Bulaleh Yare

Bulaleh Yare Welcome wllo follow dhe oo nagu soo biir mahadsanid

Jimce mubarak 🕋
09/08/2024

Jimce mubarak 🕋

(Haashi+Hersi.. Mucaaradka iyo Muxaafid ku sheega)Loolanada qaar inaad ka guulaysato  waxaa ka qurux badan inaad  galin!...
29/01/2024

(Haashi+Hersi.. Mucaaradka iyo Muxaafid ku sheega)

Loolanada qaar inaad ka guulaysato waxaa ka qurux badan inaad galin!

Maanta Jamhuurida Somaliland cida taladeeda haysaa waxay ku jirtaa galgalashadii ugu dambaysay waxanay doonaysaa ciday eed teeda ka wayn faraha u galiso xaalkeeduna waa sidan

SHEEKADAN LIBAAAXA IYO DOOFAARKA

libaax ayaa la kulmay doofaar.
Doofaarkii ayaa ku yidhi: "ila dagaallan!"
Libaaxii: "iima dhigantid oo waxa aad tahay doofaar, haddii aan kaa yeelo dalabkaagaas oo aan ku dilana, waxa la odhanayaa libaaxii ayaa dilay doofaar, faan iyo tookhna way kuu noqonaysaa. Haddii ciddi uskaggeed aan ku gaadhsiiyana aniga dhallil iyo ceeb ayay igu noqonaysaa!"
Doofaarkii: "haddii aadan iska kay celin inta aan u laabto xayntii doofaarrada ahayd ayaan u sheegayaa in aad iga baqday oo markii aan dagaalka kuu soo bandhigay aad goojada dhabarka saartay!"
Libaaxii: "in beenta aad iga sheegayso aan xammilo ayaa ii dhaanta, in aan shaarubahayga ku cillaamo dhiiggaaga doofaarnimo

Dadka qaar ayaan u qalmin xataa in ay helaan sharaf ah in aad la collayntanto! Liidashadooda daraadeed, xataa haddii aad ka gacan sarrayso libintaasi dhadhan kuu ma yeelanayso, haddii ay kaa adkaadaanna jabkaasi qarracan aadan ka soo waaqsan ayuu kaaga tegayaa

Bulaleh Mohamoud Bulaleh

(Hooyada)Ilmo da'aaddii siddeedaad ku jira ayay hooyadii xijaabatay (dhimatay), markaasuu aabbihii guursaday gabadh laba...
27/01/2024

(Hooyada)

Ilmo da'aaddii siddeedaad ku jira ayay hooyadii xijaabatay (dhimatay), markaasuu aabbihii guursaday gabadh labaad. Maalin ayuu wiilkiisa weydiiyay: "maxay ku kala duwan yihiin hooyadaadii h**e iyo hooyadaadan danbe?!"
Wiilkii yaraa si berinimadii dhallaannimo ay ku dheehan tahay ayuu ugu war celiyay: "hooyadaydii h**e been ayay ii sheegi jirtay, hooyadan cusubina run ayay ii sheegtaa!"
Aabbihii wuu la amankaagay hadalkaas wiilkiisa, isaga oo uu ka daadegi la' yahayna waxa uu weydiiyay: "maxaad ka waddaa?!"
Wiilkii: "marka aan ciyaarayo ee aan hooyaday ka cadhaysiiyo, waxa ay igu odhan jirtay: 'haddii aadan dhibta iga deynin cunto kuma siinayo!' laakiin hadalkeeda dheg uma aanan dhigi jirin, oo waxa aan ogaa in marka ay cuntada bislayso ay i soo raadinayso oo iyada oo aan is'ogayn ay i soo baadhayso, ka dibna ay meesha aan ku ciyaarayo iga soo kaxaynayso oo ay guriga i keenayso, cuntana ay i siinayso! Balse hooyadaydan cusubi haddii ay igu tidhaahdo: 'haddii aad ciyaarta joojin weydo cunto kuma siinayo' way ka dhabaynaysaa, imminkana laba maalmoodba gaajo ayaa i haysay!"

14/11/2023

(Abwaan Xasan Ganay)

Wanaagii shaarubaa shiilmadawbaa loogu xidhay…… Really✍🏻

Geed Jileecu k**a beermi Jirin burciyo barigeedahorta meeshan ma layga yaqaanaasaxiibayaal pageka follow gareeya
25/06/2023

Geed Jileecu k**a beermi Jirin burciyo barigeeda

horta meeshan ma layga yaqaanaa
saxiibayaal pageka follow gareeya

31/05/2023

Xariifkii oo Hablihii Raadinaya…….

19/05/2023

Haysku dilin diyaanada wiil darti ana yaan doob nimada dumar iiga tagin

01/04/2023
Dhaqashiyo xanaanuu nina kuu dhexjoogaanina dhuuni oo cuno dheefbuu kuugu noolyahyInta dhawurta sharaftee ka dhiidhida x...
01/03/2023

Dhaqashiyo xanaanuu nina kuu dhexjoogaa
nina dhuuni oo cuno dheefbuu kuugu noolyahy
Inta dhawurta sharaftee ka dhiidhida xumaantaa
Kugu filan dhulkaygoow

SOMALILAND NIMO🟩⬜️🟥💪

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bulaleh Yare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category