Abdirahman Abdullahi Adir

Abdirahman Abdullahi Adir Abdirahman cadir

Som Times
15/12/2022

Som Times

Kulankii wayna oo kusoo idlaaday dhibco qaybsi labada dhinaca
17/01/2021

Kulankii wayna oo kusoo idlaaday dhibco qaybsi labada dhinaca

04/11/2020

Sharma boy heesaha raabka iyo kuwa caadiga kee buu ku wacan yhy.

Dhalinyarada maanta darajooyinka lagu taxay waxaa ka mid ah Wiilka uu dhalay Madaxweyne Biixi.Xigasho: Khaalid Foodhaadh...
31/10/2020

Dhalinyarada maanta darajooyinka lagu taxay waxaa ka mid ah Wiilka uu dhalay Madaxweyne Biixi.

Xigasho: Khaalid Foodhaadhi

Galkacyo suudad markii iigu dambeysey lagama aqoone xagee ka soo dhacay.Xigasho: Abdirahman Abdullahi Adir
31/10/2020

Galkacyo suudad markii iigu dambeysey lagama aqoone xagee ka soo dhacay.

Xigasho: Abdirahman Abdullahi Adir

TURKIDU WADA ERDOGAN MAAHA.================================Soomaalidu waxay Turki ga u yimaadaan adeegyo ay ka mid yihii...
08/10/2020

TURKIDU WADA ERDOGAN MAAHA.
================================
Soomaalidu waxay Turki ga u yimaadaan adeegyo ay ka mid yihiin caafimaad, ganacsi, tacliin, degaan, dalxiis iyo dhoof. Waxay ku soo galaan lacagtooda, waxayna ku joogaan iyada. Dan iyo axsaan kale kuma qabaan waddankan. Danta Turkidu ku qabaan Soomaalida ayaa ka badan tooda. Waxay tuban yihiin Cusbataaladooda, Hotel-ladooda iyo istaanka baabuurtooda.
Waxay kala kulmaan jidh-diid, sicir-sooc iyo is faham darro aad u weyn. Waxaana ka dhaadhacsan inay Soomaalidu tahay dad aan waxba haysan oo dulsaar ku ah.
Meelaha laga dareemo cunsuriyaddooda waxaa ka mid ah xafiisyada iyo bangiyada.
Qisadan waxaa iiga sheekeeyey oo ay ka qabsatay Xasan Maxamed bangiga IS bank. Wuxuu ku lahaa account muddo dheer. Waxaa ka lumay kaadh-kii bangiga. Markii uu soo galay baanka waxaa weji diidmo ah ku qaabishey gabadh joogtey customer service. Maxaad rabtaa? Iyo kaadh inaan dalbado ayaa la is dhaafsaday. Wax kaleba may sugine waxay tidhi. Yok! (Maya), kaadh iyo account iyo service iyo wax laguu qabanayaa ma jirtee tag. Yabancı (ajnabi) waxba u qaban mayno ee nabadgelyo. "Dee waayahaye, sidaa laguma tagee, account baa ii furan, lacag baa iga taal, horta account kayga xidha, dabadeed lacagtayda i siiya, markaa aynu sidaa ku kala baxno", ayuu Xasan ku yidhi. Iyagoo jiq isku ah ayaa la isugu yimi. Aakhirkii Xasan ma tegin, ilaa uu ka yimi maamulihii bangigu, ugu danbayntiina la dhegeystey wixii uu doonayey.

Waa niman dunida ka xidhan oo container kaga jira. Dhaqan reer galbeed iyo mid reer bari toonna ma laha. Arki maysid dad shisheeye ah oo waddanka jooga, waxaa lagu sheegaa Antalya iyo meelo Istanbul ka tirsan. Waxaan afka Turkiga ahayn kuma hadlaan. Waxaad meel kasta u kaxaysanaysaa turjumaan, Waana caqabadda u horraysa ee ajaanibtu la kulmaan. Sidooda kale, waa dad shaqaysta oo isla han-weyn. Xagga kartida iyo saacadaha shaqada waxay kala mid yihiin reer Yurubka.
Islaamka iyo inaad muslim tahay waa ku farxaan, laakiin aqoon iyo dhaqan diimeed midna ma laha. Waxaad kaga soo talo geleysaa inay yihiin dad qalaad oo sharcigu idiin dhexeeyo, waxaanad xaq u lahayn ha ka sugin, adiguna wax aan daw iyo sharci laguugu lahayn ha qaadan. Ha aqbalin in adiga oo xoolahaaga wata sharcigana ku socda hoos laguu eego.
Nolosha iyo guryuhu waa jaban yihiin laakiin adeegga caafimaadku waddankan waa qaali. Waxaa sababa Cusbataalada khaaska ah ee Soomalidu tagto waxaa ka dhex furan dillaaliin ku hadla afka Ingiriisiga oo kugu baayacaya doollar.
Danta aynu ku qabno waxaa ka weyn mida ay iyagu inagu qabaan ee aynu soo gelinno. Waxay gacanta ku hayaan ilaha dakhliga waddankeenna qaarkood sida dekedda iyo madaarka Muqdisho. Haddii aynu si wanaagsan u xisaabtanno inagaa daalac yeelanayna, waa siday aniga ila tahay.

W/Q: Awed Huruuse

Mujaahid muuse biixi
02/10/2020

Mujaahid muuse biixi

Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada2020/2021 ee heer FederaalGuddiga Hirgalinta Doorashada 20...
02/10/2020

Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada
2020/2021 ee heer Federaal

Guddiga Hirgalinta Doorashada 2020/21 ee Heer Federal (GHDHF)

Muqdisho, 1 October 2020

Mabaadii’da Doorashada 2020/2021

1. Golaha Wadatashiga Qaranka, iyaga oo fulinaya heshiiskii siyaasadeed ee soo baxay September 17, 2020, qodobkiisa 1aad oo dhigaya Magacabista Guddiyo labo heer ah, ansixiyeenna Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, September 26, 2020, waxay habraacaan ku qeexayaan guddiyo labo heer ah oo kala ah Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal (GHDHF) iyo Guddiga Maamulka Doorashada ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah (GMDHDX) Dowlada Federalka ah (DF) ee 2020/2021 ay yeelanayso mid kasta oo ka mid ah Dowladaha Xubnaha ka ah DF ka ah.

2. Golaha Wadatashiga Qaranka waxay isla qaateen in la diyaariyo lana bilaabo ka shaqeynta hannaanka doorshooyinka toos ka ah ee hal qof iyo hal cod (1Q1C) ee 2024/2025.

3. Golaha Wadatashiga Qaranku, wuxuu go’aamiyay in Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal 2020/21 uu ka koobnaado 25 xubnood, oo 13 ka mid ah ay soo magacaabeyso DF, halka 12 xubnoodna soo magacaabayaan Dowladaha Xubnaha ka ah DF.

4. Guddigu waxay u gudan doonaan xilkooda, si ka madax-bannaan mas’uuliyiinta siyaasadda iyo hay’adaha labada heer ee go’aanada gaara.

5. Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal waa in ay ka mid noqdaan ugu yaraan 30% dumarku, si loo xaqiijiyo ka qayb-galka siyaasadeed ee dumarka.

6. Miisaaniyadda Guddigu ku shaqaynayo waxaa bixinaya Dowladda Federaalka ah iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee taageera doorashooyinka.

7. Muddo-xileedka Guddiga, waxay ku egtahay hirgalinta doorashada ee 2020/21.

Shuruudaha Xubinnimada Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal ee 2020/2021

1. Waa inuu yahay muwaaddin Soomaaliyeed, Muslim ah, dhimirkiisu dhan yahay, da’adiisuna ka yareyn 35 sano xiliga la magacaabayo.

2. Waa in uu yahay qof dhexdhexaad ah, kuna leeyahay sumcad wanaagsan bulshada dhexdeeda.

3. Waa inuu yahay qof hufan, karti leh, una gudan kara waajibaadkiisa si daahfuran.

4. Waa in Maxakamadi aysan ku xukumin xarig ka dhashay fal danbiyeed ciqaab ah shanti sano ee ugu danbeysay.

5. Waa in uusan xil-siyaasadeed ka hayn dalka.

6. Waa in aqoontisu aysan ka hooseyn heerka kowaad ee Jaamacadda ama waayo aragnimo u dhiganta uu leeyahay.

7. Waa inuu fahmi karo hagayaasha nidaamka doorashooyinka ee 2020/21.

8. Waa in uusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada.

Qaab-dhismeedka Guddiga:

1. Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal ee 2020/2021, waxay kulan kooda ugu h**eeya iska dhex-dooranayaan Guddomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen. Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka waxaa lagu dooranayaa aqlabiyad ah (50%+1) ee xubnaha guud ee guddiga.

2. Shirarka Guddigu waxay ku qabsoomayaan saddex meelood labo meel ee tirade guud ee Guddiga.

3. Guddigu waxay go’aanada ku gaarayaan cod hal dheeri ah.

Xilalka iyo Waajibaadka Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal ee 2020/2021

1. Guddiga GHDHF waxa uu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta in ay si isku mid ah u dhacdo. Guddiga GHDHF waa hay’adda ugu sarreysa ee kormeerka iyo hagidda hannaanka doorashada ee 2020/2021.

2. Guddigu wuxuu qorsheynayaa isla markaana hagayaa habka Doorashada dalku u dhacayso.

3. Guddigu wuxuu dajinayaa miisaaniyadda doorashada wuxuuna u maamulayaa si waafaqsan nidaamka maaliyadeed ee dalka.

4. Guddigu waa in uu ku dhaqmaa habraacyadii la isticmaalay doorashadi 2016, waafajiyaana hannanka doorashada ee 2020/2021. Sidaa daraaded, habraacyada aan ku caddeyn doorashada 2020/21, waxaa loola noqonayaa habraacyadii doorashadii 2016ka.

5. Guddigu waxa uu hubinayaa xarumaha loo asteeyey doorashada isagoo kaashanaya Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha xubnaha ka ah DF.

6. Guddigu waxay hubinayaan habraaca ay ku yimaadeen xubnaha ergooyinka doorashada, musharixiinta, iyo ku dhawaaqidda natiijada.

7. Guddigu waxay shaqaaleysiinayaan howlwadeenada lagama maarmaanka u ah fulinta howlaha Guddiga.

8. Guddigu waxa uu daba-galayaa fulinta hannaankii lagu heshiiyey ee qabsoomidda doorashada.

9. Guddigu waxa uu daabacayaa, qaybinayaa waraaqaha codbixinta iyo agabka kale ee muhiimka u ah qabsoomidda doorashada.

10. Guddigu wuxuu kormeerayaa, tababarayaa, kaalmaynayaa, hubinayaana in Guddiyadu ay raaceen habraacyadii iyo hannanka doorashada ee la isku raacay.

11. Guddigu wuxuu sameynayaa anshaxa hab-dhaqanka hannaanka doorashada (Code of Conduct).

12. Guddigu waxa uu dhiiri-gelinayaa haweenka in ay u tartamaan, kana qeyb-galaan olalaha doorashada ee labada aqal ee Baarlamaanka Federalka.

13. Guddigu waxa uu ogolaansho siinayaa xubnaha korjoogtada doorashada ee heer caalami iyo kuwa dalkaba.

14. Guddigu waxa uu ku dhawaaqayaa natiijada doorashada Golaha Shacabka.

15. Guddigu waxa uu kala wareegayaa Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka dhammaan natiijooyinka doorashada ee Labada Aqal oo saxiixan si uu u siiyo shahaadooyinka xubinimada baarlamaanka Federalka.

16. Guddigu waxa uu si joogto ah ula wadaagayaa Golaha Wadatashiga Qaranka hadba meesha shaqadu marayso iyo caqabadaha jira.

17. Guddigu waxa uu maamulayaa Jadwalka Doorashada.

18. Guddigu waxaa uu qaban-qaabinayaa dhaarta Xubnaha Baarlamaanka ee la soo doortay ee Labada Aqal.

Lifaaqyada,,

29/09/2020

Xogta xagjirka iyo xabsiyada alshabaab.

28/09/2020
Mancity caawey waa lagu dhiiqeeyey 🤣.
27/09/2020

Mancity caawey waa lagu dhiiqeeyey 🤣.

Roble , mahdi iyo mareykankii dhiciska ahaa 4bilood buu ku dhashay baan umaleynayaa 🤣🤣.
27/09/2020

Roble , mahdi iyo mareykankii dhiciska ahaa 4bilood buu ku dhashay baan umaleynayaa 🤣🤣.

JACAYLKII QARNIGA:18 sanno ayey sugaysay Janaan Samaara, wiilka ay u doonanayd "Cabdikariin Mukhtadar" oo ku jiray jeelk...
27/09/2020

JACAYLKII QARNIGA:18 sanno ayey sugaysay Janaan Samaara, wiilka ay u doonanayd "Cabdikariin Mukhtadar" oo ku jiray jeelka Israaiil.

Maanta ayuu soo baxay waxayna afaafka h**e ee xabsiga kaga horraysay ubax, farxad iyo kalgacayl. Isla maanta ayey aqal galeen lammaanahan oo ah Falastiiniyiin. 🤩😍

Hablaha Soomaaliyeed, sidan ma samaysayn karaan?

Xigasho : Mohamed Salh

23/09/2020
Wasaaradda Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu Dhawaaqday ee Somaliland, ayaa sheegtay in ay bilaab...
23/09/2020

Wasaaradda Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu Dhawaaqday ee Somaliland, ayaa sheegtay in ay bilaabeen howlo ay wax kaga beddelayaan nidaamka warbaahineed ee ha'ayadaha dawladdu u adeedsadaan bogaga ay ku leeyihiin baraha bulshada. waxay sheegeen in ay hay'ad walba lahaanayso bar cayiman oo la aqoonsanyahay, si warar sugani ugasoo baxaan hay'adaha dowladda. Waxaa jiray bogag wasaaradda ku magacaaban, balse been abuur ahaa. Haddaba sida ay hawshan u qabanayaan iyo waxa ay ka tari karto nidaamka warbaahineed ee xukuumadda oo la dhaliili jiray, ayaan ka wareysanay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta Somaliland Cabdiwali Sheekh Cabdillaahi Suufi, Samiira Cabdullaahi Jaamac ayuuna u waramay.

Bal waxay wax ka badasho baanu u fadhinaa.

Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow si aqlabiyad leh u ansixiyay Ra`iisal Wasaaraha cusub ee Soomaali...
23/09/2020

Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow si aqlabiyad leh u ansixiyay Ra`iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Dhammaan 215-ta xildhibaan oo goobjoog ka ahaa kulanka baarlamaanka ayaa ansixiyay Ra`iisal Wasaaraha cusub.
Ra`iisul Wasaaraha oo hadal kooban jeediyay ayaa uga mahad celiyay baarlamaanka kalsoonida ay siiyeen. Wuxuu sheegay inuu xoogga saari doono arrimo uu ka kid yahay ammaanka.
wuxuu sidoo kale baarlamaanka ka codsaday inay ansixiyaan xukuumadda uu soo dhisi doono, maaddaama uu wakhtigu yar yahay.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo oo saakay baarlamaanka horgeeyay ra`iisul wasaaraha si kalsooni uu ugu helo ayaa sidoo kale la filayaa inuu khudbad ka jeediyo kulanka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Maxamed Xuseen Rooble magacaabay 18-kii bishan September.
Rooble ayaa la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra'iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay.

BBCSOMALI.COM

Ilhan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Mareykanka aadna u dhaliilsan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dacaayad...
23/09/2020

Ilhan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Mareykanka aadna u dhaliilsan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dacaayadeysay Trump inuu dalkaasi u maamulay sida cunug "siddeed jir ah".
Waxay ka jawaabeysay hadalkii Mr Trump uu xalay ka sheegay ololihiisa doorashada, isagoo yiri:
"Waan ku guuleysan doonnaa gobolka Minnesota iyada darteed, ayay dhaheen. Waxaad noo sheegeysaan sida loo maamulo dalkeenna, maxaad ku sameyn jirtay halkaad ka timid? Waa sidee xaaladda dalkaaga? Waxay inoo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeenna."
Ilhan ayaa qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay kaga jawaabtay hadalka Trump: "Ugu horreyn, kani waa dalkeyga waxaana xubin ka ahay Aqalka adiga kaa keenay mooshinka xil ka qaadista. Tan labaad, waxaan dagaal sokeeye ka soo qaxay aniga oo siddeed jir ah. Siddeed jir dal ma maamulo inkastoo aad adiga dalkeenna u maamushay sidiisa oo kale."
Ilhan waxay ku dhalatay Soomaaliya, balse qoyskeeda ayaa ka soo qaxay markii ay dagaalladu qarxeen sanadihii 90-meeyadii.
Sanadkii 2016, waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaalida Mareykanka ka soo jeeda ee boos sare ka qabta gobolka Minnesota, oo muhiim u ah doorashooyinka dhici doona.

BBC somali.com

Xog aroorun la sameeyey sanadkaan gudihiisa somalia waxey gashay kaalintaan caalamka markii loo eego😭.Darajada 6 |  Dalk...
23/09/2020

Xog aroorun la sameeyey sanadkaan gudihiisa somalia waxey gashay kaalintaan caalamka markii loo eego😭.

Darajada 6 | Dalka: Soomaaliya | Maqnaanshaha ciidamada booliska, abaaraha jira iyo cunno yari ayaa isugu darsamay jawiga aan xasilooneyn ee dalka ka jiray. Waxay leedahay khataro afduub oo aad u sareeya weerarada argagixisana waa ku badan yihiin garoomada diyaaradaha, dhismooyinka dowlada, hoteelada iyo maqaayadaha. Ajaanibta, saraakiisha dowladda, iyo shaqaalaha UN-ka waxaa inta badan bartilmaameedsada xagjiriinta.

Aniga inaan waxbarasho dalkale u doonano waa sabab inoo ah burburka dalkeeena ka jira nin walba oo xil ka qabta somalia lacag buu raadinayaa ilaahey imaanka idinka qaad.

In aan markaan dalkeyga tago aanan nolol ku haysan waxbarasho ku haysan waa dhibaato😭😭.

22/09/2020

Majeerteen maamadaan idinkey idinka dhalatee wiilka haloo raadiyo

22/09/2020

Madaxda dalka wakhtigooda baala gaaray sey ila thy 🤣🤣🤣

21/09/2020
21/09/2020

Mursal Muuse vs Hodan Abdirahman -Soo dadaal -(Official Video) 2020.

21/09/2020

SHARMA BOY FT NIINI DANCE | QURAACDA KARI | OFFICIAL VIDEO 2020

21/09/2020

ABWAAN DAAHA GAAS IYO ABDIKARIIN CALI SHAAH - PRANK KII UGU DARNAA 2020 🤣🤣

Dubia faysal cali waraabe iyo boqor buurmadoow wajiyo badanaa siyaasada.
21/09/2020

Dubia faysal cali waraabe iyo boqor buurmadoow wajiyo badanaa siyaasada.

  : Somaliland oo sheegtay in ay tahay dal madax banaan qeybna aysan ka ahayn doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya.
21/09/2020

: Somaliland oo sheegtay in ay tahay dal madax banaan qeybna aysan ka ahayn doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya.

21/09/2020

Axmed Tooyo Ma mulxid Gaal ah baa mise Muslim Qaalisa

Askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wiil dhallinyaro ah waxaa uu ku dilay S...
21/09/2020

Askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wiil dhallinyaro ah waxaa uu ku dilay Saakay Agagaarka Isbitaalka Digfeer ee magaaladda Muqdisho.

Wiilka dhallinyada ah ee la dilay ayaa ahaa wade Mooto Bajaaj waxaana magaciisa lagu soo koobay Bile waxaana warar kale duwan ay ka soo baxayaan sababta keentay in askari uu toogto Marxuumka.

Dadka goobjoogayaal ah ayaa sheegay in askari iyo wiilka ay murmeen taas oo dhalisay in askariga xabad uu ku dhufay marxuumka, isaga oo goobta ku geeriyooday.

Dilalka loo geysto darawalada mooto bajaajta ayaa mar walba ka dhaca magaalada Muqdisho, mana jirto cid lagula xisaabtamo ama qaado masuuliyada dilalka loo geysto dhallinyaradaas usoo shaqa tagay reerahooda.

Abdirahman Abdullahi

Abdirahman Abdishakuur " Si laab u kac ah ayaa lagu doortay Madaxweyne Farmaajo, Waxaana rajeynayaa in Caadifad aysan ma...
20/09/2020

Abdirahman Abdishakuur " Si laab u kac ah ayaa lagu doortay Madaxweyne Farmaajo, Waxaana rajeynayaa in Caadifad aysan mar danbe na qaadi doonin oo aan wax badan hadda ka baranay".

Shir jaraa'id uu hadda Saxafadda kula hadlayo ayuu sidaan ka sheegay.

Mad madoowbe alla og

Abdirahman Abdullahi Adir

20/09/2020

DEGDEG:- DADKA LACAGTA KU SOO QAATAY KUFSIGA MUQDISHO. KA SOCDA OO LA OGAADAY | WAA KUWEE| XOG & SIR.

Address

Tokat
6000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirahman Abdullahi Adir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category


Other Video Creators in Tokat

Show All