Milgo TV

Milgo TV Milgo TV : This is the official page of Milgo TV Inc. Halkani waa bogga rasmiga ah ee Telefishanka Milgo TV.

UPDATE: Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir gaar ahaan  Saldhigga Dharkenleey ayaa gacanta kusoodhigay eedaysane Faysal I...
03/09/2024

UPDATE: Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Dharkenleey ayaa gacanta kusoodhigay eedaysane Faysal Ibraahim Samow oo ku eedaysan inuu isbaaro u dhigtay muwaadiin Soomaliyeed deegaanka weeydow.

Askarigaan ayaa ka soo muuqday Muuqaal lasoo dhigay Baraha Bulshada asiga oo si xoog ah lacag baad ah kaga qaadanaayo Darawal waday gaadiidka Nuuca dadweynaha ee BL-ka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray mag...
03/09/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha.

Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac, ayaa lagu gorfeyn-doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.

Ra'isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka  Madasha B...
03/09/2024

Ra'isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) kaas oo looga hadlayo xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee waddanka.

Shirkaan oo afar mar la qabto sanadkii ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha bani’aadannimo ee taagan, qiimeynta wixii qabsoomay, diyaar-garowga xaaladda La-nina, ka hortagga leexsashada gargaarka iyo in meesha looga saaro caqabadaha gargaar ee jira.

Madasha waxaa ka qeyb-galaya Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf Cali Xoosh, Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle Wasiirrada Wasaaradaha Gargaarka ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobalka Banaadir, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

UPDATE: Gollaha wakiilada Somaliland ayaa diiday xil kaqaadista Xildhibaan Maxamed Abiib waxa ogolaaday in laga qaado xi...
03/09/2024

UPDATE: Gollaha wakiilada Somaliland ayaa diiday xil kaqaadista Xildhibaan Maxamed Abiib waxa ogolaaday in laga qaado xilka 3 xubnood waxa diiday 51 waxaa ka aamusay 2 Mudane.

Sidee u atagtaa?

Hay’adda Duulista Soomaaliya iyo maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka hor istaagay inay garoonka Muqdisho ka d...
02/09/2024

Hay’adda Duulista Soomaaliya iyo maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka hor istaagay inay garoonka Muqdisho ka duusho diyaaradda Kenya Airways, sababo la xiriira inay sharraxaad ka bixiso tacadi ay kula kacday muwaadiniin Soomaali ah oo muddo ka badan 48 saac iyagoon wax xaquuq ah helin lagu hayay garoonka diyaaradaha Nairobi, kaddib markii ay Kenya Airways baajisay duulimaadkeedii saddexdii maalin ee u dambeysay ee Muqdisho imaan lahaa , waxaana duulimaadkaa uu soo qaadi lahaa muwaadiniin Soomaali ah oo ka yimid dalal kala duwan, inan la dejin hotel, ama dal ku gal loo oggolaan waxaa ka dhalatay saacado badan inay ku sugnaadaan garoonka , taa oo baalmarsan shuruucda duulimaadka.

In ka badan 15 qof oo muwaadiniin Soomaali ah ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay baraha bulshada ku soo gudbiyay xaaladda tacadiga ah ee ay ku wajahayaan garoonka diyaaradaha Nairobi, iyadoo ay hadda Kenya Airways wajahayso inay magdhow siiso muwaadiniinta ay tacadiga kula kacday, sida ay ii sheegeen saraakiisha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

DED-DEG: Fahad Yaasiin "Waxaa soo idlaaday Wada-jirkii Siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne h**e Farmaajo, Anigoo u ad...
01/09/2024

DED-DEG: Fahad Yaasiin "Waxaa soo idlaaday Wada-jirkii Siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne h**e Farmaajo, Anigoo u adeegaya danta guud ee Qaranka kana fog daneysi shakhsi ah".

Sidee u aragtaa?

28/07/2024

Wasiir Xasan Macallin ”Barnaamijka xasilinta waxa uu saldhig u yahay in dadka lawada gaarsiiyo dowladnimada".

28/07/2024

Afhayeenka Booliska" Dadkii dagnaa xarunta wasaarada Arimaha Gudaha xiligii loo qabtay in ay ka baxaan maanta ayay ku'ekeyd waana la burburiyay ".

19/03/2024

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS ayaa ka hadlay dad magaca Wasaaradda bulshada ku dhacaya iyagoo adeegsanaya applications iyo links been abuur ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada.

19/03/2024

Taliyaha CXD Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin oo faahfaahin ka bixiyey howlgallo culus oo gobollada dalka ka bilowday.

 : R/Wasaaraha XJFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Wasiirada Wasaaradaha Beeraha iyo Howlaha Guud.1. Maxamed ...
29/01/2024

: R/Wasaaraha XJFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Wasiirada Wasaaradaha Beeraha iyo Howlaha Guud.

1. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka
2. Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay)
Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta

28/01/2024

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud "Caqabadaha ugu waa weyn ee hadda garsoorka heysta waa faham la'aanta awoodaha hey'adaha dowladda".

02/01/2024

R/Wasaare Xamse Cabdi Barre “Taako kamid ah Dhulkeenna, Baddeenna iyo Hawadeenna laguma soo xad-gudbi karo, waana difaaceynaa".

 :  kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa goordhow ku dhawaaqay in dib loo dhigay muddo laba maalin ah tartanka kubada cagta d...
29/12/2023

: kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa goordhow ku dhawaaqay in dib loo dhigay muddo laba maalin ah tartanka kubada cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee maanta furmay.

Qoraal ka soo baxay xiriirka ayaa u qornaa sida tan. ⬇️

Guddiga Farsada Iyo Tartamada Ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed , Iyo Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Cayaaraha JFS ,

Waxay Raaligelin Buuxda Siinayaan Dhamaan Taageerayaasha Tartanka Dowlad Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir Iyo Dhamaan Bagdad Sports ka Ciladihii farsamo Iyo Daaha Cayaarta Galabta Ku Timid , Sidoo Kale Waxay Si khaas uga raaliginayaan Taageerayaashii Galabta U Saamixi Weysay inay Daawadan Tartanka Ayaga oo Tikityo Soo Jartay.

Ugu Dambeyn Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Waxa uu idin Ku Wargelinayaa in Cayaarta Beri Ee Banaadir VS Koonfur Galbeed dib loo dhigay Hal maalin lana Cayaari Doono Maalinta Isniinta 1da Janaayo 2024.

Jadwalka oo Faahfaahsana dib idin kula soo wadaagi doonaa Mahadsanidiin.

27/12/2023

Cabashadii darawallada Mooto bajaajta Oo kasoo jawaabay Maamulka gobolka Banaadir.

Alle ha u naxariisto waxaa dalka Jabuuti goordhow ku geeriyootay Khadiijo Maxamed Diiriye oo aheyd Wasiirka Haweenka ee ...
20/12/2023

Alle ha u naxariisto waxaa dalka Jabuuti goordhow ku geeriyootay Khadiijo Maxamed Diiriye oo aheyd Wasiirka Haweenka ee XFS.

Qalliin ayey ku gashay dalka Jabuuti, waxa uuna qorshuhu ahaa in loo qaado dalka Turkey maanta gelinka h**e waxaase la sheegay in ay geeriyootay markii la rabay in la qaado.

Muddo dheer ayey katirsaneyd Baarlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliya waana inkabadan 20 sano.

12/12/2023

Faah-Fahinta” Sidee uyuu u dhacay Howlgalka lagu Soo qabtay eedeysanayaasha Dilka Macallin Dugsi Qur'aan iyo Dr wada dhashay.

La Wadaag Asaxaabtada.

01/12/2023

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed caawa ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka oo saarnayd dalkeena ilaa 1992.

01/12/2023

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan cunaqabateynta hubka ee laga qaaday dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dadaalka ay ku bixisay dowladdu in la qaado cunaqabateynta hubka, faa'iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka.

22/11/2023

DegDeg: Dagaal u dhaxeeyo Somaliland iyo SSC oo ka socda duleeska Laascaanood iyo Dhul h**e leh ...

18/11/2023

Hosbitaal Waxaa uu Diyaar u Yahay Bixinta Adeeg Caafimaad oo Dhamaystiran.

04/08/2023

Wasiirka Warfaafinta Daa'uud Aweys"10 qof oo basaasiin u ahaa AS oo hay'adaha amniga ku dhax jiray ayey NISA qabatay".

06/07/2023

: Xafiiska Xeerilaalinta ayaa shaaciyay 18-qof oo ku eedeysan musuq maasuq oo kamid yahay Agaasimihii Hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha (Cabdul) Agaasimihii h**e (Koofi).

25/06/2023

Dagaal ka socda Gobolka Galgaduud
iyo Wararkii ugu dambeeyay.

25/06/2023

Amar uu soo saaray Cali Jeyte oo maanta ka dhaqan gallay Baladweyne iyo wararkii ugu dambeeyay.

24/06/2023

: Maamulka Gobolka Banaadir oo digniin u diray xafiisyada bixiya adeegyada bulshada.

20/06/2023

: Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay wax-kabadalka Dastuurka xilli Dagaal uu socdo.

Address

Sedef Sk
Istanbul
34180

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Milgo TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Milgo TV:

Videos

Share

Category


Other TV Channels in Istanbul

Show All