Timacade Media

  • Home
  • Timacade Media

Timacade Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Timacade Media, Social Media Agency, .

30/09/2025
30/06/2025

Iiraan oo ka hadashay sida WhatsApp loogu dabagalay saraakiisheeda

22/06/2025

Iiraan ayaa sheegtay in aysan jirin wax shucaac nukliyeer ah oo ka dhashay xarumihii nukliyeerka ee uu Mareykanku weeraray.

Tani waxay muujinaysaa in xarumahaas aysan waxyeello weyn soo gaarin, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka AFP.

Kaah Post

Kulankii Ugu Weyn Sannadka: PSG vs Inter Milan 🏆⚽Caawa waxaa la ciyaari doonaa finalka Champions League, halka PSG ay ra...
31/05/2025

Kulankii Ugu Weyn Sannadka: PSG vs Inter Milan 🏆⚽

Caawa waxaa la ciyaari doonaa finalka Champions League, halka PSG ay raadineyso koobkoodii ugu horreeyay, Inter-na ay h**ey u qaaday koobkan qiimaha leh.

Labada kooxba waxay diyaar u yihiin dagaal adag oo xiiso leh, balse kalsoonida iyo waayo-aragnimada Inter ayaa ka dhigaysa guusha mid u dhow.

Caawa guushu waa INTER!

24/05/2025

Siyaasi Guuleed Saalax: “Deni Puntland wuxuu ka dhigeynaa shirkad qoyskiisu leeyahay, wuxuu keeney dalka calooshood u shaqaystayaal Sanaag & Bari xaalufinaya, sannad & badh baan waqti siinay uma dulqaadan doono…”

Timacade Media

UK, Faransiiska iyo Kanada ayaa uga digay Israa’iil in haddii aysan joojin weerarka Qaza, ay la kulmi doonto cunaqabatay...
20/05/2025

UK, Faransiiska iyo Kanada ayaa uga digay Israa’iil in haddii aysan joojin weerarka Qaza, ay la kulmi doonto cunaqabatayn iyo tallaabooyin kale.

Saddexda dal waxay sheegeen in duullaanka Israa’iil uu xad-gudub ku yahay sharciga caalamiga ah, isla markaana uu hor istaagayo gargaarka dadka rayidka ah.

UK ayaa durba bilaabay cunaqabatayn ka dhan ah hoggaamiyeyaasha deegaamaynta sharci darrada ah.

Netanyahu ayaa sheegay in dalalkan ay taageerayaan argagixisada Hamas.

Timacade Media

Warbixinta ayaa sheegaysa in Dowladda Imaaraadka Carabta ay qorsheyneyso olole dhaqaale oo culus oo lagu taageerayo muca...
19/05/2025

Warbixinta ayaa sheegaysa in Dowladda Imaaraadka Carabta ay qorsheyneyso olole dhaqaale oo culus oo lagu taageerayo mucaaradka dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo malaayiin doollar lagu maalgelinayo siyaasiin iyo madax goboleedyo ka soo horjeeda xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ujeedadu waa in xaalad siyaasadeed oo kacsan la abuuro, gaar ahaan sanadkii ugu dambeeyey ee xukuumadda, si awoodda Villa Soomaaliya loo wiiqo.

Tani waxay la mid tahay faragelin h**e oo 2018-kii dhacday, markaas oo Dowladda Soomaaliya ay heshay lacag $9.6 milyan ah oo ka timid Imaaraadka, taas oo loo maleynayay in loogu talagalay in dalka lagu burburiyo.

Agaasimihii h**e ee NISA, Fahad Yaasiin, ayaa arrintan si adag uga hadlay, isaga oo sheegay in mucaaradnimada Soomaaliya aysan noqon karin mid kiraysan oo u adeegta danaha shisheeye, wuxuuna ku tilmaamay ficilada noocaas ah "mucaaradnimo kiro ah" oo nacasnimo u adeegta shisheeyaha.

Su’aasha ku jirta warbixinta ayaa ah sida aad adigu u aragto faragelinta dibadda iyo maalgelinta mucaaradka gudaha, iyo saamaynta ay ku yeelan karto dowladnimada iyo xasiloonida Soomaaliya.

Maxay tahay fikradaada?

Ruushka ayaa saldhigyo milatari ka dhisaya meel u dhow xadka Finland, oo dhawaan ku biirtay NATO. Dhismaha saldhigga aya...
19/05/2025

Ruushka ayaa saldhigyo milatari ka dhisaya meel u dhow xadka Finland, oo dhawaan ku biirtay NATO.

Dhismaha saldhigga ayaa si degdeg ah u socota, iyadoo la sameeyay bakhaaro iyo xarumo difaac.

Dhaqdhaqaaqyada milatari ee Ruushka, oo ay ku jiraan ciidamo la daabulayo, ayaa lagu micneeyay kuwo la mid ah kuwii ka horreeyay dagaalka Ukraine, taas oo muujinaysa in Finland ay noqon karto meel uu Ruushku qorsheynayo inuu xooga saaro, sida uu qoray wargeyska New York Times

Timacade Media

Wiil yar oo kamid ah carruurta wadooyinka ku nool ayaa xalay lagu dilay magaalada Garowe, gaar ahaan agagaarka hoteel Ca...
19/05/2025

Wiil yar oo kamid ah carruurta wadooyinka ku nool ayaa xalay lagu dilay magaalada Garowe, gaar ahaan agagaarka hoteel Caduun.

Qofkii dilka geystay ayaa markiiba baxsaday, iyadoo aan la garanayn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa falkan.

Booliiska Garowe ayaa xaqiijiyay in eedeysanaha lagu qabtay magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal, balse baaritaanno ayaa wali socda si loo ogaado sababta keentay dilka.

Timacade Media

War Degdeg ah: Meydka Maxamed Sinwaar oo la helay – Hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas
19/05/2025

War Degdeg ah: Meydka Maxamed Sinwaar oo la helay – Hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas


Meydka Maxamed Sinwaar, hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas, iyo xubno kale oo muhiim ah ayaa la helay kaddib weerar ay Israa’iil ka fulisay koonfurta

Madaxweyne Xasan Shiikh: “Xildhibaannadii labada saacadood jeebka lagu soo ridanayey kuwii soo xushay k**a faa'iidin, ba...
15/05/2025

Madaxweyne Xasan Shiikh: “Xildhibaannadii labada saacadood jeebka lagu soo ridanayey kuwii soo xushay k**a faa'iidin, bal maxay mar kale ku falayaan! Waa laysku dilayaa markaan, dadkii la boobay mar kale lama boobi karo.”

@

War Deg Dega Ma jirto Maxaabiis Shuruud La,aan lagusii daynaayo dadka been ayaa loo sheegay Gudoomiye Ramaax
15/05/2025

War Deg Dega Ma jirto Maxaabiis Shuruud La,aan lagusii daynaayo dadka been ayaa loo sheegay Gudoomiye Ramaax

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Timacade Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Timacade Media:

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share