27/12/2024
WARARKA MAANTA 27ka Diseebar 2024 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta:Waa meeqo qof oo isku-dhex jira Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Maxuu Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u diiday inuu dhiso ? Ma waxuu dhisayaa marka xilka laga xayuubiyo? Maxuuse u diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ahMadaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Maxuu Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u rabaa inuu la wareego guriga hooyooyinka Soomaaliyeed? Waa meeqo qof oo isku-dhex jira Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Maxuu Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” dagaal sokeeye uga horinaayaa iyo meelo farabadan oo kamid ah? Maxay beesha caalamka ugu diiday wax dhaqaallo ah Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Maxaa ka socda Iyo ? Yaa gardaran? Maxaa ka cusub mooshinka? Ha Wiqleyso!
Golaha Amniga 27ka Diseebar 2024 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka shiraya xaaladda amni ee Soomaaliya iyagoo dhanka kalena ka doodi doona Howlgalka Cusub AUSSOM kaasi oo dalka ka bilaaban doona sanadka Cusub 2025.
Golaha ayaa cod aqlabiyad leh u qaadi doona sida lagu dhisayo Howlgalka Cusub iyo sida uu u ekaanayo maadaama xilli kala guur ah la marayo waqtigaan dhanka kalena Mandate-ka ATMIS uu ku egyahay 31 December ee Sanadkaan.
Qabyo qoraalka lagu wado inay u codeeyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa hogaaminaya gacantana ku haya Dowladda Ingiriiska iyadoo warbixin hordhac ah oo xilligaan la helayo ay sheegayaan in 12,626 askar ah oo ay ku jiraan 1040 booliis ah la keenayo gudaha Dalka 1 Janaayo ee sanadka Cusub.
Howlgalka Cusub AUSSOM ayaa sida wararka lagu helayo waxa uu ciidankiisa kusoo daabuli doona Soomaaliya ilaa 30ka Juun ee sanadka 2025.
Dhanka kale kulanka maanta waxaa ka qeybgalaya Dowlaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo illaa iyo iminka la xaqiijiyay in Howlgalka Cusub ay ka qeybgalayaan Ciidamada Dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda, Brundi iyo Masar.
Si kastaba ha ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya dib loogu darayo Howlgalkaan Maadaama Ankara lagu dhameeyay xiisadii kala dhaxeysay Soomaaliya.
Muqdisho 27ka Diseebar 2024 Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay falkii Shalay ka dhacay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee lagu dilay Askar ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka.
Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala oo ka hadlay falkaasi ayaa tilmaamay iney geysteen Al-shabaab ku dhex jira dadka shacabka ah, si ay isaga horkeenaan beelahaha walaalaha ah.
"Maanta waxaa Ceel Baraf lagu dilay Ciidan ka tirsan Xooga Dalka Soomaaliyeed. Ciidankaas dadka dilay ayaga ayaa cadeeymaha iska duubay,sawiro iska qaaday. Waana la garanayaa. Waa Al-Shabaab ku dhex jiro shacabka. Ma adkaan doonto in si dhaqso ah sharciga loo horkeeno. Waxaan xasuusinayaa dadka aan metelo in Al- Shabaab ay noocyo badan yihiin. Sidaas darteedna ay ka shaqeeynayaan in ay Beelaha Walaalaha ah iska hor keenaan. Falka dhacay maanta waxaa geystay Al- Shabaab. Waana la soo qabanayaa In Sha Allah" ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dadka uu ku matalo Baarlamaamka Soomaaliya ineysan qaadin wax talaabo ah oo ay ka war sugaan Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.
"Argagixisado waxey rabtaa in Jihaadkii aan la galnay ay u bedelaan dagaal beeleed. Taasna waa in aan ka wada hortaagnaa" ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala.
Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto gobolka Hiiraan ayaa dhankiisa ku tilmaamay weerarkii Ceel baraf mid gumaad ahaa.
"Allaha u naxariisto askarta shuhadada ah ee sida arxan darada ah loogu gumaaday Ceel baraf, taliska xoogga Dalka waxaa laga rabaa jawaab deg deg ah in ay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha arxanka daran ee falkaas geystay si looga badbaado dhiig kale oo daata" ayuu yiri Xildhibaan Buraale.Xildhibaan Buraale ayaa sidoo kale maamulka Hirshabeelle ku eedeeyay inuu qeyb ka yahay colaadaha kusoo laablaabtay deegaanada maamulkaas.
"Waxaan aad uga xumahay kuwa sheegta maamul ku sheega Hirshabelle ee qeybta ka ah colaadaha iyo isku dirka dadka walaalaha ah hadane dhahaayo nabadeyn ayaan wadnaa in bulshada ay ka fogaadaan dhagartooda, inta ay bulshadaas hor fadhiyaan waxaas iyo wax kadaran ayaa ka imaan doono" ayuu yiri Xildhibaan Buraale.
Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa ugu baaqay Taliska Xoogga Dalka in ay tallaabo deg-deg ah ka qaadaan gacan ku dhiiglayaasha si loo xaqiijiyo caddaalada, loogana hortago in aan la baneysan dhiigga askarta u taagan la dagaalanka Alshabaab.
Hadaladaan kasoo yeeray Xildhibaanadaan kasoo jeeda beesha Xawaadle ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay galab deegaanka Ceel baraf lagu dilay ilaa 6 askari oo ka tirsana Militariga Soomaaliya oo aano qabiil loogu dilay iyagoo kusii jeeday gobolka Hiiraan.
Muqdisho 27ka Diseebar 2024 Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Talo-wadaag ah kula qaatay qaar ka mid ah Dhallinyarada, Aqoonyahanada, Bahda Caafimaadka iyo xirfadleyaal kale.
Kulankaan ayaa ujeedkiisu ahaa si uu guddoomiyaha gobolka Banaadir qeybaha kala duwan ee bulshada uga dhageysto talooyinkooda iyo aragtidooda ku aadan horumarinta caasimadda.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay talooyinka iyo aragtiyo la xariira maamul wanaaga, amniga, nadaafada, caafimaadka, waxbarashada, dib u eegista adeegyada ay bixiso dowladda hoose ee Xamar, dib u furista waddooyinaka dhagxaanta ku go’an iyo ilaalinta dhulalka danta guud.
Sidoo kale waxaa kulan kagu soo bandhigay xal u helida maareynta biyaha, dhismaha waddooyinka, hirgelinta nidaamka doorashooyinka dadweyne iyo xoojinta la-dagaalanka musuqa.
Duqa Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in hirgelinta siyaasadiisa uu ku biirin doonno talooyinka ay caawa soo gudbiyeen dhallinyarada iyo aqoonyahanada, si uu u fuliyo qorshe si wadajir ah ugu yimid bulshada caasimadda.
Waxa uuna ka codsaday in lagala shaqeeyo laguna garab istaago sidii magaalada Muqdisho uu ula tartan siin lahaa magaalooyinka kale ee dunida.
Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir oo dhawaan la wareegay xilka ayaa dardar-gelinaya howlaha shaqo ee loo igmaday, xilli dadka reer Muqdisho ay muujinayaan inay weli maqan tahay kaalintii gobolka.
Suutiya 27ka Diseebar 2024 Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay, in duqeymo xagga cirka ah lagu garaacay gegida diyaaradaha ee ugu weyn Yemen Khamiistii, xilli uu doonayay inuu halkaas ka dhoofo.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof lagu dilay tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, weerar ay Israa’iil ku qaadday garoonka caalamiga ah ee caasimadda Yemen ee Sancaa.
Wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku sugnaa garoonka Khamiistii iyagoo sugayay inay ka dhoofaan markii ay duqeyntu dhacday, waxaana ku dhaawacmay shaqaale ka tirsan Laanta Adeegga Hawada ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Stephanie Tremblay.
“Taawarka laga hago duulimaadyada hawada, qolka nasashada – oo wax ka yar mitir u jira meeshii aan joognay – iyo dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ayaa duqeymuhu waxyeeleeyeen,” madaxa WHO ayaa ku yiri fariin uu soo dhigey bartiisa X.
kooxdii Qaramada Midoobay waxay ka tageen garoonka waxayna ku sugan yihiin goo boo ku taala magaalada Sanca oo “ammaan ah waana ay caafimaad qabaan” shaqaalihii dhaawacmayna waxaa lagu daweynayaa isbitaal, ayuu yiri Tremblay.
Tremblay waxa uu sheegay in qiimaynta burburka gegida diyaaradaha la samayn doono subaxnimada Jimcaha si loo eego in Tedros iyo kooxda Qaramada Midoobay ay ka bixi karaan Yemen.
Tremblay waxa uu sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu cambaareeyey kororka weerarrada u dhexeeya Yemen iyo Israa’iil, wuxuuna sheegay in weerarradii Khamiistii lagu qaaday garoonka caalamiga ah ee Sanca, dekedaha Badda Cas ee Yemen iyo xarumaha korontada ay ahaayeen kuwo walaac leh”.
Ciidanka Israa’iil ayaa markii dambe u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press inaysan ka warqabin in madaxa WHO ama wafdigu QM ah ay joogaan Yemen.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen kaabayaasha ay adeegsadaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ku sugan garoonka caalamiga ah ee magaalada caasimadda ah ee Sanca, iyo sidoo kale saldhigyada korontada iyo dekedaha, iyaga oo ku eedeeyay in ay u adeegsan jireen in lagu soo raro hubka Iran iyo in ay ka soo galaan saraakiil sare oo Iiraaniyiin ah.
Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan oo ay ilaaliyaan rayidka iyo kaabayaasha rayidka, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, ayuu yiri Tremblay.
Guterres wuxuu ku baaqay in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka militariga iyadoo la muujinaayo “xakamaynta ugu badan,” ayuu yiri Tremblay.
VOA
Muqdisho 27ka Diseebar 2024 Kooxda Al-Shabaab ayaa qirtay dilka horjooge sare oo lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Kunyo-Barrow ee yobolka Shabellaha Hoose.
Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mire Jaamac oo sidoo kale loo yaqaanay Abuu Cabdiraxmaan ayaa ahaa wakiilka kooxda ee Gobollada oo ay hoos-yimaadaan waxa ay ugu yeeraan “Wilaayaadka Islaamiga”.
Ninkan ayaa kamid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee kooxda, sidoo kale wuxuu mar soo noqday hoggaamiyaha kooxdii jabhadda Caanoole ee Jubbooyinka lagu aas-aasay sanadkii 2007, balse markii dambe ku biirtay kooxda Al-Shabaab.
Maxamed Mire Jaamac ayaa waxaa shalay lagu khaarajiyay howl-gal gaar ah oo si weyn loo qorsheeyay, kaas oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa in muddo ah ku raad-joogay horjoogahan oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa jira horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo dowladda sheegtay in dhammaantood la haayo macluumaadkooda.
Si kastaba, Horjoogahan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu sareeyay ee kooxda ee howl-gal lagu dilo muddo labo sano, iyadoo sanadkii 2022 howl-gal duqeyn ah lagu dilay Cabdullaahi Yare oo madaxiisa mallaayiin dollar la dul-dhigay.
Qaahira 27ka Diseebar 2024 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa qabatay kulan heer sare ah oo ay ka soo qeyb-galeen aqoonyahanno Soomaali ah, kaas oo khuseeyay heshiiskii Ankara ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Kulankaan xasaasiga ah waxaa isugu yimid mas’uuliyiin iyo khubaro caan ah, si ay u qiimeeyaan saameynta heshiiska Ankara ku leeyahay iskaashiga gobolka, iyadoo diiradda la saarayo dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo diblomaasiyadda.
Soo bandhigidda fikradaha kulankaasi oo uu daadihinayay agaasimaha xafiiska qurbajoogta Ibraahim Guure Maxamed ayaa lagu muujiyay sida hagar la’aanta ah ee ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo horumarinta hadafka istiraatiijiyadeed ee siyaasadda dibadda.
Kulankaasi oo inta badan lagu fallan-qeeyay isbarbar-dhigga nuxurka uu xambaarsan yahay baqii Ankara waxaa ka qeyb-galay wasiirka arrimaha dibadda, Danjire Axmed Macalin Fiqi, wasiir ku-xigeenka Isaaq Maxamuud Mursal, xoghayaha joogtada ah Xamza Aadan Xaadoow iyo ku-simaha safiirka Sudan Danjire Ammar Ahmed Babiker.
Heshiiska Ankara, oo garwadeen uu ka ahaa madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa muhiim loogu arkaa hagaajinta xiriirka labada dal, oo muddooyinkii dambe ay ka dhaxeysay xiisad xooggan.
Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muujinaya isku soo dhawaansho wax weyn u tari kara xiriirka labada dhinac, iyadoo la rajeynayo in dhawaan iskaashi cusub oo dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah uu dhex-maro.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddo dheer isku khilaafay arrimo badan oo siyaasadeed iyo istiraatiiji ah, waxaana heshiiska Ankara iyo kulamada xigga la filayaa inay ka dhashaan horumar dhab ah oo dhex-mara labada dal.
Muqdisho 27ka Diseebar 2024 Dowladaha Masar iyo Eritrea waxay si buuxda ula safteen Soomaaliya kadib markii Itoobiya isku deyday inay qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya.
Labadaan dal waxaa dhinaca kale Itoobiya kala dhaxeeya khilaafyo ku qotoma danahooda gaarka ah. Saddexda dal ee Masar, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa dhawaan dhistay isbaheysi saddex geesood ah oo ka dhan ah Itoobiya. Waxayna Masar iyo Eritrea qeybsadeen sida loo taageerayo Soomaaliya.
Masaarida waxay qaateen taageerida dhinaca hubka, halka Eritrea ay qaadatay inay Soomaaliya u diyaariso ciidan xoog leh. Labadii waddan iyagoo shaqadoodii ku jira oo la xasuusto inay Masaarida laba markab oo hub ah geeyeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayuu dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheekh heshiis lasoo galay dowladda Itoobiya bishaan, isagoo u fasaxay inay soo gaaran biyaha Soomaaliya.
Xubnaha Xasan Sheekh ku dhow-dhow iyo diblumaasiyiinta gobolka iskuma khilaafsna in uusan Xasan Sheekh wax wargelin ah siinin madaxda Masar iyo Eritrea, maadaama ay shirko ku ahaayeen la-dagaalanka Itoobiya.
Labada dowladood ayaa la sheegay inay lama filaan ku noqotay inuu Xasan Sheekh u quuri waayey inuu u sheego in heshiis noocaas ah uu galayo, si looga doodo waxa ka dhalan kara iyo haddii uu sii shaqeyn karo isbaheysigii saddex geesoodka ahaa.
Markii uu heshiiska dhacay kadib oo Xasan Sheekh uu ogaaday inay dowladihii saaxiibadiis ah ka xanaaqeen hab-dhaqankiisa ayaa la sheegay inuu telefoono ku raadiyay.
Hadda wafdi ayuu u direy Masar, isagana wuxuu aaday waddanka Eritrea. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu isku dayaya inuu dejiyo labada dal, laakiin waa adag tahay in la helo caqliyad aad ku wada haysan kartid Masar, Eritrea iyo Itoobiya oo ah saddex dowladood oo dano u gaar ah isku haya.
Masaaridu waxay dhamaadka bishaan usoo diri rabeen magaalada Muqdisho markab saddexaad oo hub ah oo kuwii h**e ka weyn. Mana cadda inuu hadda qorshahaas dhaqan-geli doono.
Sidoo kale waa markii labaad ee uu Xasan Sheekh ballan uga baxo Masar. Waxaa la xasuusta inuu hadda kahor heshiis baddeed la gali rabay Masaarida oo Cabdifataax Al-Siisi uu Xamar imaan lahaa, balse Xasan Sheekh ayaa ka laabtay qorshahaas, wuxuuna heshiiskaas la galay Turkiga.
Dhinaca Masaaridu waxay xilligaasi in heshiiskii looga baxay kasoo ogaadeen dhinaca Turkiga. Dad badan waxay hadda isweydiinayaan inay Masaaridu mar saddexaad aamini karto Xasan Sheekh.
Waxyaabaha lagu ballansanaa horraanta sanadka cusub waxaa kamid ah inay madaxda Masar, Soomaaliya iyo Eritrea isku arkaan magaalada Qaahira ee waddanka Masar.
Sida uu kulankaas u qabsoomi doono hadda su’aal badan ayaa ka taagan, maadaama ay Itoobiya si weyn u diidan tahay inuu isbaheysigaasi sii jiro.
Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu rabo inuu isbaheysigaasi qeyb kasii ahaado waa inuu dhinaca kale ku xisaabtama in uusan niyad wanaag iyo wada-shaqeyn ka heli doonin Itoobiya. Waa inuu labada dhinac mid u beera.
Masaaridu si guud cilaaqaadka kala dhaxeeya dowladda federaalka waa jirayaa, laakiin markaana shuruudo iyo taxadar ayaa ku jiri doona la-macaamilkooda Villa Somalia, maadaama uu batay guur-guurka Xasan Sheekh.
Wafdiga wasiir Fiqi ee tegay magaalada Qaahira marka laga tago howlaha yaryar ee kulamada lagu qurxinayo, haddana doodaha waaweyn ee gobolka taabanaya ee labada dal u dhaxeeya waa arrimo u baahan in dhinaca heer madaxweyne laga eego.