Runta tv

Runta tv Addressing the issue of the oppressed regions of somalia

I really appriciated you to be part of this kgs tv brathers
04/08/2024

I really appriciated you to be part of this kgs tv brathers

08/06/2024
08/06/2024

1445.(Dul- hijjah ama carafa waxaad u taqaanaba. waxaa inoo bilaabaneysa Bisha Dul -Hijjah waxay kamid tahay bilaha sida gaar ka ah ee xurmada u leh.

Ilaahey wuxuu ku dhaartay Tobankaan maalmood,
Wuxuuna yiri :
(والفجر وليال عشر)
Nabigeena Muxamed صلى الله عليه وسلم wuxuu yiri ma jiro maalmo uu ilaahey ka jecel yahay acmaal la sameeyo tobanka maalmood ee ugu h**eysa bisha Dul-Hijjah.

Faaidooyinka 10-ka Maalin ee ugu h**eyso bisha Dul-Hijjah.

1) Maalinta 1aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalintii loo dambi dhaafay Nabi Aadam CS, Qofkii sooma dambiyadiisa oo dhan waa loo dhaafa.

2) Maalinta 2aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la aqbalay ducada Nabi yoonis CS isla markaasna laha soo bixiyey calooshsha malaayga, qofkii sooma waxay ula mid tahay sida isagoo hal sano caabudaayey ilaahey oo aan ilBiriqsi ku caasin.

3) maalinta 3aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la aqbalay ducadii Nabi zakariya CS, qofkii sooma ducadiisa waa la aqbalayaa.

4) maalinta 4aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la dhalay Nabi ciise CS, qofkii sooma ilaahey wuxuu ka dheeraanayaa Quusitaan iyo Faqri.

5)Maalintii 5aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la dhalay Nabi Muuse CS, qofkii sooma ilaahey wuxuu ka badbaadiyaa cadaabta Qabriga

6) Maalinta 6aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii uu Alle Nabigiisa u furay albaabada kheyrka , Qofkii sooma wuxuu Alle ku fiiriyaa il naxariis leh.

7)Maalinta 7aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la xirayo Albaabada Naarta, lamana furo ilaa ay ka dhamaato Tobanka maalin ee bisha Dul-Hijjah, Qofkii sooma ilaahey wuxuu ka xiraa 30 Al baab oo dhibaato ah, wuxuuna u furaa 30 Al baab oo Fudeed ah.

8) Maalinta 8aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalinta loogu magac daray (Tarwiya) Qofkii sooma wuxuu Alle siinaayaa ajir uusan ogeyn ilaahey mooyee.

9) Maalinta 9aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalinta la istaagaayo Banka carafa,Qofkii sooma ilaahey wuxuu u dhaafaa dambiyada sanadkii h**e iyo sanadka soo sacdo, waana maalinta ay soo dagtay aayada Qu'aanka ee ( الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا)
10) Maalinta 10aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalinta ciidul adxaa, qofkii Alle qurbaan ugu dhawaadana
wuxuu u dhaafaa dambiyadiisa.

Lawadaag wll aad qeryka ka jeceshahy

❤❤❤❤ dhamaantiina waan idin jaclahay Allaha kheyrka na waafajiyo insh allah Aamiin aamiin 🤲🤲🤲 sanadkaan sanadkiisa cumri dheer caafimaad leh Allaha nagugaarsiiyo Aamiin Aamiin 🤲🤲🤲🤲❤❤❤

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda: Masar waxay ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in la ixtiraamo madax-b...
03/01/2024

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda:

Masar waxay ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in la ixtiraamo madax-banaanida Soomaaliya ee dhulkeeda

———
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar 3-dii Janaayo, ayay Jamhuuriyadda Carabta Masar ku adkeysay inay lama huraan tahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya dhammaan dhulkeeda, isla markaana ay ka soo horjeedo tallaabo kasta oo keeni karta hoos u dhigaya Qaranimada Soomaaliyeed, isagoo ku nuuxnuuxsaday in Soomaaliya iyo dadkeeda oo kaliya ay xaq u leeyihiin inay ka faa'iidaystaan ​​kheyraadkiisa.

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa ka mahad-celisay khatarta ay leedahay kororka dhaq-dhaqaaqyada rasmiga ah, hab-raacyada iyo bayaannada ay soo saaraan dalalka gobolka iyo kuwa ka baxsan, kuwaas oo wiiqaya qodobbada xasilloonida gobolka Geeska Afrika, siina kordhinaya xiisadda u dhexeysa dalalkeeda, xilli Qaaradda Afrika ay ku soo badanayaan khilaafaadyo iyo khilaafyo u baahan wadajir, dadaallo lagu doonayo in lagu xakameeyo, lagana hortago dhibaatooyinka ka dhasha, halkii ay ka sii hurin lahaayeen mas’uuliyad darro.

Jamhuuriyadda Carabta ee Masar waxay ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in la ixtiraamo ujeedooyinka sharciga aasaasiga ah ee Midowga Afrika, oo ay ku jiraan difaaca madax-bannaanida, madaxbannaanida dhuleed iyo madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah, iyo mabaadi'da Midowga, oo qeexaya lama huraanka ah in la ixtiraamo xuduudaha jira. marka la gaaro madax banaani oo aan la faragelin dal xubin ka ah arrimaha gudaha ee dowlad kale. Masar waxay ku baaqday in la ilaaliyo qiyamka iyo mabaadi'da iskaashiga iyo ficil wadajir ah si loo gaaro danaha shucuubta gobolka, lagana fogaado ku lug lahaanshaha tallaabooyin hal dhinac ah oo kordhinaya xiisadda soona bandhigaysa danaha dalalka gobolka iyo amniga qaranka khataraha iyo khatarta.

02/01/2024

Damaca ethiopia xaguu daaran yahay...............................................................

1958 bay dunidu ku heshiisay Xeerka Caalamiga ah ee Baddaha (convention of the law of sea). Waxa lagu qayb-qaybiyay iyadoo shan qaybood laga dhigay.

Qayb dalka xuduuda la leh sharcigisu ka shaqayn karo (Coastal State), qayb uu qayb ahaan sharcigisu uga shaqayn karo , qayb u munaafacaad san karo iyo qayb dunida uu ula simanyahay oo si isku mid ah loo munaafacadsan karo.

Qaybta 1aad ba la yidhaa, waxa laga qiyaasaa/cabiraa barriga waana halka laga sii qiyaaso qaybta labaad ee loo yaqaan oo ah 12 nautical mile cabir ahaan.

Waddan walba sharciyadisu si toos ah bay uga shaqaysaa iyo 12 Nautical Mile ee loo yaqaan Territorial Sea

Halka qaybta 3aad oo ah oo iyana 24Nm ah, 4aad oo ah waxa loo yaqaan iyo oo qaybta 5 aad ah, awooda dalku waxyaabo gaar ah u xadidantay, qaybta shanaad iyada dunidu maba kala xigto.

20 KM ee madaxweynuhu inoo sheegay intaas unbaynu war haynaaye waxay guud ahaan la mid tahay 10. 7991 (10.8 ) Nautical Mile.

12 NM ee dalku ( Coastal State) awood ulahaa 10.8 Nm ka mid ah ayaa Ethopia maamulaysaa markaa. Halka waxa Somaliland uga soo hadhaya 1.2Nm marka loo eego Territorial Sea.

Ama 12 NM ee ku sii xigay ee Contiguous Zone loo yaqaanay ayay 10.8 ka mid ah heshiiska ku helaysaa.

Haddii 12Nm ee Territorial Sea ga ee sharciyada dhamaystiran ay SL u lahayd maamulkeeda cir iyo dhul dhinaca badda, 10.8 ka mid ah ay Ethopia ku wareegto waana halka ay u egtahay waayo haddii Ethopia Territorial sea ka gudubto awoodeda xorta ah e isticmaalka jiida Contagious Zone wuu yaraanayaa.

1.2Nm ayaa SL usoo hadhaya Calaya xaal , Sidaa saanay Ethopia ku noqonaysaa waddan bad leh oo aan haddana ahayn Coastal state muddo 50 sanno ah.

Waana mid ka midho dhalinaysa odhaahdii ahayd Ethopia waa in ay bad hesho oo dadka qaarki ka yaabanayee.

# waxaa qortay lawyer Hibak ibrahim

Shalay Waxey ku Safartay Qeybta VIP da Diyaarada Waana Loo Adeegayay Ayadoo Madax ah.Maanta Waxaa Lagu Keenay Qeybta Boo...
22/12/2023

Shalay Waxey ku Safartay Qeybta VIP da Diyaarada Waana Loo Adeegayay Ayadoo Madax ah.

Maanta Waxaa Lagu Keenay Qeybta Boorsoyinka La Galiyo Ayadoo Meyt ah,Xataa Kuraastii Binu aadam-ka Looma Ogola.

Shalay Waxaa Lagu Galibiyay Markey Safreysay Baabur aan Xabad Karin oo Raaxo ah iyo Ciidan iyo Farxad.

Maanta Waxaa Lagu soo Dhaweeyay Ambalace Sariir Naxasha ah iyo Murugo.

Shalay Title Badan ayaa Loogu Yeerayay Wasiirada Xilibaanad, Maamo, Wadaniyad, Xidigta Siyaasada Soomaaliya. Maanta Magaca Kaliya ay Wadato Waa Marxuumad iyo Meyt.

Shalay Guri Qurxoon iyo Sariir Raaxo Leh ayeey Ka Tagtay iyo soo Dhaweyn. Maanta Waxaa Loo Wadaa God Mugdi ah Caro Korka Looga Shubayo Waxbana Oolin, Dadkuna Leeyihiin inaga Boobsiiya.!

Shalay Akoono iyo Banki iyo Guryo Ayeey Laheed Lacagna ugu Jirtay. Maantase Waxey Shaqeysatay oo Camal ah Kaliya Ayeey Allaheeda La Hortagi, Hantideediina Waa Dhaxal.

Waa Xaal Aduunyo Marka Haku Kadsoonin Dhaldhalaalkeeda una Shaqeyso Bari Waxaad Allahii ku Abuuray La Hortagi Laheed.

Waano iyo Cibro Ayaa Noogu Sugan.

Allaha u Naxariisto Maama Khadiijo diiriye.

Allah ha unaxariiso

Afké Maayké me'e lahjéd, ee walibuwa Luuqéddè afkaané, walibané léngku dohobee ing ku badéng siyeed gobol.Afmaayké ini a...
14/12/2023

Afké Maayké me'e lahjéd, ee walibuwa Luuqéddè afkaané, walibané léngku dohobee ing ku badéng siyeed gobol.

Afmaayké ini afsoomaali eyéné waliba ka abtugunta dastuurké dalkaané. Aréntung walibuwa too ummut dhong lingku gefaw.

Hobbé adé éng goréné ku dohobowké iyooney abtugaallé afké Maayké ini adé barétuwu.

Hal baridooy

20/09/2023
28/03/2023

Ramadaan kariim

Dowladda Soomaaliya oo raadineysa qaab ay ku xirto maxkamadaha qarsoodiga ahDowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan shaaci...
19/08/2022

Dowladda Soomaaliya oo raadineysa qaab ay ku xirto maxkamadaha qarsoodiga ah

Dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan shaacisay in ay qorsheyneyso in ay la dagaallanto maxkamado ku-sheegga ay maamulaan kooxda maleeshiyada ah ee Al-Shabaab, iyada oo Wasiirka arrimaha gudaha uu qiray in dad badan oo Soomaali ah ay caddaalad u raadsadaan maleeshiyadan, maadaama nidaamka sharci ee Soomaaliya uu yahay mid daciif ah.
Laakiin khubarada ku xeel-dheer arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in xiritaanka maxkamadahan aysan noqon doonin hawl fudud.
Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay todobaadkaan inay dowladdu qorsheyneyso inay dagaal la gasho maxkamad ku-sheegga qarsoodiga ah ee Al-Shabaab ay ka maamusho, kuwaas oo ku yaal magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Wuxuu sheegay in labada sano ee soo socota ay dowladdu xiri doonto maxkamadaha Al-shabaab.
Wuxuu intaa ku daray inay jiraan dad u taga Maxkamadaha kooxda argagixisada ah ah ee Al-Shabaab si ay u helaan Caddaalad, maadaama aysan fulin go’aannada Maxkamadaha Dowladda, waxaana uu sheegay inay xiri doono kuwa ku yaalla hareeraha magaalada Muqdisho oo ay ku jirto midda Basra iyo duleedka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Cumar Maxamuud oo ah falanqeeyaha sare ee Bariga Afrika iyo cilmi-baare ka tirsan Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah ayaa VOA-da u sheegay in Al-shabaab ay maal-galiyeen waaxdooda cadaaladda, isla markaana waxyaabaha ugu horreeya ee ay diiradda saaraan ay yihiin murannada dhulka iyo qandaraasyada.

Cabdirisaaq Aadan oo ah agaasimaha fulinta ee Farsight Africa Research & Policy Studies ayaa sheegay in rabitaanka dowladda ee ah in la xiro maxkamadaha Al-Shabaab ay tahay wax lagu ammaano.

Waxa uu sheegay in sida ugu wanaagsan ee loola dagaalami karo Maxkamadaha Al-Shabaab ay tahay in la helo nidaam garsoor oo firfircoon oo u shaqeeya shacabka, isla markaana abuura jawi saaxiibtinimo iyo cadaalad

Waa fikir muhiim ah

10/08/2022

Galab wanaagsan dhaman umada soomaliyeed meel aad joogtaanba alle umada somaaliyeed abaaraha ka bad baadiyo oo roob kheyr qaba ha ukeeno wadankeenana barwaaqp ha inooga dhigo qof waliba oo somalia ah waa inuu dareemaa abaaha dhibta ay ku haayaan umada soomaliyeed dhamaan gobolada dlka sidaa darteed u wada duceyno oo aan badino baryida allah iyo unaxariisida dadka tabaaleysan

Allow umadeena ha ugargaaro

01/08/2022

Toos magacaabista wasiirada cusub ee xukuumada fedalka somalia

CIID MUBAARAK  waxan hambalyo ku aadan munaasabadda Ciidul Adxa u dirayaa dhamaan muslimiinta caalamka, gaar ahaan ummad...
08/07/2022

CIID MUBAARAK
waxan hambalyo ku aadan munaasabadda Ciidul Adxa u dirayaa dhamaan muslimiinta caalamka,
gaar ahaan ummadda soomaaliyeed iyo dadka ku xiran bartaan meel walba oo ay dunida ka joogaan. Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr.
Waxaana Alle ka baryeynaa inuu ciidaan ciideeda nagu gaarsiiyo caafimaad, cibaado suuban, barwaaqo iyo nabad waarta.

25/06/2022
25/06/2022
Fadlan akhrista waa faaidee
25/06/2022

Fadlan akhrista waa faaidee

Diimaha Samaawiga ah Ee Sadaxda ah Waa Cinwaan Khalad ah 🚫 , Diinta Laga Soo bilaabo Nabi Aadem ilaa Nabi Muxamed CSW Waa Hal Diin Oo Kaliya ' Fadlan Ka Waantoow Hadda Ka dib , Markaad Qoralkan Aqrisato Wixii Ka dambeeyo Dadka Kale gaarsii.

Khiyaamaha Amaano Ayeey Kugu tahay Haddaad Sii Faafin Weyso Wax la faafiyo Kheyrka ayaa Ugu fiicaan.

Yahuudiyadu' Ama Nasaariyadu' Waa Sharaa'ic Ma ahan Diimo Kala duwan.

Macluumaad Dhuux badan leh Oo Ku Saabsan Diinteena islamka Kaga bogo Taasoo Badankeenana War moogayaal ka nahay Ogow Dadka kale Ee Asxaabtada ah La Wadaag Waa Wax Dadka dhan Anfacya.

Caqiidada Saxiixa ah Waa Ku gaf in la yiraahdo Diimaha Samaawiga Ee Sadaxda ah
Ee Caalmka ka jiro.

Qur'aanka kariimka iyo Sunnada daahirka ah K**a Soo heleysid Ereyga Diimaha Samaawiga Sadaxda ah Waa Kalmado Khuraafaad ah.
Waa Marin habaabin Dadka lagu khaldayo.

Allah Marku tilmaamay Ereyga Diin'
Wuxuu Kaliya Ku Sheegay ineey tahay Islamka
قال تعالي[إن الدين عندالله الإسلام] سورة آل عمران .[19]

Hadaba Maxeey yihiin yahuudiyadu iyo Nasraaniyadu .?

Marka h**e Kutubadooda eey Ku Abtirsadaan
Waa Towreed' iyo Injiil'. Iyagane Waa sharciyo Iyo Kutubo Samada laga soo dajiyay Ee Ma ahan Diimo Kala duwan Oo mid mar la soo diray

Diin Waa Hal Waana Diinta islamka Taasoo aheeyd jidka Kaliya ay Ku socdeen Dhamaan Nabiyadii iyo Rusushii ilaahey Koonkaan U soo diray Laga soo bilaabo Nabi Aadan c.s.w ilaa Nabi Muxamedعليه الصلاة والسلام

Dadkii h**e Markii Uu allah Ka hadlayey Wuxuu Sheegay inuu Siiyay Sharaa'ic iyo Manhaj
قال تعالي[ لكل جعلنا منكم شرعة ومنهاجا]
[سورة المائد 48]
Shareecada La siiyay Weey Kala Duwanaan kartaa Xilli Kasta iyo Zaban kasta Xagga Wax Xalaaleynta iyo Wax Xaraameynta
Lkn Diin Haddaad maqasho Waa Hal Kaliya Waana Diinta Islamka.

Ama Dadka Sheegaya in yahuudiyadu ama Nasraaniyadu Diin tahay Waa beena yaal
Maxaa yeelay yahuudda iyo Nasaarada ayaga laftooda ayaaba isku marqaati furay iyagoo sheegtay ineey yahuud yihiin ama Nasaaro
فال تعالي[ ومن الذين قالو اانا نصاري] [المائد14].
قال تعالي[وقالوا كونوا هودا أو نصاري تهتدوا][135 البقرة]

Waa Hadalka Eey Sheegteen Lkn Nabiyadii iyo Rusushii ilaahey Soo diray Dhamaantood Waxeey ahaayeen Muslimiin Sida ayagaba Eey Sheegeen Qeeybta hoose Ee Qoraalka ayaan kaga hadli doonaa Nabi kasta Markii qoomkiisa la hadlayay Inuu Ku dhahay Waxaan Ka mid ahay muslimiinta

Hal Diin ayeeyna kawada Anba qaadayeen Xitaa fircoon Markii Uu badda ku qarqamay Wuxuu tiri
قال تعالي[ قال ءامنت انه لا اله إلا الذي ءامنت به بنوا اسرائيل وانا من المسلمين] [90 يونس].
Muxuu u dhihi Waayay Waxaan ka mid ahay yahuudiyada.?

Aayadahan Soo tilmaamnay Waxeey Daliil U yihiin Diintu hal kaliya ineey tahay Waana Diinta islamka Wax Diimaha samaawiga sadaxda la dhaho ma jirto taas hoosta ka Xariiq.

Nabi Nuux csw Wuxuu yiri isagoo Qomkiisa Dacwada u bandhigaya
قال تعالي[ فإن توليتم فما سألتكم من اجر ان أجري إلا علي الله وامرت ان أكون من المسلمين] [72 يونس].

Nabi ibraahim csw Wuxuu yiri isagoo la dardaarmaya Wiilashiisa.
قال تعالي[ووصي بها ابراهيم بنيه ويعقوب يا بني ان الله اصطفي لكم الدين فلا تموتن الا وانتم مسلمون] [ 132البقرة].

Nabi yuusuf csw Waxa Uu yiri :
قال تعالي توفني مسلما والحقني با الصالحين] [101يوسف].

Nabi Muuse csw Waxaa Uu yiri isagoo la hadlaya Qoomkiisa:
قال تعالي[وقال موسي يا قوم إن كنتم ءامنتم با الله فعليه توكلوا إن كنتم مسلمين] [ 84 يونس].

Nabi Ciisa Masiix csw Wuxuu yiri:
قال تعالي[فلما أحس عيسي منهمالكفر قال من انصاري الي الله قال الحواريون نحن انصارالله ءامنا با الله واشهد بانا مسلمون] [52 آل عمران].

Waa tan Aayad kale Oo dhamaan Kulmineysa Nabiyadii Oo dhamaantood Hal Qowl kuwada hadalay isku Mowqif ah.

قال تعالي: [قولوا أمنا با الله وما انزل الينا وما انزل الي ابراهيم واسماعيل واسحاق ويعقوب والأسباط وما اوتي موسي وعيسي وما اوتي النبيون من ربهم لا نفرق بين أحدمنهم ونحن له مسلمون] [ 136البقرة].

Ugu Dambeeyn Waxaa yimid Nabiyadaa iyo Rusushaa Aan Ka soo Waranay Kii lagu khatimay Oo ah Rasuulkena Muxamed csw isagoo Sida Shareecada islamka Taaso Noogu yeereyso Diinta islamka Waana Shareec iyo Manahaj Kaamil ah Oo dhameystiran

Qofkii Rumeeyo Allah Nabi Kasta Waxii lagu soo dajiyay Rumeeyo Waa Qof muslim Mu'min ah
Muslim' Waxaa la Oran karaa marka Sharcigeyna islamka loo Eego qofkii laga helo Shanta tiir Ee islamka ' Mu'mina' Waxaa la orankaraa qofka rumeeysan lixda tiir Ee iimanka Diinta Islamka Waxaa lagu soo galaa Kalmada Ashahaadada Kalmada Towxiidka ah Qofka Ka baxane Xukunkiisa Waa Dil.

Xigasho: Sh. Said Osman

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Runta tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Runta tv:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share