Golis Online

Golis Online GolisOnline.Com
presents accurate, fair and comprehensive information about Socioeconomic issues around Horn of Africa

Maareeyaha Dekedaha & Ninka Salaadiintu waddo ?Sababahan *Maxamed Jaamac Rooble* ma aha shaqsi u qalma inuu noqdo Maaree...
19/05/2025

Maareeyaha Dekedaha & Ninka Salaadiintu waddo ?

Sababahan *Maxamed Jaamac Rooble* ma aha shaqsi u qalma inuu noqdo Maareeyaha Dekedaha Somaliland.

Inkasta oo qaar ka mid ah salaadiinta xurmadda leh ee Beesha Ciise Muuse taageereen, haddana waxaa jira dhowr arrimood oo cadaynaya inuusan u qalmin jagadan muhiimka ah.

Ugu horreyn, waa shaqsi h**e ugu caan baxay taageerada adag ee xisbiga Kulmiye, taas oo muujinaysa in uu yahay qof aan la shaqaynkaraynin Madaxweynaha cusub ee Somalilan, waa shakhsi dano gaar ah ku dhex leh siyaasadda, halkii uu noqon lahaa shaqsi dhexdhexaad ah oo u adeega danta guud.
Sidoo kale, wuxuu ahaa wakiil u jooga Somaliland ganacsade Sacuudiyaan ah oo ka ganacsada xoolaha iyo maxjarada Berbera, taas oo su’aal gelinaysa daacadnimadiisa iyo dhexdhexaadnimadiisa, dhoofka xooluhuna waa ganacsiga ugu weyn ee dekedda, taasoo muhiim ka dhigaysa in la helo masuul aan kala jeclayn ganacsadata kala duwan ee Berbera adeegsada.

Intaa waxaa dheer, Maxamed Jaamac Rooble waxaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa ka ganacsiga hubka sharci-darrada ah ee ka yimaada Yemen iyo inuu qayb ka ahaa koox sirdoon aan sharci ahayn (Sirdoonka Leexsan), taas oo khatar weyn ku ah amniga qaranka in qof lagu eedeeyay arimahaas in loo dhiibo Maareeyaha Dekedaha Somaliland.

Inkasta oo uu leeyahay baasaboorka reer galbeed ah (Ingiriis ama Yurub), haddana ma laha aqoon sare ama xirfad maamul oo la hubo, taas oo si weyn hoos u dhigaysa awoodiisa hoggaamineed.

Dhinaca kale, Maxamed, Waxa uu ku dhow yahay Muuse Biixi, madaxweynihii h**e ee Somaliland, taas oo muujinaysa in uu u adeegayo dano gaar ah oo siyaasadeed halkii uu ka noqon lahaa hoggaamiye danta shacabka ka shaqeeya oo isbedel horseeda.

Waxaa kale oo muhiim ah in la xuso in beesha uu ka soo jeedo ay haysay maamulka Dekedda Berbera 34-kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ay hadda muhiim tahay in fursadda maamulka dekeddu lagu wareejiyo beel kale oo ka soo jeeda gobolka Saaxil ama Somalilandta kaleba si loo sugo sinnaanta iyo wadajirka bulshada. Xilka Maareeyaha Dekedaha Somaliland maaha xil reer Berbera gaar u leeyihiin, waa xil maamulaya dhamaan Dekedaha Somaliland aida Saylac, Maydh, Laasqoray, Lughaya (oo hadda la dhisayo), Ceel-Garde iyo Xiis.

Sidaas darteed, waa cadahay in Maxamed Jaamac Rooble (Maxamed Buur) uusan ahayn qof u qalma booska Maareeyaha Dekedaha Somaliland, maadaama uu leeyahay sumcad muran ku jirta iyo xirfad maamul oo aan la hubin.

Farah, who served at the Ethiopian Consulate in Garowe, was abducted from his residence and later found dead in the Gooj...
20/04/2025

Farah, who served at the Ethiopian Consulate in Garowe, was abducted from his residence and later found dead in the Goojacade valley, showing signs of torture and gunshot wounds

Lasanod, Somaliland – April 20, 2025 -The brutal killing of Ethiopian diplomat and security expert Farah Aided Jama in Laascaanood has intensified concerns over growing terrorist activity and milit…

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golis Online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Golis Online:

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share