08/07/2022
Hambalyo Munaasabadda Ciidda Barakaysan ee Ciidul-Alxa.
Anigoo ku hadalya magaca dhammaan xubnaha JWXO (ONLF), Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta, waxaan halkan hambalyo uga dirayaa dhaammaan umadaha Islaamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed Idilkeed ee adduunka dacaladiisa ku ciidaya, munaasabadda ciidul-Alxa. Waxaan Eebbe uga barayayaa inuu uga dhigo sanadkan mid barwaaqo, nabad-geliyo iyo muraadkooda san oo uu u sahlo.
Waxaan si gaar ah Illaah qaadira uga baryayaa inuu ummadda Soomaliyeed ee abaaraha, colaaadda iyo hiil la’aantu hayasato inuu dhibka ka saaro oo uu siiyo nabad-geliyo, barwaaqo iyo dowlad-wanaag.
Shacabka Somalida-galbeed (Ogaadeenya), waxaan ugu baaqayaa inay feejignaadaan oo colaadaha gees walba ka jira digtooni dheeri ah ka yeeshaan, iyagoo midnimadooda ilaashanaya oo aanay isdhigan. Itoobiya way holcaysaa, meel ay ku dambaynna Ilaah umbaa garan kara, marka waa inay tashi midaysan ka leeyihiin, qaabka loola jaanqaadayo isbeddellada Itoobiya ka socda oo dowlad, siyaasiyiin iyo shacabba foodda ay isa saaraan.
Itoobiya, wax bay kala qaybsanaysaa, way wadahadalaysaa, qowmiyad walba danteeday u suxul duubaysaa, qowmiyadda Soomaalidana waxaa mihiim ah in sida ay hadda tahay si ka duwan ugu feejignaato danaheeda oo aanay ka sugin cid kale inay mushkiladaha haysta u xalliso.
Dowladda Itoobiya, waxaa muuqata inay weli ula dhaqmayso dadka Soomaalida ah sidii iyaga oo ah dad dalka ku soo qaxay, oo ajnabi ah, oo axsaan loo falayo marka "lagu gudo-jiro nidaamka awood qaybsiga Federaalka” ama “arrinta amni-ku-noolaanshaha shacabka”. Wax walba oo Itoobiya ka socda waxay ka yihiin ka-dabatuur. Waxaad mooddaa in Oromo, Axmaaro iyo Tigray oo keli ah ay yihiin kuwa mustaqbalka Itoobiya saamaynaya oo wax ka beddelaya oo Soomaalidu tahay kuwa in loo taliyo oo keli sugaya.
Laakiin, taariikhda iyo Juqraafiguba arrintaas way beeninayaan. Marka koowaad; Soomaalidu waa qoomiyadda ugu dhulka weyn, qoomiyadaha ku hoos jira maammulka Itoobiya, dhulkaas oo halbowle u ah dhaqaalaha iyo isu-socodka Itoobiya, saamayn amnina oo weyna ku leh guud ahaan Geeska Afrika. Waa dhulka keli ah ee leh shidaal la hubo, indhaha caalamkuna ay si weyn u fiirinayaan, aadna loo danaynayo. Tiro ahaanna waa waa qowmiyadd Seddexaad.
Dhinaca siyaasaddana: dagaallada Dhulka Soomaalida ka billowda ayaa mar walba maamullada Itoobiya afka dhulka u galiya. Xayle Sellassie, waxaa afganbiyay ciidankii Soomaalida loo samaystay; Megisntu waxaa riday Jabhadihii Soomaalidu soo tababartay oo sabab ay u ahaa qaddiyadda Soomaalida-galbeed; Dowladdii ay Tigraygu xukumeenna waxaa afka dhulka u galiyay gacdoonkii ka bilowda dalka Soomaalida (Ogaadeenya) ee 23ka sano socday, JWXO na hoggaaminaysay, kaas oo sabab u noqday inay JWXO baraarujiso qoomiyadaha kale ee Itoobiya ku hoos jira, nidaamkii TPLF hogaaminaysayna meesha laga saaro.
Haddaba, Maanta oo ay ONLF heshiis nabadeed wada saxeexdeen dowladda Itoobiya, waxay suuro galisay taariikhda markii koowaad in xukunka Itoobiya ayna xagga Soomaalida xabbadi kaga soo dhacayn.
Marka dhayalsiga Soomaali la dhayalsanayo, kharash badan bay ugu fadhiisan doontaa maamulka itoobiya, haddii aan wax laga beddelin, inta dadka Soomaalidu ay weli wanaagga doonayaan, waayo xaq aad u badan ayaa kaga maqan Itoobiya dhinac walba.
Sidoo kale, waxaan u soo jeedinaynaa dhammaan qowmiyadaha Itoobiya in iyadoo qarnigii 21aad la marayo aanay qolona, qolo kale cabbudhin karin ee lagu wada noolaan karo in la isxurmeeyo, cid walba danteeda loo tixgaliyo, wax lawada leeyahayna ay dowladnimadu noqoto. Taas haddii la waayo, waa in ogaado, qoshahana lagu darsado in cid walba ay khasaarayso.
Waxaan fursaddan, ku cambaaraynayaa dhaqanka xun ee hadda Itoobiya ka socda, horayna u jiray, ee ah in shacab maati ah loo dilo dhalashadooda. ONLF waxay cambaaraynaysaa cid walba oo falal noocaas ah ku kacda.
Waxaan u rajaynayaa dowladaha dersika ah inay nabadgalyo iyo isfagarad u daneeyaa dhammaan shucuubta Geeska Afrika ee colaadu dilootay ay ka hirgasho.
Ugu dambayn, waxaan si gaar ah Hambalyo ugu dirayaa agoonta ay dhaleen shuhadaddii naftooda u huray Xoraynta Ogaadeniya oon weli ogahay inay dhibkii iyo rafadkii siidii weli u haysto, waxaanan u balanqaadaynaa qaddiyaddii waalidiintu u nafwaayeen in aynaan weligeen ka hadhi doonin, aynuna dabataagnaanno inta aayaha Shacabka Soomaaliyeed ee ku jira gacanta Itoobiya laga gacanta dadka iska leh ay ku soo ceshanayaan..
Ciid Mubaarak dhammaan!
Cabdiraxman M Sh Mahdi
JWXO