ይልቅ አገሪቱ የአንድ-አይነትነትና የጠቅላይ ገዥነት አስተሳሰብ፣ ርዕዮት ባላቸው አድሃሪያን ኃይሎች እጅ እንድትወድቅ አድርገዋል፡፡ በዚህም የተነሳ በኦሮሚያ፣ በትግራይ ፣በቤኒሻንጉል-ጉሙዝ፣እና በቅማንት ህዝቦች ላይ ግልጽና ከዓመት በላይ የዘለቀ ጦርነት ታውጆባቸዋል፡፡

ዛሬ ላይ የአብዛኛው የኢትዮጵያ ብሄር ብሄረሰቦችና ህዝቦች መሰረታዊ ጥያቄ የስልጣን ክፍፍል ሳይሆን ዘለቄታዊ ደህንነታቸውንና ጥቅማቸውን ሊያስጠብቅላቸው የሚችል፣በተግባር ተፈጻሚ የሚሆን ውጤታማ የፌደራሊዝም ስርዓት ወይም ኮንፌዴሬሽን እንዴት መመስረት እንችላለን የሚል ነው።

የሶማሊ ጉዳይ ኮንግረስ (ሶ.ጉ.ኮ)የኢትዮጵያ ብሄር፣ ብሄረሰቦች እና ህዝቦች ከተጫነባቸው የባርነት ቀንበር ለመላቀቅ በሚያደርጉት የውይይትና የምክክር መድረኮች ሁሉ ለመሳተፍ እንዲሁም የትግል አጋር ለመሆን ዝግጁ መሆናችንን ለመግለጽ እንወዳለን፡፡
በአንድ ብሄር፣ ሃይማኖት እና ቋንቋ የበላይነት ላይ የተመሰረተ ያለፈውን እንዲሁም አዲስ ውልድ የጠቅላይ ገዥነት ሥርዓት ለመመለስ የሚደረገውን የሴራ ፓለቲካ አጥብቀን እንቃወማለን።

ህዝባችንን ከተጫነበት ታሪካዊ ተገዥነት ለማላቀቅ እና አሁን ባለው ህሊና-ቢስ አመራር ከተቀነባበረበት አይቀሬ ግጭት ለመታደግ ከምንም በላይ ጥረታችን አስፈላጊ ሆኖ በተገኘበት የጸጥታ፣ የሰብዓዊ እርዳታ ስራ፣ የመልካም አስተዳደር እና የመሪነት ሚናችንን ለመወጣት እንዲሁም የልማት ፍላጎቶችን ለማሳካት ተግተን እንሰራለን፡፡

የሶማሊ ጉዳይ ኮንግረስ (ሶ.ጉ.ኮ)

AAS-AASKA GOLAHA DANTA SOOMAALIDA (GDS)       November 30, 2021        WAR-SAXAAFADEED            somalicause.org       ...
30/11/2021

AAS-AASKA GOLAHA DANTA SOOMAALIDA (GDS)

November 30, 2021

WAR-SAXAAFADEED

somalicause.org

For Immediate Release

twitter.com/somalicause

Dadaalo socday in ka badan hal sano oo looga arrinsanayay sidii loo jiheyn lahaa xoogaga siyaasadda dawlad-deegaanka ayaa ku soo gaba gaboobay yagleelidda Golaha Danta Soomaaliyeed. Golahan oo ka kooban ururo siyaasadeed, aqoonyahano, iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa soo saaray warbixintan hoos ku qoran.

AAS-AASKA GOLAHA DANTA SOOMAALIDA (GDS)

Maanta oo kale 67 sano ka hor (Nofember 29, 1954), waxay boqortooyadii Ingirissku, iyadoon ka talo galin dadka degaanka, ku wareejisay talada dadka iyo degaankaba Itoobiya. Sidaas darteed, annaga oo ah aasaaseyaasha Golaha Danta Soomaalida (GDS), waxa aanu daah-furaynaa dhaqdhaqaaq ballaadhan oo ka hir gala dhammaan Deegaanka Soomaalida ujeeddadiisuna tahay toosinta, qabyo-tirka iyo hagaajinta hab-socodka siyaasadeed, kan bulsho iyo kan dhaqan-dhaqaale ee deegaanka. Hadafkyagu waa in aanu abaabulno gole-weyne bulshadeenna u diyaariya xaaladda kala-guurka ah, si is-fahan iyo midnimo looga yeesho xuquuqda madax-bannaanida, fadaraalka ama aayo-ka-tashi.

Daah-furkani wuxuu soo gunaanadayaa doodo iyo dadaallo muddo sannad ah u socday ururro, dhaqaaqyo siyaasadeed iyo fagaarayaal fikir iyo aqoon is waydaarsi sida Madasha Hogaaminta Danta Guud, Gollaha Bad-baadada Deegaanka Soomaalida, Gollaha Midowga Soomaaliyeed, Gollaha Qowmiyadda Soomaalida iyo sidoo kale indheer-garad iyo aqoonyahano kale oo Soomaaliyeed. Qaar ka mid ah doodahaas iyo fagaarayaashaas aqoon is-weydaarsi waxaa soo qaban-qaabisay Xarunta Siyaasadda Geeska Afrika oo ku dedaasha isu keenidda afkaaraha siyaasadeed ee Soomaalida taasoo lagu salaynayo mabaadi’da isku xidha qawmiyadda Soomaalida, iyadoon loo eegin kala duwanaanshaha aragtiyaha siyaasadeed iyo deegan toona.

Hadaba, annagoo ogsoon xaqiiqada dhabta ah iyo xaaladda halista ah ee ay Itoobiya haatan ku sugan tahay, waxaa lagama maarmaan noqotay in qiimayn dhab ah iyo wada tashi qoto dheer laga yeesho mustaqbalka dadka iyo kan degaankaba. Waxaa sidoo kale iyadna muuqata in Maamulka Dawladda Deegaanka Soomaalida ee hadda jira uu yahay mid ku jaahwareeray islamarkaana ku ilduufay qalalaasaha amni iyo siyaasadeed ee Itoobiya ka jira iyo khatarta kaga soo wajahan dadka iyo deegaakaba

Run ahaantii, wuxuu maamulku si guud ugu fashilmay xaqiijinta danaha guud ee shacabka Degaanka Soomalida haddii ay tahay mid siyaasadeed, saami qaybsiga qaran, xuquuqda aayo ka tashi iyo midda ismaamulba. Waxaa mudan in laga murugoodo sida ay xukuumaddu isaga indho-tiray abaaraha baahsan ee ragaadiyey Degaanka. Xilligan adag waxay ma’uuliyiinta Degaanku ku mashquulsanyihiin shirar iyo banaanbaxyo lagu taageerayo xukuumad iyo xisbi masiirkii ummadda Soomaaliyeed iyo kuwa qowmiyadaha kale ba mugdi galisay.

Kala duwanaanshaha aragtiyeed iyo damac ee u dhexeeya xoogagga siyaasadeed ee doonaya dawlad dhexe oo talada maroorsata iyo xoogagga muddada dheer ku taamayay xaqiijinta aayo-katashi ee qowmiyaduhu usoo halgamayeen muddada dheer ayaa sabab u ah dagaallada lagu hoobtey ee ka socda Degannada Tigree iyo Oromada. Nasiib-darro, RW Abiy Ahmed wuxuu dayacay hammigii ay damicii qawmiyadaha muddada dheer la cabbudhinayey sida Soomaalida, Oromada, Canfarta, Sidaamada, Qimantiga, Benishangul-Gumus, Gambella iyo kuwo kale oo badan. Xukuumadda Ra’isul Wasaare Abiy Axmed iyo Xisbiga Barwaaqo ee uu hoggamiyaba waxay si badheedh ah ula safteen xoogagga Boqortooyo doonka ah iyo kuwa wali milicsanaya dawlad dhexe oo ku takri fasha awoodaha iyo xuquuqaha rabbaniga iyo dastuuriga ah ee shucuubaha iyo degaannada. Inta badan qawmiyadaha Itoobiya ee qarniyada la soo cabudhinayay rabitaankooda aasaasiga ah ee maanta ma aha, waligeedna ma ayna noqon, in nidaamka dawladnimada dib loogu soo celiyo dawlad dhexe oo awood ku tagri fal ku sifowda, sida ay dadka qaarkii ku andacoonayaan, laakiin waxa ay tahay sidii loo heli hanaan fadaraal wax ku ool ah, iyada oo islmarkaana la xaqiijinayo xaquuqaha aas aasiga ah ee aayo-ka-tashi ilaa gooni isu taag.

GDS wuxuu si dhab ah uga soo horjeedaa dhammaan aragtiyaha, mabaadi’da iyo hannaan kasta oo siyaasadeed salkana ku haya sarraynta hal qomiyad, diin iyo luuqad. Sidaa darteed, Golaha Danta Soomaalida (GDS) waxa uu diyaar u yahay xaqiijinta madaxbanaanida iyo ka midha dhalinta xuquuqaha rabbaaniga iyo kuwa dastuuriga ah ee aayo ka tashi iyo is-maamul dhab ah iyaga oo kaashanaya qowmiyadaha iyo shucuubaha kale ee Itoobiya ee ay dan wadaagta yihiin.

***DHAMAAD

24/11/2021

Miiska ayaynu hada fadhinaa. Ha la taageero xukuumada cusub. Waan idin la joognaa marka gaashaanbuurtu Addis-ababa soo gaadhaan.

20/11/2021
22/09/2021

SOMALI PEOPLE LIBERATION FRONT (SPLF)

17/09/2021
17/09/2021
17/09/2021
Caawa waxaan gaadhnay Addis-Ababa. Jabhada ONLF aad baan ugu mahad celinaynaa hirgalinta hawlaha shaqo iyo fulinta qorsh...
06/08/2021

Caawa waxaan gaadhnay Addis-Ababa. Jabhada ONLF aad baan ugu mahad celinaynaa hirgalinta hawlaha shaqo iyo fulinta qorshayaasha aan ka wada socono.

Jabhada Wadaniga Xoraynta OgadeniyaWarmurtiyeed.Gudiga Fulinta Jwxo Shir aan Caadi ahaynAddis Ababa 4-6 Augost 2021Guddi...
06/08/2021

Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya
Warmurtiyeed.
Gudiga Fulinta Jwxo Shir aan Caadi ahayn
Addis Ababa 4-6 Augost 2021

Guddiga Fulinta (GF) JWXO wuxuu Addis Abab ku qabtay Shir aan caadi ahayn, Bishii August 4-6 2021. GF Wuxuu qiimeeyay guulaha iyo caqabadaha JWXO ay la kulantay Laga soo bilaabo xiligii Isbadalka iyo heshiiskii ay la gasahay Ethiopia. Waxaa kaloo GF qiimeeyay xaalada maanta ee Ethiopia, Dowlad Degaanka Somaliyeed iyo Geeska Afrika

Gudiga fulintu Kadib:

Markuu dhagaystay warbixinada Gudoomiyaha, Hogaamada iyo Guddiyada Gaarka ah kana baaraan dagay ajandihii la soo hor dhigay

Markuu qiimeeyey guulihii iyo xanibaadihii JWXO ay la kulantay heshiiskii kadib

Markuu eegay siday u fuleen qodobadii Heshiiska JWXO iyo Dowladda Federalka (DF)

Markuu falanqeeyay xaalada kajirta maanta Ethiopia, DDS iyo Geeska Africa

GF Wuxuu cadaynayaa dibna u adkaynayaa sii wadidda go’aankii istiraatiijiga ahaa ee ONLF gaadhay ee ahaa in si nabadgalyo ah Xaqa Shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo inkastoo ay jiraan xanibaado kaga imaanaya Ethiopia iyo Geeskaba

GF Wuxuu si bogaadin ku dheehan tahay u xusayaa guusha JWXO iyo Shacabka Somaliyeed ay ka soo hoyeen hirgalinta nabadda iyo xasiloonida Degaanka Soomlaiyeed, ayadoo dhammaan saamilayda degaanka ay midhaheedii heshiiska ay kawada faa’iideen

GF Wuxuu welwel ka muujinayaa sida Dowlada Faderalka iyo Dowlad Deegaanka Soomaaliyeed ay si buuxda ugu fulin waayay qodobadii heshiiska ee ay ONLF iyo Dowladda Itoobiya wada gaadheen. Qodobadaas oy ka mid ahayd abuuridda guddiyo wadajir ah oo xal u raadiya xididdaha khilaafka soo jireenka ah ee salka u ah dagaalada muddada dheer Somali iyo Itoobiya soo dhexmari jiray, arrimahii dib-u-dejinta dagaalyahanadii JWXO iyo Agoontoodii, iyo ka horjoogsiga in JWXO ay siyaasadaheeda si xor ah u fushato, in kasto JWXO ay si buuxda dhinaceeda u fulisay heshiisyadii ay la gashaydowladda Itoobiya. Hase yeeshe, JWXO waxay aaminsan tahay in heshiiskii uu ahaa talaabo wax ku ool ah, ayna sii xurmayn doonto

GF Wuxuu xusayaa, in shacabka Somaliyeed eed Degaanka si qorshaysan ay ugu gaysteen xad-gudubyo siyaasadeed, dhaqaale iyo gumaad aan loo aaba yeelin dowladihii Itoobiya soo xukumay ee kala duwanaa, gaar ahaan Dowladii ay EPRDF hogaaminaysay, taas oo keentay burbur, gumaad, horumar la’aaan iyo in dadka Somaliyeed laga takooro dhinac walba soddonkii sano ee u dambeeyayna ay ugu sii darnayd.

GF Wuxuu qirayaa in dowladda maanta ka talisa Itoobiya ay isbadal togan ka sameeyeen degaanka ayadoo ay joojiyeen gafafkii xuquuqda bani-aadmi ee loo gaysanayay dadka Somaliyeed, siidayntii maxaabiista, iyo joojintiin xukunkii aragagixisanimo, in kasto weli ay dadka Somaliyeed sugayaan in loo soo celiyo xuquuqdoodii ismaamul dhab ah

GF Wuxuu filayay in heshiisku markuu dhacay ay dowladda Federal iyo hayadaha caalamku ay ka hirgalin doonaan Dowlad degaanka Somaliyeed barnaamij balaadhan oo dib u dhis iyo dib u dejin ah si ay uga soo kabtaan burburkii dagaalka ee naf iyo maalba lahaa. Sidaas daraadeed wuxuu ka xun yahay sida ula kaca ah ee la isaga dhagatiray codsiyadii JWXO ee arrimahaas kunsaabsanaa. Hadaba, JWXO waxay mar kale ugu baaqaysaa qolyahaas in cabashooyinkaas ay talaabada ku habboon ka qaadaan.

GF Isagoo maanka ku haya dhaqanka Siyaasadeed ee Itoobiya ah in ismaandhaafka Siyaasadeed lagu xaliyo dhiig la daadiyo, taas ay ka dhalatay dagaalo aan dhammaan oo socday in ka badan qarni

GF isagoo ka welwelsan xaaladda itoobiya ee sii murgaysa ee ka dhalatay dagaalada iyo colaada u dhaxeeysa qowmiyadaha Itoobiya

GF isagoo ka tiiraanyaysan dagaalada u dhaxeeya Somalida iyo Cafarta, si adagna u cambaaraynayaa xasuuqa shacabka iyo adeegsiga xoogga dowladaha, waxay JWXO si gaar ah u cambaaraynasaa xasuuqa shacabka Somaliyeed loogu gaystay iyagoo ku sugan goob dowladda Federalka gacanta ku hayso ee gobolka Sitti. Sidaas daraadeed waxay JWXO ku baaqaysaa in guddi dhexdhexaad oo xaqiiqo raadis ah goobtaas loo diro oo soo baara dambiyada shacabka loo gaystay

GF wuxuu ku baaqayaa in dhammaan qaybaha uu ka dhaxeeyo dagaalada ka dhacaya Itoobiya ay xabad joojin deg deg ah oo bilaa shuruud ah sameeyaa, khilaafaadkana lagu xaliyo nabadgalyo.Sidoo kale JWXO waxay ugu baaqaysaan beesha caalmaka inay u fidiyaan qayb aha dagalamaya gogol dhex dhexaadin oo caadil ah oo horseedi karta in xal la gaadho.

GF wuxuu sido kale ku baaqayaa qabashada wadaxaajood guud oo ay kawada qayb galaan dhammaan qowmiyadaha iyo saamilayda kale six al waara looga gaadho colaadaha joogtada ah ee Itoobiya kadhaxeeyay oo ay ku xargagsan tahay dhaqanka khilaaf aan dhamman iyo xukumo keli talis. Xalka ka dhasha wadaxaajoodkaas wuxuu hordseedii karaa nidaam cusub oo dowladeed, waa cusub oo nabadeed, dimuqraadiyad dhab ah iyo iyadoo la xurmeeyo xuquuqaha qowmiyayada iyo muwaadiniinta

GF wuxuu Adkaynayaa mowqifkiisa mabdi’iga ah ee ah in dhamman qowmiyadaha Itoobiya ay xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan, inay yeeshaan ismaamul xoogan oo madax-banaan. Kaas oy dadal badan iyo dhiig badan u daadiyeen sidii loo heli lahaa. Sidoo kale xuquuqaha waxaa la socda waajibaad ay ka mid tahay in qowmiyaduhuna ilaaliyaan dadyowga laga tirade badan yahay ee ismaamulkooda ku hoos nool.

GF wuxuu sidoo kale adkaynayaa in shacabka Somaliyeed ay yihiin saamilay muhiim ka ah Itoobiya, ayna ciyaari doonaan dowr wax ku ool and qayb libaax kla qaadan doonaan qaabka wax loo dhisayo mustaqbal ee dalka itoobiya iyo Geeska Afrikaba.

GF Wuxuu ugu baaqayaa shacabka Somaliyeed ee Soomalia inay si nabadgalyo ah u xalistaan khilaafaadkooda, dagaalada kooxeedna joojiyaan oy dalkooda iyo dowladooda dib u dhistaan

Haddaba guddiga fulinta asagoo tixgalinaya xaaladaha ka aloosan Itoobiya iyo Geeska Afrika, wuxuu go’aamiyay :
1. In la xoojiyo midnimada iyo waxqabadka ururka iyo taageerayaashiisaa
2. In la abbabulo ayadoo saamilayda Somaliyeed ee kala duwan lala kaashanayo Shirwayne Tashi Qaran si loo helo mowqif Somaliyeed oo midaysan, loona xoojiyo midnimadooda iyo diyaarsanaantooda
3. In la xoojiyo Dadaalka JWXO ee diplomasiyadda iyo u doodista xaqa shacabka Somaliyeed
4. In lagu dadaalo sidii loo abuuri lahaa wadiiqooyinka lagu xaliyo khilaafaadka u dhexeeya dadka Somaliyeed ioyo darisyadooda si nabad loogu soo dabaalo goobaha la isku hayo
5. In la xoojiyo xidhiidhada JWXO iyo Xisbiyada iyo Ururada Bulshada ee Itoobiya ka jira
Ugu dambayn, JWXO waxay qabta himilo ah in la helo Geeska Afrika oo ah nabad,dadyooguna ku nool yihiin barwaaqo, horumar iyo iskaashi u wada dan ah. Sidaas daraadeed, JWXO waxay ugu baaqaysaa dhamman qaybaha ka jira Geeska Afrika inay badalaan dhaqan isnacaybka iyo gacan ka hadalka, abuuraanna nidaamyo cusub oo horsed kuwada noolaasho si nabad galyo ah

Mintid Midnimo Isku-tashi A llahu Akbar

05/08/2021
08/07/2021

Kan xune bidaarta leh bay aheyd in jidkaa la mariyo.

05/07/2021
04/07/2021

Hurre Abdi Adar Wuu Siiyay Jawaab Ku filan Kusimaha Haduu Dhago Wax maqla leeyahay.

Wariye Xarrago

01/07/2021
22/06/2021
22/06/2021
22/06/2021
22/06/2021
22/06/2021
22/06/2021
22/06/2021
22/06/2021
22/06/2021
22/06/2021

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gollaha Danta Somalida CSC posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share