Puntland Time

  • Home
  • Puntland Time

Puntland Time Puntland Time waa isha waxa cusub. Fadlan Nala saaxiib

02/05/2024

Puntland first

MADAXWEYNAHA OO GOOBJOOG KA NOQDAY DHAARINTA XUBNAHA  WASIIRADA  CUSUB EE DOWLADDA PUNTLAND.Garoowe: 10 March 2024: Mada...
10/03/2024

MADAXWEYNAHA OO GOOBJOOG KA NOQDAY DHAARINTA XUBNAHA WASIIRADA CUSUB EE DOWLADDA PUNTLAND.

Garoowe: 10 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta goobjoog ka noqday Munaasabadda dhaarinta xubnaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Puntland, oo ay dhaarisay Maxkamadda Sarre.

Xubnaha Wasiiradda: -

1. Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

2. Waxaa Ibraahin Cartan Ismaaciil loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR.

3. Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.

4. Waxaa Maxamed Faarax Maxamuud loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.

5. Waxaa Daa’uud Maxamed Cumar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.

6. Waxaa Fu’aad Abshir Axmed (Adeer) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

7. Waxaa Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

8. Waxaa Faarax Cawad Jaamac loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta.

9. Waxaa Shaakir Maxamed Guuleed loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda.

10. Waxaa Cabdullaahi Bile Nuur loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

11. Waxaa Maryan Axmed Cali loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska.

12. Waxaa Maxamuud Caydiid Dirir loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska.

13. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.

14. Waxaa Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

15. Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Faroowe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada.

16. Waxaa Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda

17. Waxaa Cabdiraxman Axmed Cabdulle loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

18. Waxaa Liibaan Muuse Cismaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.

19. Waxaa Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

20. Waxaa Maxamed Cabdiqaadir Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka

21. Waxaa Hodan Siciid Xasan loo magacaabay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

DHAMMAAD.

Ninkii Kismaayo Hooyadii Ku Dilay Oo Isaga oo Ooyaya La Toogtay………Maxkamada Darajadda 1-aad ee degmada Kismaayo ayaa maa...
10/03/2024

Ninkii Kismaayo Hooyadii Ku Dilay Oo Isaga oo Ooyaya La Toogtay………

Maxkamada Darajadda 1-aad ee degmada Kismaayo ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay danbiile Xassan Cabdullaahi Cabdi oo hooyadiis Xaliimo Maxamed Cumar ku dilay magaalada Kismaayo bishii Juun 11 -2023.

Nuuradiin Maxamed Khaliif oo ah Xeer Ilaaliyaha guud ee Jubbaland ayaa warbaahinta u faah-faahiyey sida uu ku imaaday xukunkaan maanta lagu fuliyey Xassan Cabdullaahi Cabdi.

𝐒𝐚𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐢 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐮𝐥𝐞𝐲𝐬𝐨 $𝟑𝟎Liverpool  🆚 Manchester City | English Premier League.𝐒𝐡𝐚𝐫𝐮𝐮𝐝𝐝𝐚𝐡𝐚:1. Like saar page-ka.2. Sha...
10/03/2024

𝐒𝐚𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐢 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐮𝐥𝐞𝐲𝐬𝐨 $𝟑𝟎
Liverpool 🆚 Manchester City | English Premier League.
𝐒𝐡𝐚𝐫𝐮𝐮𝐝𝐝𝐚𝐡𝐚:
1. Like saar page-ka.
2. Share dheh post-ga.
3. Saadaalintu waxay ku egtahay marka ay bilaabato ciyaarta.
F.G: Haddii aadan shuruudaha buuxin, qof buuxiya ee kaa dambeeyey ayaa abaal-marinta heli doona.

06/03/2024

DEG DEG: Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macalin Daa'uud oo lagu helay in uu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo wali aan meydkeeda la aasin.

Waxaana maxkamadu sheegtay in Racfaan ka furan yahay xukunkan.

Meydadka saraakiishii Imaaraatka Carabta ee lagu dilay weerarkii Muqdisho, ayaa lageeyey dalkooda oo lagu aasay.1- Colon...
11/02/2024

Meydadka saraakiishii Imaaraatka Carabta ee lagu dilay weerarkii Muqdisho, ayaa lageeyey dalkooda oo lagu aasay.

1- Colonel Mohammed Al Mansouri, Madaxii Imaaraatka ee Howlgalada Yemen iyo Soomaaliya.

‎2- Captan Mohammed Al Shamsi: Madaxii Saadka iyo Howlgalada deg deg ah.

3- Captan Khalifa Al Balushi Madaxii Sirdoonka ahaana Sarkaalka Tababarka u sareeya.

‎4- Captan Suleiman Al-Shehhi Madax kuxigeenkii Howlgalka Soomaaliya.

Saraakiishan maanta ayay ku laaban lahaayeen dalkooda Imaaraat, ka dib safar Shaqo oo ay Muqdisho kutageen, balse meydkooda ayaa maanta laceshay.

Shaqaalihii Ajaaniibta ee weerarkan kudhintay una dhashay Baxreyn, Afrika iyo Asia ayaa dalalkoodii loo qaaday.

11/02/2024

𝐃𝐀𝐘𝐀𝐂 𝐀𝐌𝐍𝐈 𝐌𝐈𝐒𝐄 𝐃𝐀𝐘𝐀𝐂 𝐇𝐎𝐆𝐆𝐀𝐀𝐌𝐈𝐍?

Xerada Janaraal Gordan oo kamid ahaa xarumaha ugu amniga adkaa in saraakiil Xoogga Dalka iyo tababarayaal ajnabi ah lagu dhex shirqoolo waa fal ugub ku ah sooyaalka amni ee dalkeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxyaabaha dhacay waa inay u noqotaa cashar uu wax ka barto iyo qiil uu wax ku saxo.

Marka uu Amiir Ku Xigeenkii h**e ee Al Shabaab uu xil wasiirnimo ah ku abaalmariyo. Marka wasaaradaha ay hoostagaan ciidamada uu hogaan uga dhigay shakhsiyaad taariikhdooda lagu hubo iney Shabaab soo mareen. Marka hay’adihii ugu xasaasiyadda badnaa uu u dhiibay rag shaqaale u ahaa Alshabaab maxay tahay natiijada uu filan karo?

Wajigabax xanuun badan ayaa gaaray sumcada iyo kalsoonida lagu qabi karo amniga dalka. Madaxweynuhu hadduusan isbaddal degdeg ah ku samaynin qaab dhismeedka hoggaanka amniga dalka, waxa la filan karo waa fashal amni, oo kasii fool xun inta dhacday.

Waxa dhacay waa dayac amni, oo hadii uu Madaxweynuhu qaadi waayo tallaabo u qalanta isku badali doonta dayac hogaamineed.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto intii ku dhimatay weerarkaas foosha xun, intooda dhaawaca ahna uu caafimaad taam ah siiyo.

BREAKING: Imaaraadka ayaa xaqiijiyay in sarkaal afaraad uu saaka u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaastii shalay ka dha...
11/02/2024

BREAKING: Imaaraadka ayaa xaqiijiyay in sarkaal afaraad uu saaka u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaastii shalay ka dhacday xarunta tababarka ciidamada ee magaalada Muqdisho. Afarta sarkaal ee Imaaraadka ayaa lagu kala magacaabaa Colonel Mohamed Al Mansouri, Warrant Officer 1 Mohamed Al Shamsi, Warrant Officer 1 Khalifa Al Balushi, iyo Corporal Suleiman Al Shehhi. Meydadkooda ayaa gaaray Abu Dhabi Axadii. Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale sheegay in sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Bahrain lagu dilay weerarka.

05/02/2024
Garoowe: 23 January 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada...
23/01/2024

Garoowe: 23 January 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabila Garaadada dhaqanka ee SSC-Khatumo, kuwaas oo kala ah Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad Cabdisalaan Xasan iyo Garaad Cabdikariin Cali.

Waxaa Kulanka Madaxweynaha oo kala qeybgalay , Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Jaamac Faarax Xasan

Musharax Madaxweyne Puntland Amb. Ahmed Isse Awad ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey Magaalada Garowe.
23/12/2023

Musharax Madaxweyne Puntland Amb. Ahmed Isse Awad ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey Magaalada Garowe.

19 December 2023 | Ina lilaahi wa inna ileyhi raajicuun alle hau Naxaristo Suldaan Abdicasiis Afguduud oo shil gaari oo ...
19/12/2023

19 December 2023 | Ina lilaahi wa inna ileyhi raajicuun alle hau Naxaristo Suldaan Abdicasiis Afguduud oo shil gaari oo ka dhacay Buundada qayaasame u geeriyooday hada.

Suldanka ayaa u sharaxna Xilka madaxweynaha Puntland.

18December 2023 | Garaadka Guud ee Beelwaynta Daarood Garaad Jaamac Garaad Cali yo ugaaska Guud ee Beelwaynta Sade Daaro...
18/12/2023

18December 2023 | Garaadka Guud ee Beelwaynta Daarood Garaad Jaamac Garaad Cali yo ugaaska Guud ee Beelwaynta Sade Daarood Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay caasumada SSC khaatumo ee Laascanood

18December 2023 | DEGDEG: Wasiirkii Arrimaha-dibedda Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse ayaa si rasmi ah isaga casiley xil...
18/12/2023

18December 2023 | DEGDEG: Wasiirkii Arrimaha-dibedda Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse ayaa si rasmi ah isaga casiley xilkaasi.

Waa Musharrax Madaxweyne Puntland, maanta ayuuna ka degeyaa Garoowe.

GAROOWE 17December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada...
17/12/2023

GAROOWE 17December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Garaad Jaamac Garaad Cali.

Garoowe: 17 December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay Qunsulka  Itoobi...
17/12/2023

Garoowe: 17 December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay Qunsulka Itoobiya ee Puntland Dagnachew Yitberke iyo Saraakiil ka tirsan qunsuliyada.

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Time posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Puntland Time:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share