Horn television Network

Horn television Network Waxaad naga helikartaa waxyaabaha sida wararka, Madadaalo,iyo Dhacdooyinka dunida iyo geeska Afrika

Degmada Baabili ee Gobolka Faafan. Shirka wacyigalinta Nabadgaliyada ayaa lagu qabtay Madasha shirarka degmada Baabili.....
12/14/2024

Degmada Baabili ee Gobolka Faafan.

Shirka wacyigalinta Nabadgaliyada ayaa lagu qabtay Madasha shirarka degmada Baabili...

Waxaana shirka si wada jir ah u shir gudoomiyay Hogaanka Nabadgaliyada Gobolka faafan Mudane Rabiic ,komishinka kuxigeen Booliska Gobolka Faafan mudane maxamed, madaxa Caddalada Gobolka Faafan, mudane axmed shine iyo Gudoomiyaha Degmada Baabili Mudane Cabdi Caydid ...

Ujeedada shirka ayaa ahayd in la dardargeliyo sugidda amniga, Diyada Magta oo korlooqaado iyo isku xidhka booliska iyo bulshada.

Saraakiisha booliska iyo Masuuliyiinta kasocota Gobolka ayaa shacabka kula dardaarmay in ay ku dhaqmaan sarreynta sharciga,nabadgelyadana si wadajir ah looga wada shaqeeyo, oo ay kala dagaalamaan, Dhagarta Dilka, isku dirka Bulshada iyo waxyaabaha dambiga u horseedi kara.

Shirkan waxaa kasoo qaybgalay Odayaasha, Waxgaradka, Maamulada Qabalooyinka, iyo Bulshada ku dhaqan magaalada dhandhame

Shacabka ayaa dhankooda balanqaaday inay doorkooda ka soo baxayaan ayna nabadgalyada kala shaqayndoonaan booliska iyo hay'adaha amniga ee kaleba.

W/Q; Axmad Cabdi

12/14/2024
Dagmada Baabili👉“Magacaabistii ugu habooneyd”Dagmada Baabili Waxay nasiib u heshay gudoomiye karti,dadaal,aqoon Iyo Alla...
12/13/2024

Dagmada Baabili👉

“Magacaabistii ugu habooneyd”

Dagmada Baabili Waxay nasiib u heshay gudoomiye karti,dadaal,aqoon Iyo Allah ka ka cabsiba Ilaahey isugu darey,Nin dhalinyaro ah oo dadaal badan,shaqsi aqoon Iyo fahan baden ka haysta xaalada nolosha bulshada,dhaqanka iyo dabeecadaha deegaanka.

Dadaalkiisa iyo xilkasnimadiisa ka sakow waxaa caawinaysa maadaamoo uu yahay shaqsi deegaanka wax kusoo bartey muddo badana kasoo shaqeeyey,garanaya baahida bulshada,dhaqanka iyo caqabadaha jira waxay u fududeysey inuu xallliyo xaalado badan.

Gudoomiye yimid Wakhti adag oo Shacabka Dagmadu Dalbanayeen Maamuul Dheelitiran Dagan oo Arkaya Dhibatoyiinka iyo Horumar la'aanta Degmada ka Jirtay shaqsigi ka sari lahaa ayaa Maaalintii lamagacaabay
Gudoomiye Waa Mid kamid ah Waxgaradka Degmada sidaas ay tahayna u soo joogay Wayo-badan Dhibatooyin ka dhicijiray Degmada tan ee Baabili

Arinta ugu weyn ee dadku ku bogaadiyeen kuna amaanaan Shacabku waa dhegeysiga tabashada bulshada,dulqaadka iyo waa xalinta khilaafadka iyo iskudhacyada beelaha,waxqabadkiisii ugu horeeyay wuxuu Xooga saaray Nabadgalyada wuxuuna Dhexdooda Nabadgalyo waarta ka dhaliyay isaga oo kaashanaya odayal dhaqameedka, waxgaradka, dhalinyada beelaha walaalaha aha ee dagaal beeleedku ku dhexmaray dagmada Baabali si ay ugu wada noolaadaan nabad kana shaqeeyaan walaaltinimada sidookale Kor uqaadista Dakhliga waxbarashada caafimaadka iyo Beeraha

Mudane Waa nin Khibrad waayo aragnimo uleh arimaha Nabadgayada Wuxuu Mudadii yarayd ee uu joogay Dagmada kahirgaliyay Saraynta Sharciga Siguud Xaalada Nabad Galyada Ayuu Si Adag Uga Shaqeeyay Dhinaca Wada Noolaanshaha Dadka Wada Dagan Dagmada Sidookale Dhinaca Dakhligana 100%Ayuu Kor Uqaaday waxaanu ka shaqaysiiyay ilaha joogtada ah ee dakhliga si ay dagmadu u noqoto mid ka midho dhalisa qoondada dakhli si ay u hirgalaan dhamaan shaqooyinka horumarineed ee qorshaysan.

Gudoomiye Waa Xubin Mudo yar Ku - Muujiyay Khibrad dheehasho Shaqo & Mid hogaminedba islamarkaana Kaalin Muhiima Ka Qaadan kara Geedi-Socodka isbadalka Deeganka leh na Fahan Kuwajahan Hirgalinta Isbadalka Siyaasadeed ee Socda. Waxanan aaminsanahay inuu yahay Masuul wax ka Qabashada Dhibatoyinka Deegaanka lagu Samata bixinayo gashi fiican ku soo kordhinkara
Masuuliyadu waa danqasho shacab daacadnimo karti iyo hufnaan uu shaqsigu leeyahay isagoo og inuu xilka saaran yahay bulshada uu u adeegayo
caydiid waa xubin eebe Kumanaystay habdhaqan wanaagsan & Danqasho Shacab

*Gudomiye Qabaleeyada fogfog kormeera oo Xarumaha Cafimadka gaar ahan postiyada aad Mudnaanta usiiyay meelaha aan Biyaha lahayna ishakuhaya oo markasta kawarhaya una ukurgala xaalada Dhabta ah ee Shacabkiisu kusuganyahay

*Gudomiye Odayasha dhaqanka iyo hooyoyinka il gaar ah u leh ookawarhaya iyaga ayaa ah kuwo wayo arag ah Waana Mid aankubogaadiniyo gudoomiye caydiid in uu danyerta sigaara ucawiyo wixii dagmadu awoodo

*Shaqaalaha Dawlada gaar ahan iyo Cafimadka ayuu Mudnaan gaar ah siiyay Cabashadooda kuwaas oo ah tiirka ay ku aas-aasantahay Dawladnimadu
Aqoonyahan kudayasho Mudan

*wuxuu xooga saaray Dhanka waxbarashada si dagmada Baabibili ay ugasoobaxaan arday kadhisan dhanka tayada uuna kuguulaystay
Diyaarinta qorshaha isbedelka waxsosaarka beeraha (Agricultural Transformation plan), oo ku salaysan caqbadaha waxsoosaarka hortaagan iyo fursadaha laheli karo ayuu usheegay Cabd cydiid Shacabka Dagmada usheegay waxaana Si heer sare ah Dagmada Baabili uga hirgalay Barnamijka Dalag iyo Daryeel Bogaadin ayuu mudanyahay

Waa shaqsi ay adag tahay inay mawqifkiisa ka beddesho wax kasta oo noolaha ujeedadooda lagaga leexiyo sida: cabsi galin, dhuunni iyo hab qabiilba. Waxa uu markasta mudnaanta koobaad siiyaa oo maankiisa aan ka bixin in bulshadu ay noqoto mid isku-filan oo kaabayaasheeda dhaqaale si buuxda u haysato hannaanka loo mari lahaa inuu isku daygeeda qayb ka noqdo ayuu jecel yahay waana shaqsi karti Hogaamineedleh
Waxa uu ku hawlan yahay maankiisu ka fikirka dadka haynta yar sidii kor loogu qaadi lahaa. Inta haynta dhexe siday wax ugu tari lahaayeen inta hoose ilaa heerka ugu sarraysa ee dhaqaleha bulshadu uu noqdo mid dheeftiisa la wada helo

Barnaamijka isku dhacyadada reeraha oo kuwo badan oo maamulka kamid ahaa ka macaashi jireen una haysteen in cimri dherer laga helayo ayaa mudo gaaban lagu so afmeeray Dagmada xukumada waan ku bogaadinayaa in ay fursada maamul siisay qayb kamid ah dhalin yaro maskax furan oo deegaanka dhulka iyo sida loo kala dagan yahay sifiican ukala garanaya

Wuu xuu kamid yahay shaqsiyadka fara ku tirikska ah ee ay tahay in lagaga daydo shaqada waxana qabaa inuu kasoo dhalaali mel walba oo uu ku arko danaha bulshada waana shaqsi isku daya ukurgalka umada mudane ano og iney wajibaad kaagii tahay hadana kumahadsanid ❤️

Dadaalka shaqo ee aad bulshadaada ugashay waa mid buuga diiwaanka taariikhda kuu gali doona masuul🙏

W/Q:-Amin dek Ali

Xasuusin.....Caawa Waa Habeen jimca ah, ee Saliga Xabiibkeeni Suubanaha ﷺ aan Badino.❤ Habeenka jimcaha iyo Maalinta jim...
12/12/2024

Xasuusin.....

Caawa Waa Habeen jimca ah, ee Saliga Xabiibkeeni Suubanaha ﷺ aan Badino.❤

Habeenka jimcaha iyo Maalinta jimcaha waa xiliyadda iyo saacadaha ugu Fadliga badan Toddobaadka,

Sidaas si lamida waa maalinta ugu khayr ka baddan ee Nabiga (SCW) lagu saliyo. Badiya Salliga Nabigeena Muxammad, Salallaahu Caleyhi Wasallam ❤

Jumma Mubarak,❤

12/05/2024
12/04/2024

Xafiiska Warfaafinta Deegaanka ayaa soo diyaariyay dood wadaag ku saabsan hab isticmaalka warbaahinta casriga ah.

Wasaaradda amnigga Itoobiya ayaa sheegtay in Deeganada Camfarta iyo Soomalidu is dhaafsadeen maxaabistii la kala hayay.W...
12/04/2024

Wasaaradda amnigga Itoobiya ayaa sheegtay in Deeganada Camfarta iyo Soomalidu is dhaafsadeen maxaabistii la kala hayay.Waxay sheegen in qaab Nabdoon wax lagu xalin doono.

Magaalada jigjiga ama deegaanka soomaalida loogagama durbaan tumikaro, loomana soo dhoofinkaro afkaaro qabiil iyo kuwa s...
12/01/2024

Magaalada jigjiga ama deegaanka soomaalida loogagama durbaan tumikaro, loomana soo dhoofinkaro afkaaro qabiil iyo kuwa siyaasadeed oo ka aloosan dalalka aan dariska nahay:

Waxaannu haysannaa amni iyo xasilooni siyaasadeed, iyo sidoo kale wada noolaansho bulsho oo aan taariikhda inta uu soo jiday deegaan ku soo helin.

Ma ogolaanayno in lagu kala geeyo bulshada, hebel oo waddan kale ah Baan ku taageersanahay abtir qabiil, ama Dana siyaasadeed , oo aan ugu geeraari jigjiga.

Waxaan arkaynay kuwo isu sheegaya inay ku hadlayaan codka waxgaradka deegaanka soomaalida oo leh waxaan taageersanahay hebel ama koox hebel.

Dadyawga isticmaalaya ereyada bulshada soomaaliyeed ee deegaanka kala gaynaya ujeedkoodu waa in ay uun khalkhal galiyaan amniga deegaanka ama ay ka abuuraan deegaanka dhaqan siyaasadeedka halaagay daawladda soomaaliya ee ah QABIILKA.

Haddaba hay,adaha amniga ee deegaanka waxay uga digayaan in ay joojiyaan dadkaasi carqaladda ay wadaan, haddii ayse joojin waayaan waxa ay wajahayaan in sharciga lahorgeeyo.

Deegaanka soomaaliduna ma xamili karo in laga garaaco durbaan siyaasadeed oo lagu taagaareeyo ama lagu diidayo wax kabaxsan danihiisa.

Hogaanka nabadgaliyada Dds Dayib Ahmed nur

12/01/2024

Guushii ugu Weyneyd ee Qaranka” Tani Macqul ma ahan.

"Hadii baarlamaanka Deegaanka ay 59 xisbi oo isku reera ku guuleystaan looma arkayo inuu yahay baarlamaan loo dhan yahay...
11/30/2024

"Hadii baarlamaanka Deegaanka ay 59 xisbi oo isku reera ku guuleystaan looma arkayo inuu yahay baarlamaan loo dhan yahay, laakin hadii hal xisbi uu ku guuleysto oo dadka miiska fadhiya kala qabaa'il kala duwan yihiin baarlamaan loo dhan yahay baa loo arkayaa."

Madaxweyne Mustafe oo ka hadlayay in dadka Deegaanku wali bislaan oo ay gaadhin xili afkaar iyo xisbiyo walina hab qabiil wax loo arkayo

"Isbadalka kahor Deegaankeena oo nabad ahaa waxba lagana qaban, gacan bidixeyn baa jirtey, isbadalka kadib waxbadan baa ...
11/30/2024

"Isbadalka kahor Deegaankeena oo nabad ahaa waxba lagana qaban, gacan bidixeyn baa jirtey, isbadalka kadib waxbadan baa qasoomay."

"Tusaale ahaan Jigjiga buundooyinka ka jiraad eegaysaa, biyaha eegaysaa, Goday hadaad tagto iskuulada la dhisey, Isbitaalada la dhisey waxyaabo badan oo inoo qabsoomaay baa jirta."

Waxaa sidaasi yidhi Wasiirka Xafiiska Beeraha ,Cabdiqaadir Iimaan.

W/q Shardiid Macalin.
Voss Tv.

Ruushka wuxuu si cad u yiri “Waan isticmaaleynaa hubkeena Nuclear” ☢️ Xili shacabka wadamada qaar ee Yurub lagu wargaliy...
11/20/2024

Ruushka wuxuu si cad u yiri “Waan isticmaaleynaa hubkeena Nuclear” ☢️

Xili shacabka wadamada qaar ee Yurub lagu wargaliyay inay aqristaan wararka la xiriira Nukliyeerka Ruushka .

Address

Washington D.C., DC
WARAAR

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Horn television Network posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Horn television Network:

Videos

Share