Maan-kaab

Maan-kaab Page-kan waxaan ugu talo galnay inaan kusoo gudbino macluumaadyo laga yaabo inaad h**e u aqoon.

FURSAD AAN KUSOO MARI DOONIN DHALINYARO UNA BAAHAN INAAD KA FAA'IDAYSATO ..... Shirkada BioTech Waxay idiin haysaa fursa...
02/02/2023

FURSAD AAN KUSOO MARI DOONIN DHALINYARO UNA BAAHAN INAAD KA FAA'IDAYSATO ..... Shirkada BioTech Waxay idiin haysaa fursad suuqgeyn oo aad ka helayso lacag fiisan oo aad noloshaada ku maarayso & ta qoyskaaga Haddii aad Danaynayso Halkan igalasoo hadal si aan warbixin u hesho +252634277412/+252656222433.

Afghanistaan Oo Cadaysay Hogaaminteeda iyo qaabka ay isu bedeshay, Dawladaha Maxaa la gudboon hadaba?
16/08/2021

Afghanistaan Oo Cadaysay Hogaaminteeda iyo qaabka ay isu bedeshay, Dawladaha Maxaa la gudboon hadaba?

Daalibaan Oo Ka Hadashay Aragtideeda Ku Aaddan Bixitaanka Iyo Shaqaysiga Dumarka, Xorriyadda Warbaahinta, Xukunka Dhagax Ku Dilista Iyo Jarista Xubnaha Jidhka …
=====

Masuul ka tirsan ururka Daalibaan ayaa caddeeyey in ay qasriga madaxtooyada Afqaanistaan kaga dhawaaqi doonaan Imaarad Islaamiya, kaas oo ah magacii ay Daalibaan 20 sano ka hor u bixisay dalkaas oo ahaa “Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan”

Dhinaca kalana ururku waxa uu fidiyey cafis guud, shaqaalaha dawladda waxa uu ka codsaday in ay sidii caadiga ahayd shaqada u wadaan, safaaradaha shisheeyahana waxa uu ku wargeliyey in ammaankooda la sugayo.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa baahisay war sheegaya in afhayeen ku hadlay magaca Daalibaan uu sheegay in siyaasadda Daalibaan ay ku dhisantahay, in laga tago ciqaabta dilka ah, dhagax ku dilka iyo xubno goynta, iyo in warbaahinta loo ogolaan doonon xorriyad ay ku naqdiyaan cidda ay doonaan, haddii aanay shakhsi weerar samaynayn.

Waxa kale oo uu afhayeenkani xaqiijiyey in dumarka Afqaanistaan loo ogolaan doono in ay kelidood guryahooda ka bixi karaan iyaga oo aan lagu qasbayn muxram, in xuquuqda Haweenka la dhowri doono, iyo in loo ogolaan doono waxbarashada iyo shaqadaba, iyada oo keliya laga rabo in ay xijaab xidhaan.

Haddii siyaasadahan ay Daalibaan dhaqangeliso waxa uu macnaheedu noqonayaa in ay si buuxda u beddeshay aragtiyihii h**e ee ay dalkaas ku dhaqaysay 20 sano ka hor, intii aanay Maraykanka iyo xulafadiisu xukunka ka tuurin.

03/07/2021

SIIRADA NABIGA ﷺ
QEYBTII 1️⃣ AAD
NASABKII RASUULKA SCW

Sida la wada ogsoon yahay nasabka Rasuulka SCW ama abtirisiinyihiisu wuxuu galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu dhalay nabi Ibraahim. Abtirsiinyada nabiga SCW waxay u qaybsantaa saddex qaybood: Qaybta u hooreysa marka nabiga SCW laga soo bilaabo waxay ku eg tahay ilaa Cadnaa, waana qayb culimada islaamka oo dhan ay isku waafaqsan tahay isla markaasna la hubo sixadeeda; Qaybta labaad oo iyaduna ka bilaabato Cadnaan waxay ku eg tahay ilaa nabi Ismaaciil, hase yeeshee waa qayb ay culimadu isku khilaafsan tahay sixadeeda in badan oo culimada ka mid ihina way ka gaabsadaan, qaar kalena way ka hadlaan; Qaybta saddexaad oo ka bilaabata nabi Ismaaciil ilaa laga gaaro nabi Aadan aad ayaay u adag tahay xaqiijinteeda iyo sixadeeda waxana wanaagsan in laga dhowrsada oo aan la dhex dabaalan.
Waxaan markaa soo qaadaneynaa qaybta ugu horreysa ee ay culimada islaamku isku waafaqsan yihiin dhabnimadeeda hadday noqon lahaayeen kuwii h**e iyo kuwii dambeba, waxaana weeye sidatan:
Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaa.
Rasuulka SCW jilibkiisa waxaa la oran jirey reer binu Haashim, waxaana loogu magac daray awoowgiisii labaad, Haashim binu Cabdimanaaf. Haashim wuxuu ahaa nin ka sheegganaa reer Makka, wuxuu waraabin jirey xujeyda oo uu aabbihiis Cabdimanaaf ka dhaxlay, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey labadii safar ee suuratul Quraysh sheegtay oo ay qurayshtu u kala safri jirtay Shaam iyo Yamaan.
Haashim Wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa: Asad, Abu Seyfi, Nadla' iyo Cabdimudhalib iyo shan gabdhood oo kala ahaa: Sharaf, Khaalida, Daciifa, Ruqiya iyo Junna. Waxaa sagaalkooda ugu yaraa Cabdimudhalib oo ahaa nibiga SCW awowgiis.
Cabdimudhalib siduu ku dhashay waxay ahayd aabbi

Garasho wacanaa...Wuxu aduun lahaa hal gaadhi wuxu gartay maadaama uu guulaystay inuu iibiyo gaadhigiisii uu watay dadki...
07/06/2021

Garasho wacanaa...

Wuxu aduun lahaa hal gaadhi wuxu gartay maadaama uu guulaystay inuu iibiyo gaadhigiisii uu watay dadkii u halgamay ee naf iyo maalba u huray inuu u qaybiyo wixii laga siistay .

Barkhad Batuun

03/06/2021

Waxaanu Bilaabi Doonaa Vocabulary English And their Meaning .

Gabar ka mid ah gabdhaha sharafta badan ee Soomaaliyeed iyo sawir laga qaadey sannadihii 1970-meyadii.
29/05/2021

Gabar ka mid ah gabdhaha sharafta badan ee Soomaaliyeed iyo sawir laga qaadey sannadihii 1970-meyadii.

Ka faa'idaysi wacan.
26/11/2020

Ka faa'idaysi wacan.

Marka Adigoo libaaxa, Ay kuugu yeedho baby😂
30/09/2020

Marka Adigoo libaaxa, Ay kuugu yeedho baby😂

29/09/2020

Inshallah waxaan wadaagi doonaa waxyaabo badan oo muhiim ah ee ila socda, wadajirkeenu waa muhiim.

Address


Telephone

+252659108523

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maan-kaab posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Maan-kaab:

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share