Jigjiga News

Jigjiga News News

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha shirka Sharm el ...
05/24/2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha shirka Sharm el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen xoojinta mashaariicda Bagiga uu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii uu gacan uga geysan lahaa barnaamijka hormarinta dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya ay waddo.

Dr Adesina ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay barnaamijka deyn cafinta, isaga oo sheegay in bangigu kor u qaadi doono taageerada uu siiyo mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya.

DEG-DEG: Guddiga Doorashooyinka ayaa hakiyey Sadex degmo oo Nugaal ka tirsan oo Garowe ku jirto, waxayna sheegeen in khi...
05/24/2023

DEG-DEG: Guddiga Doorashooyinka ayaa hakiyey Sadex degmo oo Nugaal ka tirsan oo Garowe ku jirto, waxayna sheegeen in khilaaf hareeyey iyo Amni xuumo awgeed Aysan Doorasho uga qaban karin

Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta kulan Hargeysa kula yeeshay safiirka Uk ee Soomaaliya  Amb Mike Nithavrianakis. mada...
05/24/2023

Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta kulan Hargeysa kula yeeshay safiirka Uk ee Soomaaliya Amb Mike Nithavrianakis. madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in kulanka lagaga hadlay dagaalka Laascaanood iyo sidii loo joojin lahaa.

Madaxtooyadu waxa ay sheegtay in madaxweynaha Somaliland safiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin dhinacooda xabbad joojin iyo nabad.
Dhinaca kale arrimaha doorashada ayaa kulanka lagaga hadlay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kulan la yeeshay Taliska Ciidanka Bo...
05/24/2023

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kulan la yeeshay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiisha loo diyaariyey in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo Amaanada Imtixaanka.

Wasiir Faarax iyo S.Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Saraakiisha kula dar daarmay in ay masuul ka yihiin bad qabka ardayda iyo amaanada Imtixaanka, wax ay sidoo kale fareen in ay ardayda ula dhaqmaan sida ugu wanaagsan, oo aysan khal khal galinin ardayda.

Saraakiishan ayaa ka shaqeyn doono 114 xarumood oo loo diyaariyey in ay Imtixaan ku galaan 34,000 oo arday, kuwaasoo ku kala yaalla Caasimadda iyo Gobollada dalka.

05/24/2023
05/24/2023

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulamo gooni gooni ah kula yeeshay madasha shirka Sharm El Sheikh madax ka mid ah hoggaamiyeyaasha shirka ka qayb galaya.

Afhayeen Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa faahfaahiyay arrimaha uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay madaxdaas iyo dood-cilmiyeed uu kala qaybgalay Ra’iisul Wasaareyaasha Masar, Rwanda, Burundi, Madaxweynaha Comoros iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Tanzania.

05/24/2023

Maleeshiyaad Ajaanib ah oo ka baxsanayay Khawaarijta ayaa ku daatay wabiga jubba. ( Warbixin)

05/24/2023

Ra’iisul Wasaaraha oo dood-cilmiyeed kala qaybgalay Ra’iisul Wasaareyaasha Masar, Rwanda, Burundi, Madaxweynayaaha Comoros iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Tanzania, ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay xoogga saartay hirgelinta lix tiir oo ka mira dhalintooda ay u horseedi karto Soomaaliya horumar iyo barwaaqo.

Shirka 6-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowlada Federaalka Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir  oo uu gudoo...
05/24/2023

Shirka 6-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowlada Federaalka Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir oo uu gudoominayo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa manta ka furmay magaalada Muqdisho

Shirkan ayaa looga hadlayaa Xaaladda Amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee Howlgalada lagu Alshabaab Dhameystirka Arrimaha Deyn cafinta iyo Dhaqangelinta heshiisyadii h**ey ay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Soomaalida Kenya oo La Wareegtay Haayadaha Amaanka Ee Dalkaasi.Waan bogaadinaynaa guusha walaaleheen iyo sida ay uga dhe...
05/23/2023

Soomaalida Kenya oo La Wareegtay Haayadaha Amaanka Ee Dalkaasi.

Waan bogaadinaynaa guusha walaaleheen iyo sida ay uga dhex muuqdaan waxna ula qaybsanayaan kenya.

1. Adan Dualle. Wasiirka Gaashaandhiga
2. Nuradin Haji. Madaxa Sirdoonka
3. Nur Gabow. Ku Xigeenka Booliska
4. Abdikadir Burhe. Madaxa Sirdoonka Milatariga
5. Amin Mohamed. Madaxa Dambi Baadhista

Xulka kubadda Cagta MM Qabri Dahar oo Garoonka Ku dhex Xusay Macalin Lare Cilmi oo kamida Macalimiinta kubadda cagta Ee ...
05/23/2023

Xulka kubadda Cagta MM Qabri Dahar oo Garoonka Ku dhex Xusay Macalin Lare Cilmi oo kamida Macalimiinta kubadda cagta Ee sida wayn looga yaqaano Gobalka Qoraxay Iyo Deegankaba…

Macalinkii Ku Caan baxay kalmadii “Dhiibo Dhaqaaq ,Daf Iyo Midhiq..

WAR SAXAAFADEEDCiidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo hawlgalkii Jilib ku dhaawacay Horjooge Sare oo Khawaarijta k...
05/23/2023

WAR SAXAAFADEED

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo hawlgalkii Jilib ku dhaawacay Horjooge Sare oo Khawaarijta ka tirsan.

Muqdisho, 23 May 2023: Mid ka mid ah Horjoogayaasha Khawaarijta ayaa lagu dhaawacay hawlgal wadajir ah oo ay fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Horjoogaha la dhaawacay waxaa lagu magacaabaa Cusmaan Maxamed Cabdi, wuxuuna Khawaarijta u qaabilsan yahay arrimaha dibadda.

Hawlgalku waxa uu ka dhacay degmada Jilib oo Gobalka Jubbada Dhexe, waxaana lagu beegsaday Guri uu isku qarinayay.

Horjoogahaan waa denbiile mas’uul ka ah in uu dalka soo galiyo Khawaarijta ajaanibta ah, sidaas si la mid ah wuxuu fududeeyaa kala gudbinta fikradaha Khawaarijta.

Dawladda Soomaaliyeed waxa ka go’an in cadaaladda la marsiiyo danbiilayaasha Khawaarijta ah ee doortay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Beegsiga horjoogeyaasha Khawaarijtu waa fariin ku socota kooxaha Khawaarijta ah taas oo ah in aanay Soomaaliya ku heli doonin gabbaad ay ku dhuuntaan isla markaana si joogto ah ay u daba socdaan Ciidamada Amnigu si cadaaladda loo marsiiyo.

05/23/2023

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Sharm El Sheikh uga qaygalaya shirka sanadlaha ee Baniga Horumarinta Afrika oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaal ka kala socda qaaradda Afrika.

05/23/2023

Wasiir Faarax" Imtixaanka sanadkaan waxaa u fariisanaya 34 kun oo ardey, Waxaana go'aan ku gaarnay in deegaan kasta aan gaarsiino".

05/23/2023

General Sulub" Boliiska ayaa qaaday Masuuliyadda ilaalinta Imtixaanka Shahaadiga, waana la isku ciqaabi doonaa wixii qalad ka dhaca".

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Sharm El-Shei...
05/23/2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo maanta ka furmay magaaladaasi.

Shirka oo ay ka qaybgalayaan madax ka socota Qaaradda Afrika ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa Isku dubaridka maalgelinta Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door muhiim ah uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Afrika kala qaybgalaya dood-cilmiyeed ku saabsan caqabadaha qaaradda Afrika ka heysta qaab dhismeedka dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah ay qayb uga noqon karaan xal waara oo loo helo dhibaatooyinka soo wajahaya Afrika.

War deg-deg ah: Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa...
05/22/2023

War deg-deg ah: Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo xarun u ah Khawaarijta Al Shabab.

Weerarka oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ayaa geestay Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay.

La soco faah faahin dheeraad ah.

05/22/2023

laka helayo turkey

Musharaxii sadexaad Sinan Ogan ee helay 5%
doorashadii dhowaan ka dhacday dalka Turkiga ee madaxtinimada ayaa hada si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu si buuxda kalsoonidiisa usiiyay una taageeray in shacabka Turkigu madaxwaynimo udoortaan madaxwaynaha hada Recep Tayyip Erdoğan.

05/22/2023

XERITAANKA SHIRWEYNAHA QARAN EE DHALLINYARADA SOOMAALIYEED

Shirka dhalinyarada qaranka Soomaaliyeed oo ah kii 9aad kana socday 3 Maalin Magaalada Muqdisho ayaa lasoo xiray galabta...
05/22/2023

Shirka dhalinyarada qaranka Soomaaliyeed oo ah kii 9aad kana socday 3 Maalin Magaalada Muqdisho ayaa lasoo xiray galabtay.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga aya shirka sanadkaan iskugu keentay in kabadan 500 oo dhalinyaro oo ka kala yimid guud ahaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waxaana mowduucyada shirka sanadkaan lagu lafa guraayay ay ahaayeen Doorka Dhallinyarada ee Dhismaha Nabadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Dhalinyarada baahiyaha gaarka ah qaba ayaa door fiican ka qaatay doodaha iyo talada shirka dhallinyarada qaranka sanadkaan oo ka duwanaa sanadyadii h**e Maadama Wasiir Maxamed Barre Maxamuud uu hor keenay in kabadan 13 wasaaradood wasiiradooda si waxyaabaha kala dhaxeeya dhalinyarada iyo mowduuca shirkaba uga jawaabaan.

05/22/2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar oo uu kaga qaybgalayo shir madaxeed looga hadlayo Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.

Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo soo  xiray saraakiil ka tirsan wasaaradda Maaliyadda kuwaas oo ku eedeysan x...
05/22/2023

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo soo xiray saraakiil ka tirsan wasaaradda Maaliyadda kuwaas oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne.

Arimaha dastuurka soomalidaMaqaal uu ka qoray siyaasi ibraahim dheere BULSHO: 12(Qoomiyada Soomaalida & Distuurka Ethiop...
05/20/2023

Arimaha dastuurka soomalida
Maqaal uu ka qoray siyaasi ibraahim dheere
BULSHO: 12
(Qoomiyada Soomaalida & Distuurka Ethiopa).

Daraasad uu soo saray Machadka Daraasadaha Siyaasada Ethiopia oo ku saabsanayd in Distuurka Fadaraalka Qoomiyadaha ku dhisan wax laga badalo iyo in kale ayaa waxaa si Aqlabiyad ah ku diiday in wax laga badalo Distuurka hada jira qoomiyadaha kala ah:
1. Qoomiyada Oromada (No 91%).
2. Qoomiyada Soomaalida (No 66%).
3. Qoomiyada Bani Shangulka (No 64%).

Aniguna waxaan taageersanahay Mawqifka uu shacabkeenu qaatay.

Adiga maxay kula tahay Aqriste?

05/20/2023

Wasaaradda Waxbarashada dalka oo ku dhawaaqday natiijada Imtixaankii laga qaaday Macallimiinta.

05/20/2023

Waa war Farxad leh oo dowlada iyo shacabka soomaliyeed ay gareen Konteenerkii Labaad oo lagu soo raray qaraxyo iyo saanad ciidan ayaa lagu qabtay Dekadda Muqdisho.

05/16/2023

Deg-deg: Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS ayaa dalka ka ceyrisay laba ruux oo ajaanib ah kadib codsi uga yimid xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo labadaas ruux ku eedeeyay in ay ku xad gudbeen sharuucda iyo Xeerarka dalka.

Labadaan Ruux oo lagu kala magacaabo Jacek Josef Ochman oo u dhashay dalka Poland iyo Ralf Bernhard Gehlig oo u dhashay dalka Jarmalka, labadaan ruux waxaa ay ku xad gudbeen xeerarka iyo shuruucda dalka iyaga oo ka dhexbaxay anshaxa iyo dhaqanka diblomaasidadeed

05/16/2023
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Nuradin Mohamed Yusuf Haji u magacaabay Agaasimaha Guud Hey’adda Sirdoonka Kenya ee...
05/16/2023

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Nuradin Mohamed Yusuf Haji u magacaabay Agaasimaha Guud Hey’adda Sirdoonka Kenya ee NIS, waxaa uu noqonayaa Soomaaligii u horreeyay ee xilka Sirdoonka Kenya loo magacaabo, iyadoo uu sugayo ansixinta Baarlamaanka Kenya.

04/26/2023

Dowladda Soomaaliya ayaa muwaadiniintii ugu horreysay oo laga soo daadgureeyay dalka Suudaan maanta ka soo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Muwaadiniinta maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo tiradoodu gaareyso 18 ruux ayaa laga soo daadgureeyay Xadka Sudaan uu la leeyahay dalka Koofurta Suudaan gaar ahaan Magaalada Buluja.

Ku simaha xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo Garoonka Adan Cadde ku soo dhaweeyay Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in diyaarad Qaas oo ay leedaha dowladda Kenya looga soo qaaday Dalka Koofurta Suudaan, dowladda Soomaaliyana ay wali ku howlantahay sidii dalkooda hooyo looga soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeesheen colaadaha dalka Suudaan.

DEG-DEG Madaxweynaha Jubbaland Md Ahmed M Islaam iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Hadda ka degay Garoonka Bole Internationa...
04/26/2023

DEG-DEG Madaxweynaha Jubbaland Md Ahmed M Islaam iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Hadda ka degay Garoonka Bole International ee Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia.

Wasiiro Iyo Saraakiil kala duwan ayaa Garoonka kusoo dhaweeyay Waftiga Jubbaland ee Caawa Addis Ababa ka degay.

Md Ahmed Madoobe Iyo Maamulkiisa waxaa Addis Ababa Iyo Ethiopia ugu dambaysay Sanadkii 2018 waxii intaas ka dambeeyayna ma jirin wax Cilaaqaad ah oo ka dhexeeyay balse Booqada Caawa Ugu bilaabatay Magaalada Addis Ababa oo sida aan xogta ku helay qaadan doonta 4 Maalmood ayaa ka dhigan in Jubbaland ay Cilaaqaad la yeelan doonto Dowladda Ethiopia.

SUDAN.Dagaalka ayaa galay maalinkii 10aad.Safaaradaha caalamka ayaa kalabaxaya Muwaadiniintooda.Dagaalka ayaa ku fiday m...
04/25/2023

SUDAN.

Dagaalka ayaa galay maalinkii 10aad.
Safaaradaha caalamka ayaa kalabaxaya Muwaadiniintooda.
Dagaalka ayaa ku fiday meelo badan caas8mada Dalka ee Khartoum, waxaana dhamaaday dhamaan noloshii aasaasiga ahayd sida laydhka, biyaha, iyo cuntada, waxaa sidoo kale xidhan bangiyada.

Xabad joojin 3 cisho ah oo uu Maraykanku u soo jeediyay ayaa la filaya inay maanta dhaqangasho.

Xaalada Sudan ayaa aad u xakiran lamana saadaalin karo sida uu xaalku noqon doono.

04/24/2023

Sudaan
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka digay in rabshadaha ka socda Sudan ay “khatar ku yihiin musiibo colaadeed oo gudaha Sudan ah oo hareysa gobolka oo dhan iyo meelo ka baxsan”.

Wadamada aduunka waxa ay u tartamayaan sidii ay kumanaan muwaadiniintooda uga soo saari lahaayeen Khartoum

Dag Dag PakistanDhowr qof ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay saldhigga booliiska Pakistan Booliska ayaa sheegay in laba q...
04/24/2023

Dag Dag Pakistan
Dhowr qof ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay saldhigga booliiska Pakistan

Booliska ayaa sheegay in laba qarax ay ka dhaceen gudaha saldhiga ‘la-dagaalanka argagixisada’ ee Kabal, waqooyi-galbeed Pakistan.
Xarun ku taal waqooyi-galbeed Pakistan Isniintii, oo ay ku dhinteen ugu yaraan siddeed qof, booliisku waxay sheegeen, iyagoo xusay in dhowr kale la dhaawacay.

Taliyaha booliska gobolka Akhtar Hayat ayaa sheegay in aysan wali cadeyn waxa sababay qaraxyada ka dhacay xarunta ku taal dooxada Swat ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa.

Xarunta ayaa sidoo kale waxaa ku yaalla Saldhiga degmada Kabaal iyo xarun ay leeyihiin ciidamada keydka, balse khasaaraha ugu badan ayaa soo gaaray dhismaha waaxda la dagaalanka Argagixisada.

Xayaat waxa uu sheegay in Xafiiska uu ku yaalo Bakhaar duug ah oo rasaasta lagu iibiyo,Booliskana ay baarayaan in qaraxaas uu sababay iyo in uu ahaa weerar Maleeshiyaad ah.

Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda, si kastaba ha ahaatee laba weerar oo lagu qaaday saldhigyo waaweyn oo boolisku leeyihiin ayaa lala xiriiriyay kooxda Taliban Pakistan, oo loo yaqaan Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP) tan iyo bilowgii sanadkan.

Xayaat waxa uu sheegay in inta badan dadka la dilay ay ahaayeen ciidamada booliska ee la dagaalanka argagixisada.

"Wararka ayaa sheegaya in saqafka sare ee xarunta waaxda la dagaalanka argigixisada ay god galeen. Sideed qof ayaa dhintay. Waxaa socda gurmadka. Waxay isku dayayaan inay burburiyaan, "ayuu yiri Kamaal Hyder oo ka tirsan Al Jazeera Isniintii.

Bilal Faizi, oo ah afhayeenka adeega samatabbixinta ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa, ayaa sheegay in raadinta dhaawacyo kale ay wali ku jiraan heerarkii ugu h**eeyay.

Maamulka Isbitaalka Gobolka ayaa sheegay in ay soo gaareen dhowr qof oo dhaawac ah, kuwaasi oo qaarkood ay xaaladoodu liidato.

04/24/2023

Ruushka ayaa sheegay in weeraradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday dekedda Crimea ay ‘iska caabiyeen’
Mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa la toogtay halka mid kalena uu iskiis u qarxay, ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Crimea ee uu Ruushka taageero.

Address

Fife, WA
011

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jigjiga News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Jigjiga News:

Share


Other Fife media companies

Show All