Puntland Time

Puntland Time Puntland Time waa isha waxa cusub. Fadlan Nala saaxiib

Meydadka saraakiishii Imaaraatka Carabta ee lagu dilay weerarkii Muqdisho, ayaa lageeyey dalkooda oo lagu aasay.1- Colon...
11/02/2024

Meydadka saraakiishii Imaaraatka Carabta ee lagu dilay weerarkii Muqdisho, ayaa lageeyey dalkooda oo lagu aasay.

1- Colonel Mohammed Al Mansouri, Madaxii Imaaraatka ee Howlgalada Yemen iyo Soomaaliya.

‎2- Captan Mohammed Al Shamsi: Madaxii Saadka iyo Howlgalada deg deg ah.

3- Captan Khalifa Al Balushi Madaxii Sirdoonka ahaana Sarkaalka Tababarka u sareeya.

‎4- Captan Suleiman Al-Shehhi Madax kuxigeenkii Howlgalka Soomaaliya.

Saraakiishan maanta ayay ku laaban lahaayeen dalkooda Imaaraat, ka dib safar Shaqo oo ay Muqdisho kutageen, balse meydkooda ayaa maanta laceshay.

Shaqaalihii Ajaaniibta ee weerarkan kudhintay una dhashay Baxreyn, Afrika iyo Asia ayaa dalalkoodii loo qaaday.

11/02/2024

𝐃𝐀𝐘𝐀𝐂 𝐀𝐌𝐍𝐈 𝐌𝐈𝐒𝐄 𝐃𝐀𝐘𝐀𝐂 𝐇𝐎𝐆𝐆𝐀𝐀𝐌𝐈𝐍?

Xerada Janaraal Gordan oo kamid ahaa xarumaha ugu amniga adkaa in saraakiil Xoogga Dalka iyo tababarayaal ajnabi ah lagu dhex shirqoolo waa fal ugub ku ah sooyaalka amni ee dalkeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxyaabaha dhacay waa inay u noqotaa cashar uu wax ka barto iyo qiil uu wax ku saxo.

Marka uu Amiir Ku Xigeenkii h**e ee Al Shabaab uu xil wasiirnimo ah ku abaalmariyo. Marka wasaaradaha ay hoostagaan ciidamada uu hogaan uga dhigay shakhsiyaad taariikhdooda lagu hubo iney Shabaab soo mareen. Marka hay’adihii ugu xasaasiyadda badnaa uu u dhiibay rag shaqaale u ahaa Alshabaab maxay tahay natiijada uu filan karo?

Wajigabax xanuun badan ayaa gaaray sumcada iyo kalsoonida lagu qabi karo amniga dalka. Madaxweynuhu hadduusan isbaddal degdeg ah ku samaynin qaab dhismeedka hoggaanka amniga dalka, waxa la filan karo waa fashal amni, oo kasii fool xun inta dhacday.

Waxa dhacay waa dayac amni, oo hadii uu Madaxweynuhu qaadi waayo tallaabo u qalanta isku badali doonta dayac hogaamineed.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto intii ku dhimatay weerarkaas foosha xun, intooda dhaawaca ahna uu caafimaad taam ah siiyo.

BREAKING: Imaaraadka ayaa xaqiijiyay in sarkaal afaraad uu saaka u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaastii shalay ka dha...
11/02/2024

BREAKING: Imaaraadka ayaa xaqiijiyay in sarkaal afaraad uu saaka u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaastii shalay ka dhacday xarunta tababarka ciidamada ee magaalada Muqdisho. Afarta sarkaal ee Imaaraadka ayaa lagu kala magacaabaa Colonel Mohamed Al Mansouri, Warrant Officer 1 Mohamed Al Shamsi, Warrant Officer 1 Khalifa Al Balushi, iyo Corporal Suleiman Al Shehhi. Meydadkooda ayaa gaaray Abu Dhabi Axadii. Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale sheegay in sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Bahrain lagu dilay weerarka.

05/02/2024
Garoowe: 23 January 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada...
23/01/2024

Garoowe: 23 January 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabila Garaadada dhaqanka ee SSC-Khatumo, kuwaas oo kala ah Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad Cabdisalaan Xasan iyo Garaad Cabdikariin Cali.

Waxaa Kulanka Madaxweynaha oo kala qeybgalay , Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Jaamac Faarax Xasan

Musharax Madaxweyne Puntland Amb. Ahmed Isse Awad ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey Magaalada Garowe.
23/12/2023

Musharax Madaxweyne Puntland Amb. Ahmed Isse Awad ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey Magaalada Garowe.

19 December 2023 | Ina lilaahi wa inna ileyhi raajicuun alle hau Naxaristo Suldaan Abdicasiis Afguduud oo shil gaari oo ...
19/12/2023

19 December 2023 | Ina lilaahi wa inna ileyhi raajicuun alle hau Naxaristo Suldaan Abdicasiis Afguduud oo shil gaari oo ka dhacay Buundada qayaasame u geeriyooday hada.

Suldanka ayaa u sharaxna Xilka madaxweynaha Puntland.

18December 2023 | Garaadka Guud ee Beelwaynta Daarood Garaad Jaamac Garaad Cali yo ugaaska Guud ee Beelwaynta Sade Daaro...
18/12/2023

18December 2023 | Garaadka Guud ee Beelwaynta Daarood Garaad Jaamac Garaad Cali yo ugaaska Guud ee Beelwaynta Sade Daarood Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay caasumada SSC khaatumo ee Laascanood

18December 2023 | DEGDEG: Wasiirkii Arrimaha-dibedda Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse ayaa si rasmi ah isaga casiley xil...
18/12/2023

18December 2023 | DEGDEG: Wasiirkii Arrimaha-dibedda Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse ayaa si rasmi ah isaga casiley xilkaasi.

Waa Musharrax Madaxweyne Puntland, maanta ayuuna ka degeyaa Garoowe.

GAROOWE 17December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada...
17/12/2023

GAROOWE 17December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Garaad Jaamac Garaad Cali.

Garoowe: 17 December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay Qunsulka  Itoobi...
17/12/2023

Garoowe: 17 December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay Qunsulka Itoobiya ee Puntland Dagnachew Yitberke iyo Saraakiil ka tirsan qunsuliyada.

17December 2023 | Guddiga Dorashada Baarlamanka Puntland oo soo saaray jadwalka iyo shuruudaha mushrrixiinta xildhibaann...
17/12/2023

17December 2023 | Guddiga Dorashada Baarlamanka Puntland oo soo saaray jadwalka iyo shuruudaha mushrrixiinta xildhibaannada laga rabo.

Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Doorashada Baarlamanka Puntland oo ku shaqaynaya xarunta Golaha Wakiillada -...
17/12/2023

Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Doorashada Baarlamanka Puntland oo ku shaqaynaya xarunta Golaha Wakiillada - Garoowe.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, Cabdirashiid Cawl: "Deni waxa aan ugu baaqayaa in uu ixtiraamo dastuurka oo uu caadey...
17/12/2023

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, Cabdirashiid Cawl: "Deni waxa aan ugu baaqayaa in uu ixtiraamo dastuurka oo uu caadeystay kutamashadiisa."

Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo kamid ah Isimmada SSC-Khaatumo.Tani waxa ay imanaysaa xilli Guddiga Doorashada Baarlamank...
17/12/2023

Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo kamid ah Isimmada SSC-Khaatumo.

Tani waxa ay imanaysaa xilli Guddiga Doorashada Baarlamanka oo ay ku jiraan xubno ka socda SSC ay maanta shaqo bilaabeen, iyada oo dhinaca kalena aan weli caddeyn sida laga yeeayo 17-ka xildhibaan ee SSC.

Gaalkacayo oo si weyn u soo dhoweysey Danjire Axmed Ciise Cawad - Mid kamid ah musharrixiinta cadcad ee Madaxweynaha Pun...
17/12/2023

Gaalkacayo oo si weyn u soo dhoweysey Danjire Axmed Ciise Cawad - Mid kamid ah musharrixiinta cadcad ee Madaxweynaha Puntland.

Musharrax Aadan Shiikh-doon oo kala xidhey caasimadda Puntland ee Garoowe.
17/12/2023

Musharrax Aadan Shiikh-doon oo kala xidhey caasimadda Puntland ee Garoowe.

17/12/2023

UPDATE: Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ee waqtigiisu dhammaanayo, Cabdirashiid Cawl ayaa la sheegayaa in uu ka soo horjeesanayo Guddiga Doorashada iyo ciidamada la wareegey xarunta Baarlamanka, waxase soo baxaysa in aysan xilligan la safnayn labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golahaasi.

Dhinaca kale Senator Faroole ayaa la kulmay qaar kamid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta Nugaal, isaga oo dhiniciisa ka hadlaya sida uu xalka u arko.

Guddiga Ansixinta iyo Khilaafaadka Doorashada Baarlamanka ayaa iyagu shaqo bilaabay iyaga oo sheegey in todobaad gudihii ku soo saarayaan liiska Xildhibaannada cusub, balse Musharrixiinta tunka weyn qaar, Axmed Karaash iyo Abwaanka Baarlamanka ayaa sheegey in aysan ku kalsoonayn.

Ilaa hadda waxa la xulay xildhibaanno door ah, waxaase dood adagi ka taagan tajay 17-ka mudane ee SSC oo iyana la eegayo waxa ay ka yeelaan isimmada SSC-Khaatumo oo berri shir u furmayo.

16December2023 | Garaad Jamac garaad Cali ayaa sibalaaran loogu soo dhaweeyay caasumada puntland ee garawe isago isla ma...
16/12/2023

16December2023 | Garaad Jamac garaad Cali ayaa sibalaaran loogu soo dhaweeyay caasumada puntland ee garawe isago isla maanta ugasii ambabixi doono caasumada SSC khaatumo ee magaalada laascanood

Waxa hadal jeedintiisii kamid ahaa garaadka "Midnimada SSC-KHAATUMO iyo Puntland waa muqaddas biyo k**a dhibcaan ah"

Wasiirka qorshaynta puntland mohamed said farole oo ugu dambeyn iska casilay xubinamadii ururka kaah sheegeyna in xakuum...
16/12/2023

Wasiirka qorshaynta puntland mohamed said farole oo ugu dambeyn iska casilay xubinamadii ururka kaah sheegeyna in xakuumadu kufashilantay inay dalka gaarsiiso qof iyo cod

Musharrax Cartan Bardacad oo si adag ula hadlay Deni iyo Mucaaridka Puntland:"Bismillaah waxaan mar koobaad iyo mar laba...
19/11/2023

Musharrax Cartan Bardacad oo si adag ula hadlay Deni iyo Mucaaridka Puntland:

"Bismillaah waxaan mar koobaad iyo mar labaadba ku celinayaa nabad, nabad. Marnaba ma qabo anigu in kursiga hoggaaminta ummadda lagu gaadhi karo colaad iyo dagaal, sidaan dhawr jeer oo h**eba ugu baaqay nabadda ayaan haddana ugu baaqayaa anoo cod dheer ku sheegaya.

Madaxwaynaha mindidda daabkeeda maanta haya ama taladu gacanta ugu jirto waxaan ugu baaqi lahaa inuu ka dheeraado wax kasta oo keeni kara dhimasho, dhaawac, bur-bur iyo barakac shacab sidoo kale waxaan ugu baaqayaa inuu xoogga saaro siduu u qaban lahaa doorasho la isla ogolyahay.

Sidoo kale taliyaayasha kala hoggaaminaya ciidamada labada dhinac ee iska soo horjeeda waa lagula xisaabtamayaa berito dhibaatada ay shacabka iyo hantidooda u gaystaan.

Ugu danbayn waxaan taageerayaa baaqa nabadda ah ee ka soo baxay dallada daneeyaasha aan dawliga ahayn ee PUNSAA.

Musharax Madaxwayne Cartan Bar-dacad.

Garwe oo shacabku kaqaxayo!!!
19/11/2023

Garwe oo shacabku kaqaxayo!!!

17/11/2023

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta si adag usheegay in aysan wax aan doorasho qof iyo cod ahayn puntland ka dhacayn. Isaga iyo xisbikiisa kaahna keliya ay rabaan doorasho qof iyo cod ah.

PUNTLAND: Ciidamada uu hoggaamiyo Gen.Jimcaale ee diiddan doorashada qof iyo cod oo ka jawaabay cafiskii madaxweynuhu u ...
17/11/2023

PUNTLAND: Ciidamada uu hoggaamiyo Gen.Jimcaale ee diiddan doorashada qof iyo cod oo ka jawaabay cafiskii madaxweynuhu u fidiyey: "Deni isagu cafis ha naga dalbado." - Ayey dheheen.

11/08/2023

Challenge!!!!!!!!!
Kulankee adigu toos udaawaneysay, goobtee kadawanaysay, iyo xilliga + saacadii?

Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideys...
21/07/2022

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) kaasi oo ka dhacaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa madaxda dalalkaas uga warbixin doona fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan dhanka waxsoosaarka, maalgashiga iyo dadaallada dhiirri-gelinta mudan ee ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dalladda Bulshada Geeska Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7-dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudan, Uganda iyo Tansaaniya.

Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2016-kii waxa ay gudbisay codsiga ka mid noqoshada dalladan, si loo xaqiijiyo fududeynta socdaalka dadka Soomaaliyeed, suuq-geynta wax-soosaarkooda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

17/07/2022

Qarax aad u xooggan ayaa ka dhacay gudaha magaaladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhaxe, gaar ahaan hotel lagu magacaabo Nuur doob oo inta badan ay dagaan madaxda dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Kooxaha argagaxisada ah ee al shabaab ayaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa la eegtay goobo bulsho si ay u dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Wariyayaasheena magaaladda ayaa soo tabinaya in qaraxa uu ahaa mid aad u xooggan, oo laga maqlay guud ahaan magaaladda Jowhar, isla markaana uu ka dhashay khasaare xooggan,

Goobaha caafimaadka iyo laamaha amniga ayaa wada gurmad loo sameynayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxa.

Address

Kampala

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Time posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share



You may also like