Mintid Media

Mintid Media asaxaabeey YouTube Subscribe Dhaha
https://youtube.com/?si=Pa9P7a9_kyjas3eQ

ONLF Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO waxay beeraysaa Mustaqbalka Shacabka Ogaadeenia waxayna ku hamihaysaa aayah...
26/08/2024

ONLF

Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO waxay beeraysaa Mustaqbalka Shacabka Ogaadeenia waxayna ku hamihaysaa aayaha Shacabka inay meel wanaagsan gaadh siiso lkn waxaa hareeraha. Kadaagan cadaw badan oo gontaheeda ka dhashay midkaas oo higsigiisuu yahay dhar nooc sida

1 Cadaw ayada ka baxay iskuna dayaya inuu mara habaabiyo geedi socodka Halganka iyo masiirka Ogaadeenia midkaaso oo shalay kamid ahaa lkn maanta ka garab loolami Kuna antacoonaya waxaan arkay qalad ay gashay madaxda Ururka waana saxayaa sixitaankiina muuna wadadeedii usoo marine wabi hanqaarmaya oo buux dhaafay wagaayin badan wada ayeey dabada la galeen midkaas oo aan u turaynin maalin walbana ku adeegsanaya hadana qadiyadoodii ku hor caayi aysan waxab ka odhanayn ileen heemarsi ayeey ku qabaane kaasna waa Han-yar

2 midka kale waa mid aan u soconin aayaha umadiisa kaliya ilaashan mushaar yar oo aan uqalmin dadnimadiisa iyo qiyamkiisa dhagaxna ah oo lasoo duuryayn kabtii lagu duurana si doos ah ugu dhacaaya iskuna dayi inuu bur buriyo muraayadaha rajada Shacabka Soomalida Ogaadeenia asagoo arka inuu qaldan yahay Shacabkiisuuna aysan u qalmi waxa uu ku samayn ayuu ku adkaysan kaliya kursiga uu ku fadhiyo wuxuuna isku day si uu dhadhankiisa u kordhiyo inuu lumiyo Taariikhda dalkiisa dadkiisa uguna abtirin Ethiopia ayaan nahay kaana waa Dawlada Deeganka

3 minka kale waa mid isku dayaya inuu guud ahaanba ka takhaluso DDD Soomalida Ogaadeenia una taagan wax yaalada iyo kala gaynta Dadka soomaliyeed maskaxda iyo ficilkana kaala dagaalsan Afkana wax kuugu sheegi asagoo kuu adeegsan kii kula dhashay Dalka kulalahaa diinta kula aamin Sanaa asagoo Awoodo u yeelaya midaas oo uu shacabkiisa ugu adeegsan Sidoo-kale kula dhacaaya laantii uu kaa jaray iskuna dayaya guud ahaanba inuu kaa takhaluso a
Midkaasuna waa Ethiopia

4 waxaa jira Odayaal beeleedo loo adeegsado Halganka iyo Taariikhda umada Soomalida Ogaadeenia siday u Tir tiri lahaayeen ayakoo loo adeegsan xasaanad aha Ugaas Suldaan Garaad iyo Sheekh hebal ayakoo hadafkoodu yahay dhuuni iyo dhadhan aan dhuudhacaso saxar ka qaadaynin Kuna ilaashan haya wax yar oo aan kubadooda gaadhaynin kuwaasuna waa Odayaasha Deegaanka Soomalia Ogaadeenia

5 waxaa asaguna badan mid qabyaalad iyo qolo ku dagaal galaaya iskuna dayaya inuu Ururka ku tilmaamo qabiil weeye waa reer hebel oo inama matalaan ee hadaynu reer hebal nahay waa inaynaan Halgankan ay wataan banaanka ka ahaano gadii kale aheey kaana waa Aqoonyahanka Deeganka

Intaa aan sheegay iyo inkabadan ayaa boqnaha haya Ururka ONLF oo muda dheer gumac iyo rasaas gayac iyo qaboow oon iyo gaajo holac iyo baaruud dhaawac iyo dhimasho xabsi io xadhig ugu jiray baadi doonka aaya katashiga Shacabka Ogaadeenia hadana dadkaygii ayaan ka gudbi la ahay sideen cadaw kugaadhaa oo aan isaka dhiciyaa qayrkay

Ahmed Jwxo

Waxaa maanta isoo wacay Nin reer Nogbeed ah oo kusugan mid kamid aha dagmooyinka Gobolka Nogob Ninkaasi wuxuu iisheegay ...
22/08/2024

Waxaa maanta isoo wacay Nin reer Nogbeed ah oo kusugan mid kamid aha dagmooyinka Gobolka Nogob

Ninkaasi wuxuu iisheegay arin aan horay uga dhicin Deeganka DDS oo aniga Ahmed ahaana aan islahaa kadhici dooni mayso ninkaas wuxuu joogaa goob Tuulo ah wuxuu igu dhahay waxaa nooyimid Haayad magaceeda uusan iisheegin waayo aqoon Uma lahayn wuxuu dhahay waxay qarayaan haweenka Carmallka ah ee aan Nin lahayn waxaa laga helay buu dhahay tuuladaas 64 gabdhood oo carmal ah oo la furay

Kadib haayadu waxay bixin haysaa ayuu igu dhahay gabadhii is qorta waxaa lasiin 50000k oo bir lacagta Ethiopia ah iyo Tuubo caag ah oo ay kaga maarmaan raga 64 gabdhood ee Tuuladaas laga helay waxaa is qortaybuu dhahay 42 gabdhood dhaqankani waa dhaqan ugub ku aha Deeganka hadaba

Waxaan ka codsan Dawlada Culimada muslimka ah ee Deeganka wax garadka Deeganka aqoonyahanka Deeganka Dhalinyarada Deeganka inay Arintan ka hortagaan ayakoo u kaashan haya diintooda Islaamka ah

Ahmed Jwxo

Ugaas Wacane  wacane oo kaligii duur cidla ah asagoo geel jira ah ku qabtay Xuska Sanad guurada 40aad ee Aas-aaska Jabbh...
17/08/2024

Ugaas Wacane wacane oo kaligii duur cidla ah asagoo geel jira ah ku qabtay Xuska Sanad guurada 40aad ee Aas-aaska Jabbhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenia JWXO

Hal adayg nimadu wacay kuu horseedaa dhabaha guusha hanbalyo Hanbalyo Shacabka Ogaadeenia

Gobolka Libaan dhanka wax soosarka wuu ku horeeyaa lkn majiro wax jid ah oo Gabi ahaanba meela kagala hormarka xaga Dawl...
04/07/2024

Gobolka Libaan dhanka wax soosarka wuu ku horeeyaa lkn majiro wax jid ah oo Gabi ahaanba meela kagala hormarka xaga Dawlada ayuu ka dhintay

Halkan waa Dagmada Guradhamoole oo kadirsan Gobolka Libaan

Tuulada kuus-Awliyo oo laga Xusay xuska sanad guurada 14aad ee Dhalinyarada OYSU Tuulada Kuus-Awliyo oo kadirsan Dagmada...
03/07/2024

Tuulada kuus-Awliyo oo laga Xusay xuska sanad guurada 14aad ee Dhalinyarada OYSU

Tuulada Kuus-Awliyo oo kadirsan Dagmada Imay-bari ee Gobolka Shabeelle oo ay qaar kamid ah Xubnaha JWXO ee Tuuladaas ay ku dhigeen maanta Xuska sanad guurada 14aad ee Aas-aaska Dhalinyarada Midoowga Ardayda Soomaalida Ogadeenia OYSU

gabdhuhu afar afar intey isu qabsadaan oo wax uruursadaan hal nin oo wanaagsan ha guursadaan sidaas ayay liibaantu kujir...
02/07/2024

gabdhuhu afar afar intey isu qabsadaan oo wax uruursadaan hal nin oo wanaagsan ha guursadaan sidaas ayay liibaantu kujirtaaye

sheekhan oo kamida culimada waawayn ee soomaalida ayaa taladaas soojeediyay

makuraacsantihiin?

02/07/2024

Suuqa Magaalada Diridhaba oo dab xoogan ka kacay

02/07/2024

Abwaan Heelaale ilahay SWT ha u naxariisto

Jabhadda Waddaniga Xoreynta OgadeniyaWar-saxaafadeedJigjiga, July 2, 2024Waxaan ka xunnahay  dagaalada ka socda laba bee...
02/07/2024

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeniya
War-saxaafadeed

Jigjiga, July 2, 2024

Waxaan ka xunnahay dagaalada ka socda laba beelood oo walaalaha ah ee ka dhacaya gobolka Doolo ee Dowlad deegaanka Soomaalida, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo badan.

Dagaalladan, oo aan lahayn wax sabab ah oo la aqbali karo, waa kuwo aan macno lahayn oo dhibaato u keenaya bulshadeenna, cid si gooni ah ugu faa’iidaysana aanay jirin. Dadka Somaliyeed waa dad wada dhashay oo dul hal ah kuwada nool, wax dhul ka waynna oo dhalasho ahna ka dhaxayso.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) waxay si degdeg ah ugu baaqaysaa in la joojiyo colaadda u dhaxaysa beelahan. Waxaan ka codsaneynaa labada dhinac inay si degdeg ah u soo celiyaan xidhiidhkii walaalnimo ee dhexdooda ahaa.

Waxaan ugu baaqeynaa odayaasha soomaaliyeed ee deegaanka Soomaalida inay si degdeg ah u soo farageliyaan oo ay dhexdhexaadiyaan beelahan dagaalamaya. Xikmaddooda iyo waayo-aragnimadoodu waa muhiim si loo xalliyo khilaafkan.

Intaa waxaa dheer, ONLF waxay ku boorineysaa dowladda deegaanka Soomaalida inay qaaddo tallaabo degdeg ah oo go'aan leh si ay u xalliso xaaladdan. Waxaa muhiim ah in dowladdu ay isticmaasho dhammaan wixii karaankeeda ah si ay u hesho xal waara. Dowaladu waa inay fuliso xilkeeda dowladnimo ee ka saaran sugidda amniga, nabadgalyada iyo badbaadada dhammaan muwaadiniinta.

ONLF waxay ballan-qaadaysaa inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo joojiyo dagaalkan. Waxaan balan qaadeynaa inaan la shaqeyn doonno dhammaan saamilayda kala duwan ee hawshan ay khusayso si loo helo xal waara oo lagu dajiyo xiisaddan aan loo baahnayn.

Ugu dambeyntii, waxaan faraynaa dhammaan xubnaha ONLF inay ka fogaadaan ka qayb qaadashada dagaalkan nooc kasta ha ahaato. Waxaan ugu baaqeynaa xubnaha JWXO in qof walba uu si firfircoon uga shaqeeyo sidii nabad iyo heshiis looga dhex abuuri lahaa labada beelood.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF)

Jigjiga, July 1, 2024

01/07/2024

Afhayeenka ONLF Halgame Cadaani Hiirmooge oo ka hadlay Dagaalkii Xaqa ah ee ka socda Galbeedka Siti.

01/07/2024

Abwaan Fidhin ilaahay cimriga ha udheereyo

01/07/2024

Dhalinyarada Liibiya lagu haysto dhibaatada haysata hadana laguma quus qaadan hayo

01/07/2024

Dhoolla-tuska Ciidanka Soomaaliya ee Dabaaldegga 1-da Luulyo.

Isku dirka iyo qabyaalada kala qaybinta dagaalada sokeeye waxaa ka koow ah Oadayaasha Deeganka ee uu u horeeyo Kan lagu ...
01/07/2024

Isku dirka iyo qabyaalada kala qaybinta dagaalada sokeeye waxaa ka koow ah Oadayaasha Deeganka ee uu u horeeyo Kan lagu magacaabo Kulmiye waa kala diree wuxuu nolol maalmeed kadhigtay Dhiiga shacabka

Mintid Media

Hanbalyo Hanbalyo Xooga Dalka SoomaaliaMudane ama marwo   soodhe Mintid Media mahad sanid
01/07/2024

Hanbalyo Hanbalyo Xooga Dalka Soomaalia

Mudane ama marwo soodhe Mintid Media mahad sanid

Xuska Sanad guurada OYSU oo ka qabsoontay Dagmada Imay-bari Waxaa si qurux badan looga xusay Dagmada Imay-bar ee Gobolka...
01/07/2024

Xuska Sanad guurada OYSU oo ka qabsoontay Dagmada Imay-bari

Waxaa si qurux badan looga xusay Dagmada Imay-bar ee Gobolka Shabeelle maanta Xuska Sanad guurada 14aad ee Aas-aaska Dhalinyarada Midoowga Ardayda Soomaalida Ogadeenia (OYSU)

Xaflada sanad guurada OYSU oo ay soo Agaasimeen Maamulka Dhalinyarada OYSU ee Dagmada Imay-Bari ayaa ka qabsoomay Xafiiska JWXO ee Dagmada Xaflada oo lagasoo jeediyay khudbado kusaab san Aas-aaska Dhalinyarada iyo geedi socodka Halganka Ogaadeenia ayaa kusoo dhamaaday jawi dagan

Xuskii Dhalinyarada OYSU oo ka qabsoontay Dagmada Dhanaan Maalinta xuska sanad guurada Aas-aaska Dhalinyarada Midoowga i...
01/07/2024

Xuskii Dhalinyarada OYSU oo ka qabsoontay Dagmada Dhanaan

Maalinta xuska sanad guurada Aas-aaska Dhalinyarada Midoowga iyo Ardayda Soomaalida Ogadeenia oo laga xusaayaay Gobolada Ogaadeenia iyo caalamka intiisa badan ayaa si heer sare ah looga xusay Dagmada Dhanaan oo kadirsan Gobolka Shabeelle

Xaflada sanad guurada 14aad ee Dhalinyarada OYSU oo ka qabsoomay Xafiiska Jabbhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenia JWXO ee Dagmada Dhanaan ayaa goor danbe kusoo dhamaatay jawi Nabtaadaysan

Waxaan aad iyo aad uga xumahay colaada kasocota Gobolka Doollo waxaan  baaq heerkayga Gobanimodoon u dirayaa Shacabka wa...
30/06/2024

Waxaan aad iyo aad uga xumahay colaada kasocota Gobolka Doollo waxaan baaq heerkayga Gobanimodoon u dirayaa Shacabka waalaha ah ee isku dilaya dhul cidla ah oo lama galay ah inay joojiyaan Dagaalka

Sidoo-kale waxaan ka codsanayaa wax garadka Gobolka Doollo inay arintan ka hortagaan ayakoo isu kaashan haya odayaal dhalinyaro aqoonyahan Culimo Iyo guud ahaanba Shacabku inay joojiyaan dagaalkan

Dhanka kale waa inay Dawlada Deeganku Gacan ka gaystaan sidii loo joojin lahaa dagaalka Gobolka Doollo Dadka ku dhimanaya bilaash macna la aanta ah kii dhintana khaaduma xumo ayuu ku dhiman kii dilana khaadumo xumo ayuu ku noolaan dhaarta qiyaamana ilaahay SWT ayaa kala xisaabtami

Hala joojiyo Dagaalka Gobolka Doollo
😭😭😭😭😭😭😭

Address

Garisa
Woqooyi Galbeed

Telephone

+251915139911

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mintid Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other Digital creator in Woqooyi Galbeed

Show All