Gacal Ayman Gacal

  • Home
  • Gacal Ayman Gacal

Gacal Ayman Gacal Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Gacal Ayman Gacal, News & Media Website, .

Soomaaliyeed ka digtoonaada qaabkan cusub ee la isku dhacayo , siina share gareeya qoraalkan si dad badan u gaaro.Saakay...
14/11/2024

Soomaaliyeed ka digtoonaada qaabkan cusub ee la isku dhacayo , siina share gareeya qoraalkan si dad badan u gaaro.

Saakay ayaan Facebook ku arkay qoraalkaan sheegaya in Hay'ad Maraykan ah lacag deeqa ah bixinayso oo ay qof kasta codsan karto. Waxaan isku dayay in aan dabagalo.Waa wacay waa la iga qaban waayay.What'sapp nambarka ayaan farriin ugu diray.Waxaan ay I weydiiyeen meesha aan joogo,waxa aan qabto iyo taleefan nambarkayga.Dhamaan waa uga jawaabay.Waxaan u sheegay in aan caawin ahaan aan u rabo arday agoon in lacagta waxbarashada laga bixiyo.

Liis dheer oo ay ku qorantahay cadcadka lacagta aan dalban karto iyo inta diiwaangalin aahaan aad u bixinayso ayay iisoo direen. Waxaan dhahay lacagtaas ma heli karo ee xal keena.Waxay igu dhaheen: Gmail-kaaga noo soo dir waxaan kuu soo diraynnaa code number ee dib noogu soo dir, bartaas markay joogta ayaan block ku qabtay.

Haddii aad code-ka u dirto,taas macnaheedu waxaa waaye:Waa lala wadawareegay ciwaankaagii iyo Gmail kaagii oo dhan.

W/Q Abdirahman Dahir Geesey

Axmed Madoobe oo tagaya Garoowe iyo Isbaheysi cusub oo la dhisayoMadaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmaha soo ...
14/11/2024

Axmed Madoobe oo tagaya Garoowe iyo Isbaheysi cusub oo la dhisayo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, halkaas uu kulamo kula yeelan doono Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo muddooyinkii lasoo dhaafay kala aragti duwanaayeen.

Axmed Madoobe ayaa mar kale taageero ka raadinaya Madaxweynaha Puntland oo garab istaag u muujiyay xilligii dowladii Farmaajo uu khilaafka kala dhaxeeyay, waxa ayna labada masuul dhisi doonaan mar kale isbaheysi cusub.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan garab istaag iyo taageero u muujiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran kuna dhawaaqay in uu qabsanayo doorasho madaxbannaan.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo saaxiibo ahaa, ayaa kala tagay markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaddib markii Madaxweynaha xilka Ra'isul Wasaaraha siiyay Xamse Barre uu watay Axmed Madoobe, taa oo u cuntami weysay Madaxweyne Siciid Deni.

Gacal Ayman

Ninkan bacaha waxa uu ku wataa, hilbaha gabadhan xijaabka gaduudan wadata !Dambi-baarayaasha Kenya ee gacanta ku haya ki...
06/11/2024

Ninkan bacaha waxa uu ku wataa, hilbaha gabadhan xijaabka gaduudan wadata !

Dambi-baarayaasha Kenya ee gacanta ku haya kiiska ninkii dilka arxandarada ahaa u geestay hooyo, gabar ay dhashay iyo gabar kale oo habayar u aheyd, ayaa helay caddeymo hor leh oo ku aadan fal kale uu dil ah uu geestay Haashim Dhaqane Maxamed.

Muuqaal kaamirada CCTV duubtay ayaa laga arkayay Haashim Dhaqane iyo Deeqa Cabdinoor Garone, oo aheyd haweneyda uu dilay oo ka baxaya dukaan weyn oo lagu magacaabo Quickmart , waxaana dukaanka markii ay ka baxday kaddib la arkay muuqaalka iyada oo galeysa guri kuyaalla xaafada Lavington ee magaalada Nairobi 29/10/2024 .

Dembi baarayaasha waxay caddeeyeen in haweenaydu ay la socotay Hashim Dhagane, oo degganaa guri kuyaalla Nairobi, waxaa ninkan kaamirada qabatay isaga oo wata baco loo maleenayo in ay ku jiraan haraaga hilbaha haweeneydii koobaad uu dilay ninkan sidoo kale jar jaray hil;baheeda.

Waxa kale oo la xaqiijiyey in Dhagane kadib uu ka baxay guriga, mulkiilaha guriga wuxuu ogaaday falka foosha xun ee ka dhacay dhismihiisa, hasa ahaatee ninka guriga lahaa ayaa la sheegay in uusan booliiska wargalin , balse taasi badalkeeda waxa uu rinjiyeeyay guriga si aan loo ogaan wax ka dhax dhacay , isagoona markaa kaddib guriga ka baxsaday milkiilaha oo hadda la baadigoobayo.

Gacal Ayman

Xogta Dilaagii arxanka darnaa ee la qabtay.21 October, 2024, subax isniin ah ayay dadkii deegaanka ee Machakos ku soo wa...
03/11/2024

Xogta Dilaagii arxanka darnaa ee la qabtay.

21 October, 2024, subax isniin ah ayay dadkii deegaanka ee Machakos ku soo waaberiisteen arrin argaggax leh. Waa meydka haweeney jirdilan, gacmo go’an oo kufsan oo si qaabdaran iyada oo xirxiran u dhextaalla luuq qashinqub ah. Machakos, waa magaalo u jirta 60KM caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi. Isla subaxdaas iyo sikimadaasi waxaa iyadane xaafadaha kala ah Parkland iyo Eastleight ee Nayroobi lagu kala arkay meydadka labo gabdhood oo iyagane jirdilan oo kufsan. Mid kamida gabdhahaasi wadnaha ayaa daloolay oo loo fahmay in mindi nafta looga qaaday oo wadnaha laga geliyay. Labadan xaafad ayaa isu jira 5KM, iyagane u sii jira magaalada Machakos ee meydka haweeneyda lagu arkay 60KM.

Saddexdan dumar labo ayaa isdhalay, midna qaraabo dhow ayay la tahay. Waris Da’ud oo 38 jir ah oo meydkeeda laga helay Machakos, waa hooyada Nusayba Daahir oo 12 jir ah oo iyadane laga helay meydkeeda xaafada Eastleight. Gabadha kale Waris ayaa habaryar u ah oo waa Aamina Cabdirishiid oo 22 jir ah.

Dilka dumarkaasi waxaa ka dhashay kacdoon iyo bannaanbax weyn heer maalin dhan oo dhammaystiran la xiray suuqa xaafada Islii. Danta laga lahaa bannaanbaxa ayaa ahayd in la soo qabto dilaaga oo caddaaladda la marsiiyo. Muddo afar iyo toban maalin kadib waxay Dawladda Kenya soo qabatay Haashim Dhaqane oo ah ninka sawirkan ka muuqda. Waa taksiile Kenya soo galay 2019-kii. Isaga ayaa lagu tuhmayaa dilka saddexdaas dumar ah, kadib markii ay CCTV qabatay isaga oo taksigiisa ku qaadaya.

Sida uu sheegay mid kamida ehelka dumarka la dilay, Waris Daa’uud ayaa gurigeeda ka baxday goor fiid ah iyada oo isbitaal aaday, deedna ma aysan soo laaban. Goor saqdhexe ku dhow ayaa gurigii taleefan u soo dhacay. Waxaa joogay labadii gabdhood ee midi ay dhashay midina habaryar u tahay. Nin ayuu ahaa qofkii soo wacay ee u sheegay magaca isbitaal ay ku sugan tahay Waris ee ay tahay inay imaadaan. Labadii gabdhood ayaa iyagane gurigii ka baxay oo raacay isla taksigii ay raacday hooyadood, deedna iyagane ma aysan soo laaban illaa subaxdii la arkay meydadkooda iyo meydka hooyadooda oo saddex goobood kala yaalla.

Waxaa jira xogaha qaar oo sheegaya in Haashim ahayn magaciisa saxda ah. Waxay tibaaxayaan xogahaasi in magaciisa la dhaho Mahad Maxamed oo uu ka soo jeedo Godey, Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS). Billowga 2018-dii ayuu nolosha ku jarjaray gabadh ay qaraabo dhow yihiin oo xaaskiisa ahayd. Markiiba waxaa qabatay xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar oo dhigtay jeelka iyada oo lagu xukumay xabsi daa’in. Balse dhammaadka isla sannadkaas isbeddelkii ka dhacay DDS ayuu kaga soo baxay xabsiga isaga oo Kenya galay oo magaca beddeshay.

Dilka uu u gaystay saddexda dumar ayaa dadka qaar ku sheegayaan inay tahay hawl isaga ka sarraysa oo ay haweeney kale u soo dirtay. Haashim ama Mahad ayaa muddo daris ahaa oo aad isu yaqaanayn saddexdan dumar ee aadka loogu tuhmayo dilkooda.

Dhawr maalin kahor hay’adda baarista dambiyada ee Kenya ayaa shaaca ka qaaday in saddexdii bilood ee u dambaysay ay Nayroobi oo kaliya ka dhaceen 97 dil oo dumar loo gaystay. Si kastaba, hay’adaha baarista iyo caddaaladda ayaa laga sugayaa natiijada kamadambaysta ah.

W/Q Aw Dacar

09/10/2024

Meyd Ku Fadhiiste oo baraha bulshada qabsaday iyo muuqaalo maad ah oo laga sameeyay !

Share garey muuqaalka like-na saar.

Dukumiintiyaal dhul oo ka lumay dadkii lahaa, ayaa la hayaa ee fadlan share gareega oo nala raadiya dadka iska leh.Waxaa...
06/10/2024

Dukumiintiyaal dhul oo ka lumay dadkii lahaa, ayaa la hayaa ee fadlan share gareega oo nala raadiya dadka iska leh.

Waxaa lagu hayaa maqaayadda Iskaashi ee kutaalla xaafada Siisii ee degmada Dayniile, dukumiintiyaal dhul oo kuyaalla degmooyinka Dayniile iyo Yaqshiid.

Haddaba ciddii tabeysa dukumiintiyadaasi waxa ay kala soo xiriiri karaan numberadan 0615118183

Waa la helay wiilkan, mahadsanidiin
05/10/2024

Waa la helay wiilkan, mahadsanidiin

02/10/2024

Tiirka ayaa la geeyay si loo toogto, hasa ahaatee daqiiqadihii ugu dambeeyay inta aan la toogan ayaa ...

02/10/2024

Hooyo macaan haddii ay kuu nooshahay alxamdulilaah dheh, intii hooyadood dhimatayna ilaah ha u naxariiso.

Haddii hooyo jeceshahay muuqaalkan share garey oo like saar.

Sawirkii ugu horreeyay 11 sanno kaddib, aniga oo koofi la’aan ah aan soo dhigo waaye, dadka qaar waa igu sirnaayeen.
01/10/2024

Sawirkii ugu horreeyay 11 sanno kaddib, aniga oo koofi la’aan ah aan soo dhigo waaye, dadka qaar waa igu sirnaayeen.

Gabadhan iyo reerkeeda waa is heleen, adnkana waad ku mahadsan tihiin sida aan noola raadiseen gabadhan yar.
30/09/2024

Gabadhan iyo reerkeeda waa is heleen, adnkana waad ku mahadsan tihiin sida aan noola raadiseen gabadhan yar.

Waa la helay gabadhan, adinkaana u sabab ahaa in reerkeeda helaan, aad ayaana u mahadsan tihiin.
30/09/2024

Waa la helay gabadhan, adinkaana u sabab ahaa in reerkeeda helaan, aad ayaana u mahadsan tihiin.

Bartan shaqo culus ayaa laga bilaahi rabaa , waxaana caawa rabaa in aan ogaado saaxiibada igu xiran in ay hurdaan iyo in...
26/09/2024

Bartan shaqo culus ayaa laga bilaahi rabaa , waxaana caawa rabaa in aan ogaado saaxiibada igu xiran in ay hurdaan iyo in ay soo jeedaan.

Sawirkan haddii kusoo gaaro like saar , sidoo kale farriin noo reeb , si aan u ogaado in dad wannaagsan oo soo jeeda igu xiran yihiin.

Share-haddad dhahdana waad isii dhiirogalisay.

Wiilkan oo reerkiisa ka maqnaa waa la helay, mahadsanidiin.
16/09/2024

Wiilkan oo reerkiisa ka maqnaa waa la helay, mahadsanidiin.

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan loogu dilay Koonfur AfrikaWararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika, ayaa ...
04/09/2024

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan loogu dilay Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in labo muwaadin oo Soomaali ah xalay siyaabo kala duwan loogu dilay xaafado ka kala tirsan magaalooyinka Pretoria iyo Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Kooxo hubeysan oon wali heybtooda la garan ayaa xalay magaalada Pretoria gaar ahaan xaafada Soomaalidu ku badan tahay ku dilay Cabdifitaax Caananuug, ninkan ayaana kamid ahaa ragga sida weyn looga yaqaanay magaalada Pretoria.

Ilaa hadda lama oga sabbata rasiga ah ee loo dilay muwaadinkan Soomaaliyeed iyo cidda dilkiisa ka dambeesay, ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Pretoria ayaana sheegay in ay wadaan baaritaanka dilka loo geestay Caananuug ayna rajeenayana in lasoo qabto raggii dilka geestay.

Dhinaca kale kooxo hubeysan ayaa iyana xalay deegaanka Mfuleni oo katirsan magaalada Cape Town waxa ay ku dileen wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Cabdiraxmaan Nuur , wiilkan la dilay ayaana lagu weeraray goob ganacsi uu ku sugnaa.

Kooxda dilka u geesatay muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa iyana la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen, waxaana booliiska magaalada Cape Town oo tagay goobta dilku ka dhacay bilaabeen baaritaanno lagu raadinayo kooxdii dilkaasi ka dambeesay.

Dalka Koonfur Afrika waxaa si joogta ah loogu dilaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha u raadsatay, mana jirto cid wax iska weydiisa ama masuuliyad iska saartay sidii wax looga qaban lahaa dilalka loo geesto muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Gacal Ayman

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gacal Ayman Gacal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Gacal Ayman Gacal:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share