Dowladda Turkiga ayaa maanta u dirtay dalka Sweden diyaarad gargaarka deg dega ah si ay dalkaas uga soo qaaddo muwaadin Turkish ah oo uu ku dhacay fayruska Covid-19, kaas oo aan helin daweyntii uu u baahnaa.
Ninka uu haleelay fayruska oo 47 jir ah ayaa Gabar uu dhalay muuqaal ay horey u duubtay waxaa ay ku wargalisay madaxweynaha iyo dowladda Turkiga xaaladda Aabbaheed oo liidatay, jawaabta ay ka heshayna waxay noqotay si dhaqso ah in loogu soo diray diyaar ambulance ah, oo geynaysa Turkiga si uu daaweyn u helo Aabbaheed. Waxay si ballaaran uga mahadcelisay oo sharaf ku tilmaamtay tallaabada dowladeeda ay qaaday oo ay xaqiijisay inay aheyd wax ay ka fileysay.
Waa tusaale nool oo aan ku fahmi karno muhiimada ay dowladnimada iyo qaranimada u leedahay Bulshada!
Maxamed Cabdi Jaamac waa wiil Soomaali ah oo uu ku dhacay cudurka Carona, haddaba qofka muxuu dareemaa marka cudurkaas uu haleelo?