Dhago Dameeraad

  • Home
  • Dhago Dameeraad

Dhago Dameeraad Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dhago Dameeraad, Media/News Company, .

01/04/2022
26/01/2022
20/01/2022

Caawa iyo Ethiopia.
- Ergayga cusub ee Maraykanka ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Abiy Ahmed. Ergayga iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee Afrika ayaa ra'isulwasaraha lasoo qaadi doono sidii colaada waqooyiga loo joojin lahaa, gargaarka loo dardar galin lahaa iyo in xal siyaasi ah oo waaro la helo. Wafdiga Washington ayaa, sidoo kale, diirada saari doona sidii loo kabi lahaa xidhiidhka 2da wadan oo halkii u hoosaysay gaadhay. Xidhiidhka ayaa u muuqda inuu kasoo raynayo tan iyo markii Biden uu lasoo hadlay Abiy Ahmed.
- Hawaynayda Britain u ah wasiirka Afrika, Vicky Ford, ayaa maanta la kulantay ra'isulwasaraha Ethiopia. Waxay sheegtay inay Ethiopia la wadaagtay walaaca dalkeeda ee colaada waqooyiga iyo sidii xal waara loo heli lahaa. Vicky ayaa xustay in Britain soo dhowaysay maxaabiistii la sii daayay iyo wadaxaajoodka qaran. Waxay intaas ku dartay, inay Abiy lasoo qaaday sidii loo xoojin lahaa iskaashiga 2da wadan.
- Hogaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay in Eritrea tahay dhibaatada Geeska Afrika. Wuxuu xusay in dalkaasi u colaad ka kasbaday wadamada dariska ah oo idil. Wuxuu madaxwaynaha Eritrea ku eedeeyay inuu doonayo inuu saamayn ku yeesho sida loo maamulo Ethiopia iyo guud ahaan Geeska Afrika. Madaxa falaagada ayaa weeraray wax uu ugu yeedhay xulufaysiga Abiy Ahmed, Axmaarada dhul-baaladhsiga wada iyo Eritrea. Wuxuu xusay inuu yahay isbahasay ku dhisan kaliya inla wiiqo ama meesha laga saaro TPLF. Wuxuu soo jeediyay in Eritrea faraha kala baxdo Ethiopia, haddi la doonayo nabad waarta. Debretsion ayaa arrintan ku sheegay qoraal dheer oo usoo bandhigay.
- Qaramada Midoobay ayaa tibaaxday in kaydka raashinka iyo shidaalku ee gobolka Tigreegu aad u hooseeyaan. Warbixin ay maanta OCHA soo saartay ayaa lagu xusay in qaybinta rashinka deeqda ahi marayso meel hoose. Hay'daha QM ayaa rumaysan in gobolka Tigreegu go'doon ku jiro, hasayeeshe dawlada Ethiopia ayaa maanta mar kale arrintaas diiday. Waxaa falaagada TPLF lagu eedeeyay inay wali dagaalo ka wado xadka Tigreega iyo Canfarta halkaas oo uu maro jidka kaliya ee gobolka Tigreega u furan.
- Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada ee Ethiopia, Dina M***i, ayaa sheegay in guddi loo sameeyay qabanqabada shirka wasiirada iyo madaxda Afrika ee Addis Ababa ka dhici doona. Kulamada ayaa dhici doona inta u dhaxaysa 2 ilaa 6 bisha February. Ethiopia ayaa soo dhowaysay go'aanka ururka Midowga Afrika ku gaadhay in shirka Addis Ababa lagu qabto. Xukuumada Abiy Ahmed ayaa arrintan guul u aragta maadama ay meesha ka baxday doodi ahayd in kulanka meel kale loo raro. Waxaa jirtay hadal-hayn ahayd in aan Addis Ababa shirka lagu qaban karin markii colaadu kusoo dhowaatay caasimada. Addis Ababa ayaa ah xaruunta Midowga Afrika.

Xigasho:- Abdulahi Hirad

19/01/2022

Mar San niskii dhaxe
Nin la Gigay ka faashaday
Wuxuu sheegay nuur dhacay
Iyo naaf galbeedsaday

14/01/2022
14/01/2022
Dhago Dameeraad lagugu maqal
16/12/2021

Dhago Dameeraad lagugu maqal

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhago Dameeraad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dhago Dameeraad:

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share