Dalxiis News

Dalxiis News Balanteenu Waa Warar Sugan iyo Barnaamijyo Faa'ido-leh

Ugaaska Guud  ee Hj . Cabdilaahi farax mataan .
07/10/2023

Ugaaska Guud ee Hj . Cabdilaahi farax mataan .

Talo yaqan aan tabta siyasada   hareer Marin Toosiye aan taladisu guldaraysanTab yaqan xelad dheer oo hiladiya hal abuur...
14/09/2023

Talo yaqan aan tabta siyasada hareer Marin
Toosiye aan taladisu guldaraysan
Tab yaqan xelad dheer oo hiladiya hal abuur cusub Wa hogamiye buuxa hala ogado Aayatullah cali Baqdaadi

09/09/2023

Argagixisiidii laasacood qabsatay ee m.muuse 8 bilood dul fadhiyey maalin walba maxaabiistii ciidanka ayay qayb shiishka ku bartaan oo laayaan.

Gunimo dagaalan noocan ah wali aduunka kumaynaan arag.

Somaliland waxa la gudboon maadamo maxaabiistiina inteeda badan la laayey oo 4 qof tusaale ah ay kasoo reebeen waa in degdeg duulaan loo qaadaa hadii kale jaanis baad siisay ay k**i xoogaystaan.

Hubka Casriga ah Ee Jamuuriyadda Barakaysan Ee Somaliland Ay Dekeda Berbera Kala Soo DegtayCabsi Cabsi !
01/09/2023

Hubka Casriga ah Ee Jamuuriyadda Barakaysan Ee Somaliland Ay Dekeda Berbera Kala Soo Degtay

Cabsi Cabsi !

Waxa qoray Gudoomiye Ali ibraahim Baqdaadi TAAGEERO GO’AAMADA BEESHA HJ .                Go’aamada Beesha HJ , waa go’aa...
28/08/2023

Waxa qoray Gudoomiye Ali ibraahim Baqdaadi

TAAGEERO GO’AAMADA BEESHA HJ . Go’aamada Beesha HJ , waa go’aano gadhaadh oo aan dhinacna ka farxin . Laakinse waa xal dhexe ( Middle Solution ) , waana badbaado qaran . Hadaba , ayadoo la eegaayo duruufaha adag ee dalku ku jiro , waxa waajib ah inay aqbalaan dhamaan darafyadda ay khusaysaa , bulshada Reer SLaandna way inay taageero wayn u muujiyaan . Sida sunta haloo cabo , muranka siyaasadeed iyo jabhadaynta waa in lasoo afjaro.

(ند عوا من الله الامن و الا يمان . )

Xildhibaan qaranka jiida h**e gaadhay Taariikhda xusi doonta geesiyaal qaran ❤️🙏
27/08/2023

Xildhibaan qaranka jiida h**e gaadhay Taariikhda xusi doonta geesiyaal qaran ❤️🙏

Wasiir cali xoor xoor Waa nin soomaalilanda dhan isku wadi karaya shacabka jamuuriyada soomaalilanda baal Dahab ugu jiro...
27/08/2023

Wasiir cali xoor xoor Waa nin soomaalilanda dhan isku wadi karaya shacabka jamuuriyada soomaalilanda baal Dahab ugu jiro waxa maanta qaaday taalbo ay reer soomaalilanda jeclaysyeen raashinka ciidamada qarnak isaga bixiyey keenay jiida h**e geesi qaran

Xafladda soo dhowaynta iyo taageerida gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee haweenka gobolka togdheer.
24/08/2023

Xafladda soo dhowaynta iyo taageerida gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee haweenka gobolka togdheer.

20/08/2023

“Xisbiga Kulmiye waa Xisbi Baarqabadu ku badan yihiin.” Wasiir Cali Mareexaan

20/08/2023
20/08/2023
Wasiir iyo Afhyeen h**e, aqoonyahan, qoraa sare ahna falanqeeye Siyaasadda Calamka, Xisbi Yahan Mudane Xuseen Aadan Cige...
07/08/2023

Wasiir iyo Afhyeen h**e, aqoonyahan, qoraa sare ahna falanqeeye Siyaasadda Calamka, Xisbi Yahan Mudane Xuseen Aadan Cige "Deyr" ayaa ka soo muuqday loolanka iyo laacdanka loogu jiro hanashada booska gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye.

06/08/2023

"Habarjeclo Hargeisa qariib kuma aha mar hadii intasoo sandaladood munaasibadanfadhido...."

Xoghaye guud Abdirisak Said Ayanle

MIISANKA SIYAASADA  GOBOLKA SANAAG.  farshaxanka mar walba ay tiisa noqoto ee isku darsaday da'yaraan iyo karti  sanaaci...
31/07/2023

MIISANKA SIYAASADA GOBOLKA SANAAG.

farshaxanka mar walba ay tiisa noqoto ee isku darsaday da'yaraan iyo karti sanaaciga aan ilaa iminka aan la ashqaraarsanHay guulaha uu gaarka u leeyahay ee diiwaanka ugalay balse aan maalin keliya ku faanin, kana xigsan xulufadiisa,
Aan ku baro siyaasiga ku soo koray guri laga falkiyo siyaasada mandaqada lagana jaheeyo bulshada.
Aan ku baro Siyaasiga gaamuuray ee Abdirisak saed ayaanle, waa mulkiilaha iyo saamilayda siyaasada beelaha habar jeclo waa masuulka keliya ee awood uleh waxka bedelka siyaasada sare ee qaranka,.
Waxaan ahay masuul inta badan wax ka qora siyaasiyiinta geeska ee aan la qarin karin awoodoodooda. Waa siyaasi isku darsaday saamayn iyo akhlaaq wanaag ioo dad isku wad leh, waliba waxa uraaca mabda adkaan iyo go'aan adeyg.
*Ma jiro masuul ka soo jeeda beesha aan ahay oo xiligan leh saameynta uu leeyahay siyaasigasi islamarkaana la barbar dhigi karaa maanta siyaasi abdirisak saed ayaanle. Sidaa daraadeed waxaan qormadeydan qeybteeda kowaad ku soo afmeerayaa in Xoghaye A.saed ayanle la xajmi yahay buurta daalo iyo surad oo la isku daray, waxaanu noqon doonaa Siyaasiga Furaha unoqonaya guusha doorashada Ururada iyo madaxweynaha ee soo socda.
Qoraalkan Xaqiiqdiisa waxaad dhadhamin Doontaan ama garan doontaa marka la gaadho wakhtiga doorashada.

Qormadii 1aad

Allow u siyaadi nabada suganoo barwaaqo ku soor somaliland
18/12/2022

Allow u siyaadi nabada suganoo barwaaqo ku soor somaliland

WAR-SAAFADEED Hargeysa-17-12-2022(), Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Gudoomiyey shirka...
17/12/2022

WAR-SAAFADEED

Hargeysa-17-12-2022(), Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Gudoomiyey shirka Amniga ee loogu diyaar garoobayo Diiwaangelinta kaadh qaatashada muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo dalka ka qabsoomaysa 28-12-2022, sida ay Guddida Doorashooyinka Qaranku iclaamiyeen.

Kulankan oo ka qabsoomay Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, waxaa lagu falanqeeyey sidii loo adkayn lahaa Amniga guud ee Qaranka iyo sidii ay Ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland u sugi lahaaheen amniga goobaha Diiwaangelintu ka dhacayso oo ah 176 goobood oo ka mid ah 23 Degmo Doorasho ee dalka.

Guud ahaan Xukuumadda ayaa diyaarisay Ciidamada ka qayb qaatanaya Diiwaangelinta Kaadhka Qaadashada Muwaadiniinta, iyadoo dhinaca kale waxkasta oo Xukuumadda ka saaran Diiwaangelinta ay diyaar ka tahay. Waxaa kale oo guul taariikhiya ah in Xukuumadda uu Hogaaminayo Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ay Miisaaniyadda Qaranka ka bixisay lacagta ku baxaysa Diiwaangelinta 100%, taasoo aan cid kale gacan ka gaysan, taasoo muujinaysa Sida Madaxweynaha Qaranku ugu go'antahay in Somaliland kaa gaadho isku filaanshiiyo.

Taariikhda waa markii ugu h**eysay ee Xukuumadda dalada haysaa ay bixiso 100% qarashka ku baxaya Diiwaangelinta iyo Doorashooshadii ugu danbaysay ee isku Sidkanaydna ay Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Muuse BiixiCabdi, ay bixisay 70%, taasoo ah guul wayn oo Qarankani gaadhay.

Kulankan Guddida Amniga Qaranku ugu Diyaar garoobayaan Diiwaangelinta ee uu shir gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sareeye Guuto Axmed Hurre Haariye, Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Axmed Cawaale Yusuf (Libaax), Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdi Xasan iyo Saraakiil kale.

Cabdilaahi Axmed Abdillaahi Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Waxa maanta aannu la kulanay Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi oo aannu kula kulanay Qasriga Madaxtooyada JSL. W...
13/12/2022

Waxa maanta aannu la kulanay Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi oo aannu kula kulanay Qasriga Madaxtooyada JSL.

Waxa aannu sidoo kale la kulanay Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Madaxda kale oo ka tirsan Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye.

Gudoomiye mohamed abdilaahi guuleed

Miisaanka Siyaasada Xoghaye Abdirzaak siciid Ayaanle
13/12/2022

Miisaanka Siyaasada Xoghaye Abdirzaak siciid Ayaanle

RAJADII RUMOWDEYKa soo bilow wakhtigii Somalidu Isudiiyaarisay Nidaamka Dowladnimada iyo Aqoonta casriga ah,  ilaa maant...
12/12/2022

RAJADII RUMOWDEY

Ka soo bilow wakhtigii Somalidu Isudiiyaarisay Nidaamka Dowladnimada iyo Aqoonta casriga ah, ilaa maanta oo dunidu Kuwada nooshahay Hal tuulo, ( Global Village) waxey ahayd magaalo quus ka ah helitaanka Biyo-macaan,
oo ah magaalo ku asteysan halganadii kala duwanaa wakhtiyado badan oo kala duwan, Caynaba waxa ku hareereysan deegaano badan oo aanay suuragal ahayn in laga helo biyo macaan dabiici ahaan iyo Mid dad samee ahiba, Ayaa maanta nasiib uyeelatay inay hesho 2 ceel oo biyo macaan ah,
•Magaalo madaxda Gobol ka saraar waxuu baahi weyn uqabay helida biyo macaan.
Waxa rajadaa Rumeeyey xusbiga kulmiye iyo Xukuumadiisa uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi, Waxaana uhagar baxay Xidiga ileyska badan ee nuurkiisu ka dhex ifayo wasiirada Somaliland, haleyey ga ku Suntan hawlkarnimada iyo uhagar baxa Somaliland,
Wasiir Zayid Cali Hassan marka laga tago Wax qabadkiisa muuqda ee wakhtigan, Aan marlabaad idin xasuusiyo wuxuu ka mid ahaa Xildhibaanadii Da'yar ta ahaa ee Kulmiye Party usoo xulay inay ka mid noqdaan Golaha wakiilada sanadkii 2005, Wakhtigaa wuxuu ahaa sheegan oo karti iyo Waxqabad badan deegaanadiisa dib ugu celiyey, madaale aan hagran Shacabkii soo doortay, sidaa si lamid ah ayuu maantana tariikhda ku galey in uu noqday wasiirka qudha ee rumeeyey Balanqaadkii xisbiga kulmiye usameeyey Gobolka saraar wakhtigii Ololaha ee 2017kii.
Wasiir caliTaariikhda Xusidoonta....
Allaa mahad leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad ku sugan dalka Jabbuuti, ayaa ka qay...
08/12/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad ku sugan dalka Jabbuuti, ayaa ka qaybgalay Munaasibad dhaqan, waxaana dhaqanka Soomaalida ka mid ah in innanta ay bixiyaan Abtiyaasheed, sidaa daraadeed ayuu u bixiyey, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Haybado Ismaaciil Cumar oo uu dhalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo u wakiishay dhiggiisa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi bixinta innanta uu Abtiga u yahay ee maanta meherkeedu ka qabsoomay dalka Jabuuti.

Waxa Qoraya xildhibaan Jamaca abokur Doorka dhexdhexaadineed ee Turkigu, wax uu u muuqdaa mid u xaglinaya hal dhinac, ma...
07/12/2022

Waxa Qoraya xildhibaan Jamaca abokur

Doorka dhexdhexaadineed ee Turkigu, wax uu u muuqdaa mid u xaglinaya hal dhinac, marka loo eego wada hadalladii h**e ee qaybta uu ka ahaa.

Waxa aan aaminsanahay in aan wada-hadal kastaa midho dhaleyn illaa la helo hannaan cad oo lagu kalsoon yahay, iskamarkaana ay qayb ka yihiin dalal dhexdhexaad ka noqon kara masiirka wada-hadallada ee labada Dal (Somaliland iyo Somalia).

Madaxweyne Biixi Oo La Weydiiyey Shaqsiyada Wasiir Maxamed Kaahin Ayaa Yidhi:- Madaxweyne Muuse Oo Tilmaamo Kooban Ka Bi...
05/12/2022

Madaxweyne Biixi Oo La Weydiiyey Shaqsiyada Wasiir Maxamed Kaahin Ayaa Yidhi:-

Madaxweyne Muuse Oo Tilmaamo Kooban Ka Bixinaya Shakhsiyadda Saaxiibkii Wuxuu yidhi Sidan ....

"Maxamed Kaahin 30kaa sanno dan guud mooyee tu gaara ma qabsan, waxaa la hubaa inaanu Maxamed Kaahin ku lahayn jago iyo guri midna dalka, waayo maba haleelo tiisa gaarka ah."

"Maxamed Kaahin noloshiisa oo dhan wuxuu u Huray dib u xoreyntii, dib u dhiskii, nabadayntii iyo dimuqraadiyadaynta dalkiisa Somaliland"
“Maxamed Kaahin oo ka mid ah Saddexdii Mujaahid ee SNM ugu hor tallaabay 1982kii ilaa maantana halgan naf hur ah ugu jiray xorayntii, dhismaha iyo horumarinta Qaranka Somaliland

"Maxamed Kaahin intii aannu ku Biirin SNM "Somali National Movement " wuxuu ahaa Sarkaal military oo gaashaanle Sare, oo katirsan Ciidankii xooga ee dalkii Burburay ee Jamhuuriyadii Soomaaliyeed"Somali Republic" isagoo ahaa madaxii sahanka ee qaybta 26-aad,

Colonel Maxamed Kaahin Axmed wuxuu ahaa cidda qudha ee ay u cabato ciddii dhibaataysani, ugana hiilaya daalimkii Siyaad Barre isagoo gudaha jooga. "

Daaraha dhaadheer ee dalka ka dhisan, maalqabeenada tirada badan, jaamacadaha dhismay iyo ardayda kabaxday ee dunida ku faaftay, horumarka dal iyo dadba maanta dalku gaadhay waa tacabkii Maxamed Kaahin Axmed iyo geesiyadii lamidka ahaa ee nafta uhuray Somaliland,

Ugu danbayn wuxuu yidhi Madaxweyne Biixi Maxamed Kaahin waa astaan qaran ee maaha qof caadiya. "

Xigasho.

Xidhitaanka Wajiga 1aad ee Tababarka Qandaraas Bixinta, Waxa aan habeenkii xalay ahaa soo gebogebeynay ‘’Tababarka Qanda...
04/12/2022

Xidhitaanka Wajiga 1aad ee Tababarka Qandaraas Bixinta,

Waxa aan habeenkii xalay ahaa soo gebogebeynay ‘’Tababarka Qandaraas Bixinta Qaranka’’, kaas oo wajiga 1aad ee Tababarka ay dhammeysteen qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxaha iyo shaqaalaha Hay’adda Qandaraasyada Qaranka.

Xafladda Xidhitaanka Tababarka oo ka qabsoontay Hudheelka Dhoolayare, waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka, Agaasimaha Fulinta Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda (CSI), qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Wakiilada, Agaasimahii horre ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Shaqaaleweynaha Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo Marti Sharaf kale.

Madaxda iyo Masuuliyiinta ka soo qaybgalay ayaa dhammaantood u hambalyeeyey shaqaalaha dhammeystirtay Xirfadaha Qandaraas Bixinta kulana dardaarmay in ay sii joogteeyaan korodhsiga aqoonta la xidhiidha Qandaraas Bixinta qaranka maddaama oo ay shaqada qandaraas bixintu aqoon la koraysa wacyiga, Dhaqaalaha iyo Nolosha muwaadiniinta reer Somaliland ee loo adeegayo.

Tababarkan ayaa Wajiga 2aad waxaa qaadan doonna Lix (6) Wasaaradood oo ka mid ah Wasaaraddaha ugu shaqada badan, uguna qandaraas lahaanshaha badan Dawladda. Wajigan xiga ayaa la bilaabi doonnaa Haddii Alle ka dhigo, horraanta sannadka 2023.

Guddida Qandaraasyada Qaranku waxa ay sidoo kale dhammeystirtay dhammaan qorshayaashii lagu tayeyn lahaa, lagu na daadejin lahaa qandaraas bixinta qaranka oo uu ka mid yahay:

⇒ Qorshaha iyo Manhajka Tababarka (Curriculum and Training Plan)
⇒ Qorshaha Hirgelinta iyo Daadejinta Qandaraas Bixinta (Implementation and Decentralisation of Public Procurement).
⇒ Qorshaha iyo Habraaca Maamulka Qandaraas Bixinta ee Dawladaha Hoose (Local Government Public Procurement Procedures).

Guddida Qandaraasyada ayaa sidoo kale qorsheysay islamarkaanna dhammeystirtay dhammaan aqoontii iyo koorasyadii (courses and qualifications requirements) ay dhammaan shaqaalaha ‘’Faracyada Qandaraas Bixinta ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda’’ ay ku qaadan lahaayeen aqoonta sare (Diploma iyo Degree), taas oo aannu si dhow uga wada shaqeyneynno Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda (CSI). Qorshahan ayaa sidoo kale, waxaa qayb ka noqon doonna Institutions (Machado) kale oo dalka dibadiisa ah oo na ga caawin doonna dhammeystirka aqoonta sare ee qandaraas bixinta.

--
Xafiiska Warbaahinta

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan la qaatay Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida ...
04/12/2022

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan la qaatay Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, wuxuu war bixin ka siiyey Guddida Joogtada ah ee Golaha xaalada guud ee nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo Wasiirku u sheegay xubnaha Guddida Golaha Guurtida in dalka uu yahay amni, taasoo ku timi Eebe ka sokow Dedaalka Xukuumadda iyo isku duubnida shacabka Somaliland oo ah bulsho fahamsan muhiimada ay nabadgelyadu u leedahay Qaranimadooda iyo jiritaanka dalkoodu.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Guddida ugu waramay sida ay Ciidamada Booliska Somaliland ula dagaalamaan Mukhaadaraadka iyo fal-denbeeyada kale, iyagoo ka hortaga falalka ka soo horjeeda nabadgelyada iyo anshaxa wanaagsan.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Ciidan Boolisku ay way door wayn ka qaataan marka ay timaado Arimaha Doorashooyinka, taasoo ay qayb ka tahay Wasaaradda Arimaha Gudaha, iyadoo ay si nabadgelyo ah ay ku soo dhamaatay hawshii madax taabashada Ururada, taasoo ay si wayn uga qaybqaateen Ciidan Booliska Somaliland, kuna soo dhamaatay nabadgelyo.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka jawaabay dhammaan su'aalihii ay weydiiyeen Xildhibaanada Golaha Guurtidu, iyadoo Wasiirku siiyey Golaha war bixin dhamaystiran oo dhinac walba taabanaysa.

Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

04/12/2022

"Soo Dhowayntii Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada JSL Abdirisak Said Ayanle "

04/12/2022
02/12/2022

Wasiirka biyaha Somaliland cali mareexaan ayaa Ceel-biyood Cusub ka Dhagaxdhigay Degmada Widhwidh

01/12/2022

Soo dhowaynta Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha somaliland muddane Cali Hassan iyo waftida uu hogaaminayay oo safar shaqo kusoo gaadhay magaalada CAYNABA ee Gobolka saraar halkaasi oo si balaadhan loogu soo dhowaayay isla markaana wasiirku waxa uu dhagax dhigay ceel biyoodkii 3aad ee ay wasaaradda Biyuhu ka hirgalisay magaalada CAYNABA.

Wasiirka wasaaradda  Horumarinta Khayraadka biyaha oo Burco shir kula qaatay odayaasha, Cuqaasha, aqoonyahayka iyo dhali...
29/11/2022

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Khayraadka biyaha oo Burco shir kula qaatay odayaasha, Cuqaasha, aqoonyahayka iyo dhalinyarada deegaanka Dhagaxdheer, Dheryaley iyo Taalabuur.

29/11/2022

"Muuse Biixi, Cirro, Maxamed Kaahin iyo aniguba niman ilmaadeer ah ayaanu nahay,

Nacayb ma jiro ee kursiga ayuun baa la yara kala riixanayaa." Wasiir Cali Mareexaan.

28/11/2022

Wasiirka horumarinta Biyaha oo dhagax dhigay riig laga hirgalin doono jeenyo laaye.

24/11/2022

Sheekh cismaan ka mara kacaya waxqabadka wasiir cali mareexaan Wasiir wax qabadkiisu ka cad yahay cadceeda

wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka biyaha JSL Cali xasan maxamed oo saaka safar shaqo ku tegay Gobolka gabiley h...
21/11/2022

wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka biyaha JSL Cali xasan maxamed oo saaka safar shaqo ku tegay Gobolka gabiley halkaas oo mashaariic wasaaradu ka hirgelisay xadhiga ka jaray kuwa kalena ka dhagax dhigay.

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada JSL Abdrisaq Siciid Ayanle oo la Kulmay Maayirada Magaalada Shefield ee Dalka Ingirii...
17/11/2022

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada JSL Abdrisaq Siciid Ayanle oo la Kulmay Maayirada Magaalada Shefield ee Dalka Ingiriiska Iyo Heshiis Cusub oo kasoo Baxay Kulankaas .( Akhri).

Xoghayaha guud ee Golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Abdirisak Said Ayanle oo la kulmay Maayirada magaalada Shefield Mrs Lord Mayor .
Waxana xoghayuhu uga waramay Horumarka ay Somaliland gaadhay 31-kii sano ee u dambeeyay gaar ahaan horumarka ay ku talaabsadeen goleyaasha degaanka ee magaalooyinka waaweyn ee Somaliland .
Dhanka kale waxa xoghayuhu uu maayirka magaalada Shefield u sharaxay qaabka loo soo doorto goleyaasha degaanka Somaliland .
Dhankeeda maayirada magaalada shefield Mr's Lord ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay horumarka ay Somaliland ku talaabsatay iyadoona intaasi ku dartay in golaha degaanka magaalada shefield ay h**e u aqoonsadeen Somaliland mar kastana ay barbar taagan yihiin .
Waxana Kulanka Maayirka magaalada Shefield iyo xoghayaha Guud ku wehelinayey xildhibaan Antony oo ah madaxa ciidanka damdamiska magaalada Shefield .

● Waxyaalaha Lagu Heshiyey .

Kulanka Xoghayaha Guud ee golaha Wakiilada JSL Cabdirisaaq Siciid ayaanle iyo Maayirada Magaalada Shefield mrs lord ayaa waxa kasoo baxay laba qodob oo kala ah .

1- In Maayirada Degmooyinka Ceel Afweyn ,Gar'adag Iyo Caynaba ay Tababar Aqoon korodhsi ah u tegi doonaan Magaalada Shefield iyo Saddex Magaalo ay Xukunto .
2- In Dabdamiska Somaliland iyo Damdiska Magaalada Shefield la mataaneeyo isla markaana madax ka socota Damdamiska Somaliland ay Bisha Jenuary safar ku tegi doonaan magaalada Shefield .

Nuur Cali Maxamed
Hargeisa || Somaliland.

14/11/2022

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha JSL Cali Xasan Maxamed oo ay wehelinayaan wasiir ku xigeenka Siciid Axmed jibriil iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha Cabdiraxmaan faarax Belel iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa maanta la kulmay gudida dhaqaalaha ee Wakiilada Jsl halkaas oo wasiirku warbixin ka siiyay sida ay wasaaraddu usoo diyaarisay miisaaniyada 2023 sidoo kale waxa uu wasiirku uga war bixiyay miisaaniyadii iyo waxqabadkii 2022 iyadoo ay xildhibaanaduna sa'aalo ka waydiiyeen wasiirkuna uga jawaabay.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha JSL oo maanta Dalka kusoo laabtay ayaa waxa soo dhaweeyay xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirs...
13/11/2022

Wasiirka Wasaaradda Biyaha JSL oo maanta Dalka kusoo laabtay ayaa waxa soo dhaweeyay xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Dawlada.

W/Q: Wasiir Cali Mareexaan "أَسَدٌ عليَّ وفي الحروب نعامة فَتْخَاء تَنْفُرُ من صفير الصافرِهـَــلَّا بَرَزْتَ إلى غزالةَ...
02/11/2022

W/Q: Wasiir Cali Mareexaan

"أَسَدٌ عليَّ وفي الحروب نعامة فَتْخَاء تَنْفُرُ من صفير الصافرِ
هـَــلَّا بَرَزْتَ إلى غزالةَ في الوغى أم كان قلبك في جناحَي طائرِ"
الشاعر عمران بن حطان.
Qasiidadan waxaa tiriyey nin la gabyaa ah oo la odhan jiray Cimran Ibn Xiddan xilli iminka la joogo ilaa 13 qarni ka hor.

Gabaygani wuxuu ku soo baxay ninkii Waaliga ama gudoomiyaha ugu ahaa Ciraaq dawladii Umawiyiinta ee la odhan jiray Xajaaj Ibn Yusuf ayaa wuxuu ahaa nin ku dhib badan muslinka oo aan waxba xeerin marka ay noqoto arimaha gudaha. Maalintii danbe waxaa ku soo duulay ciidamii Khawaarijta oo uu wadan jiray nin la odhan jiray Shabiib Alshaybaani. Shabiib wuxuu qabaa gabadh huud iyo wacdaro qabta oo la yidhaahdo Qazaala. Markii lagu soo socday dhinacii Xajaaj ayey gabadhii waxay wacad ku martay in masaajidka Xajaaj ay ku soo tukanayso. Markii labadii ciidan isa soo gaadheen ayey gabadhii, oo waxna ka xoog waynayd, waxay codsatay in uu Xajaaj ugu soo baxo dagaal fool ka fool oo labadooda oo keliya ah مبارزة.
Hase yeeshee Xajaaj oo ba'naan iyo kulayl lagu yaqaanay marka uu intan gudaha isu booxbooxayo maalintaa wuu cararay.
Dadkii arlada joogay beri iyo galbeed warkii ayaa wada gaadhay oo meel walba waa lagaga sheekaystay. Markaa ayuu abwaan Cibraan ku dhuftay gabaygan oo loo soo qaato qofkasta oo shisheeyahana u caban sokeeyahana ku dhiiran. Waa kay Soomaalidu tidhàahdo " Yaqaan dhibe"

Macnaha qasiidanuna waxa weeye;

" Kii aniga libaaxa ii ahaa marka dagaaladana ahaa gorayo firxanaysa oo xiimaaysa. Balmaad habartii Qazaala u baxdid goobtii dagaalka mise wadnahaagu wuxuu saaran yahay garbaha shirbiraha"

Waxaa hadalkaygani ku socdaa ragii markii Wasiir Saleebaan Cali Koore qaranka difaacay isagii warmaha kula soo yaacay, waxaan leeyahay boqolaal jeer ayey madaxda Soomaaliya af iyo adinba inagu soo weerareene bal may mar uun indhihiinu arkaan waxay nimankaasi dagaal inagu hayaan. Hadalada aad isku maqmaqashiinaysàan madaxda Soomaaliya waxaa idiinka wanaagsan in aad dadkiina is garab taagtàan oo hagardaamada debeda kaga socoda aad hiil uga muujisaan
Waa talo " ninkii doonay yeel ka diidawna yeelkaa Danica way ku reebiye"

27/10/2022

Qandaraasyadu waa adeeg bulsho oo la rabo in muwaadiniinta ku gaadhaan wakhtiga ugu habboon, ugu dhakhsaha badan ugu na tayada badan (efficiency and quality).

Address


Telephone

+252633352248

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dalxiis News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share